Gabay baroor diiqa oo Awxaadhe u tiriyey Geerida Abwaan Axmad Saciid Diiriye (Afguriye)
Axmed dhoollahaygiyo, Dhabarkiyo laxaadkoow,
dhaayaha wax araggiyo, dhegahayga maqalkoow,
dhudhun kayga midigtiyo, dhinacayga bidixdoow,
addimada dhaqaaqiyo, Dhuuxiyo curuuqdoo,
dhadhankiyo dareenkiyo, dhuuntiyo quluubtoow,
sanbabbada dhexdoodiyo, beerka dhiigga qaybshoo,
dhildhilada kelyaha iyo, Wadnahayga dhilanoow,
dhamaantood abwaannada, kaan ka dheehanaayee,
maansada dhibteediyo, dheefba ila wadaagoo,
nacas laguma dhaatoo, dhaxan kaama celiyee,
maskax dhugashadeediyo, dhakhtarkii aqoontoow,
dhayal kuma cadhoodow, dhawrsade saciidoow,
dhiggi kama cabsoodow, dhiirranow afgudhiyoow,
adi dhimashadaadani, waa dhabar jabkaygee,
luxudkii dhadhaabtii, marka iilka lagu dhigo,
Allow dhamacda naartiyo, wax ku gubaya kaa dhawr,
jannadii dhalaalkiyo, dhadhankaba macaanayd,
dhinaceeda lagu gee, naxariisan dhammaanayn,
Rabbi dhabanka kuu saar, dhallaankiyo haweenkii,
dhulka kaaga hadhay ee, naxdintani ku dheerayd,
Ilaah samir dhammaanayn, iyo dhereg ay mahadshaan,
Dhiilaha ha ugu shubo.

samir iyo iimaan alla ha inaga siiyo
assalaa.my calaykum warraxmatullaahi wabarakaatuhu