Dawaan u sidaa
Dareen yaridaada, Naftaada ku daahan,
Nacaybka Dadkaaga, Canbaar ku dul tuurka,
Muqdisho daba roorka, Hargaysa ka doodka,
Sokeeye ku duulka, Shisheeye danaynta,
Mawliid doqoniimo, Daboolka ku saartay,
Dawaan u sidaaye, Qalbigaw diyaari.

JAWAAB aamaguul 23-09-2017:

Awxaadhe Daliisha, Abwaan dirirkaagu, Mawliid la dagaalku, Dareen li'idiisya, Dallaalka ku sheeggu, maw yeerka dadkiisa, Somaali dayowday, Dabaylaha raacday, doondoonista tiisya, ohoow dumiddiisa, Mideyn ku dadaalka, Dibboodka ka dhawrka, miyuu Deri baasya, Dadduucyo ku yeeshay, hadduu Awdal diiday, asuu Xamar doontay, Dembuu galay taase, Daliil ma u keeni, hadduuse Dirkiisya, Hargeysa dammoodo, Xamar ka dan yeesho, amuuse Dalkiisya, Walaalki u doodo, ma Diintu ka booday, Shisheeye daneeyey, Dadkiisa necbaystay, amaad yar dammaadday, ood Hawshiyo Daalka, Dukaanka dartiisa, Dubaab ku riyootay, oo aad nin dudaaya, Dubeey hawadeeda, Diyaarad ku jooga, Hummaagti dammootay, oo aad Diracaagi, dantaadi hagaayey, Mawliid dahabowya, Nin doorki ad moodday?