Gacal Xigaal waaga
Araar ganan tilmaan giigsan iyo, Ga'da tusaalaynta,
jibaad guuxa goofaartankiyo, goohihiyo reenka,
gama' diidka soojeedka go'a, geesna qaban waaga,
Gogol xuurka galalooti dhaca, galalaf soo boodka,
galiilyada gamaahiir dugsiga, gacal xigaal waaga,
gurmad li'ida gabalaaxsashada, gego bannaan joogga,
waji gabaxa gawriirsashada, geed hadhgali waaga,
sawirkaa guduudani anuu, gooni ii yahaye,
cidna gacan macaan kama fishiyo, hanasho guuleede,
gargaar waxan ka sugayaa, Allaha laga gaboobayne,