Dabagaalle
Haday doqoniimo, naftaada dilayso,
hadaad ummad doora, afxumo u dirayso,
ka daad ku yidhaahda, hadaad ududayso,
adoo is dedaaya, dibad ka baqaaya,
docdii aqalkeena, hadaad ka dayaanto,
damiir xumo weeyi, dadkaana ku sheegi,
hadaad dibi fuufle, duqaygan ku sheegtay,
inaan dabagaalle, dubbaha kugujiido,
jidhkaa iska diiday.