1- Bin xudaafa - 2- Abul cabaas - 3- Ummu salama - 4- Ibnul cabaas - 5- Cumayr - 6- C-Raxman bin cawf - 7- Dufayl bin Camr - 8- Xudayfa - 9- Ibu Ummi Maktuum - 10- Saciid bin Caamir - 11- Caddiyubin xaatim - 12- Majsa'ata bin thawr - 13- Salaan - 14- Asmaa' - 15-Ibnu mascuud - 16-Abuu ayuub - 17-Abuu hurayra - 18-Dalxa - 19-Ibnu Jaxsh - 20-Baraa' - 21-Thumaama - 22-Abuu cubayda - 23-Abuu dar - 24-Rabiic bin siyad - 25-Uzaama - 26-Zayd bin xaaritha - 27-Ummu Xabiiba - 28-Jacfar - 29-MAHADNAQ

Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka (scw)

Bahda SomaliTalk waxay akhristayaasha qiimaha badan halkan ugu soo gudbinayaan casharro ku saabsan habnololeedkii saxaabadii Rasuulka (scw).

Hadda waxaa diyaar ah casharadan hoose:

Taxanaha Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka www.Somalitalk.com/saxaabada Qore: Ibrahim Salah Aden
Email: ibra88@hotmail.com
Qoraaga habnololeedka Saxaabada

Waxaa duruustaas aadka u qiimaha badan soo diyaariyey (mahadi haka gaartee) Ibrahim Salah Aden oo degan magaalada Odense ee dalka Denmark.

Qoraaladaan iyo casharadani waxay kasbadeen magac aad u dheer oo ay ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan cirifyada caalamka. Waxaana casharadaan lasocda akhristayaasha ugu badan ee akhrista bogga SomaliTalk.com.

Waxaan kudadaaleynaa, insha Allah, bini-Aadamku karo ama awooda in aan u soo daabacno casharadan. Dhankiina waxaan ka codsaneynaa in aad qoraaladaan aadka muhiimka u ah aad gaarsiisaan intii aad awoodaan.

Casharadan waxaad si fudud uga heli kartaan cinwaankan: www.Somalitalk.com/saxaabada. Haddaba fadlan haddii aad bog Internet ah leedahay kuxiriiri cinwaankan, haddii kale boggaan kudar bogaga kuugujira kambuyuutarkaaga oo aad sida sahalkaa ah u tegikartid, si aad taas u samaysid booqo bogga www.Somalitalk.com/saxaabada kaddibna guji ama taabo ama riix "CTRL-D" [Waa CTRL iyo D]

Bahda SomaliTalk waxay mahad aad u ballaaran u tebinayaan Ibrahim sida qiimaha leh ee uu usoo habeeyey barnaamijkan oo faa'iido weyn u leh mujtamaca Soomaalida ah iyo dhammaan Islaamka. Waxaa kale oo aan Ibrahim uga mahad celineynaa waqtiga qaaliga ah ee uu ku bixiyey qorida qoraaladan.

Waxaa kale oo aan mahad usoo jeedineynaa akhristayaasha SomaliTalk, kuwaas oo dhiirigelin weyn noo soo tebiyey sidii aan barnaamijkaan u hir gelin lahayn ama u sii wadi lahayn. Waxaan dhammaantiin idiin rajeyneynaa horumar iyo baraare iyo in aad ka faa'iidaan taariikhda wanaagsan ee saxaabadii rasuulka oo ku dayasho mudan.

Khayr farabadan ayaan ugu ducayney qoraaga iyo qofkii akhriya oo sii faafiya.

Wabilaahi Towfiiq.


1- CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI - Top

Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.

Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq).

Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"

Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.

La kulankii C/llaahi ee Qaysar:

Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.

Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo".

Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.

Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.

Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo.


2- ABUL-CAAS BINU RABIIC AL-ANSAARI - Top

Rasuulka (scw) markii uu u hijrooday magaalada Maddiina, arrinkiisana uu darraaday, ayaa qureysh soo baxday iyadoo dooneysa la dagalaallanka Rasuulka (scw) iyo Asxaabtiisa. Abul-Caas wuxuu si aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safan dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma jirin jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo Muslimiinta, laakiin darajada uu tolkiisa ka joogay ayaa ku kelliftay in uu ka qayb galo dagaalkaas.

Dagaalkii Badar natiijadii ka soo baxday waxay noqotay in qureysh (gaalada) lagu jabiyo, madaxdii kufrigana laga takhalluso, qaar iyaga ka mid ah waa la laayay, qaarna waa la qafaashay, qaarkii kalena waxay ku badbaadeyn carar. Kuwii la soo qabqabtay oo la soo qafaashay waxaa ku jiray Abul-Caas oo qabay gabadhii Nebiga (scw) uu dhalay ee ahayd Zeynaba. Rasuulka (scw) wuxuu ku waajibiyay dadkii gaalada ahaa ee la soo qab qabtay in ay bixiyaan oo ay isku furtaan lacag, lacagtaasoo u dhaxeysa Kun ilaa Afar kun oo Dirham, iyadoo loo eegayo xaaladahooda hanti iyo reereed. Ergadii ka kala socotay dadkaas waxay bilaabeen in ay u dhaxeeyaan Magaalada Makka iyo Madiina, iyagoo sida maalkii ay ku soo furan lahaayeen dadkooda. Haddaba Zeynaba ayaa soo dirtay maalkii ay ku furaneysay ninkeeda Abul-Caas, iyadoo furasho ahaan u soo dirtay Kuul ay u hadiyeesay hooyadeed Khadiija maalintii ay aroosaneysay.

Markii uu Rasuulka (scw) arkay kuushii waxaa dabooshay Murugo, wuuna u jilcay gabadhiisa isagoo eegay xaggaa iyo asxaabta wuxuuna yiri "Maalkan waxaa soo dirtay Zeynaba iyadoo rabta inay ku furato Abul-Caas, ee ka warama haddii aad u aragtaan in aan u sii deyno Abul-Caas, una celinno maalkeeda waad sameyn kartaan". Saxaabadii ayaa waxay yiraahdeen "Haa, waana ra’yi wanaagsan Rasuulkii alloow". Hase yeeshee Rasuulka (scw) wuxuu Abul-Caas ku xiray sii deyntiisa in uu u soo diro gabadhiisa Zeynaba isagoo aan dib dhicin. Abul-Caas markii uu tagay Magaaladii Makka, wuxuu si dhaqso ah u billaabay in uu fuliyo ballankii. Wuxuu amray xaaskiisa Zeynaba in ay u diyaar garowdo Safar, wuxuuna u sheegay in Ergadii aabaheed ay ku sugayaan meel aan ka fogeyn Magaalada Makka, isagoo u diyaariyay sahaydaydii safarka iyo ninkii raaci lahaa oo ahaa walaalkiis Camar Binu Rabiic.

Camar Binu Rabiic ayaa soo baxay maalin cad, isagoo wada gabadhii Zeynaba, qureyshna ay arkeyso markaas ayeey waxay soo daba galeen Camar iyagoo cabsi gelinaya Zeynaba ilaa ay kaga soo dhowaadeen. Camar ayaa soo baxsaday fallaartiisa, isagoo leh "Wallaahi ruuxii xaggeyga u soo dhowaada waxaan qoorta kaga ganayaa fallaarta", wuxuuna aad u yiqiinay fallaar ganidda. Abuu-Sufyaan Binu Xarbi ayaa soo aaday xagga Camar, wuxuuna ku yiri "Adeer naga leexi fallaartaada ilaa aan kaala hadalno". Camar wuu ka yeelay. Abul-Caas ayaa Camar ku yiri "Camaroow kuma saxsanid falka aad sameynayso, waxaad waddaa iyadoo dadkoo dhan ku arkayaan Zeynaba, waadna ogtahay Carab khasaarihii kaga soo gaaray Muxammad, haddii aad kaxeyso gabadha qabaa’ilka carab oo dhan waxay nagu sheegayaan inaan fuley nahay, waxayna nagu tilmaamayaan dulli iyo wax ma garato, ee ka waran haddii aad u celiso gabadhaan gurigeeda, ilaa ay ka iloobaan dadka oo markaas si sir ah aad u kaxeysatid, markaasna aad u geysid aabaheed, waayoo wax dan ah aan ka leenahay heynteeda ayaan jirin".

Camar sidaas ayuu raalli ku noqday, wuxuuna Zeynaba u celiyay Makka. Muddo yar ka dibna wuxuu sameeyay sidii uu Abuu Sufyaan u sheegay, oo wuxuu soo kaxeeyay Zeynaba, wuxuuna gacanta u geliyay ergadii sugeysay. Abul-Caas wuxuu intaa ka dib iska joogay magaalada Makka ilaa ay ka soo dhowaatay furashadii Makka. Abul-Caas sidii ay caadadiisu ahayd wuxuu si ganacsi ahaan u soo qabatimay Shaam, markii uu soo dhammeystay dantii ganacsi, ayaa wuxuu u soo anbabaxay inuu u soo laabto magaaladii Makka.

Abul-Caas isagoo wata safar gaaraya ilaa 100 halaad, ayna waheliyaan shaqaalihiisii dhamaa ilaa 170 nin ayaa waxaa u soo anbabaxay ilaalo ka mid ahaa ilaaladii Rasuulka (scw) oo aan markaa ka fogeyn magaalada Maddiina. Safarkii way qabsadeen, ragiina way qafaasheen. Hase yeeshee Abul-Caas wuu ka badbaaday oo lama qaban isaga. Markii la gaaray habeenkii ayaa Abul-Caas soo galay magaalada Maddiina isagoo cabsanaya. Wuxuu u tagay xaaskiisii Zeynaba, isagoo weydiistay magangalyo. deedna way magangelisayKolkii Rasuulka (scw) u soo baxay Salaaddii Fajar, xirtayna salaaddii isagoo takbiirsaday, saxaabadiina ay la takbiirsadeen, ayaa waxaa safka dumarka ka dhex qaylisay Zeynaba iyadoo Dumarka ka dhex dhawaaqday Zetnaba iyadoo leh "Dadyahoow waxaan ahay Zeynaba Bintu Muxammad, waxaan magangaliyay Abul-Caas ee idinkana magangaliya".

Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay Salaadda ayaa wuxuu u jileecay xaggaa iyo saxaabada isagoo leh "Ma maqasheen wixii aan anigu maqlay?". Saxaabadii ayaa yiri "Haa, Rasuulkii Alloow". Intaa dabadeedna wuxuu yiri Rasuulka "Allaha nafteyda ay gacantiisu ku jirtaan ku dhaartayee waxna kama ogi arrinkan, ilaa aan ka maqlay wixii hadda aad maqlaysayn, Muslimiintana waxaa wax magangaliya kuwooda ugu sokeeya", kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa "Wanaaji hoyga Abul-Caas, waxaadna ogaataa in uusan xalaal kuu ahayn. Wax ka yar ka dib Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray ilaaladii soo qabqabtay raggii la socday Abul-Caas iyaga iyo maalkooda, wuxuuna ka dalbay Saxaabada in ay wanaajiyaan, isla markasna u celiyaan maalkiisa iyo saafarkiisa, iyagoo xaq u leh inay diidi karaan, waayoo waa wax ay xaq u leeyihiin.

Saxaabadii arrinkaas way ka ogalaadeen Rasuulka (scw), waxayna uyiraahdeen "Waan u celinaynaa maalkiisa" Abul-Caas markii uu yimi isagoo doonaya inuu qaato maalkiisa ayaa qaar Saxaabada ka mid ahi ku yiraahdeen "Abul-Caas wuxuu ku noqday magaalada Makka, wuxuuna siiyay dadkii amaanadii iyo maalkii ay u dhiibteen, isagoo leh "Qureeshey ma jiraan qof aan helin maalkiisa.".. Waxay yiraahdeen maya, Ilaahna ha kaa abaalmariyo. Abul-Caas ayaa yiri intaa ka dib "Haddaba haddii aan idiin guday xuquuqdii aad igu laheedeen, waxaan qirayaa inuu Ilaah xaq yahay, Nebi Muxammadna yahay Rasuulkii Alle soo diray, mana iga reebin inaan Muxammad agtiisa ku islaamo aan ahayn cabsida aan ka cabsanayay inaad u qaadataan inaan maalkiina la caray ama boobay.. Lakiin markii aan idiin soo celiyay maalkiina, aana madax banaanaadey ayaan Islaamay". Intaa ka dib Abul-Caas wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), Rasuulkana wuxuu wanaajiyay marti gelintiisa, wuxuuna u celiyay xaaskiisa, isagoo oran jiray "Abul-Caas wuu ii waramay runna wuu ii sheegay, wuu ila ballamay wuuna oofiyay.


3- UMMU SALAMA - Top

Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi badan.

Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana islaamtay.

Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka horeba laga filayay Qureysh waxay bilaabeen inay jir dil daran ku sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse, waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw). Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida.

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu Salama, waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta aakhiro.

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw) saldhiga u ahayd.

Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go’aan ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso weyn ugu qabay magaalada Makka.

Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina.

Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayoo waxay ahayd mid aad u dhib badan oo aan saUmmu Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama go’aan ku gaaray in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkeenii Salama oo nala socdayna wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka hor inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen, iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad adiga naga baxsatay, sideey nooga baxsanaysaa gabadha kula socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato".

Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama, dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama. Ummu Salama waxay tiri, markii nimankii ay iga soo wateen ninkayga anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkeeyga. Aad ayeey uga caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen raggii kale ee reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan qaadanno" Sidaa dabadeed waxay labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tiri Ummu Salama, wakhti gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga Salama. Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi isagoo jajaban sidii ay u kala jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.

Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer Banuu Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tiri Ummu Salama iyadoo ka waramaysa arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal sanno markeey ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri "War maad iska sii daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama.

Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee su’aasha ay is weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay heestaan Reer Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka dibna waxay la hadlayn reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda Salama oo ay markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu Salama, maa aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la ii soo celiyay.

Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada Madiina, iyadoo mareysa meel la yiraahdo "Tanciim" ayaa waxaa la kulmay nin la yiraahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto, waxayna tiri magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto. Ummu Salama waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga Salama oo keliya. Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo ay la kulmeen Abuu Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday la kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka billowdaan dagaaladii Badar iyo Uxud.

Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib markii uu wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka (scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu Salama waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama, laakiin waxay gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka kheyr badan Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayoo xaasaka Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta.


4- CABDULLAAHI BINU CABBAAS - Top

Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.

Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:

Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri Cali: "Amiirkii mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yiri: "waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto.

Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas.

Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri: "Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur’aan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?". Waxay yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka ummadda.

Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse uusan addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkoo".

Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga.

Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga.

Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: "faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene". Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena". Zeyd ayaa isna yiri: "ii soo laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw).

Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu cilmi badan".

Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin


5- CUMAYR BINU WAHAB - Top

Cumeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay goor subax barqin ah ayaa wuxuu Cumeyr aaday Kacbada si uu u soo dhawaafo Kacbada, isla mar ahaantaana u barakeysto sanamyadeeda. Markii uu yimi kacbadii, wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-aswad). Cumeyr ayaa salaamay Safwaan isagoo ku yiri "Subax wanaagsan". Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo leh "Subax wanaagsan Cumeyroow". Waxaa fur-furantay sheeko, waxay isla soo qaadeen jabkii iyo dhibaatadii ka qabsaday dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen dadkii la qafaashay oo ay qafaasheen Muslimiinta. Waxay si murugo leh ay uga sheekeesteen dadkii gaalada ahaa ee ku dhintay dagaalka, dabadeedna lagu guray ceelkii weynaa dhexdiisa. Safwaan ayaa hadalkii qaatay oo yiri "Wallaahi kheyr kuwaa gadaashood ma ahaanin". Cumeyr ayaa u celiyay "Haa oo waa runtaa". Wax yar ayeey aamusnaayeen ka dibna Cumeyr ayaa yiri "Haddayan jirin deyn laygu leeyahay oo aan cid iga gudda aan jirin iyo caruur aan uga cabsanayo caydh iyo dayac-darro, waxaan aadi lahaa Muxammed si aan u soo dilo". Wuxuu haddana si hoos ahaan u yiri "heesashada ay heestaan wiilkayga ayaa sabab iiga dhigayso inaan saa yeelo". Safwaan ayaa hadalkii ka faa’iidaystay oo wuxuu Cumeyr ku yiri "Cumeyroow waa tan koowaad’e deynta lagugu leeyahay annigaa dusha saartay oo anaa kaa gudaya, tan labaad ee ah ciyaalka, aniga ayaa kuu kafaalo qaadaya noloshooda oo waxay wax la wadaagayaan caruurtayda, waayoo maalka iyo hantida aan haysto ayaa ku filan dhammaantood raashinka ay cuni lahaayeen".

Haddaba, Cumeyr ayaa hadalkii u riyaaqay oo wuxuu Safwaan ka codsaday in hadalkani uu ahaado qarsoodi, Safwaana wuu ogolaaday. Cumeyr wuxuu ka dhaqaaqay meeshii uu fadhiyay ee Kacbada, isagoo cadaawad iyo xiqdi aad u weyn u haya Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa.. Cumeyr wuxuu u diyaar garoobay sidii uu u fulin lahaa ballantii uu qaaday, isagoo diyaarsaday qalabkii iyo gaadiidkii uu ku safri lahaa. Dhinaca kale wuxuu xirtay seeftiisii sunta marsanayd.

