Gabaygii Xog-warran
Kacaankii waxay kugu xantaan xididdadiisiiye
xisbigaa ninkii dumiyey bay kugu xariiraane
& Abwaan Axmed Saciid Diiriye (Afguriye)

Abwaanka abwaannada maanta Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-guriye) oo ka jawaabayey su'aal la weydiiyee ahayd maxaa kuugu dambeeyey ama shicibka iyo dowladda somaliland ma isla haystaan wuxuu ku jawaabay: MP3 ama YOUTUBE "Waa laga yaabaa in dadku is fahamsanyihiin iyo dawladdu, laakiin arrinta jirta ee anigu aan arkay is-fahmi waa maaha, ee waxad mooddaa in ay Siysasiyiintuna shicibka siyaasaynayaan, shicibkuna siyaasiyiinta siyaasaynayaan, sababtoo ah dadka shacabka ahi marka ay la joogaan dadka masuuliyiinta ah dhacdada runta ah iyo aragtida iyo fikirka uu qabee dhabta ah uma sheego, markuu ka tagana fikir kale ayuu la yimaadaa oo hadalkii uu la hor joogay aan ahayn, arrintaas sidaa u taalla ayaa anigu ka sameeyey arrinkayga ugu dambeeyey gabayga magaciisa la yiraahdo Xog-Warran, gabaygaasi waa dheeryahay 80 ilaa 100 buu noqon karaa, hase ahaatee anigoonan wada hayn ama halkuu ku qorraa aan sidin baan jeclahay inta hadda aan xasuusnahay inan ku sii xasuusiyo oon kuu sheego". Haddii aan halkaa uga gudbo ereyadii abwaanka, abwaanku wuxuu ku caddeeyey maansadan Xog-warran in marka ay shicibku hor joogaan masuulka ay ay ammaan been ah ku xariiraan oo ay sidii xariirtii ugu qurxiyaan, marka ay ka tagaanna ay xantaan oo ay ku xantaan waxa dhabta ah ee ay ka aamminsanyihiin, dabcan tan ay ku xamanayaanna waa sida xaqiiqada ah ee jirta marka laga reebo in yar oo ay arrimo kale keeni karaan, wuxuu yiri: Bismillaahi Raxmaani Raxiim: Nin xil qaaday eed qaadye kaan, aayahaw xulannay, een xamilka saarnow dadkii, xarigga kuu dhiibtey, waxay kugu xantaan inad xigtiyo, xayn yar korisaaye, inad gaar cidnaw xananninay, kugu xariiraane, Xunxun iyo waxay kugu xantaan, gaalo dabo xiine, xaafidul quraan diiniyey, kugu xariiraane, Ma xisaabtamey kugu xantaan, xaalka jira mooge, xeegada nin aad ula socdey, kugu xariiraane, Bilaash xayte waxay kugu xantaan, gaabsha xawliga e, xawaaraha nin dheeraynayey, kugu xariiraane, Kursi xoog waxay kugu xantaan, sheeko xubin weyne, nin dadkiisu taajka u xirey, kugu xariiraane, Xabaal nololiyey kugu xantaan, xaaqay aadmiga e, xabag nugulle xamasta u turey, kugu xariiraane, Xulad ololiyey kugu xantaan, xaabo baas shida e, nabad ku xamde xuuraan nacay, kugu xariiraane, Xagliyiye waxay kugu xantaan, xag u janjeeraaye, inad eexo xaasha ka tahey, kugu xariiraane, Xuntamiyo waxay kugu xantaan, reer u gogol xaare, nin xiskii qabiil laga xaley, kugu xariiraane, Xodxotiyo waxay kugu xantaan, xamar u sii jeede, nin xaggaaba daymoonnin bay, kugu xariiraane, Kacaankii waxay kugu xantaan, xididdadiisiiye, xisbigaa ninkii dumiyey bay, kugu xariiraane, Nin xanaaq dhow bey kugu xantaan, on xammilin eede, nin xurriyatul qalwlka oggol bay, kugu xariiraane, Waxba yaan xujiyo yaab warramin, boogo xadantayne, xaqiiqadana ka sheekayn haddey, niman xali hakayne , -------- xog ogaalna waayaha u noqon, eedda xaabsadaye, xumaan iyo samaan tii u rabo, labada xaaloodba, xag kastaba masuulka u xorow, xiisad baa shidane, maxaa xala xarraantoo bulshadu, waa xakama goyse ? Toos u daawo Abwaanka - ref