Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-guriye)

Jaceyl Tala yari ku beermay, Taariikh xumada iga raacday,
Sooyaalka ha iigu taallo,                    

Tallaabo degdeg aan u qaaday, sidaan ugu turunturrooday,
Tusaalo ha ii ahaato,

Intaa Sameeyeen tusmeeyey, sidaan ugu tacab qasaaray,
hubsiimo ha ii tilmaanto,

Tagtadu casharkey ii dhigtiyo, Haddaan taallada dhacdada,
ku taamilo qaadan waayo, Tasoobaye halla iga quusto,

Kalgacal togasho iyo xulasho, ku taabbo qaadoo adkaaday,
Wanaag isi soo taraayee,

Tixgalin badan iyo Xaqdhowr, Dareemo ku talax tegoo,
Toolmooni kuwada dhaqnaaa,

Waxii Samo noo Tis qaaday, Haddaad ka tallaabsatoo,
Tu' aan kaa fileen ad yeeshay,

Tagtadu casharkey ii dhigtiyo, Haddaan taallada dhacdada,
ku taamilo qaadan waayo, Tasoobaye hala iga quusto.

Lyrics by Masuul.com
ref