Cumeyr wuxuu u safray magaalada Madiina isagoo doonaya inuu soo dilo Rasuulka (scw), markii uu yimi magaaladii, wuxuu aaday dhinaca Masjidka, halkaasoo uu joogay Rasuulka (scw). Markii uu u soo dhowaaday meel u dhow iridka Masjidka, ayaa waxaa arkay Cumar Binu Khadaab oo markaa la fadhiyay qaar ka mid ah Asxaabta, iyagoo ka sheekaysanayay dagaalkii Badar iyo wacdarihii ay ku dhigeen gaalada sida qafaalka ay qafaasheen qaar ka mid ah gaalada, laynta ay laayeen iyo weliba sida uu Ilaah ugu manaystay gargaar aad u weyn. Cumar Binu khadaab ayaa wuxuu deymooday dhinaca Masjidka, isla markiina wuxuu arkay Cumeyr Binu Wahab oo ka soo degaya ratigii uu fuulnaa, isagoo sita qalabkii dagaalka. Cumar ayaa intuu soo booday yiri isagoo argagaxsan " Eygan waa cadawgii Alle ee Cumeyr binu Wahab, wallaahi waxaan shar ahayn lama iman". Cumar wuxuu ku yiri raggii uu la fadhiyay "La socda marka uu u galayo Rasuulka (scw) idinkoo ku hareeraysan, kana digtoonaada inuu dhakro ama dilo Rasuulka (scw)".

Hase yeeshee Cumar wuxuu markiiba u galay Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayow waxaa yimi Cadawgii Alle ee Cumeyr Binu Wahab isagoo xidhan seeftiisii sumeysnayd, u maleyn maayana inuu u yimi waxaan ahayn Shar". Rasuulka (scw) wuxuu yiri "ii soo geliya". Haddaba, Cumar wuxuu soo aaday Cumeyr isagoo qabtay khamiiska uu qabay kuleetigiisa, seeftana wuxuu kula xiray qoortiisa ka dibna wuxuu ula yimi Rasuulka (scw). Kolkii uu arkay Rasuulka (scw) waxa uu sameeyay Cumar wuxuu ku yiri "Siidaa Cumaroow". Rasuulka wuxuu Cumeyr ku yiri "ii soo dhawoow". Cumeyr wuxuu u soo dhowaaday Rasuulka (scw), isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".

Cumeyr Binu Wahab wuxuu u soo galay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri isagoo salaamaya Rasuulka "Subax wanaagsan". Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay "Ilaah wuxuu nagu maamuusay salaan ka kheyr badan salaantaada, waana salaanta ay isku salaamaan Ahlu-jannaha. Cumeyr wuxuu yiri " Wallaahi adigama kama fogid salaanteena. Intaa ka dib Rasuulku (scw) wuxuu Cumeyr weydiiyay sababta uu u yimi, Cumeyrna wuxuu yiri " waxaan u imi inaad ii soo deysaan wiilkayga oo aad igaga qafaalateen dagaalkii Badar. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay waxa ku xanbaaray inuu seefta wato, haddiiba uuba saa u yimi.. Cumeyr wuxuu yiri "inkaar Allaha ku rido seefo oo dhan, waayo maxay noo qabatay oo tartay dagaalkii Badar.

Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu u sheegay sababta uu u yimi inay ahayd inuu dilo Rasuulka (scw), arrinkaasna waxaa loogu sheegay si waxyi ahaan. Wuxuu Rasuulka (scw) Cumeyr ku yiri "Adiga iyo Safwaan ayaa waxaad fariisateen meel u dhow dhagaxii ku ag yiillay Kacbada, dabadeedna waxaad isku soo qaaddeen oo aad ka wada hadasheen dadkii gaalada ahaa ee lagu laayey dagaalkii Badar. Adigaa waxaad tidhi haddii ayan jiri lahayn deyn laygu leeyahay oo aan jirin cid iga gudda, iyo ilmo aan uga cabsanayo ceydh iyo gaajo inay u dhintaan, waxaan u kicitimi lahaa sidii aan u soo dili lahaa Muxammed (Rasuulka scw). Hase ahaatee Safwaan ayaa kaa xanbaaray deyntaada iyo ciyaalkaaga si aad anniga ii disho, laakiin Ilaah ayaa iga kaa ilaaliyay". Cumeyr afkuu kala qaaday oo waxaa ka soo haray fajac iyo yaab, dabadeedna isagoo aan hadal kale odhan ayuu yiri "Waxaan qirayaa inaad tahay Rasuulkii Ilaahay.

Cumeyr Waa Muslim:

Cumeyr wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri: "Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahayn kuwii kugu beeniya waxyiga xagga samada lagaaga soo dejiyay (waa qur’aanka), hase ahaatee arrinkan aad hadda ka warantay ee ahaa wixii aan ku wada hadalnay anniga iyo Safwaan cid aan labadeyda ahayn ma ogeyn. Wallaahi ayaan ku dhaartay waxaan yaqiinshay inuusan warkan kuu keyn axad aan ka ahayn Ilaahay. Waxaa mahad iska leh Allihii i waafajiyay inaan kuu imaado, si markaas aan u qaato Diinta Islaamka. Cumeyr wuxuu ku dhawaaqay shahaadada, sidaasna ayuu ku islaamaay.

Muslimiintii oo ku farxay islaamiddii Cumeyr. Nebiga (scw) wuxuu asxaabta amray inay Cumeyr baraan Diinta iyo barashada qur’aanka, isla mar ahaantaana ay u sii daayaan wiilkiisa Wahab. Muslimiintii si aad ah ayeey ugu farxeen islaamidda uu soo islaamay Cumeyr, ilaa uu Cumar Binu Khaddaab (rc) ka yiraahdo "Doofaar ayaan ka jeclaa kolkuu Cumeyr u galayay Rasuulka!, laakiin maantase waxaan ka jeclahay qaar ka mid ah caruurtayda. Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu baran jiray Diinta Islaamka, isagoo markaasna laabtiisa ku buuxinaya iftiinka qur’aanka. Cumeyr waxay la ahayd maalmahaas uu baranayay qur’aanka maalmihiisii ugu qaalisanaa intuu noolaa, taasoo hilmaansiisay magaaladii Makka ee uu markii hore ka yimi iyo dadka ku noolba.

Dhinaca kale Safwaan wuxuu ahaa kii naftiisa ugu sheekeeya yiddidiilooyin, aan waxna ka jirin, isagoo dadka ku oran jiray "ku bishaareysta khabar weyn oo idin hilmaasiisa dhacdadii dagaalkii Badar. Hase ahaatee markii ay ku dheeraatay Safwaan maqnaashaha Cumeyr, ayaa wuxuu bilaabay welwel iyo walaac; isagoo weydiin jiray socotada ka soo gasha magaalada Madiina. In kastoo oo uu saas ahaa, haddana ma uusan heli jirin wax jawaab ah oo shaafisa. Maalintii danbe ayaa waxaa magaaladii yimi nin, kaasoo sheegay inuu Cumeyr islaamay. Safwaan, khabarkaas waxay ku noqotay mid lama filan waa’. Waayo, Safwaan marnaba ma filanaynin in Cumeyr uu islaami doono, haba islaamaan’e waxa dunida jooga oo dhan.

Cumeyr wuxuu isaga jiray barashada diintiisa iyo xifdinta quraanka, ilaa uu uga yimi maalintii danbe Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayoow waxaa tagtay muddo fara badan oo aan ahaa kii demiya Nuurkii Alle, isla mar ahaantaan aad u dhiba oo u cadaadiya wixii sheegta Islaamka (muslimiinta). Sidaa darteed waxaan jeclaan lahaa inaad ii idinto inaan aado magaaladii Makka, si aan Qureysh ugu yeedho Diinta Islaamka. Haddii ay iga yeelaan waa sidii wanaagga badnayd, laakiinse haddii ay iga diidaan waan dhibi oo cadaadin sidii aan markii horeba u cadaadin jiray Muslimiinta. Nebiga (scw) wuu u fasaxay Cumeyr inuu qabto magaalladii Makka.

Cumeyr wuxuu u safray magaaladii Makka, wuxuu u tegay ninkii saaxiibada ay ahaayeen ee ahaa Safwaan gurigiisa, wuxuuna ku yiri "Safwaanow waxaad ka mid tahay madaxda qureysh, sidoo kale waxaad caaqillada qureysh ee caqliga leh. Haddaba, ma waxay kula tahay waxa aad ku sugan tihiin ee ah cibaadada aad caabudaysaan dhagaxyada iyo gowraca aad u gowracaysaan sanamyada in ay caqliga uu yeelayo in uu waxani diin yahay. Haddaba anniga waxaan qirayaa In uu Illaah Alle yahay, Muxammadna yahay Rasuulkii Alle. Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu dadka ugu yeeri jiray Diinta Islaamka ilaa ay gacantiisa ku soo islaameen khalqi aad u fara badan. Illaah ha weyneeyo abaalmarinta Cumeyr, qabrigiisna Allaha nuuriyo Aamiin.


6- CABDURRAXMAAN BINU CAWF - Top

ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"
Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf.

Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw) uu noolaa.

Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo hagardaamo aad u daran, sidii ay ula kulmeen isaga hortiis walaalihiisa diinta Islaamka kaga soo horeeyay. Cabdiraxmaan wuu u sabray dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba Saxaabaduba ay arrintaa ugu dulqaateen, rumeyntoodii xeesha dheereed oo kalena wuu la yimid.

Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo idmay inay u haajiraan oo u guuraan magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas. Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la socotayba markay yimaadeen magaalada Madiina, wuxuu walaaleeyay Muhaajiriintii ka soo haajirtay magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd magaalada Madiina.

Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu Cabdiraxmaan ku yiri: "walaalkayow waxaan ka mid ahay ganacsatada degan magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan, waxaan leeyahay labo beerood iyo labo xaasas. Labadaas beerood bal soo eeg oo middaad doonto qaado, xaasaskaygana tii aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad adiga u guursato". Cabdiraxmaan ayaa ku yiri: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u yimid maalintii danbe Rasuulka (scw).

Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan wuxuu yiri haa oo waan guursaday, meher ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu Cabdirxamaan ku yiri: "casumaad sameey (alla bari) waloow neef arina ha ahaadee, Illaah xaaskaaga iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii Nebiga (scw) waa la aqbalay jeer uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal qabeen ah.

Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka (scw) kala qayb galay dagaalo badan. Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la oran jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah ayaa Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka qaar ka mid ah asxaabta ka carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan dhaawacyood, qaarkoodna ay halis ahaayeen.

Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka (scw) oo doonaya inuu diyaariyo ciidan ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu haystay maalintaas waxay gaareysay 4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: "labo kun waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena waxaan u soo dhaafay ciyaalka".

Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka aad bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii uu Rasuulka (scw) go’aansaday duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo maal fara badan, waayo ciidanka lagu duulayay ee Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka tiro iyo gaadiid badnaa muslimiinta, dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna waxay ahayd sannad abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo qaadanaya maalmo. Iyadoo intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa waxaa Rasuulka (scw) u yimid qaar ka mid ah mu’miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka bixiyo qarashka ku baxa safarka, Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma uusan haysan wax dhaqaale ah.

Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo indhahooda ay la burqanayso ilmo, murugo daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan awoodin inay helaan nafaqada lagu aadayo duulimaadka Tabuuka. Mu’miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii dagaalka galayna waxaa iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga ama dhibaatada. Markay arrintu halkaa mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda wax ka bixiyaan si jidka Alle ah iyo si ay maalkaas Ilaah uga ajar qaataan. Muslimiintii ayaa hal mar ajiibay fulinta codsigii Rasuulka (scw) si ay maalkooda uga saddaqeystaan.

Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf. Wuxuu bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo markaas aan ka fogeyn meesha ayaa yiri: "waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi, waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin ehelkiis".

Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah reerkaaga ma u soo dhaaftay". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan u soo dhaafay wax ka badan kana wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa misna yiri: "waa imisa". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu Ilaah u yaboohay oo risqi iyo kheyrba ah". Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen Tabuuka, halkaana wuxuu Ilaah ku maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku maamuusin mid ka mid ah muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii salaadda, markaa iyada ahna Rasuulka (scw) uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa tujiyay muslimiintii, markii ay dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka (scw), ka dibna wuxuu ku xirtay salaadda uu imaamka u ahaa Cabdiraxmaan.

Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe (sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan u maleenayaa inay jawaabtu tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka mu’miniinta, waa xaasaskii Rasuulka (scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray danahooda. Wuu wehelin jiray haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray, haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano, dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay haweenka Nebiga (scw) ku qabeen Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey, in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra (reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis), masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka (scw). Cabdiraxmaan markii uu diray maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc), ayaa waxay Caa’isha tiri hadalkan: "Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku yiri: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka badan) ah mooyee".

Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka noqday ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo safarka Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo magaalooyinka kale, safarkaasoo dadka u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay dadku u baahan yihiin.

Maalintii ugu badnayd ee uu Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd, markii ay Caa’isha (rc) tiri inuu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon doono ahlu-Janna oo uu geli doono Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo weydiinaya inay tiri hadalka, waxayna tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga (scw) inaad jannada gelaysid". Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad, isagoo ku yiri Caa’isha (rc) hadalkan: "hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka saaran oo dhan aan u bixinayo jidka Alle".

Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka iyo gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u bixiyay lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa lacag aad u fara badan. Dhinaca kale wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc) wuxuu xoreeyay addoomo fara badan.

Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar in la siiyo nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku helay lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa’isha markasta Cabdiraxmaan ugu duceyn jirtay ducadan qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha jannada ku taal ee la yiraahdo SALSABIIL".

Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu masaakiintii muslimiinta, addoomadii dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw) ugu talo galay maalkaa faraha badan, haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay maal fara badan, maalkaasoo ay adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo, 3000 neef oo ari ah.

Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa 80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw) uu u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan, sidoo kale mana uusan beddelin. Cabdiraxmaan lagama soo dhex saari jirin isaga iyo shaqaalihiisa u shaqeeya, tawaaduc badni awgeed. Maalin maalmaha ka mid isagoo soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu yiri: "waxaa maanta la dagaalkii Uxud lagu dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo.

Adduunyadii ayaa naloo fidiyay barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in abaalmarkeenii adduunyada aan ku qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan wuxuu bilaabay inuu aad u ooyo, cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa Cabdiraxmaan Binu Cawf, waayo isagoo dunidan saaran ayaaba Jannada loogu bishaareeyay. Janaasada Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu Abii Waqaas, waxaana ku tukaday Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu ka raalli noqdo Cabdiraxmaan, sidoo kalena u naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo halgantay diintan Ilsaamka aamiin.


7- DUFAYL BINU CAMR AL-DAWSI - Top

Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan waxna haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadkii kuwii weydiista magangelyo.

Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare leh, isla markaasna aad u yaqaana Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhufayl wuxuu ka carraabay magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ee Tihaama, isagoo u sii jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna waxaa magaallada Makka socday loolan dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo gaallada Qureysh.

Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku kasban lahayd Dhufayl. Bal aan Dhufayl u deyno sheekada si uu noogu sii wado sheekada, bal saan u ogaanno wixii uu kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan soo galay magaallada Makka, wax yar kaddib maba aan joogin ilaa ay ii yimaadeen madaxdii Qureysh iyagoo doonaya in ay ila kulmaan, si aad u wanaagsan ayay ii soo dhoweeyeen, iyagoo i dejiyay guriga guryaha ugu qiimaha badan. Intaa kaddib waxay igu yiraahdeen Dhufayloow waxaad timi magaalladeenna, waxaa jira nin sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi wuxuu fasahaadiyay ama kharribay umuurteena, wuxuu kala daadshay midnimadeena, wuxuu burburiyay midowgeenii, sidaa darteed waxaan ka cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo tolka aad madaxda u tahay Musiibada nagu dhacday annaga sidaa darteed waxaan kugula talin lahayn in aadan ruuxaa la hadlin oo aadan waxba ka dhageysanin, waayoo ninkaa waxa uu akhrinayaa hadal sixir oo kale ah.

Dhufayl waxa uu yiri "Wallaahi baan ku dhaartaye odayadaasi igama aysan tagin ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga (scw) wararkiisa kuwa ugu yaabka badan iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran, sidaa darteed waxaan go’aansaday in aanan u dhowaan oo aan agtiisa marin meeluu joogo Nebiga, in aanan la hadlin ama aanan waxba ka dhageysan. Maalintii kale markii la gaaray ayaa waxaan aaday Kacbada si aan u soo dhawaafo, isla markaasna aan u barakeysto asanaamta halkaas tiil anigoo labadeyda dhagood soo gashaday suuf si aanan u maqlin hadalka Nebi Muxammad (scw).

Hase ahaatee markaan galay markaan soo galay kacbada waxaan kula kulmay Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya, Salaad ka duwan salaadihii aan tukan jirnay, aad ayay ii farax gelisay muuqaalka, waxaana i gilgishay qaabkii uu u cibaadeysanayay, waxaan is arkay naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga Nebiga (scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan maqlo wax ka mid ah wixii uu akhrinayay, wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa qur’aanka’e.

Wax yar ka dib waxaan is iri waxaad tahay gebyaa caqli badan, waad kala garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun, maxaa kuu diidaya inaad maqasho waxa uu akhrinayo Nebi Muxammad (scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa uu akhrinayo waan qaadan, hadduu xun yahayna waan ka tagi. Dhufayl wuxuu yiri "waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw) iska baxay, anna waan ka daba tegay anigoo kula kulmay gurigiisa. Waxaan u sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la igu kaa yiri sidaa iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaaray inaan labadeyda dhegood suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin halalkaaga, balse Alle ayaa taa diiday ilaa uu dhagahayga uu soo gaarsiiyo hadaladaada wuuna wanaagsanaa. Haddaba waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo bandhigto sharaxaad ku saabsan Diinta Islaamka. Markaasna Nebiga (scw) wuxuu ii sharxay diinta Islaamka, isagoo ii akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al-falaq, Wallaahi ma maqlin hadal ka wanaagsan hadalkaa, mana aanan arkin caddaalad ka fiican tan uu Islaamka dadka ugu yeerayo, intaa ka dib waxaan Nebiga (scw) u fidiyay gacantayda, anoo qiray shahaadad sidaa ayaan ku Islaamay.

ka dib Dhufayl wuxuu negaa oo uu joogay Magaalada Makka, halkaasoo uu ku baranayay Diinta Islaamka, kuna xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday inuu u laabto magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri " Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiisa maqlaan, sidaa darteed waxaan jeclahay inaan iyaga u laabto si aan ugu yeero Diinta Islaamka, waxaana Ilaah iiga baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay. Dhufayl wuxuu u safray magaalladii ay tolkiisa deganaayeen, markuu marayo meel sare oo buur ah oo u dhow magaalladii ay deganaayeen tolkiisa, ayaa waxaa labadiisa indhood dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo faynuus.

Dhufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu iftiinkanka yeello meel aan ahayn wejiga, waayo wuxuu ka cabsaday in ay u maleeyaan tolkiisa ciqaab lagu ciqaabayo ka dib markii uu ka tagay Diintii uu haystay markii hore. Iftiinkii wuxuu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay madaxiisa. Dhufayl markii uu yimi magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la kulmay wuxuu ahaa aabihiis, wuxuuna ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku yiri aabihiis "Isma sheeganno, waayoo waxaan ahay Muslim". Markaa aabihii ayaa ku yiri wiilkiisa Dhufayl "Wiilkaygayow anniga iyo adigu isku diin baynu nahay, halkaana ayuu aabihii ku soo Islaamay. Dhufayl haddana wuxuu dacwada u bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka dhashay ee reer Daws. Xaaskiisa iyadoo aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka, inkastoo reerkiisu ay ku madax adeegeen marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), isagoo sharaxaad iyo warbixinno uga bixiyay wixii uu kula kulmay tolkiisa. Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan imi magaallada Makka isagoo uu ila socdo Abuu-Hureyra (rc).

Rasuulka (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay wixii aan kala kulmay tolkayga, waxaana ugu jawaabay " Quluub ad-adag iyo gaalnimo daran, waayo reer Daws waxaa ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku caasin". Intaa ka dib Rasuulka (scw) wuu is taagay isagoo weysastay haddana wuu tukaday, dabadeedna wuxuu kor u taagay labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya. Dhufayl wuxuu yiri markaan arkay wixii uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxaan u qaatay inuu Rasuulku (scw) habaari doono tolkayga oo markaas la halaagayo. Hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu guda galay inuu u duceynayo reer Daws oo uu leeyahay "Ilaahoow hanuuni reer Daws", saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa kaa dib Rasuulku (scw) wuxuu deymooday Dhufayl, wuxuuna ku yiri "Waxaad u laabataa tolkaaga, una dhimri oo si fudud ugu sheeg diinta Islaamka".

Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl wuxuu joogay dhulkii Daws, halkaa oo uu ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga soo gaaro wakhtigii uu Rasuulku (scw) u hijrooday Maddiina, ay dhaceyna dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud, Khandaq. Waxaan u soo galay Rasuulka (scw), waxaana ila socotay siddeetan qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba islaamkoona wanaagsanaaday. Rasuulku (scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas.

Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka dib ee khaliifnimadii loo doortay Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday mid adeeco oo naftiisa iyo seeftiisa u dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna waxaa dhacay dagaalkii riddooyinka (dadkii diinta ka noqday), waxaana aan ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dagaalama Museylamatul-kadaab, balse marka uu marayo meel u dhow meesha lagu magacaabo Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo, dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la socday ku yiri: "waan riyooday, waxaana doonayaa inaad ii fasirtaan riyadaas?!". Waxay ku yiraahdeen maxaad aragtay?. Dhufayl, ayaa wuxuu yiri: "waa tan koowaade waxaan ku riyooday annigoo madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa afkayga ka soo baxay shimbir, tan saddexaadna waxaan arkay haweeneey caloosheeda i gashatay!.

Ugu danbeyntiinna waxaan arkay wiilkayga Camar oo doonaya inuu igu soo ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay dad na kala dhex galeen". Dadkii waxay yiraahdeen oo keliya: "waa kheyr". Hase ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu fasiro riyadii. Wuxuu yiri, horta madaxa la iga xiiri doono waa iyadoo madaxa la ii dheereyn doono oo la iga jarayo (dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka soo baxay afkaygana waa annigoo shahiidi doona, haweentii caloosha i gashatayna waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA DARTEED WAXAAN RAJEYNAYAA IN AAN DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee xaggeyga soo aadeyna waa isagoo doonaya SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto), taasoo aan annigu u nasiib yeelan doono marka hore haddii Alle idmo, laakiin Camar isagu gadaal danbe ayuu shahaadada ka haleeli doonaa.

Haddaba, markay dhacday dirirtii Yamaama, wuxuu Dhufeyl goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo wixii uu doonayay oo ahayd inuu jidka Alle ku dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar, isaga kama noogin kii sii wada dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo, gacantiisa midigna ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxuu ku soo laabtay magaaladii Madiina, halka uu aabihiis Dhufeyl ku dhintay (shahiiday) dagaalkaas.

Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab (rc) ayaa waxaa maalin Cumar u soo galay Camar Binu Dhufayl, wax yar ka dibna waxaa fadhigii Cumar la keenay cunto. Cumar wuxuu dadkii ugu yeeray inay wax kala cunaan cuntadii, hase ahaatee waxaan aadin xeeradii cuntada Camar oo isagu meel cidla ah iska fariistay. Cumar ayaa weydiiyay inay ugu xishoonayo iyadoo ay ugu wacan tahay gacanta uu la’yahay awgeed iyo in kale?. Camar ayaa ugu jawaabay haa oo waa runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab ayaa ku dhaartay inuu ka qayb qaato cunidda cuntada la keenay, isagoo yiri: "wallaahi nalama fadhiyo ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay jiraan Jannada aan ka ahayn adiga", wuxuu ka waday gacanta Camar Binu Dhufayl ee dagaalka uga go’day.

Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna waxaa u danbeysay inuu helo wixii uu ku yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo ahayd inuu ku dhinto jihaadka asagoo difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw), wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee dhacday sannadkii 15-aad ee hijriyada. Ilaah ha u naxariisto Camar, waayo isna shahiid ayuu ahaa, aabihiisna shahiid ayuu ahaa.


8- XUDAYFA BINUL YAMAAMA - Top

Xudayfa wuxuu idiin soo sheego rumaysta (Xadiith).

"Haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa muhaajiriinta, sidoo kalena haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa Ansaarta, labadaas kooxood midkaad doontid naftaada u dooro”, hadaladaa Waxaa Xudeyfa ku yiri Rasuulka (scw) markii ugu horeysay ee uu magaalada Makka kula kulmay. Sababta keentay kala doorashadaas ee uu Rasuulka (scw) kala dooransiiyay labadaas kooxood ee sharafta badan ayaa waxaa ku dhex jirta sheeko xiiso leh oo aan ku arki doono gudaha sheekada.

Xudeyfa aabihiis waxaa la oran jiray Yamaan, wuxuu ka dhashay reer Banuu CABS, sidoo kale wuxuu ahaa reer Makka, hase ahaatee wuxuu galay dhagar oo wuxuu dilay qof, taasoo markii danbe ku qasabtay inuu ka qaxo magaalada Makka, isagoo u qaxay magaalada Madiina, halkaana wuxuu bahwadaag la sameeyay reer Banii Cabdil Al-ash-hal oo uu iyagu la xididay kana guursaday, jeer uu u dhashay wiil loo baxshay Xudeyfa. Meeshaana waxaa ka baxday waxyaabihii Yamaan ka hortaagnaa inuu ku soo noqdo magaalada Makka, wuxuuna u dhaxeen jiray labada magaalo, inkastoo uu u badnaa deganaanshaha magaalada Madiina.

Haddaba, markii uu nuurka Islaamka ka bishay jasiiradda Carabta, ayaa Yamaan oo ahaa Xudeyfa aabihiis iyo 10-kale oo ka mid ah reer Banii Cabs ayaa waxay u soo wafdiyeen Rasuulka (scw), iyagoo doonaya inay Rasuulka (scw) ogeysiiyaan doonista ay doonayaan inay soo galaan diinta Islaamka. Xilligaa iyada ahna waxay ahayd ka hor intuusan Rasuulka (scw) u haajirin magaalada Madiina.

Haddaba, halkan waxaa ka bilaabanaysa barbaarintii Xudeyfa ee isir ahaan ka soo jeeday reer Makka.

Xudeyfa wuxuu ku barbaaray guri muslim ah, waxaana ku dhex barbaaray aabe iyo hooyo goor hore islaamay dhexdooda. Xudeyfa wuxuu islaamay isagoo aanan arag Rasuulka (scw). Hase ahaatee galgacaylka iyo hiloowga Xudeyfa uu u qabay la kulanka Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kii dhaamiya oo buuxiya labadiisa dhinac. Xudeyfa marna kama faaruqin laga soo bilaabo maalintii uu islaamay kii weydiiya aabihiis sifooyinka Rasuulka (scw), mar alla markii loo sheegana waxay u kordhinaysay galgacalo iyo hiloow uu u qabo aragtida Rasuulka.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Xudeyfa u socdaalay magaalada Makka si uu u soo arko Rasuulka (scw), markii uu la kulmayna isla markiiba wuxuu weydiiyay su’aashan: ”maadaama aan ka imid magaalada Madiina, ma muhaajir baan ahay, mise Ansaari Rasuulkii Alloow?”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: ”haddaan doonto waxaad noqotaa muhaajir, haddaad doontana waxaad noqotaa ansaari, naftaada u door wixii aad la jeceshahay”. Xudeyfa ayaa yiri: ” haddaba waxaan ahay Ansaari Rasuulkii Alloow ”.

Markii uu Rasuulka (scw) u haajiray magaalada Madiina, Xudeyfa wuxuu laasimay ka ag-dhowaanshaha Rasuulka (scw), jeer uu Rasuulka kala qayb galo dhammaan duulimaadyadii uu qaaday Rasuulka, markii laga reebo dagaalkii ugu fadli badnaa ee Badr. Ka maqnaashaha Xudeyfa uu ka maqnaaday dagaalka Badr, waxaa ku jirta sheeko uu isagu laf-ahaantiisa ka waramay, wuxuuna yiri: ”igama reebin inaan ka qayb galo dagaalkii Badr, aan ka ahayn inaan anniga iyo aabahay aan ku maqnayn dibadda magaalada Madiina, innagoo dhexda socona ayaa waxaa na qabsaday oo na qafaashay gaaladii Qureysh, waxay nagu yiraahdeen inteed u socotaan, waxaan ku niri: magaalada Madiina. Waxay yiraahdeen, ma waxaad u socotaan Muxammad, waxaan niri: maya, ee waxaan u soconaa magaalada Madiina.

Way diideen inay na sii daayaan, jeer ay naga qaadeen ballan ah inaanan u gaargaaraynin Muxammad oo aanan safkiisa safan dagaalka, sidiina ayeey nagu sii daayeen”. Xudeyfa wuxuu yiri: ”kolkii aan u nimid Rasuulka (scw) ayaa waxaan u sheegnay ballantii aan galnay, iyo wixii aan ka sameyn lahayn”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: ”ballantoodu waynu oofinaynaa, Ilaahna waynu kaalmeysanaynaa” ( xaddiiskan waxaa ka danbeesay axaadiis tilmaamaya, inaan la fulinaynin ballamaha la xiriira macaasida Alle iwm, sida xaddiiska oranaya: laguma adeecayo makhluuq wixii macsiyada Eebbe ah).

Markii la soo gaarey dagaalkii Uxud wuxuu Xudeyfa dhex tiimbaday oo galay bartamaha dagaalka, isagoo la socda aabihiis. Haddaba, Xudeyfa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro weyn oo la jeclaystay, wuxuuna ka soo laabtay isagoo nabad qaba. Hase ahaatee, aabihiis wuxuu dhintay isagoo shahiiday, laakiin uu ku dhintay seefaha muslimiinta, ma uusan ku dhiman seefihii gaalada, taasi lafteedana waxay lahayd sheeko xiiso leh.

Maalintii la galayay dagaalkii Uxud, ayaa wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay Yamaan iyo saxaabiga la yiraahdo Zaabith Binu Waqsh si ay u galaan dhufeysyada magaalada iyagoo ay weheliyaan dumarka iyo caruurta. Waayo, labadooduba waxay ahaayeen waayeello aad u da’ weyn. Dagaalkii markii uu kululaaday ayaa Yamaan wuxuu Zaabith ku yiri: ”aabo beele! Maxaynu sugaynaa?, wallaahi ayaan ku dhaartaye cumri noo haray ma jiro aan ka ahayn wax labo maalmood oo kale ah, oo muddo yar ka dib waynu dhimanaynaa, kaaley aynu qaadanno seefaheena oo aynu haleelno Rasuulkii Alle (scw) waxaaba dhici karta inuu Alle (sw) nagu arsuqo shahaado innaga iyo Rasuulkuba’e”.

Sidii ayeey ku aadeen goobtii dagaalkii, kuna galeen dagaalka. Zaabith isla markiiba wuxuu Ilaah ku maamuusay shahaado oo wuxuu dhintay isagoo shahiid ah, gaaladii ayaana dishay. Hase ahaatee, Yamaan waxaa isugu tagtey seefihii muslimiinta iyagoo aynan garanayn. Xudeyfa oo arkayay ayaa wuxuu lahaa: ”war waa aabahay, waa aabahay”, laakiin ma jirin cid maqlaysay, sidiina ayuu si sarajoog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka. Xudeyfa ayaa ku yiri nimankii laayey aabihiis oraahdan: "Ilaah ha idiin denbi dhaafo, maxaa yeelay Alle waa kan ugu naxariista badan inta naxariisata”. Rasuulka (scw)wuxuu jeclaystay inuu Xudeyfa siiyo diyadii aabihiis, Xudeyfana wuu ka cudurdaartay inuu qaato diyadaas, isagoo diyada aabihiis ku saddaqeystay muslimiinta, wuxuuna yiri: ” aabahay shahaadadii uu doonayay wuu helay, Ilaahoow ka marag noqo in aan diyadiisa ku sadaqeystay Muslimiinta”.

Arrinkaas waxay Xudeyfa Nebiga (scw) agtiisa uga kordhisay sharaf iyo martabad weyn. Markii uu Rasuulka (scw) uu si dhab ah ugu fiirsaday moolka iyo ka gungaaridda kartida Xudeyfa ayaa waxaa uga soo baxday saddex astaamood oo waaweyn, waxaana ka mid ah:

Caqli qoto dheer oo Rasuulka ku gacan siiya xal-u-helidda wixii adkaado. Fahmo wadata dhego-nuglaan, taasoo aqbalid badan marka loo yeero. Sirta oo uu qariyo, oo qof agtiisa wax ka qaadi kara aynan jirin. Siyaasadda Nebiga (scw) ayaa waxaa ka mid ahayd, inuu nin waliba oo ka mid ah asxaabta uu ku aaddiyo meesha uu ku habboon yahay, iyadoo qof kasta meesha uu ku munaasabsan yahay lala fiirsanayo. Dhibaatadii ugu waynayd ee soo waajahda Muslimiintii deggenayd magaalada Madiina, ayaa waxay ahayd munaafiqiintiii dhagarta badnayd iyo Yahuuddii degganayd magaalada Madiina iyo xulufaddoodii oo isu bahaystay sidii ay u dhagri lahaayeen Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa.

Markay arrintu halkaa mareyso, ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ku sir qarsaday Xudeyfa, isagoo u sheegay tirada magacyada munaafiqiinta. Sirtaa iyada ahna, ma uusan Rasuulka (scw) tusin cid aan ka ahayn Xudeyfa, wuxuuna ballan kula galay inuu kor ahaan kala socdo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan munaafiqiinta iyo inuu ka hortago khatarta ay la iman karaan kuwaas munaafiqiinta ah. Maalintaas wixii ka danbeeyay, waxaa Xudeyfa loogu yeeri jiray magacan: "saxaabigii ogaa sirta Nebiga (scw)".

Marar badan ayaa waxaa dhacday inuu Rasuulka (scw) kaalmaystay khibradda iyo kartida Xudeyfa, xilligaas iyada ahna aad loogu baahnaa maskax iyo xeelad dagaal, taasoo ay ku dheehan tahay aqoon iyo caqli hufan, sida tusaale ahaan dagaalkii Khandaq, halkaas oo lagu go’doomiyay muslimiinta iyagoo ay hareereeyeen dhammaan cadowyadii Islaamka. Dhinaca kale, gaaladii qureysh laf-ahaantoodu ma ahayn kuwo ka ka xaalad wanaagsan muslimiinta, maxaa yeelay wuxuu Ilaah ku shubay caradiisa, taasoo tabardarraysay awooddoodii, wiiqdayna go’aankoodii. Wuxuu Ilaah ku soo diray dabeyl xoog leh, dabeyshaasoo geddisay teendhooyinkii ay ku jireen iyo digsiyadii ay wax ku karsanayeen. Sidaa darteed wuxuu Rasuulka (scw) u baahday kartida iyo khibradaha Xudeyfa, isagoo go’aan ku gaaray inuu u diro halka ay joogaan bartamaha halka ay joogaan ciidanka gaalada, weliba isagoo ku gabanaya mugdiga habeenkiisa, waana ka hor intuusan Rasuulka qaadan wax go’aan ah. Haddaba, aan sheekada u dhaafno Xudeyfa si uu nooga waramo safarkii geerida qarka u saarnaa, wuxuuna Xudeyfa yiri: Waxaan habeenkaas ahayn kuwo saf-saf u fadhiya, Abuu Safwaan iyo ciidankii la socday ee Qureysh ahayd waxay taagnaayeen halka naga sareeya.

Yahuudii reer Banii Qureydana waxay fadhiyeen halka naga hooseeya, markaa iyada ahna waxaan ka cabsanaynay inay dhibaato ku timaaddo haweenkeena iyo caruurteena. Ma jirin habeen ka gudcur iyo dabeyl badnaa habeenkaas, dhawaaqa ay wadatay dabeesha waxaa la moodayay sida biriq oo kale, mugdiga habeenkaas jiray darteed wuxuu sababay inuusan midkeen awoodi karin inuu arko fartiisa.

Munaafiqiintii waxay bilaabeen inay dagaalka ka fasax qaataan, iyagoo Rasuulka (scw) ku leh: "guryaheena ayaa cidla ah oo cadoowgii ayaa soo geli kara". Dhab ahaantiina cidlo ma ahan, ee waxay doonayaan inaynan ka qayb gelin dagaalka. Sidaas oo ay tahay Rasuulka (scw) ruuxii ka fasax qaata wuu ka aqbalayay, iyagoo sidaas munaafiqiinta mid mid u dusaya, jeer ay tiradeena ka noqoto ilaa 300 qof ama wax le’eg. Markay arrintu halkaa mareyso ayaa Rasuulka (scw) istaagay isagoo dhinac maraya asxaabta dhexdooda ilaa uu yimaado anniga agteyda, markaas iyada ahna jirkayga ma saarnayn wax aan ka ahayn go’ ay lahayd xaaskayga, go’aasoo aan dhaafeynin jilbahayga. Rasuulka (scw) wuu ii soo dhowaaday anniga oo dhulka jilba-jooga, isla mar ahaantaana aan waardiyo ka hayo cadoowga, markaasuu Rasuulka (scw) igu yiri: "waa kuma ninkan?", markaasaan ku iri: "waa Xudeyfa". Mar kale ayuu yiri: "ma Xudeyfaa?", anniguna dhulka ayaan isku sii gaabiyay annigoo kahanaya ama dhibsanayo inaan istaago gaajada iyo qaboowga i haya awgeed. Waxaan iri: "haa waa annigii Rasuulkii Alloow".

Rasuulka (scw) ayaa Xudeyfa ku yiri: "waxaa ciidanka cadoowga dhexdiisa dhici doona khabar, sidaas darteed iyaga intaad u dustid oo ku dhex dhuumatid noola imoow khabarkooda". Xudeyfa wuxuu yiri: "waxaan tagey annigoo dadka ugu cabsi iyo qaboow badan. Rasuulka (scw) ayaa isagoo u duceynaya Xudeyfa yiri: "Ilaahoow Xudeyfa xaggiisa hore ka ilaali, xaggiisa danbena ka ilaali, midigtiisana Alloow ka ilaali, bidixdiisana Alloow ka ilaali, xaggiisa horena Alloow ka ilaali, xaggiisa hoosena Alloow ka ilaali". Xudeyfa wuxuu yiri, markii uu Nebiga (scw) ii duceeyay ka dib, wuxuu Ilaah siibay dhammaan wixii cabsi ah ee igu jiray, sidoo kalena qaboowgii darnaa ee i hayayna Ilaah jirkayga wuu ka tirtiray. Markii aan doonay inaan xagga ciidanka gaalada u dhaqaaqo ayaa Rasuulka (scw) ii yeeray, isagoo igu yiri: "Xudeyfoow ciidanka dhexdooda wax ficil ah ha ku dhex sameynin jeer aad iiga timaado", waxaana iri haye. Intaa ka dib, waxaan tagay annigoo ku gabanaya mugdiga bartamihiisa ilaa aan ka dhex galay gudaha ciidamada mushrikiinta (gaalada), kana mid noqday sida inaan ahay mid iyaga ka mid ah oo kale. Halkaana waxaa ka soo baxday fahmadii iyo kartadii Xudeyfa ee aan hore u xusnay. Wax yar Xudeyfa maba uusan sii joogin ilaa uu ciidanka dhexdiisa ka dhex istaagay Abuu Sufyaan oo hogaaminayay ciidanka, wuxuuna bilaabay khudbad isagoo leh: "Qureysheey waxaan doonayaa inaan idin iraahdo hadal, isla markaana waxaan ka cabsanayaa inuu hadalkaasi gaadho Muxammad, ee sidaa darteed ha eego ruux kasta qofka uu la fadhiyo.

Markii uu Abuu Sufyaan uu sidaas yiri, ayaan anniga ku hormaray ninkii ila fadhiyay oo aan ku iri: "war adigu kumaad tahay?"., markaasuu wuxuu yiri: "waxaan ahay hebel ina hebel, sidiina ayaana ku badbaaday. Markii nin weliba iska hubsaday ninka kale, ayaa Abuu Sufyaan yiri: "qureysheey dhageysta, wallaahi baan ku dhaartaye ma joogtaan meel la degganaan karo, maxaa yeelay wuu dhammaaday gaadiidkeenii, waxaa ballantii nagaga baxay reer Banuu Qureythah, dhibkii aan kala kulanay dabeyshii xoogga badnaydna waad aragteen ee sidaa darteed hala rarto oo hala guuro, anniguna waan raraniye. Markii uu sidaas yiri Abuu Sufyaan, ayaa wuxuu u kacay awrtiisii, wuxuuna ka furay dabarkii, dabadeedna wuxuu fuulay ratiga, ka dibna usha ayuu ku dhuftay, ratigiina sidii ayuu ku istaagay. Xudeyfa wuxuu fadhiyay markaas iyada ah meel aan ka fogeyn meesha uu istaagnaa Abuu Sufyaan oo wuxuu awoodi karay inuu dilo, hase ahaatee wuxuu fulinayay amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa inuusan ficil qaadin, wuxuuna yiri: "hadduusan Rasuulka (scw) i amri lahayn inaanan ku dhaqaaqin wax ficil ah, waxaan Abuu Sufyaan ku gani lahaa hal leeb.

Markaa ka dib, waxaan u soo noqday Rasuulka (scw) oo tukanaya, wuxuuna Rasuulka (scw) qabayay go’ ay lahayd mid ka mid ah xaasaskii Rasuulka (scw), markii uu i arkayna xaggiisa ayuu ii soo dhoweeyay, waxaana uga waramay wixii aan la kulmay. Nebiga (scw) aad iyo aad ugu farxay, wuxuuna ku mahadiyay Ilaah wuuna ammaanay. Xudeyfa wuxuu ahaa kii lagu sir aaminay siraha munaafiqiinta intii uu noolaa, xitaa khulafada waxay u noqon jireen Xudeyfa sida tusaale ahaan Cumar Binu Khadaab (rc) wuxuu ahaa haddii uu doono inuu ku tukado mid ka mid ah muslimiinta wuxuu weydiin jiray inuu Xudeyfa ku tukaday iyo in kale, haddii lagu yiraahdo: haa, oo wuu ku tukaday, isna wuu ku tukan jiray, haddiise lagu yiraahdo, maya, wuu ka shakin jiray inuu qofkaas ka mid yahay munaafiqiinta, oo ma uusan ku tukan jirin. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Cumeyr wuxuu Xudeyfa weydiiyay in shaqaalihiisa ay ku jiraan qaar ka mid ah munaafiqiinta, wuxuuna Xudeyfa u sheegay inuu jiro hal qof, Cumarna wuxuu ka codsaday inuu u sheego, hase ahaatee Xudeyfa wuu diiday inuu sheego ruuxa uu yahay. Xudeyfa wuxuu yiri, wax yar maba uusan sii joogin Cumar ilaa uu ninkii ka casilay markii danbe, sida in lagu hanuuninayay oo kale. Dad aad u yar ayaa og in Xudeyfa Binu Al-yamaani uu muslimiinta u furtay magaalooyinka ay ka midka yihiin Nahawandi, Daynuwr, Hamadaani iyo Warry, wuxuuna sabab u ahaa inuu muslimiinta isugu keeno hal kitaab oo qura (musxafkii Cuthmaan), ka dib markay sigeen inay isku khilaafi lahaayeen kitaabka Alle.

Iyadoo ay taas jirto, wuxuu haddana Xudeyfa ahaa kii aad ugu xeel dheer cabsida Alle, wuxuu aad uga cabsan jiray ciqaabta Alle. Markii ay ku cuslaatay bukaankii sakaraadka ayaa waxaa u yimid qaar ka mid ah asxaabta goor habeen bar ah, markaasuu wuxuu ku yiri: "saacaddu waa imisa?", waxay yiraahdeen: waxay ku dhowdahay fajarkii", Xudeyfa ayaa yiri: "Ilaah ayaan ka magan galay waaberi ii gudbiya naarta", wuu ku celceliyay. Ka dib wuxuu yiri, ma ii keenteen kafan, markaas ayeey yiraahdeen: "haa". Wuxuu yiri: "kafanaha ha ku xadgudbina, maxaa yeelay haddii kafantani ay ii kheyr badan tahay xagga Eebbe (sw) waxaa la iigu beddelayaa mid iiga kheyr badan, haddii kale waa la iga siibayaa" . Intaa dabadeed wuxuu yiri: "Ilaahoow waxaad og tahay inaan faqriga ka jeclahay hodontonimada, waxaad og tahay inaan maskiinimada ka jeclahay kibirka, waxaad og tahay inaan geerida ka jeclahay nolosha, ka dibna wuxuu yiri iyadoo naftiisa sii baxaysa: dhimashada ama malakul-mowdku waa mid la jecel yahay oo yimid isagoo loo hilowsan yahay, ma liibaano qofkii la kulankiisa qoomameeya. Ilaah ha u naxariisto Xudeyfa Binu Al-Yamaan.


9- CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM - Top

Nin indho la' oo eebbe sw isaga dartiis ku soo dejiyey 16 aayadood, kuwaas oo la aqriyey lana aqrin doono intii ay labadii cusbaa ka soo laabtaan waa habeenka iyo maalintee

Waa kuma saxaabiga isaga dartiis Nebiga looga canaantay toddobo samo korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qalbiga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah. Saxaabigaas qiimahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw).

Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad, wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid, maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caatika Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho daboolan oo indho la’.

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu la kowsaday kolkii uu Nuurka Islaamka ka bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe (sw) ku iftiimiyay laabtiisa hanuunka iimaanka iyo islaamka, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qaata diinta Islaamka. Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku adkeysi uu ku adkeysto qanaacadiisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaatooyin fara badan ayuu kala kulmay gaaladii Qureysh, hase ahaatee waxaasoo dhibaato ah ma ayan tabardareynin oo ma daciifin iimaanka iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu sii qabsado ku dhaqanka kitaabka Alle, dhinaca kalena uu korosado aqoonta la xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto xaggaa iyo ku camalfalka hanuunka Rasuulka (scw).

Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Rasuulka (scw) iyo dadaalka uu ugu jiray barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad kasta uu u maro sidii uu arrintaas uga faa’iideysan lahaa. Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu Rasuulka (cw) la kulmay qaar ka mid gaaladii sida aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal iyo Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis.

Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal inay soo islaamaan., isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo islaamaan, ama haddii kale ay joojiyaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo markaas ka dalbayay Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh:

"Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku baray". Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay jireen kooxdii uu la hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal inay soo islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Islaamka u keento cisso iyo taageerada dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay nimankii qureysh maba uusan dhammaynin, mana doonin inuu aado reerkiisa, jeer uu Alle qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen ah sida isagoo la garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku jira biloowga suuradda Cabasa:

"Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo. Ama uu waansamo, oo markaas waanadu anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas ma ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii doona wuu ku waano qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-maxfuudka), lana koryeelay oo la daahiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf iyo dhego nuglaan leh".

Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana aayado la aqrin doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran dhammaanteed.

Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa oo u qaddariya Cabdullaahi kolkuu u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn, maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe (sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa toddobo cir korkood, canaan tii ugu adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii Qureysh markii ay mar kale soo laba-kacleeyeen dhibaatadii ay ku hayeen Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna darraatay dhibkooda ayuu Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u haajiraan magaalada Madiina. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u haajira, isagoo diintiisa la cararaya.

Cabdullaahi oo uu weheliyay saxaabiga jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna ku dhintay isagoo shahiid ah dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen asxaabtii ugu horeeyay ee yimaada magaalada Madiina. Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii Madiina, maba uusan sii joogin jeer isaga iyo Muscab ay durbadiiba ka bilaabeen gudbinta dacwada Islaamka, iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cilmiga diinta Islaamka.

Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay Cabdullaahi Ibnu Maktuum iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan, lana jahraanna oraahda kalimadda tawxiidka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kalena dadka ku baraarujin jiray liibaanta. Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi jiray salaadda. Amaba waxaa dhici jirtay mararka qaarkood inuu Cabdullaahi addimo, Bilaalna uu salaadda aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u maamuusi jiray Cabdullaahi, maamuusiddaasina waxay gaartey inuu Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina uga tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka maalmood uga maqan yahay dibadda magaalada. Maqnaanshahaas midkood waxayba ahayd maalintii uu Nebiga (scw) furanayay magaalada Makka.

Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yeelayo darajada mujaahidiinta, isagoo ka fadilaya kuwa aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu arrintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka fariistay goobta jihaadka. Aayadahaas waxay saameeyeen Cabdullaahi, isagoo dhibsaday inuusan ka qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay. Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri hadalkan:

"Rasuulkii Alloow haddaan awoodi lahaa, waan jihaadi lahaa", dabadeedna wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo yiri: "Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga", Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga".

Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii waxyiga Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri: " waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa, waxaa Rasuulka dabooshay xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday bowddadayda, mana arag wax ku culeys badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna culeyskii waa laga qaaday, wuxuu yiri: qor Zeydoow, waxaan qoray:, ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay jihaadka".

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa istaagay, markaasna yiri: "Rasuulkii Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin inuu jihaado?!" Hadalkii Cabdullaahi maba uusan sii dhameystirin jeer haddana Rasuulka (scw) ka daboosho xasilooni kale, bowddadii Rasuulka ayaa ku dhacday bowddadayda, waxaana dareemay culeyskii hore oo kale, dabadeedna wuxuu yiri: qor Zeydoow. Waxaan aqriyay wixii aan qoray, oo ahaa: "ma sinna kuwa jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah". Rasuulka (scw) ayaa yiri, waxaad qortaa: "aan ka ahayn kuwa dhibban". Waxaa soo degtay ka soo reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo uu in badan jeclaan jiray Cabdullaahi. In kasta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay Cabdullaahi iyo dadka la midka ah ka qayb galka goobaha dagaalka, haddana nafta Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday inay ka fariisato ka qayb galka goobaha jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku gaarey inuu ka qayb qaadan doono jihaadka.

Maxaa yeelay, dadka sar sare ma damcaan, waxaan ka ahayn waxyaabaha waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay, wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan dhaafin duulimaad ama dagaal la qaadayo, wuxuuna naftiisa ugu qoondooyay goobta dagaalka howl gooni ah. Wuxuu oran jiray: "waxaad i istaajisaan bartamaha labada saf dhexdooda, waxaadna ii dhiibtaan calanka si aan idiinkugu qaado, una xafido, maxaa yeelay waxaan ahay ruux aanan wax arag oo markaa aan awoodin orod iyo baxsi kale.

Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku gaaray inuu ciidamada ku qaadi doono dagaal adag oo daba-geddiya dowladda Furus, isla mar ahaantaana tirtirtana boqortooyadooda, isla mar ahaantaana waddada u furta ciidamada muslimiinta. Cumar Binu Khadaab wuxuu guddoomiye-goboleedyadiisa u qoray qoraalkan uu ku leeyahay: "yaan laga soo tegin ruux haysta hub ama faras, amaba ruux geesi ah ama yaqaana tabta dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya dhinacayga, dhaqsada oo dhaqsada".

Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar ajiibay amarkii Cumar, iyagoo dadkii dhan isugu yimid magaalada Madiina meel kasta. Dadkaas faraha badnaa ayaa waxaa ku jiray Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ee indhaha la’aa. Ciidankii dagaalka wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga qiimaha badan ee Sacad Binu Abii Waqaas, isagoo u jeediyay dardaaran, sogeetiyayna. Ciidankii markii uu soo gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah, ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi oo lebisan dirac dagaaleedkiisii (qalab la isaga difaaco hubka/seefaha), dhinaca kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar garowgiisii dagaalka, naftiisana wuxuu u rashaxay inuu xanbaaro calanka muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii ciidan ayaa waxay dagaalamayeen saddex maalmood oo qallafsan..

Waxay u dagaalameen labadii ciidan si aynan taariikhdii furushada hadda ka hor wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay muslimiintii markii danbe ay uga soo hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn, halka gaaladii Furus dowladdoodii ugu weynayd lagu ciribtiray goobtaas. Boqortooyadii Furus waa la ciribtiray. Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay calankii towxiidka. Goobtii dagaalka waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal ka mid ah muslimiinta, waxaana ka mid ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Waxaa la helay isagoo dhiigiisa ku dhex jiifa, isla markaasna ku dhegan calankii Mulimiinta. Halkaas waxaa ku dhammaatay sheekadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa inuu u naxariisto isaga iyo dhammaan asxaabtii diintaan u soo halgantay.


10- SACIID BUNU CAAMIR AL-JUMAXI - Top

Saciid binu caamir waa nin aakhirada ka doortay adduunyada, wuxuuna alle iyo rasuulkiisa ka doortay wixii alle iyo rasuulkiisa ka soo haray

SACIID OO AAN ISLAAMIN:

Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb.

Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr.

Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yiri gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: "haddaad doontaan ii oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin". Waa loo ogolaaday.

Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu yiri: "alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood" Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yiri: "wallaahi haddaanan ka cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda".

Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: "ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho", uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya hadalkan: "wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna ay muddo qodax". Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: "dila.., dila.."

Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: "Ilaahoow dhammaantood ciribtir, mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin". Wax yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara dhaawacyadii soo gaarey Khubeyb uusan jirin.

SACIID OO SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB:

Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada ahayd Saciid ma uusan islaamin.

Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax uusan aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada.

ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI:

Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay.

Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah.

ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:

Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo waanada uu u soo jeediyo iyaga.

Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu Cumar ku yiri: "Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, inuusan is-khilaafin ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan".

Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri: "Saciidoow yaa awoodi kara". Saciid ayaa wuxuu yiri: "waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna yiri: "Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa". Saciid ayaa u celiyay: "Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i fidnayn". Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: "intaad mas’uuliyaddan qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo".

SACIID OO KA MID NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR:

Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: "miyaanan musha-haro kuu qoraynin". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka qaato baytul-maalka". Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa.

WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!:

Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska fuqurada ee deggan magaalada Ximsa.

Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa.

Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu jawaabeen: "waa amiirkeena!". Cumar ayaa markale wuxuu weydiiyay su’aashan: "amiirkiinu ma faqiir baa?!". Waxay ku jawaabeen: "haa", waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay garkiisa. Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday kiish, isagoo wafdigii ku yiri: "marka hore igu salaama Saciid, waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah".

REERO ADDUUNYO MA AHAYN:

Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo oranayay: "Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale.

Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid, waxayna ku tiri: "maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii ayaa dhintay?!". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maya ee waxaa dhacay wax taa ka weyn". Waxay tiri: "ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!. Wuxuu yiri: "maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday". Waxay tiri: "maxaa taas ka weyn?!". Saciid ayaa yiri: "adduunyadii ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga". Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska tiri: "isaga takhallus haddaba". Saciid ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan: "arrintan ma igu kaalmaynaysaa?", waxayna ku jawaabtay: "haa".

Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan.

MID KA MID AH TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:

Wakhti badan kama soo wareegan, jeer uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala saari jirin madaxda iyo shacabka, waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.).

Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran jiray: "Al-Kuweyfa" ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada.

AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID:

Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:

"Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto". Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: "ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa".

Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay yiraahdeen: "habeenkii cidna uma jawaabo". Cumar ayaa Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay hadalkaas?". Saciid wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay.

Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: "maxaad kalood ka sheeganaysaan". Waxay yiraahdeen: "bishii maalin ayuusan noo soo bixin". Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: "ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa".

Cumar ayaa dadkii ku yiri: "maxaad kalood ka sheeganaysaan?". Waxay yiraahdeen: "mararka qaarkood ayuu miyir beelaa". Saciid ayaa wuxuu yiri: "waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: "ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga", wuxuuna ku jawaabayay:"wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax", anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa".

Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: "waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga", ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto.

Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri: "waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya". Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: "ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan". Waxay tiri: "waa maxay". Wuxuu yiri: "waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay". Waxay tiri: "waa kuma kaas". Saciid wuxuu yiri: "waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan". Waxay tiri: "waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo".

Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: "lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa...

Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo caddaaladeedba.

aamiin.


CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA'I - Top

Adigu waad rumaysay markii ay dadkii gaaloobeen, adigu waad garawsatay markii ay dadkii inkireen, adigu waad oofisay markii ay dadkii ballanta ka baxeen, adigu waad soo jeesatay markii ay dadkii carareen (Cumar binul khadaab)

Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan islaamin:

Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis.

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis, reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) la jahray dacwadii hanuunka iyo xaqa, carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo boqortooyadiisa.

Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u qaaday Rasuulka cadaawad aad u daran, iyadoo uu weliba uusan garan Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas cadaawadeed ku sugnaa muddo gaareysa labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle (sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba, islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba la illoobi karin. Aan marka isaga u deyno si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo dhammeystirka sheekadiisa, maxaa yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada weriyo.

Naceybkii Caddiyyu ee uu qabay Rasuulka:

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yiri: Ma jrin qof iga necbaa Rasuulka ka dib markaan maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisa maamuusaan, sidoo kalena waxaan ahaa nin kirishtaan (gaal ah) ah.

Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool, oo xoolaha ay tolkiisu ka soo helaan dagaallada afar meelood meel ayaan ku lahaa, sidii ay sameyn jiraynba boqorrada carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay Nebi Muxammad waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu bannaanka timid, awooddiisana ay fidday ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo ilaaladiisa daggaalka in ay ku fideen barriga iyo galbeedka dalalka carabta ayaa waxaan ku iri wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: ”waxaad ii diyaarisaa neefaf geel oo goolal (cayilan) ah oo weliba hayin ah, waxaadna iigu xirtaa meel ii dhow. Haddaad maqashid ciidamada ama ilaalada Muxammad oo yimid magaalada durbadiiba ii sheeg”.

Goor subax barqin ah ayaa waxaa xaggeyga soo aaday wiilkii shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh: ”wixii aad damacsanayd inaad sameyso haddii ay magaaladaada soo galaan fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameey”. Waxaan ku iri: ”hooyadaa gablante’e maxaa dhacay?!”. Wuxuu yiri: ”waxaan arkay calamo daaf-wareegaya guryaha, markaan weydiiyay cidda ay yihiinna waxaa la igu yiri waa ciidankii Muxammad”. Waxaan ku iri, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa geelii aan horey kuu faray”.

Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan faray ehelkayga iyo caruurtaydaba in laga guuro dalkii aan weliggeen jeclayn. Waxaan billaabay inaan socod-boobo, anniga oo weliba ku socda dhinaca gobolka Shaam si aan u haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la deggo.

Waxaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn:

Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan raad-goobo dhammaan ehelkayga. Markaan dhaafnay meelihii khatarta lahayd ayaa waxaan isha mariyay ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn, iyadoo aan uga soo tagnay meeshii la oran jiray: ”NAJD”. Suurto gal iima ahayn inaan iyada u laabto, waan sii soconnay ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina ayaan iskala deggay dadkii aynu isku diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa qabsaday wixii aan uga cabsanayay.

Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya in fardihii ciidamada Muxammad ay weerareen guryaheena , isla mar ahaantaana ay kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay, iyadoo loo sii waday magaalada Madiina.

Naxariista Nebiga ee dumarka:

Gabadhii aan waalaalaha aynu ahayn waxaa lagu daray dadkii la soo qabqabtay, iyagoo la dejiyay meel u dhow iridka masjidka. Waxaa meeshii soo maray Nebiga (scw), gabadhii markay aragtay Nebiga ayaa waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay wuu dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka ayaa ku yiri: ”waa kuma walaalkaa?”. Waxay tiri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Rasuulka: ”Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay baa?!”, intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka.

Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo maray Rasuulka, waxayna ku tiri hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale ayuuna Rasuulka ugu jawaabayay.

Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo maray, goor ay gabadhiina Nebiga ka quusatay. Hase yeeshee nin meesha fadhiyay ayaa gabadhii ku yiri, orodoo u istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey istaagtay oo mar kale ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka (scw) ayaa si naxariis ku jirta u yiri: ”waan falay” (macnaha dalabkaaga waan aqbalay).

Gabadhii ayaa Rasuulka ku tiri: haddaba, waxaan doonayaa inaan haleelo ehelkayga jooga Shaam”. Wuxuu yiri: ”laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer aad ka hesho cid tolkaaga ah oo aad ku kalsoon tahay si ay kuu gaarsiiyaan Shaam, sidaa darteed haddaad heshid cid aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii”. Markii uu damcay Rasuulka inuu dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii weydiisay ninkii u sheegay inay Rasuulka la hadasho, waxaana lagu yiri wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib.

Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd jeer ay maalintii danbe ay magaalada yimaadaan koox socoto ah oo ay ku kalsoon tahay, kolkaasna waxay u timid Rasuulka (scw) oo waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow waxaan helay dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i gaarsiinaya magaaladii ay joogeen ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay codsigeedii, isagoo arad-bixiyay, wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto. Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka ahaa.

Caddiyyu wuxuu yiri: Intaa ka dib waxaan billawnay inaan raadinno wararka gabadha, iyadoo aan sugayno imaanshaheeda, innagoo weliba aan sigayno inaan rumeysano wixii naga soo gaarey ixsaankii Muxammad iyo asxaabtiisa ay u galeen walaashay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan dhex fadhiyay ehelkayga markii aan arkay haween saaran gurada awrta ayna xaggeena u soo socoto. Waxaan is iri: ma ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is iri markaan hubsaday inay iyada tahay.

Markay na dul-istaagtay oo noo timid, waxay ugula hormartay oraahdan: ”ma kii raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa miyaa, waxaad soo wadatay xaaskaagii iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay walaalahaaga tii ugu yareyd (waa iyada)”.

Waxaan ku iri, walaaleey waxaan kheyr ahayn ha oran, waxaan bilaabay inaan sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka raalli noqotay, ayna iiga sheekeesay wixii ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa wararkii aan hore u maqalay, waxaana ku iri -waxay ahayd gabar caqli badan lehna go’aan adag-: ”maxaad ka leedahay arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi Muxammad scw).

Waxay tiri: ”wallaahi waxaan arkaa inaad sida ugu dhaqsaha badan aad u haleesho, hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi lahaa fadligiisa, hadduuse boqor yahay agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid”.

Waxyaabihii saameeyay islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim:

Caddiyyu wuxuu yiri: waxaan u diyaar garoobay safar, annigoo u kicitimay magaalada Madiina, waxaana u soo galay Rasuulka (scw), waxaana hore aan u maqlay inuu yiri: waxaan rajeynayaa inuu Ilaah gacantayda ku dhigo gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira masjidka. Wuxuu yiri: ”waa kuma?”. Waxaan iri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Wuu ii soo istaagay, ka dibna wuxuu i qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay gurigiisa.

Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii waday jeer uu waddada kula kulmay haweeney tabardaran oo weliba waayeel ah, waxayna la socotay wiil yar. Haweentii waxay istaajisay Nebiga, waxayna billowday inay kala hadasho danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa waxaan ku iri: ”Wallaahi kani boqor ma ahan”.

Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan ka nimid gurigiisa. Wuxuu soo qaaday barkin ka sameysan harag, isagoo xaggeyga ku soo tuuray iguna leh: ku fariiso”. Intaan ka xishooday baa waxaan ku iri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Wuxuu yiri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Markaas ka dib ayaa waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) oo waan ku fariistay, halka uu isaga fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma lahayn waxaan ka ahayn barkintaas. Naftayda ayaan markale ku iri: Arrintani iyo boqornimo kala dheer”.

Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo milicsaday, wuxuuna igu yiri: ”Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin Rukuusi oo diin ka dhigta diinta kiristaanka iyo diinta Saabi’iyada?”. Waxaan iri: ”haa oo waa runtaa”. Wuxuu yiri, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka qaata afar meelood meel (maalka ay dagaalka ka soo dhacaan), taasoo aynan diintaada kuu banneynin?”. Waxaan iri: ”haa”, iyadoo aan garowsaday inuu yahay Nebi xagga Rabbi laga soo diray.

Wuxuu haddana igu yiri (Nebigu):

”Waxaa laga yaabaa Caddiyyiyoow, inay kaa reebayso inaad diinta soo gasho waxa aad aragto ee fuqurada muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay in maalkii uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata.

Ma waxaa laga yaabaa –Caddiyyiyoow– inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka soo gasho waxa aad aragto oo ah tirada yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo badan, wallaahi waxay u dhowdahay inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda jeer ay ka soo booqato gurigan (kacbada-Makka) iyadoo aynan cidna ka cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah.

Waxaa laga yaabaa inay kaa reebayso inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida aad aragto boqortooyada iyo awoodda oo ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla Ciraaq) oo ay furtaan muslimiinta, keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay iyaga la wareegeen”. Waxaan iri: ”Ma boqorkii Kisraa Binu Hurmuz!?”. Wuxuu yiri: ”haa keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuz”. Caddiyyu ayaa yiri: ”markay arrintu halkaas marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii xaqa, waana islaamay”.

Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli noqdee wuu cumriyay oo wuxuu noqday waayeel, wuxuuna oran jiray: ”waxaan xaqiijiyay labo ka mid ah waxyaabihii uu Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal qayb, wallaahi ayaana ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo”. Caddiyyu wuxuu yiri, waxaan arkay gabadhii oo ka soo safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda welibana ayna cabsanaynin ilaa ay ka timaaddo magaalada Makka. Dhinaca kale annigaaba ka mid ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna keydihii boqorka Kisraa. Waxaan ku dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna imaanayo.

Caddiyyu wuxuu yiri: Wuxuu Ilaah doonay inuu xaqiijiyo oraahdii Nebigiisa naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxayna dhacday yaboohii saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka caabidka Cumar Binu Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la waayey jeer laga arko nin ku dhawaaqaya: ”yaa ii imaanaya oo iga qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna imaanaynin” (xilligan waxaa xilligii dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa la yiraahdaa inuu dowladdiisa soo saaray qaraaro fara badan oo uu ku kafaalo qaadayo ummadda gaar ahaan fuqurada iyo dadka aan waxna haysan., sida qofkii doonaya inuu guursado isla markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu maalkaas ka heli karo sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii lagu leeyahay deyn isla markaasna aan awoodin inay iska bixiso in sanduuqa dowladda uu ka heli karo iwm.

Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa muslimiinta maanta ka dhigay mujtamaca ugu liita dunida marka laga fiiriyo xagga dhaqaalaha, amniga, difaaca, siyaasadda iwm, taasi way iska caddahay waa markii ay ka jeesteen ku dhaqanka diintoodii Islaamka kuna dhisan sinnaanta & caddaaladda, dhinaca kalena ahna diin taabanaysa guud ahaan qaybaha nolosha).

Nebi Muxammad (scw) waa ka run sheegay hadalladii uu yiri, Caddiyyi Ibnu Xaatimna wuu meel mariyay dhaartiisii.

Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariista dhammaan asxaabta Rasuulka oo uu ka mid yahay Caddiyyi Ibnu xaatim.


12- MAJSA'ATA IBNU THAWR AL-SADUUSI - Top

Majsa'ata waa geesi halyey ah, wuxuu isu soo bax dagaaleed ku laayey boqol ka mid ah mushrikiinta, haddaba maxaad u malaynaysaa inta uu ku dhex laayey dagaalka bartamihiisa

Waa xilli ay geesiyadii sharafta badnaa ee ciidanka Alle ay iska ja-jafayaan boorkii dagaalka Al-qaadisiyah, weliba iyagoo ku faraxsan guushii uu Ilaah ka siiyay dagaalka, sidoo kalena ku faraxsan wixii walaalahooda dagaalka ku shahiiday loo qoray oo ajar ah. Dhinaca kale waa xilli ay u hilowsan yihiin dagaal la mid ah dagaalkii Al-qaadisiyah, isla markaana ay sugayaan inuu xagga khaliifka Cumar Binu Khaddaab (rc) uga yimaado amar tilmaamaya inay sii wadaan jihaadka si loo ciribtiro carshigii reer Kisraa.

Sugitaankoodii maba sii dheeraanin jeer uu maalintii danbe ka yimaado magaalada Madiina nin uu soo diray Khaliifka Cumar isagoo siday dhambaal ku socota guddoomiyaha gobolka ee Abii Musa Al-ashcariyyi. Dhambaalka wuxuu ku saabsanaa inuu Abuu Musa kaxeeyo ciidanka muslimiinta iyadoo ciidanka lagu darayo ciidan kale oo ka iman doona magaalada Basra, iyagoo markaasna si wadajir ah u aada gobolka la yiraahdo Al-ahwaaz (magaalo ku taalla Iiraan), si loo raacdeeyo hoggaamiyaha reer Furus ee la yiraahdo Al-hurmuzaan markaas ka dibna laga takhalluso lana xoreeyo magaallada Tustur, magaaladaasoo ahayd xarunta boqortooyada reer Kisra.

Majsa' ata Ibnu Thawr Al-Saduusi: sayidkii reer Banii Bakar ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa.
Amarkii Khaliifka Cumar uu u soo diray Abii Musa ayaa waxaa ku jiray inuu Cumar amray Abii Muusaa inuu dagaalka uu u kaxeysto dagaalyahankii geesiga ahaa ee la oran jiray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, isla mar ahaantaana ahaa sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa. Halkan, waxaan ka fahmaynaa qiimaha uu lahaa Majsa'ata Ibnu Thawr.

Saxaabigii Abii Musa Al-ashcariyyi wuxuu shaaca ka qaaday amarkii Cumar Binu Khaddaab, wuxuuna diyaariyay ciidankiisa, dhinaca bidix ee ciidankana wuxuu yeelay Majsa’ata Ibnu Thawr, dabadeedna wuxuu ciidankii ku daray ciidankii ka imaanaayay magaalada Basra, sidii ayeeyna si wadajir ah u dhaqaaqeen iyagoo jidka Alle u duulaya. Kama aynan suulin muslimiintii kuwii magaalooyin badan xoreenaya, tirtirayana meelihii ay gaallada ku jireen, halka hoggaamiyihii ciidanka Faaris ee Hurmuzaana hortooda cararaya jeer uu ka gaaray magaaladii Tustur, iskuna ilaaliyay dhufeysyadeeda.

Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan.
Magaallada Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan xagga quruxda, xagga cimilladana waxay ahayd tan ugu quruxda badan, sidoo kalena waxay ahayd meel aad ugu habboon xagga dhufeys-galka. Waxaa intaa dheer waxay magaaladu lahayd magac dheer oo leh taariikh qadiim ah, waxayna ku taallay meel taag ah oo qaabka ay u dhisan tahay u ekeyd qaab sida faras oo kale.

Waxaa magaallada waraabiya oo mara webiga yar ee lagu magacaabo ”Nahru Dujeyl”. Waxaa magaallada ay lahayd taallo-biyood, taalladaasoo uu dhisay boqorkii la oran jiray Saabuur, waxaa dhinaca taallada ka soo burqanayay biyaha webiga iyadoo ay marayaan waddooyinka mara dhulka hoostiisa.

Haantaas biyaha iyo waddooyinkaas dhulka hoostiisa mara ayaa waxay ka mid ahaayeen dhismaha kuwooda lala yaabo. Maxaa yeelay waxaa lagu dhisay dhagaxyo waaweyn, waxaana lagu taagay tiirar bir ah oo aad u adag, dhinaca kalena dhulka waddooyinka hoose marana waxaa lagu goglay maar. Hareeraha magaallada Tustur waxaa ahaaday derbi aad u weyn aadna u dheer, kaasoo hareereeya magaallada.

Culumada mu'arrikhiinta waxay yiraahdaan, derbigan wuxuu ahaa derbigii ugu horeeyay uguna weyna ee laga dul dhiso dunida dusheeda.

Intaa dabadeed wuxuu Hurmuzaan hareeraha derbigaas ka qoday god dhufeys ah, kaasoo ay adag tahay in laga soo tallaabo, dhinaca kale wuxuu godkaas ka buuxiyay ciidanka Faaris kuwooda xulka ah. Haddaba, muslimiinta waxaa ku soo food lahaaday mushkilad cusub, waayo waxay yimaadeen meel aynan awoodi karin inay gudbaan.

Ciidamadii muslimiintii waxay fadhiyeen hareeraha derbiga Tustur, iyagoo halkaas fadhiyay muddo dhan 18 billood oo aynan awoodin inay godkaas ka gudbaan. Muddadaas intaas le'eg waxay ciidamada muslimiinta la galeen ciidamada Furus 80 iska horimaadyo ama dagaallo.

Dagaal kastana oo ka mid ah dagaalladaasna waxay ku billaabanayeen qaab isu-soo bax, iyadoo ay isu beddeli jireen markii danbena dagaal qadhaadh oo weliba lagu hoobto. Haddaba, Majsa'ata Ibnu Thawr Al-Saduusi ayaa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro la yaab leh, taasoo ka yaabisay cadowyadii iyo asxaabtii hal waqti. Waxaa u suurto gashay Majsa’ata inuu laayo boqol nin oo ka mid ah halyeeyadii fardoollayda ahaa ee reer Furus, magaciisana wuxuu noqday mid cabsi ku rida safafka gaallada Furus, halka sharaf iyo awood ay u kordhinaysay muslimiinta.

Saxaabo fara badan oo aanan markii hore aqoonin Majsa’ata ayaa gadaal danbe ka garawsaday sababta uu amiiral mu'miniinka ugu dadaalay inuu halyeeygan geesiga ah ka mid noqdo ciidamada muslimiinta. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka mid ahaa dagaalladii 80-ka gaarayay ayaa waxay muslimiintii weerareen ciidamadii cadoowga weerar geesinimo leh, nimankii gaallada ahaa ee reer Furus ahaana waxay ka carareen kaabadihii ka dhisnaa godka korkiisa, waxayna ku dhuunteen magaallada Madiina iyagoo isku soo xiray iriddadii dhufeyska ahayd.

Muslimiintii waxa ay galeen khatar hor leh:

Sabarkii dheeraa ka dib, waxay muslimiintii markale u gudbeen xaalad ka xun tii ay markii hore ku sugnaayeen. Gaalladii reer Furus waxay billaabeen inay leebabkoodii sida roob oo kale uga dhigaan muslimiinta, iyagoo ka soo ganayay dhismayaashii sare korkoodii ee ay ku jireen. Waxay kaloo billaabeen inay derbiyada korkooda ka soo laalaadiyaan silsilado dab ah, silsilad kastana afkeeda waxay wadatay kalbado holcaysa, kuleyl badni awgeed. Haddii mid ka mid ah muslimiinta isku dayo inuu soo koro derbiga amaba uu u dhowaado, gaalladii waxay ku daban jireen kalbaddii sidiina ayeey ku soo jiidan jireen, markaas jirkii ayaa guban jiray, hilibkiisana wuu kala daadaadan jiray sidaasna ayuu ku dhiman jiray.

Waa xaalad aad u qadhaadh.
Waa xaalad aad u qadhaadh. Muslimiintii waxaa ku badatay dhibaatadii, sidii lagu yiqiinnayba waxay billaabeen inay Ilaah baryaan, iyagoo si qushuuc leh isugu dulloonaya Rabbigooda sharafta badna si uu uga qaado dhibaatadan, isla markaasna uga gargaaro cadoowgooda gaallada. Goor uu Abuu Musa Al-ashcariyyi uu ee-eegayo derbigii weynaa ee Tustur, isla mar ahaantaana ka quustay in laga gudbo derbiga, ayaa waxaa hortiisa ku dhacay leeb laga soo tuuray dhinaca derbiga. Wuu eegay, wuxuuna arkay inay wadato warqad ku qoran: "annigu waan idinku kalsoonaaday haddaad tihiin jamaacada muslimiinta, waxaana idin weydiisanayaa amaan iyo nabadgelyo anniga iyo naftayda iyo ehelkayga iyo ciddii i raacdaba, annigana dhinaceeyga waxaa ballan ah inaan idin tusin doono meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan meeshan magaallada Madiina".

Abuu Muusa wuxuu ninkii u qoray warqad xambaarsanayd inuu amaan iyo nabadgelyo siinayo ninkii, wuxuuna warqaddii ay ku qornayd fariintaas kula xiray leeb dabadeedna ninkii ayuu u tuuray. Ninkii wuxuu ku kalsoonaaday nabadgelyada iyo amaanka muslimiinta iyagoo lagu yiqiinnay tusaalahaas wanaagsan sida ballanta oo laga run sheego, ballanta oo la oofiyo.

Ninkii wuxuu u soo dusay muslimiintii, isagoo ku gabbanaya mugdiga habeenka. Markii uu u yimid Abuu Muusa waxa uu u sheegay waxa uu yahay dhab ahaan, wuxuuna yiri: "innagu waxaan ka mid nahay dadka magaalladan deggan madaxdeeda, ninka la yiraahdo Hurmuzaan (hoggaamiyaha ciidamada Furus) wuxuu laayey walaalkaygii iga weynaa, hantidiisii iyo reerkiisana wuu dhacay. Annigana wuxuu ii hayaa cadaawad iyo xummaan oo wuxuu doonayaa inuu i dilo. Caddaaladiina ayaan dulmigiisa ka door biday, ballan oofintiina ayaan ka door biday ballan ka-bixiisa, waxaana go’aan ku gaaray inaan idin tuso meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan Tustur, sidaa darteed waxaad i siisaa nin ku tilmaaman dhiiranaan iyo maskax furnaan, dhinaca kalena yaqaana dabaasha si aan u tuso waddada".

Abuu Muusa Al-ashcariyyi oo hoggaaminayay ciidamada muslimiinta ayaa wuxuu u yeeray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, ka dibna wuxuu sir ahaan ugu sheegay arrinkan isaga ah isagoo ku yiri: ”waxaad iigu kaalmaysaa nin ka mid ah tolkaaga, ninkaasoo leh go'aan adag iyo caqli hufan, isla markaasna yaqaana dabaasha”. Majsa’ta ayaa durbadiiba yiri: "ninkaas waxaad ka dhigtaa anniga amiiroow".

Abuu Muusa ayaa wuxuu ku yiri, haddaaba sidaa doontay ku soco barakada Ilaahay, intaa dabadeed wuxuu u dardaarmay inuu xifdiyo waddada, sidoo kalena u fiirsado iridka halka uu ku yaallo, iyo inuu soo xaddido meesha uu joogo Hurmuzaani, inuu sidoo kale soo hubsado shakhsiga Hurmuzaan, dhinaca kalena uusan wax ficil ah qaadin aan ka ahayn howshii loo diray.

Majsa’ata ayaa dhaqaaqay goor habeen ah, isagoo ku gabbanaya gudcurka iyo mugdiga habeenka isagoo la socda ninkii faarisiga ahaa. Way socdeen ilaa ay ka soo galaan meel nafaq ah (waddo marta dhulka hoostiisa), kaasoo isku xira webiga iyo magaallada. Nafaqaas ama godkaas wuxuu mararka qaarkood noqonayay mid waasic ah oo waxaa suurta galeysay in socod looga gudbo, halka marka kale uu ciriiri noqonayay jeer ay sababto inuu dabaasho.

Waddada nafaqa wuxuu ahaa mid qal-qalooca oo kala bax-baxa, mararka qaarkoodna wuxuu noqonayay mid toosan. Sidaas ayeey ku jireen ilaa ay markii danbe ka soo gaareen meeshii looga baxayay magaalada. Ninkii Faarisiga ahaa ayaa wuxuu Majsa'ata tusiyay Hurmuzaan.

Majsa’ata wuxuu yiri, waxaan isha saaray hoggaamiyhii ciidamada Furus ee Humrmuzaan, iyo goobtii dhufeyska u ahayd. Kolkii uu Majsa'ata arkay Hurmuzaan ayaa wuxuu damcay inuu leeb ku gano dhuuntiisa, hase ahaatee durbadiiba wuxuu xasuustay dardaarankii uu siiyay Abuu Muusa Al-ashcarriyyi ee ahayd inuusan wax ficil ah qaadin. Majsa’ata wuxuu xakameeyay naftiisa, wuxuuna ku noqday halkii uu markii hore ka yimid intaan la gaarin fajarkii.

Abuu Muusaa Al-ashcarriyyi Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu diyaariyay ciidan gaarayay ilaa 300 qof, kuwaasoo ka mid ah ciidamada muslimiinta kuwooda ugu geesisan, uguna adkeysi badan, dhinaca kalena ugu adkeysiga badan xagga dabaasha. Ciidankaas wuxuu amiir uga dhigay Majsa'ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, wuuna sagootiyay oo u dardaarmay. Wuxuu ciidamada muslimiinta astaan uga dhigay oraahda takbiirta (allahu akbar), taasoo calaamad u ah goorta la galayo magaallada.

Majsa'ata oo hoggaaminayay ciidamada.
Majsa'ata oo hoggaaminayay ciidamada, ayaa wuxuu ciidankii faray inay iska fududeeyaan dharka ay qabaan, si aynan biyaha u cusleynin dharka. Dhinaca kale, wuxuu uga digay inay soo qaataan waxaan ka ahayn seefahooda, isagoo u dardaarmay inay seefaha ku adkeeyaan jidhkooda. Ciidamadii way dhaqaaqeen, way socdeen ilaa laga gaaray habeenka qaybtiisa hore (qiyaastii 10-ka habeenimo).

Majsa'ata Ibnu Thawr Al-Saduusi iyo ciidankiisa geesiga ahaa waxay godka nafaqa ku jireen muddo ku dhow 2 saacadood, iyagoo socday waddada marta dhulka hoostiisa meeshaasoo aad khatar u ahayd. Kahtartaasina haddaan arki doonnaa. Markay yimaadeen meeshii looga baxayay godka nafaqa ayaa wuxuu Majsa'ata ogaaday in nafaqii uu liqay labo boqol iyo labaatan nin oo ka mid ah ciidamadiisa, waxaana ciidamadii isugu soo haray oo keliya 80 nin. Gumadihii Majsa'ata iyo asxaabtiisa maba aynan dhigin dhulkii magaallada jeer ay soo baxsadeen seefahoodii, kuna qamaameen ciidankii waardiyeenayay dhufeyska iyagoo seefahoodii ku laayey ciidankaas.

Intaa dabadeed, waxay ku soo boodeen albaabadii wayna fureen iyagoo ku hutaafayay ALLAHU AKBAR. Takbiirtooda (allahu akbartoodii) iyo takbiirta ciidankii gudaha ku jiray ayaa wada kulantay, markaasna waxay muslimiintii gudaha ku jiray soo aadeen dhinacii magaallada, waxayna ahayd xilli waaberi ah. Ciidamadii muslimiintii iyo cadoowgii gaallada ayaa madaxa isla galay, waxayna is dhaafsadeen dagaal aad loogu hoobtay, taasoo ay yar tahay in lagu arko taariikhdii duulimaadyada marka laga eego xagga dhibaatada, cabsida iyo tirada dhimashadaba.

Goor uu dagaalku socdo ayaa wuxuu Majsa'ata arkay hoggaamiyihii Hurmuzaan. Isla markiiba, wuxuu soo aadey dhinaciisa, hase ahaatee waxaa ka dhex galay dadkii dagaalamayay oo ka qariyay ninkii uu eeganayay. Wax yar ka dib, ayuu haddana arkay, dabadeedna wuxuu u cararay xaggiisa isagoo la soo baxay seeftiisa. Halkan, wuxuu Majsa'ata kala kulmi doonaa dhibaato, maxaa yeelay sidaan hore ugu soo aragnayba Majsa'ata iyo ciidamadiisuba ma aynan wadan cambuur bireedka dagaalka, taasoo u diidday godkii biyaha ee ay soo mareen.

Majsa’ata iyo Hurmuzaan waxay iskula boodeen seefahoodii, mid kastana midka kale wuxuu ku dhuftay darbad xoog leh. Laakiin nasiib darro, Majsa'ata oo aanan qabin cambuur bireedka way haleeshay darbadii seefta, halka Hurmuzaan ay ka difaacday cambuur bireedkiisa. Geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa'ata wuxuu si sara joog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka, isagoo ishiisu ay ku qabowsatay wixii uu Ilaah gacantiisa ku xaqiijiyay oo guul ah. Ciidamadii muslimiintii waxay sii wadeen dagaalka jeer uu Ilaah ka siiyo gaallada guusha, ayna gacanta ku dhigaan hoggaamiyihii ciidamada Furus ee Hurmuzaan.

Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina.
Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina, iyagoo Khaliifka Cumar Binu Khaddaab ugu bishaaraynaya guusha furashada ee uu Ilaah ku mannaystay, isla mar ahaantaana ayna wadaan hoggaamiyihii ciidanka Furus ee Hurmuzaan. Muslimiintii bishaaraynaysay waxay Khaliifka Cumar uga tacsiyeeyeen geeridii ku timid geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa'ata Ibnu Thawr Al-Saduusi. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu uga abaalmariyo guulihii uu Islaamka u soo hoyay xasanaad iyo ajar fara badan, dhinaca kalena uu ummadda Islaamka maanta ku karaameeyo in la helo boqolaal la mid ah halyeeyga Majsa'ata Ibnu Thawr Al-Saduusi aamiin.

13- SALMAAN AL FAARISI - Top

Salmaan annaga ayuu naga mid yahay haddaannu nahay ahlu baytka

Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-Faarisi waxay ku soo wareeganaysaa sheekadiisii la xiriirtay waddooyinkii iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray diinta xaqa ah. Waa sheekadii saxaabigii raad-raacayay xaqiiqada iyo diinta xaqa ah.

wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi .
Sida aan gebeggabada sheekada Salmaan ku arki doonno, wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi. Maalintii uu Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u sheegay Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka (scw) Salmaan ka codsaday inuu dib danbe sheekadiisa uga sheekeeyo asxaabta. Marka qiimahaas iyo wanaaggaas weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la yiraahdo Salmaan Al-Faarisi.

Bal inta aanan meel kaleba aadin, aynu laf-ahaantiisa u deyno sheekada si uu noogu warramo waxyaabihii uu la kulmay kahor intuusan islaamin.

Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan. Aabahay wuxuu ahaa guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac dheer. Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaartay inuu igu xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda (diinta la caabudo dabka ama qoraxda), jeer aan markii danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday, waxaana la ii xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka.

Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn, beertaas ayuuna aabahay aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka mashquulay aadistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yiri: ”wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay aadista beerta, ee waxaad aaddaa beertii oo igala wareeg maanta shaqadii beerta”. Waan tagey annigoo u jeeda beerta.

Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad ka mid ah kaniisadaha ay ku cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka). Waxaa dhagahayga soo gaaray dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu soo jiitay baraarugayga. Horey uma aanan aqoonin diinta kirishtaanka, taasina waxaa ugu wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu xabisay guriga. Markii aan maqlay codkoodii isla markiiba waan u galay bal si aan u arko waxa ay sameenayaan. Markii aan aad u raad-raacay waxa ay sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina waan jeclaystay waxaana naftayda ku iri: ” wallaahi diintani ayaa ka kheyr badan diinta aynu haysano, wallaahi ayaan ku dhaartaye kama aanan soo tegin ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo sidaas ayaanan ku aadin beertii”.

Aabahay wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.
Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo xarunta ay ka soo jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen dhulka Shaam. Habeenkii markii la gaaray ayaa waxaan ku noqday gurigeenii, waxaana ila kulmay aabahay isagoo i weydiiyay meeshii aan ku maqnaa, waxaana ku iri: " aabe, waxaan maanta soo ag maray dad ku cibaadaysanayay Kaniisad ay lahaayeen, waxaana jeclaystay qaabkii ay u cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala joogay ilaa ay qoraxdii ka dhacday”. Aabahay aad ayuu arrinkii aan iri uga argagaxay, wuxuuna igu yiri: " wiilkaygiyoow diintaas aad sheegtay wax kheyr ay leedahay ma jirto, diintaada iyo diinta ay haysan jireen awoowayaashaa ayaa ka kheyr badan diintan”, annigana waxaan ku iri, maya-wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan tan aynu hadda haysanno. Hadalkan danbe, aabahay wuu cabsi geliyay, wuxuuna ka cabsaday inaan ka laabto diinta aan haysto, sidaa darteed wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii suurto gashay inaan dibadda u baxsado, dabadeedna waxaan u imid dad haysta diinta Nasaarada, waxaana ku iri: haddii ay magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo wareegan jeer ay magaaladii yimaadaan dad socoto ahaa oo u socday Shaam. Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan iska fur-furay dabarkii lugahayga ku xirnaa, sidiina ayaan ku raacay dadkii socotada ahaa.

Markii aynu nimid Shaam ayaa waxaan dadkii weydiiyay ninka ugu fadliga badan ee ka mid ah dadka haysta diinta Kirishtaanka, waxaana la ii tilmaamay wadaad ka shaqaynayay Kaniisad laguna magacaabo ”Al-usquf”. Ninkii ayaan u imid, waxaana ku iri, waxaan jeclaystay diinta Kirishtaanka, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan kuu noqdo adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo, dhinaca kalena aan kaa faa’iideysto kulana tukado salaadaha. Ninkii wadaadka ahaa arrinkii wuu iga oggolaaday, sidiina ayaan shaqaale ugu noqday.

Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday inuu dadku amri jiray inay saddaqaystaan; isagoo intaa u raacin jiray ajarka iyo xasanaadka ay leedahay in lala baxo saddaqada. Dadkii markii ay hantidooda ka saddaqaystaana meeshii uu masaakiinta ka siin lahaa, isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa uu maalkii ay buuxiyaan toddobo ashuumood oo dahab ah. Si daran ayaa ninkii wadaadka ahaa uga carooday, waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan ku arkay awgeed.

Wax yar kama soo wareegan jeer uu maalintii ninkii wadaadka ahaa ka dhinto, waxaana aaskiisii isugu yimid dadkii Nasaarada (Kirishtaanka) ahaa, waxaana ku iri hadaladan: " Ninkan saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun, wuxuu idin fari jiray inaad la baxdaan saddaqo, isagoo arrinkaana idinku boorrin jiray. Hase yeeshee, markaad maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa ayuu keyd ahaan ugu dhigan jiray, masaakiintana waxna kama siin jirin!" . Dadkii ayaa hadalkii la yaabay, waxayna igu yiraahdeen: ”Halkeed ka ogaatay hadalkan?!”. Waxaan ku iri, annigaa idin tusaya kaasafoortadii uu ku keydsan jiray maalkaas. Waxay yiraahdeen: ”haa-oo-na tusi”.

Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku keydsan jiray, waxayna meeshii ka soo saareen toddobo ashuumood oo laga buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay arkeen dahabkii iyo lacagtii faraha badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan tilmaamaya inaanan la aasin ninkii wadaadka ahaa, waxayna yiraahdeen: ”wallaahi aasi mayno”, iyagoo intaa kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah ku garaaceen dhagaxyo.

Ninka cusub ma arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada.
Wakhti dheer kama soo wareegan jeer booskii ninka wadaadka ahaa looga caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay, isaga ayaana in muddo ahba iskala joogay.

Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka (dhimman rabo) ayaa waxaan ku iri: hebelow yaad ii dardaarmaysaa ama iigu nasteexaynaysaa inaan la joogo adiga gadaashaa?. Wuxuu yiri wiilkaygayow garan maayo ruux sida aan diinta u haysto oo kale u haysta, aan ka ahayn nin ku nool gobolka la yiraahdo Al-Mawsil (magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan beddelin diinta uu haysto ee sidaas darteed waxaad haleeshaa ninkaas.

Markii uu wadaadkii aan la joogay dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba waxaan u kicitimay ninkii ku noola gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna waxaan uga sheekeeyay khabarkayga, annigoo ku iri: " hebel ayaa adiga ii kaa soo dardaarmay dhimashadiisa agteeda, si aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii raaciyay inaad tahay nin haysta diintii xaqa ahayd ee uu ku sugnaa ninkaas" Ninkii wuxuu igu yiri, haddaba anniga ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad wanaagsanna waan ka arkay.

Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii geeriyooday. Intuusan geeriyoonin waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku iri: ”hebelow waad aragtaa inuu amarkii Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu waad aragtaa, ee fadlan yaad adiga gadaashaa ii dardaarmaysaa inaan aado?”. Wuxuu igu yiri wiilkaygayow, wallaahi garan maayo ruux diinta u haysta sida aan annaga u haysanno marka laga reebo nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) ee ninkaas aad. Ninkii wadaadka ahaa markii la dhigay iilka, uuna dhintay ayaa waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa magaallada Nissiibiin.

Markaan u imid ninkii waxaan uga warramay sheekadayda iyo nasteexadii ugu danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yiri: annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay, waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku arkay kheyrkii iyo wanaaggii aan horeba ka arkay labadii nin ee hore. Wallaahi maba sii joogin jeer uu ninkii haddana ka geeriyoodo, hase ahaatee intuusan dhimman kahor ayaa waxaan ku iri: ”xaalkayga waad aragtaa ee yaad ii dardaarmi lahayd inaan adiga gadaashaa la joogo”. Wuxuu yiri, wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta u haysta sida annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada Cammuuriya waxaana la yiraahdo hebel ee ninkaas u kicitim.

Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay sheekadayda, intaa dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa ninkaas, wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa hanuunkii ay ku sugnaayeen saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan kasbaday intii aan ninkan la joogay, waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri ah.. Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid geeridii u timid asxaabtiisii hore oo kale, markay u timid sakaraatkii ayaa waxaan ku iri, adiga waad og tahay amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd gadaashaa inaan diinta ka barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa? .

Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu jiro qof dadka ka mid ah oo dunida maanta saaran oo haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga.., hase ahaatee waxaa la gaaray xilligii dhulka carabta laga soo saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs). Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa magaalladii uu degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda timirta waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato saddaqooyinka, labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaarto magaallooyinkaas samee.

Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis waxaan muddo dheer iska joogay magaallada Cammuuriya ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan dad ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yiraahdo ”Kalbin”. Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku iri, ka warrama haddii aan idiin raaco magaallooyinka carbeed, isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da iyo arrigaba. Waxay yiraahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo neefafkii arriga ahaa ee aan haystay, sidiina ayaan nimankii ku raacay.

" waadul-quraa" ayey igu khiyaaneen nimankii aan lasocdey .
Waxaan soconnaba waxaynu nimid dooxada lagu magacaabo ”waadul-quraa” (waa tog u dhaxeeya magaallada Madiina iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga ayaana shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen ahna kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina ayuu iga gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba (Madiina).

Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka ahaa ee degganaa magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada iiga sheegayna waan aqoonsaday oo waan arkay, sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay. Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu dacwada Islaamka ugu yeerayay tolkiisii degganaa magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan maqlin wax faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee addoonnimada igu waajibinaysa darteed.

Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo haajiro magaallada Madiina. Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayyidkayga, waxaana gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa markii uu na soo qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen, wuxuuna ku yiri: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan yihiin xaafadda la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa Nebinnimo.

Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.
Ma aanan maqlin halkan danbe jeer ay i qabato wax la moodo qandho, sidoo kalena waxaa igu dhacay jiri-raco ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay geedkii timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad tiri?”, bal iigu soo celi wixii aad tiri…. Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.

Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan horey u soo qaatay xabbado timir ah, annigoo markaas u jiheestay goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan u soo galay Rasuulka, waxaan ku iri: waxaa iga kaa soo gaaray inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey saddaqo ah oo aan is iri ma jiro cid idinkaga mudan idinka, intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa asxaabtii ku yiri cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma cunin. Waxaan naftayda ku iri, mid ka mid ah tilmaamihii hore laguugu sheegay waad heshay.

Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan aruursado xabbado timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina ayaan markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka ku iri: ”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa darteed waxaan maanta kuu keenay haddiyad aan kugu maamuusayo”. Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka (scw) cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka.

Markale ayaa naftayda ku iri, labo astaamood ayaad heshay, haddana markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-qarqad (meel markii danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo go’, intaa kadib waan soo wareegay annigoo doonaya inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam) uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya.

waxaan durbadiiba arkay khaatamkii ama faraantigii
Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya dhabarkiisa isla markiiba wuu gartay waxa aan doonayo, wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa. Haddaan fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-nebinnimada) waan aqoonsaday, isla markiiba korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo dhunkanaya jirkiisa oonayana.

Rasuulka (scw) ayaa yiri: " khabarkaagu muxuu yahay?! " . Waxaan uga sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna way ugu farxeen.

Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii inta uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel kasta.

Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu xaqa garowsaday isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah.

Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu dhintay iyo maalinta la soo saaray isagoo nool.


14- ASMAA BINTU ABII BAKAR - Top

" Asmaa waxay gaartay 100 sano iyada oo aan ilig iyo gaws midna ka dhicin welina aan caqli doorsoomin"

Waxay ka dhalatay qoys wada saxaabo ah:

Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda qaadanayno waa gabadhii loo dhammaystiray sharafta iyo wanaagga. Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa saxaabi, walaasheed iyaduna waa saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi, wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu filan. Aabaheed waa saxaabi, waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw), dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisa kadib.

Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad, waxaana magaceeda la yiraahdaa Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta. Ninkeeda isna waa saxaabi, waxaana la oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw). Wiilka ay dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood waxay ahaayeen wada saxaabo, Ilaahna ha ka raalli noqdo. Si kooban haddaan u iraahdo gabadhaas aan xusnay magaceeda waa Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ka mid ahayd asxaabtii kulansatay astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay ka dhalatay ay dhammaantood ahaayeen muslimiin/saxaabo, halka saxaabada kale aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo ay ku jireen kuwo aanan muslimiin ahayn.

Mar hore ayeey islaamtay, Nebigana (scw) wuu u duceeyay:

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay.
Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay, waxaa iyada horteed soo islaamay oo keliya 17 qofood oo isugu jira rag & dumar. Asmaa Bintu Abii-bakar waxaa lagu naanaysi jiray ”Bidaati Al-nidaaqayn” taasoo loola jeedo tii labada suunka lahayd ama tii labada maralayda ahayd, sababta loogu magac darayna waxay ahayd, iyadoo u samaysay Rasuulka (scw) iyo aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay u haajirayeen magaallada Madiina. Waxay u diyaarisay sibraar, markii ay heli wayday wax ay ku xirto ayaa waxay jeexday suunkeeda (wax ay dumarka dhexda ku adkeysan jirayn) iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna waxay mid ka ah labadii maro ee ay jeexday ku xirtay kiishka ama qariiraddii sahayda ku jirtay, tii kalena waxay ku xirtay sibraarta.

Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay waxa ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada dhexdeeda. Sidaa darteed wixii maalintaas ka danbeeyay waxaa Asmaa lagu naanaysi jiray gabadhii labada suunleyda/ maralayda ahayd.

Waxay ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan:

Asmaa Bintu Abii.Bakar waxaa guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan hanti lahayn. Ma lahayn adeege u shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas wanaagsan, way u adeegi jirtay, faraskiisana way u daryeeli jirtay, laf-timireedka ayeey faraska u tumi jirtay, dabadeedna u calfin jirtay, jeer maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna Zubeyr ka mid noqday asxaabta kuwooda ugu hantida badan.

Waxay dhashay saxaabigii ugu horeeyay ee dhasha sannadka hijriga kadib:

Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u suurto gashay inay u haajirto/guurto magaallada Madiina iyadoo diinteeda la cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka ku jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu Zebeyr. Dhibaatada uu watay safarkan dheer kama uusan reebin inay gudato dacwada diinta Islaamka. Markii ay Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yiri Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha magaallada Madiina isagoo muhaajir ah,

waxaa jiray dacaayado ka imaanayay munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla dhex marayay inay muhaajiriintii ay dabar go’een, marka sidaas darteed ayeey u farxeen oo u takbiirsadeen markii ay Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna ahayd xilligaas billowgii sannadka hijriyada. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Cabdullaahi u gaysay Rasuulka (scw), iyadoo saartayna dhabtiisa. Wuxuu Rasuulka (scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu yeelay afkii Cabdullaahi binu Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay (waxa ugu horeeya ee cunugga afkiisa gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.

Asmaa waxaa looga tusaalo qaataa deeqsinimada:

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay kulansatay astaamaha kheyrka iyo gobonnimada iyo caqli aad u qoto dheer, taasoo ay dadka ku yar tahay inay la yimaadaan astaamahaas. Dhinaca deeqsiga Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray. Wiilkeeda Cabdullaahi ayaa isagoo arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu yiri: ”ma aanan arag labo haween oo ka deeqsinimo badan habaryartay Caa’isha iyo hooyaday Asmaa, hase ahaatee qaabka deeqsimadooda way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka hadlo deeqsinimada habaryartay Caa’isha iyadu waxayba ahayd tii shayga u gaysa shayga kale ilaa uu wixii ka bato, markaas ka dib ayaa maalkii waxay u qaybin jirtay masaakiinta. Laakiin, hooyaday iyadu waxna maba u keydsan jirin maalinta kale”.

Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed iyadoo ay caqli badnayd, waxayna wanaajin jirtay go’aamada mararka ay xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo la socda Rasuulka, ayaa wuxuu Abuu-bakar hore u sii qaatay hantidiisa oo idil, waxayna gaaraysay 6000 oo dirham, ilmihiisa wax maal ah ma uusan uga tegin. Markii uu ogaaday Abuubakar aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yiri, wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib markii uu musiibo geliyay naftiisa.

Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan.
Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan, dabadeedna waxay qaadday dhagaxyo quruurac ah oo ay ku ridday meel daaqad oo kale ahayd oo ay ku ridan jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay maro. Waxay qabatay awoowgeed (wuxuu ahaa indhoole) iyadoo ku tiri, bal kaaley arag inta uu aabe maal nooga tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii geliyay ayaa wuxuu yiri, wax dhib ah maleh.., haddiiba waxan oo idil idinkaga tagay aabihiin wuu wanaajiyay. Waxay Asmaa sidaas u samaynaysay, bal inuu odayga xanaaqin iyo inaynan maalka Abuubakar waxna ka siinin. Dhinaca kale, waxay Asmaa necbayd in qof mushrik ah uu ku sheegto abaal, waloow uu qofkaas noqdo awoowgeed.

Marnaba taariikhdu ma illoobi karto mawaaqiftii geesinimo ee Asmaa..:

Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo in la illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina waxay ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi loo doortay khilaafada, ka dib dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga u hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan magaalooyinka Shaam.

Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu kama suulin inay diyaariyaan ciidan lixaad leh oo la dagaallama ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray dagaallo ba’an. Hase ahaatee, ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay bilaabeen inay in-yar in-yar gadaal ugu gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay Kacbada, isagoo isaga iyo intii la socotayba ay magan galeen Kacbadii sharafta badnayd.

Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda Cabdullaahi:

Kahor dilkii Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa - waxay ahayd habar waayeel ah oo weliba indhoole ah- wuxuuna ku yiri: "Assalaamu caleyki waraxmatullaahi wabarakaatuhu hooyo". Waxay ku tiri: "Wacaleyka-Salaam Cabdullaahi"., maxaa saacaddan ku keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen laan-cigaaleedkii (nooc ka mid ah qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj ee ay ku tuurayeen ciidamadaada ay gilgilayaan guryaha magaalooyinka Makka gilgilid!. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u imid inaan kula tashado. Asmaa waxay tiri, waad ila tashanaysaa!!…, maxaad igala tashanaysaa?!. Wuxuu yiri, dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj, rajeynayana waxa agtiisa yaala, xittaa caruurtayda iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u yar oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo haray, kuwaasina inkasta oo ay sabraan, haddana ma sabri karaan wax ka badan saacad ama labo saacadood. Ergadii reer Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay i siiyaan wixii aan doonayo oo adduunyo ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo aan ballan la galo Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka leedahay? Asmaa codkeedii ayaa kor noqday, waxayna Cabdullaahi ku tiri:

"Arrintan adiga ayeey kuu taalaa Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada og…. Haddii aad aaminsan tahay inaad xaq ku sugan tahay, aadna dadka ugu yeeraysid xaq, dulqaado oo adkeyso sidii ay asxaabtaaduba u adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka… haddiise aad raadinayso adduunyo ogow inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada ayaad halaagtay, ciidankaagana waad halaagtay".

Dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad is dhiibtid:

Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri: "Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan dhimanayo maanta". Asmaa waxay tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo mukhtaar ah, markaasna ay madaxaada ku cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya. Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan wax uu qofku ka cabsado, laxda la garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka. Waxaa farax darteed iftiintay wejiga Cabdullaahi, wuxuuna yiri, Allaha ku barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah wuxuu og yahay inaan maalinna tabar daroonin oo daciifin, Ilaah marqaati ayuu ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u halgamay caro Alle dartii ah.., hooyo, waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd, haddii la i dilo ha iga walbahaarin amarkaagana u dhiib Ilaah. Asmaa waxay tiri, waxaan walbahaari lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku dhimmatid.

Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah.
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa inuusan wiilkaaga uusan weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo kalena mana uusan ku jowr falin xukunka Alle, mana khiyaanin wax lagu amaanaystay mana u kasin dulmi qof muslim ah, mana jiraan wax uu ka door bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw). Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano, Ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga geliyo sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa waxay tiri, Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan jeclahay… ii soo dhawoow wiilkaygiyoow si aan u ursado udgoonkaaga una taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan uu noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan ku arko.

Cabdullaahi ayaa ku soo foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya, iyaduna sankeeda ayaa waxay u dhoweysay madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo ursanaysa dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jirkiisa, ka dibna si dhaqsi leh ayeey gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad gashan tahay Cabdullaahi?!. Wuxuu yiri, waa cambuur bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tiri, wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan wax uu qaato qof doonayo shahaado/shahiidnimo. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u gashtay inaan qalbigaaga dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay tiri, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga bootintana ku xoog badan, dhinaca socodkana ku fudud, sidaa darteed waxaad booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer, si markii lagu dilo aynan cawradaada u feedmin.

Ducadii Asmaa ee wiilkeeda:

Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay saraawiishii uu qabay, isagoo ku dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh: ”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh: Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii isagoo dhex jooga kuleylka daran ee magaallada Makka & Madiina isagoo weliba sooman…

Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso baarinimadiisa uu u baari falayay aabihiis iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana ku raalli noqdo xukunkaaga, Ilaahayow waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka ku sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab la’aan). Qoraxda maalintaas ma ayan dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban maalmood ayaa waxaa haddana geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam yahay.


