Cuqdada ninkeedii, FB 06-09-2018
Nin isagu is ciil baday, Cududdaha is kala jaray,
isu dhiibay cadawgii, Cidla oohin tiisiyo, 
maxay tari cargaagani,

Cuqdada ninkeedii, Ciribteeda hoogiyo 
Ciqaabteeda wuu heli,

JAWAAB:

Waa runoo catawgani, waa Calaannimo iyo,
Caqli xumida aabbaheed, bal markuu Carruurtiyo,
Cirroolaha xasuuqayey, muxuu Codka culummiyo,
Cibaadada u diidayey?
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk