Qof baahan qofkii u baahda & Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-guriye)

Balaayo markay hillaacdo, Ba'yaale hubkiisa qaato, Ba'naani ay soo dhawaato, Ba'ya Basanbaas aloosmo, Boqorka Boqortooyadiisu, lahayn Billowya dhammaasho, loo baahdaha cid an u baahan, Badbaadshaha laga badbaadin, Baaqiga keligi haraaya, in laga biqi tahay yiqiinta, in lagu baqdo tahay hanuunka, Baxshaha wuxuu bixiyo waayin, lahaanshuhu kuu u buuxo, ayaa birmad laga sugaahe, qof baahan qofkii u baahda, yaa Talo weyn u baahan. ref