28-1-2018
Allahayoow badbaadshoow adaa,  baylahda ilaalsha
Boqorkii na uumoow adaa,   Baahi tirihiiya
wax bariiyihiiyow adaan,   Cidi wax kuu biirin
adaan baahan oon biyo cabino,   buuxa oo qaniya

Allahayoow Bidhaantiyo wixii,  Badanka hoos yaalla
Barta muuqatiyo tii qarsoon,  kii og baad tahaye
inkastoonan badi fulin Alloow,  Amarradaad bixisay
balse aan Addoon ahay ogsoon,  Ballan inuu qaaday
baryadey ajiib Baaqiyoow,  Baari' baad tahaye

Allahayow balaayada xijaab,  Buunkan la afuufay
ma baqdow adaan kugu baqdaye,  haybaneeyn cadawga

---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk