Ba'aaga siyaasiyow, maxaad xaq ka bayrsantahay, 13-05-2018
Anigu waxaan ahay Borne,  buruujka allaan wataa
Bahdayduna waa xaqdoon,  Aqoon is bidow waryaa,
ilaash xaytaa tahee,  xikmada eebbaan wataa,
garaad bisil baan sitaa,  ninkii boogi ay ku taal
aniga wuu iga baqaa,  caddaalad u baaqe iyo,
run kama bayraan ahoo,  buuggayguna waa nadiif

haddaba beel daajiyaha,  siyaadadda baahiyow
adoo buktadayda jecel,  bareeraha igu jiriyo
murtida aan kuu bandhigo, 

ba'aaga siyaasiyow, maxaad xaq ka bayrsantahay
ba'aaga siyaasiyow, muxuu war aad baahisaa,
afkuun baarkiisa yahay,
ba'aaga siyaasiyow,  wixii shalay kula billaa
maxaad berri diiddantahay,
ba'aaga siyaasiyow,  maxaad lib u baahantahay
walaalkaana ugu bogin,  haddey waayuhu boqraan

ba'aaga siyaasiyow, waxaad ku badhaadhi layd
dad maanku basaasayoo,  aqooni ka baaba'doo
garaadka bistii ahoo,  marnaba aan baraarugayn

ba'aaga siyaasiyow, waxaad ku badhaadhi layd
qofkaan u bogayn falkaa,  bulshadu inay wada nacdee

ba'aaga siyaasiyow, waxaad ku badhaadhi layd
bayt tiriyaha iyo abwaan,  inuu kuu bayraqoo,
ammaantaada baahiyoo,  busaylkaagun ku jiro
barqana uu kaa hor iman.

JAWAABTAYDA:

Baarriyow abwaan khaliif, siyaasigaad u baaqi eed, war baraarug aad ku tiri, wuxuu Been daldalana tiri, afka baar un bay ka tahay, Baaritaanki aan u galay, afka baarki kamay ahee, waa ka daacad Baarrankuye, balse hadalka uu dhahaan, dhegta Bidixi ay maqlayn, haddii uu Bidhaanta iyo, Bishimaha dad uga egyahay, xubnihiisan buuxa iyo, dharka Boqolka jaako iyo, Samsunaytka Boorsadiyo, Garabaatiga Bunniga, Bu'da dhexe wax kuma jiraan, waa faaruq Baas dhex yaal, sixir ay ka buuxiyeen, duul aan cid u beer naxayn, hadduu Bayt ammaana iyo, heesaha u bayraqana, kacaankii Bullaale iyo, kuwii nagu bilaaliyee, sacab beena tumi jiru, Beryahoodi moodayaa, waxaseen ka dhicin Bahdaa, oo weli nugu baahsanoo, Bogga noo dhigaa dhulkoo, noo loogi bahalahan, waa barakallaay qabiil, Qabuuraha ku booyayoo, Barax siisanaa dalkiyo, Dadya Diinta Baari'ey, ee Baarriyow middaas, Jirdaha maan bixinno aan, beryo samo u laabannee? --------------------- Max'ed Cabdi aamaguul@hotmail.co.uk