Nin xunow nin kaa sii xun baad nagaga xeerrayde
& Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-guriye)

Maansadan NIN XUNOW NIN KAA SII XUN BAAD NAGAGA XEERNAYD, waxan ku arkay Internetka waxana sameeyey Abwaan Axmad Siciid Diiriye (Afguriye), sidoo kale isla Internetka waxan ku arkay inuu Abwaanku xanuunsanayo Ilaaha waaxidka ah waxan uga baryayaa inuu noo caafiyo, waxa kaloo ka codsanayaa qof kasta oo maansadan dhegeystaahi inuu u duceeyo, waayo anigu si fiican baan u aqaannaa waa abwaan soomaaliyeed oo qaali ah, soomaali oo dhanna aad u jecel, soomaali baase u badatay inay ruuxa qiimaha badan ka jeceshahay ruuxa qiima laawaha ah sida qabiiliistaha iyo dagaal oogaha, siday u egtahayna Abwaanku wuxuu maansadan kula hadlayaa nin Madaxweyne ahaa oo qalad badan lahaa, balse kuwii ka dambeeyey ka darraadeen, wuxuuna yiri: Xigto nolol u diid bay ahayd, adi xumaantaaye, nin qabiil ku xayraansan baad, nagaga xeernayde, xooluu lunsaday bay ahayd, adi xumaantaaye, nin xasuuqid ugu taagan baad, nagaga xeernayde, Xan-gur iyo Basaas bay ahayd, adi xumaantaaye, sharku ninuu Xiddigo ugu tolaad, nagaga xeernayde, Xag na uma wadaysidey ahayd, adi xumaantaaye, --- nin Xaraash usoo joojiyaad, nagaga xeernayde, ma yaqaano XiDiday ahayd, adi xumaantaaye, nin Xayntii Dhurwaa raaciyaad, nagaga xeernayde, Kaligaa xantoobsay ahayd, adi xumaantaaye, nin Xer kale dalkaw boobayaad, nagaga xeernayde, xul-siyaasi maahay ahayd, adi xumaantaaye, nin xiskiisa laga dayriyaad, nagaga xeernayde, ka xishood danbiilahay ahayd, adi xumaantaaye, nin xadgudubka ugu hiilliyaad, nagaga xeernayde, dadkuu kala xadaa bay ahayd, adi xumaantaaye, nin timaha isugu wada xiraad, nagaga xeernayde, Xaagaan ku talis bay ahayd, adi xumaantaaye, nin Xaraaro dirireed qabaad, nagaga xeernayde, kursigaa un xajisay ahayd, adi xumaantaaye, --- nin Xisaab kalaw raacsantaad, nagaga xeernayde, waxay adi xumaantaa ahayd, Xawli gaabida e, nin xammaysan oo dib u socdaad, nagaga xeernayde Xilka maalintii aad dhigtee, lagu xambaareeyey, dabadeed Xuruuf qolonimaan, ku xararnaa LOOXE, --- Xiqdigii dhammaa iyo colkii, kugu xayiignaaye, qalbiyadi ku xaal diiddanaa, xoore Caradiiye, adigoo xun noo soo ducee, Laabtu kuu xalane. ---------------------- gabay cusub oo uu sameeyay abwaanka gobolka awdal afgudhiye 2015 alow dhowr daawo Abwaanka - ref