Allow Awal baad tahoo, 26-02-2018
Allow awelbaad tahoo,  Allow aakhir baad tahoo
Awooddaadaa Allow,  ahaada waxaad tidhaa
Ahaadaan ooy ahaan, siduu amarkaagu yahay

Addoon baan ahay allow,   ku caabbuday keli ahaan
Allow Ergeygii furqaan,   Allow amarkaaga sidey
Alloow ka addeecayoo,   ku aaminay baan ahee
Ogaal badanow Alloow,   waxaan afka soo marshiyo
wixii uurkay Ku jira,   adaa maslaxada ogsoon

Itaal badanow Allow,  waxaan oogsadey baryee
ma iishow iga ajiib,   Allow aqalkii Jannada
Allow uduggiyo nimcada,  Allow xasanada ifkiyo
mid aakhiro noogu deeq
---------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk