Asaaggeen inaan hiigsannaa waa Habeen tegey..
Haddii Hoyga Soomaaliyeed, lagu heshiin waayey,
haddii Haykalkii Dawladnimo, loo habrami waayey,
Habeenkiyo Dharaartii hadduu, Harase qiiqaayo,
Dhagar qabe harraadiyo hadduu, Haatuf talinaayo,
Aqoonyahanka Haybsooc haddii, Hebello loo laayo,

Waayeel hawaariyo hadii, Sebi la huubeeyo,
Hubka culus Agoomaha haddii, lagu hig siinaayo,
Huqda Ciilka Naagaha haddaan, Cidi hinqaarmaynin,
Hagartiyo dhibaatada haddii, Horumar loo qaatay,
Haybaddii Dalkeenniyo la waa, Hoodo Nololeede,

Daranyaal Hoggeedii galniyo, Jab iyo Haydaare,
Hororkiyo Yaxaaskaan u nahay, Hilib ay quutaane,
Asaaggeen inaan hiigsannaa, waa Habeen tegaye,