Caqli taliya bal inuu Cilmigu Jaahil caawiyo, 28-04-2018 klfFacebook
Cisha noolba waayuhu wax bay, kuu cabbirayaane,
waa caadadiisoo adduun, gelinba waa cyane,
ciddi malax leh yaan caabuqeed, caawa ledi waayey,
caloolxumo sokeeyaan arkaa, cabasho taahaysa,
cidlo kala taggiinnaan ka baqi, cidiba meel aadka,
is cadaadintaa hoose waa, cudur ad leediine,
ciifada cadaab inu u galo, waa rag camalkiiye,
Cumar-dheerba waatay darraad, caro dhaqaaqeene,
celiyaayna lama oran intoo, ciidan loo diraye,
maantana cashiiroy cuqdadi, yaanay kala geynin,
culummiyo cirrooliyo intii, ciidda wada joogta,
ee Caadil wada dhaliyayow, maqal codkaygaane,
Caqli taliya bal inuu Cilmigu, Jaahil caawiMAYO!

JAWAAB

Intuu cudur qabiil iyo jufays, mirani cuurkeenna, oon carruur xasuuqayno oon, ciiska gelinayno, cirrooluhuna caaqnimo darteed, caayga daadinayo, nana kala celaayoo ajnebi, nugu ciyaaraayo, caqli taliya waa calaacashoo, timo cufeeyaane, cashiiradan lahaayow Khaliif, cabashadaan jooji. kama wado ciddoon quus gelshoon, nabad ka caagshaaye, cillad bixiski baan daba gelaa, caabuqaan qoraye, cudurkaas qabiil ee sababi, kala carrawgeenna, waxa lagu cabburiyaa weliba, ciribtirkiisiiya, cidahey ka timid hooyadeen, lama cadaabaanki, een ku caasinnoon kaba dhignaba, cadawga qoomkeenna, cafis markaan ka doonnuu walaal, caafimaad imane, oo cadawga ina kala dhacshaa, hari cadaabkiiye, catawgaasi aan wadan dadaal, jooji camalkiisa! --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk