Maansadii Oday biiqay & Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-guriye)

Abwaan Af-guriye warayse lala yeeshay ayuu wuxuu uga jawaabay sidan: - MP3 - Youtube "Waxan maansadan ODAY BIIQAY ugu magac daray nin oday ahaa oo la oran jirey oday biiqay oo jirey waqti uu ninkaasi ahaa badbaadiyaha ummad dhan, waqti adkaa, waqti ay burjuwaasiyadu dhibaato badan ku haysey dadka ba ajirtey, wuxuu ahaa nin isagoon muuqan oo cabsanaya , waayo dadnimada iyo maskaxda wanaagsani kuma badbaadiso keliya inay awood leedahay, farsamo badan oo ay wax ku badbaadiso inay leedahay baa halkaa ka muuqata markaad sheekadaas oday biiqay hesho, waxaana la oran karaa waa waxyaabaha ay soomaalidu xaddaaradda ku leeahay, markay oday biiqay ka sheekaynasyo waxaa lagu tusayaa inaadan is oran, adigu maanta ma qaban kartid, ma yeeli kartid, ma lihid, ma tihid, adugu maadaa nin aqoon leh ah, maadaa xoogba u haya, maadaa dhaqaale u haya, maadaa maanta awood lahoo dawlad iyo waxaaya, maxaad qaban kartaa, sheygaas ayaa lagaa saarayaa. Oday biiqay waa ninka isagoo Oli ama Kiish ku jira haddana dawlad dhan oo xooggeedii leh oo jirta ayuu ka adkaaday oo iska celiyey, marka waxba yaanan hadalka kugu sii badine ninkaas baan maansada ugu magac daray, isaguna aniga ayuu ila talinayaa, ninkaa oday biiqay ah oo waagaas jirey ayaa isaga oo kiishkii ku jira aniga oo khaldan i helay, wuxuu ii tilmaamayaa war waxyaabahan aad la kadeedantaheed la burburayso, waxyaabahani dhibka kuugu wacan waa markii waxaas iyo waxaasi dhaceen, waxayna ku billaabanaysaa:
Aheey oohadiyo yeerka, ayaamaha sheekadooda
waqtiga ifafaalihiisa, jawiga saadaasha aawin
falagga soo eeddankiisa, nawriiskan abbaaninaaya
markuu alfiyada ka faalshay, ninka u haray abasadiisa

abraarada bootintiisa, ishiisu dhankey u jeeddo
itaalka waxyeelladiisa, halkey eebadiisu gaari
igarkuu ii moolisaayo,  halkuu isirkii ka joogo
awrkii lagu daray kaliisha, aroorta dhakey u sooftay
intey geedaha ka daaqday, waxay ummushee dhasheeda
wuxuu golofka ugu uumiyey, haaneedka dhankuu ka aaday
inteeda wuxuu ka dhiijey, markii aan ogaan waayey

dantayda anoo asiib leh, anoo arammiga dawee leh
anoo cuqdad iyo nac mayr leh, abaar iyo omos basaasan
anoo oommane ka guur leh, anoo arad doog leh gaar leh
anoo bulshada u adeeg leh, anoo abshir iyo barwaaqo
aqoonta ku caano sii leh, waxan ka addaadurreeyey
waddada eedaad habow ah, dhurwaaga ardaa dhiggiisa
tusmada aburka iyo goodka, ilkaha aarkiyo shabeelka
abeesada xaalinteeda,
iteese halkuu ku naaxee, abaareed sharaf ku yeesho
anoo arxa daaliskayga, la yaabban ayuuska baaqday
abbaaraha iga barriiqday, waxaa oli (kiish) iiga yeeray
duqii oday biiqayoo leh, 

wuxuu yiri inan ragoowa, isii dhegahaaga awdmay
ugaarinta guulal maami, u fiirso oraahyo toonta
dhulkoo arrin iyo dhegeysi, talada arraweelo hayso
dhulkoo ragga abbar jarkiisa, middida lisinka u afeeyo
ayaan nafta oorinteeda, awooday ilaalinteede
sidee imminkoo adduunka, ragow addinka ad ku hayso
sida nolosha u illowday ?
sidee qofka aayar-aayar, ilaaq loogaga dhammeeyey?

wuxuu yiri inan ragoowa, INANTAN AABBAHEED HABAARAY
awowgeedna u ducaynin, ka naxay abtigeed falkeeda,
aah tiri hooyadeed xasuusta, adeerkeed yiri ma sheegto
hadduu araggaa ku siiyey, dooqaagu hadduu ilaalshey
aqoon li'i baa ku dhumisee, halkaad irkatiya FALKAAGU
eedaad iyo waa masiibo.

Wuxuu yiri inan ragoowa, iyagoo arrin qura u jeeda
ummuurina meel u taallo, walaalahan kala irdhoobay
afkaarta ku kala fogaaday, IILKAA LAGA CAWRYAYAAYE
WAXBABA ODAY HAWGA FAALIN.

Wuxuu yiri inan ragoowa, dhulkoo aaranya barwaaqo
ambadu tahay xera sankiiyo, halkuu abidki degaayey
geelani ololee didaaya, ufoodee xerada diiday
oo haada ku joogsan waayey, UUGAANKA RAG BAA LA DOONEE
sanqada ariga ha ku laynin.

Wuxuu yiri inan ragoowa, markaad usha beel u hayso
ku aamminsayahay dadkaagu, ad doonayso inad ahaato
miduu arrinkii hagaago, runtaa la adeegsadaaye
haddaad adigoo itaal xun, is awrreyn magac ku doonto
orkiyo jiibtaad ku baaqday, dareen kii kugu addeecay
markuu ambaduu habaabo, xaqiiqada ka ag fogaado
awood darridaa maceeda, INKAAR QAADDAYE U FIIRSO.

Wuxuu yiri inan ragoowa, adduunyadu waa wareegto
albaab quri uma bannaana, AYAAMBA waxbaa muhiima
waxaad shalay ku istareexday, inad maantana ka oydid
ummuur lala yaabo maaha, sidaa iyadaa u taalla

Wuxuu yiri inan ragoowa, shaxdaad degiddii il duuftay
intaad fiinka u ordaysey, haddii il yarihii la buuxshey
ciyaartii markaad aroostay, irmaantiyo jaraha joogey
hadduu faro eed ahaaday,aawow taladii ku seegtay
adoon ku adkaysan geeddi, si kale immika iyo haatan
abyuubta dhan kale u jeedi, 

Wuxuu yiri inan ragoowa, atoorkii abaar ku naaxay
hadduu ku abeeray xaaluf, daruurtu markey ibaysay
muxuu onkodkiyo hillaaca, BAL QODDADA UGU ABAADAY?

Wuxuu yiri inan ragoowa, nirgahan edeg loogu weelay
ku aamminay nolosha saas, uurkoodu markuu cir yeeshay
afkooda la buuxin waayey, haddii ayda loo dareershey
abaacdiya meehannawga, WIYUUSKA habkey aqootay
haddey naftu kaga ahaato, ninkii ababshaa u qoolan.

Toos u daawo Abwaanka - ref