15- CABDULLAAHI IBNU MASCUUD - Top

"Qofkii jecel in uu aqriyo Qur'aanka isaga oo qoyan sidii uu u soo degey oo kale, ha u aqriyo akhrinta ina ummi Cabdi" Xadiith

Kulankii ugu horeeyay ee uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay Rasuulka (scw)

Wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa mid aanan qaan gaarin maalintaas. Wuxuu magaallada Makka golaheeda ku foofinayay xoolo, weliba isagoo dadka ka fog. Wuxuu kaxeenayay xeen arri ah oo uu daajinayay, waxaana arrigaas lahaa ninkii la oran jiray Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka waxay ugu yeeri jireen ”ina ummi Cabdi”, hase ahaatee magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdullaahi, aabihiisna Mascuud.

Wiilkan wuxuu maqli jiray wararka ku saabsan Nebiga la filayo in laga soo dhex saaro tolkiisa. Ma uusan sii daneynin arrintan iyada ah, iyadoo ay ugu wacneyd labo arrimood. Waa tan koowaade, isagoo da’yaraa iyo isagoo ka fogaa mujtamaca reer Makka. Wuxuu ka caadi dhigtay inuu kaxeeyo arrigii uu lahaa Cuqba laga billaabo xilliga subaxa horemana soo noqon jirin ilaa laga gaaro habeenka. Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay wiilkii reer Makaad, waa Cabdullaahi Binu Mascuudee labo nin oo da’ dhexaad ah ayna ka muuqato akhyaarnimo iyo degganaansho, kuwaasoo ku soo socda dhinaciisa meel fog.

wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga...
Wuxuu kaloo arkay inay nimankii ay aad u daalanaayeen, dhinaca kalena uu harraadkii iyo oonkii hayey darteed ay ka qallalaan bishimihii iyo dhuuntii. Labadii nin markii ay u yimaadeen wiilkii yaraa way salaameen, waxayna ku yiraahdeen: ”wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga, sidoo kalena aan ku qoyno xididdayada qalalay”. Wiilkii ayaa wuxuu ku yiri: ”ma sameynayo, maxaa yeelay arriga ma lihi oo waa la igu amaanaystay”.

Labadii nin ma aynan dhibsan hadalkii uu wiilkii yaraa yiri, waxaana wejiyadoodii ka muuqday raalli ahaansho ay wiilka u qabaan. Mid ka mid ah labadii nin ayaa wuxuu wiilkii ku yiri, waxaad i tustaa neef ari ah oo aan weli qoodhii saaran, wiilkii yaraa wuxuu ishaaray waxar yar. Ninkii ayaa u dhaqaaqay xaggii waxarta isagoo sibra xiray, wuxuu salaaxay candhadeedii isagoo xusaya magaca Alle.

Mid ka mid ah mucjisooyinkii Rasuulka (scw)

Wiilkii yaraa oo yaaban ayaa eegay ninkii isagoo ku leh: ” goormay waxarihii yar yaraa ee aan weligood saaran orgiyadii inay caano keenaan?!”. Hase ahaatee, wax yar kama soo wareegan jeer uu neefkii candhadiisii soo weynaado, dabadeedna soo burqadaan caanihii oo fara badan oo aan kala go’ lahayn.

Ninkii kale ayaa wuxuu soo qaaday weel isagoo weelkii ka buuxiyay caanihii, ka dibna wuxuu isagii iyo saaxiibkiisba ay dhameen caanihii, wiilkii yaraana waxay waraabiyeen caanihii, isagoo aanan rumeysanaynin waxa uu arkay. Wiilkii yaraa wuxuu yiri, markii aan caanihii ka dharagnay ayaa wuxuu ninkii barakaysnaa ku yiri neefkii ariga: ”is duuduub” oo sidaadii hore noqo, isla markiiba candhadii ayaa sideedii hore noqotay. Markay arrintu halkaa mareyso ayaa waxaan ku iri ninkii barakeysnaa: ”waxaad i bartaa ereyadii aad tiri”. Wuxuu igu yiri, waxaad tahay wiil wax la baray.

Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay Cabdullaahi Ibnu Mascuud
Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Ninkii la barakeeyay ee aan ka soo hadalnay wuxuu ahaa Rasuulka (scw) oo sameeyay falkaas mucjiso, ninkii la socdayna wuxuu ahaa Abiibakar Assidiiq. Maalintaas ay ka baxayeen magaallada Makka golaheeda waxaa sabab u ahaa iyagoo ka cararay gaaladii Qureysh rafaadkii ay u gaysatay xumaantiisa iyo dhibaatooyinkii darnaa ee ay la maageen iyaga.

Sidii uu wiilkii yaraa uu u jeclaaday Rasuulka iyo saaxiibkiisa, ayaa misna Rasuulka (scw) iyo siixiibkiisaba u jeclaadeen wiilkii yaraa, iyagoo aad ula dhacay amaano wanaagiisa iyo go’aankiisii adkaa, waxayna ku ogaadeen inuu yahay wiil kheyr qaba. Kama soo wareegan muddo dheer jeer uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud durbadiiba ka islaamo, wuxuuna naftiisa u bandhigay inuu u adeego Rasuulka, isagoo Rasuulkana (scw) ka ogolaaday arrinkaa.

Cabdullaahi Binu Mascuud oo soo islaamaya

Maalintaa wixii ka danbeeyay, wuxuu wiilkii nasiibka badnaa ka gudbay shaqadii foofinta arriga, isagoo noqday adeegaha inta uu Eebbe (sw) abuuray sayidkooda. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu naftiisa ku laasimiyay ag joogidda Rasuulka (scw) sida qofka iyo harkiisaba aynan u kala harin.

Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo,
Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo, marka uu gurigiisa joogo iyo marka uu socotada yahayba. Wuu toosin jiray haddii uu seexdo, marka uu Rasuulka (scw) qubeysanayana wuu asturi jiray. Kabaha ayuu u gelin jiray, kolka uu Rasuulka (scw) doono inuu baxo, sidoo kalena kabaha ayuu ka bixin jiray kolka uu doono inuu aqalka soo galo. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu Rasuulka (scw) u qaadi jiray cadeyga iyo usha, qolka uu doonayo inuu galana isagaa ku hormari jiray kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin.

Wuxuu ku barbaaray gurigii Nebiga (scw), wuxuuna noqday xooghayihii sirta Nebiga.

Rasuulka (scw) aad ayuu u jeclaan jiray Cabdullaahi Ibnu Mascuud, wuxuuna u fasaxay inuu u soo galo xilligii uu Cabdullaahi jeclaysto, wuxuu kaloo Rasuulka (scw) u fasaxay inuu is-dul-istaago siraha Nebiga (scw), isagoo uusan Rasuulka arrinkaa dhibsan, dhinaca kalena aan ka cabsan Cabdullahi inay arrintaas wax denbi ah kaga timaaddo, jeer maalintii danbe looga bixiyay xooghayihii sirta Nebiga (scw).

Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu ku barbaaray gurigii Rasuulka (scw), wuxuu qaatay hanuunkii Rasuulka (scw), sidoo kalena wuxuu ka akhlaaq qaatay sifooyinkii suubanaa ee Rasuulka (scw), wuxuu Rasuulka kaga dayday dhammaan astaamihiisii wanaagsanaa, ilaa laga yiraahdo: ”Cabdullaahi wuxuu aad ugu eg yahay Rasuulka (scw) xagga hanuunka iyo xagga muuqaalkaba”.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu ka soo baxay madrasadii Rasuulka (scw),.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu ka soo baxay madrasadii Rasuulka (scw), wuxuuna ka mid ahaa saxaabada kuwooda ugu aqoonta badan xagga aqriska wacan ee qur’aanka, wuxuu kaloo ahaa saxaabada kuwooda ugu fahmada badan xagga macnaha qur’aanka, dhinaca kalena ugu aqoonta badan ula jeeddada loo soo dejiyay shareecada Islaamka. Waxaana arrimahan noo caddeynaya sheekadii ninkii qaabilay Cumar Binu Khadaab (rc) isagoo istaagan Carafa, wuxuuna ku yiri: ”waxaan ka imid -amiirkii mu’miniintoow-magaallada Kuufa, waxaana magaallada uga soo tagay nin misxafyada dadka kor ahaan uga yeerinaya (isagoo aanan eegin misxafka).

Cumar ayaa si siyaado leh uga carooday hadalkii, wuxuuna yiri: ”waa kuma ninkaas?!”. Ninkii ayaa wuxuu yiri ninkaas waa Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Markii uu Cumar maqlay hadalkan, waxaa dentay caradiisii, wuxuuna ku soo laabtay xaaladdii uu markii hore ku sugnaa, dabadeedna wuxuu Cumar yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye, garan maayo inuu jiro qof Cabdullaahi Binu Mascuud kaga xaqnimo badan inuu qur’aanka dusha ka aqriyo, arrinkaasna sheeko ayaan ka hayaa.

Cumar hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu yiri:”Rasuulka Alle (scw) ayaa wuxuu habeyn ku fiidsanayay guriga Abuubakar (rc), waxayna ka wada xaajoonayeen danaha muslimiinta, markaas iyada ahaydna waan la joogay. Rasuulka (scw) ayaa baxay, dabadeedna waan ka daba baxnay. Isla markiiba waxaan la kulanay nin salaad u taagan, kaasoo aanan garan kuu yahay.

Qofkii jecel inuu aqriyo qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u soo degay oo kale, ha u aqriyo akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu Mascuude)”,
Rasuulka (scw) ayaa istaagay isagoo dhageysanaya ninkii tukanayay, ka dibna innaga ayuu na soo jileecay isagoo Rasuulka (scw) leh: ” Qofkii jecel inuu aqriyo qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u soo degay oo kale, ha u aqriyo akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu Mascuude)”, intaa ka dib Cabdullaahi Binu Mascuud wuu fariistay isagoo duceysanaya, Rasuulkuna (scw) uu ku leeyahay: ”weydiiso waa lagu siine….weydiiso waa lagu siine”. Cumar ayaa wuxuu yiri, waxaan naftayda ku iri wallaahi inaan ku kallihi doono berito Cabdullaahi Binu Mascuud si aan ugu bishaareeyo aamiinta Rasuulka (scw) ee uu ducadiisa u yiri (ducada Nebigana waa la ajiibaa).

Subixii markii la gaaray, waxaan ku kallahay Cabdullaahi Binu Mascuud, waana u bishaareeyay, hase ahaatee waxaan ogaaday inuu Abuubakar iigaga hormaray bishaareenta. Sidaas ayeey asxaabta ugu tartami jireen sameynta falalka wanaagsan,. Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya sidii uu Abuubakar ugu dadaali jiray u tartamidda camal falka kheyrka wuxuu yiri: ”wallaahi ayaan ku dhaartaye weligeey Abuubakar kheyrka ulama tartamin illaa wuu iga badin jiray”.

Aqoontii xeesha dheereed ee Cabdullaahi Binu Mascuud

Cilmiga Cabdullaahi Binu Mascuud ee la xiriira aqoonta kitaabka Alle wuxuu gaaray inuu naftiisa ku oran jiray:”Ilaaha xaqa ah ayaan ku dhaaranayaaye, ma soo degin aayad qur’aan ah illaa haddey jirto waxaan ogahay halka ay ku soo degtay, waxaan kaloo ogahay sababta ay ku soo degtay, haddii aan ogahay inuu jiro qof qur’aanka iga yaqaana oo ay suurtagal tahay inaan u tago waan u tagi lahaa”.

Hadalkan uu Cabdullaahi Binu Mascuud yiri ma ahayn mid uu si ka bad-badin ahaan uu u leeyahay, oo waaba kan Cumar Binu Khadaab (rc) oo la kulmay dad socoto ah isagoo safar ku jira, iyadoo habeenka mugdigiisana uu qarinayo aragtida dadka. Dadkii socotada ahaa ee ay Cumar iska hor yimaadeen ayaa waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Mascuud (rc).

Cumar ayaa wuxuu amray nin si uu ugu dhawaaqo dadkaas socotada ah, ninkii ayaa isagoo dadkii socotada ahaa u dhawaaqaya yiri: ”inteed ka timaadeen?. Cabdullaahi ayaa si is qarin ahaan ugu jawaabay isagoo leh: ”dooxada fog”. Cumar ayaa weydiiyay dadkii socotadaa ahaa, isagoo leh: ”inteed u soctaan?”. Cabdullaahi Binu Mascuud oo jawaabaya ayaa yiri: ”gurigii gaboobay (kacbada)”. Cumar ayaa wuxuu dadkii la socday ku yiri, dadkani waxaa ku jira caalim ah..., wuxuuna amray nin kale in su’aalo diineed la weydiiyo.

Nin ayaa dhawaaqay isagoo su’aashan weydiinaya: ”qur’aanka aayadee ugu weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu jawaabay aayadda magaceeda la yiraahdo aayatul-kursi-, uuna Alle ku leeyahay: ”Alle Ilaah aan isaga ahayn ma jiro, waana Ilaaha nool, makhluuqaadkana maamula.
Nin ayaa dhawaaqay isagoo su’aashan weydiinaya: ”qur’aanka aayadee ugu weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu jawaabay aayadda magaceeda la yiraahdo aayatul-kursi-, uuna Alle ku leeyahay: ”Alle Ilaah aan isaga ahayn ma jiro, waana Ilaaha nool, makhluuqaadkana maamula. Ma qabato lulmo iyo hurdo toona, waxaa u sugnaaday waxa ku sugan cirarka iyo dhulka….. (aayadda 254, suuradda al-baqara)”. Ninkii ayaa mar labaad weydiiyay su’aal kale, wuxuuna yiri: ”qur’aanka aayadee ugu xikmad badan?” Cabdullaahi ayaa yiri waa aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Eebe wuxuu farayaa caddaalad, samafal iyo qaraabada wax siintooda, wuxuuna Eebbe reebi xumaan, munkar iyo gardarro, wuu idin waaninayaa si aad u xasuusataan” (aayadda 90, suurada Al-naxl). Cumar ayaa misna ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu kulmin badan, wuxuuna Cabdullaahi yiri aayadda uu Alle ku leeyahay: ”ruuxii wax yar oo kheyr fala wuu arki, ruuxiise wax yar oo shar sameeyana wuu arki” (aayadaha 7-8, suuradda Az-zalzalah). Cumar ayaa haddana ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu cabsida badan.

Cabdullaahi ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: ”arrinku ma ahan sida aad yididdiilanaysaan iyo sida ay yididdiilanayaan ahlu-kitaabka midna, ruuxii sameeya xumaan waa laga abaal marin, mana helayo Eebbe sokodiis wali iyo gargaare toona” (aayadda 123, suuradda Annisaa.).

Cumar ayaa ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu rajada badan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Nebiyoow waxaad ku tiraahdaa addoomadayda ku xad gudbay naftooda ha ka quusanina naxariista Eebbe, Eebbe waa kan dhaafa denbiyada dhammaantood, waana danbi dhaafbadane weliba naxariis badan” (aayadda 53, suuradda Az-zumar). Cumar Binu Khadaab oo aad u jeclaystay ninkii su’aalaha ka jawaabayay, ayaa wuxuu dadkii socotada weydiiyay su’aashan: ”ma waxaa idinla socda Cabdullaahi Ibnu Mascuud?!”.

Dadkii socotada ahaa ayaa yiri haa oo waxaa nala socda Cabdullaahi, isaga ayuuna ahaa qofkii su’aalaha ka jawaabayay. Cilmiga xeesha dheer, cibaado badnida iyo adduunyo naceybka Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxaa weheliyay oo intaas u dheereed isagoo ahaa geesi halyeey ah, lehna go’aan adag, wacdarro la yaab leh la soo baxa markay xaaladdu qadhaadhaato.

Wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahra aqriska qur ' aanka:

Waxaa taas ku deeqsiinaya, inuu Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahray aqriska qur’aanka Rasuulka Alle (scw) gadaashiis, iyadoo ay gaaladii qureyshna ay arkayaan.

Maalin ayaa waxaa magaallada Makka ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw) -wakhtigaasna waxay ahaayeen kuwo aan awood lahayn oo tiro yar - waxay is yiraahdeen, wallaahi gaaladii qureysh weli ma aynan maqlin iyadoo qur’aanka kor ahaan loo aqrinayo, ee yaa maanta intuu baxo qureysh maqashiinaya qur’aanka!?.

Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri annigaa maqashiinaya qur’aanka. Saxaabadii ayaa ku yiri, adiga qureysh waan kaaga baqaynaa, ee waxaan doonaynaa nin ay tolkiisa ay meesha joogaan, kuwaasoo ilaaliya oo ka qabta haddey xummaan la doonaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri, anniga ii dhaafa kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa shartooda iga reebaya ina ilaalinaya. Goor barqin subax ah ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo kallahay masjidkii Xaramka ilaa uu ka yimaado goobta maqaamkii Nebi Ibraahim (cs), markaas iyada ahna ay gaaladii qureyshna ay fadhiyaan Kacbada hareeraheeda. Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan.

Qureysh ayaa dhageysatay qur’aanka, waxayna yiraahdeen, muxuu leeyahay kii ina Ummu Cabdi ahaa, habaar ha ku dhacee?! Qaar ka mid ah gaaladii qureysh ayaa yiri, wuxuu aqrinayaa qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi Muxammad ee qur’aanka ah. Gaaladii ma aynan sugin inta uu ka dhameenayo aqriska qur’aanka’e, way ku soo qamaameen waxayna bilaabeen inay ka garaacaan wejiga weliba isagoo aqrinaya qur’aanka ilaa uu ka gaaray aqriskii qur’aanka intii uu Eebbe ka doono inuu aqriyo. Dabadeedna wuxuu u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yiri, sidan ayaan kaaga cabsanaynay.

Cabdullaahi ayaa yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle iyaga ayaa hadda iga tabardaran anniga, haddaad doontaana berito ayaan sidan oo kale ugula kallahayaa. Asxaabtii ayaa Cabdullaahi ku yiri, maya, intaas ayaa kuugu filan, waxaana xaqiiqo ah inaad maqashiisay waxay dhibsadaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, kolkii uu bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u yimid Cusmaan Binu Cafaan, wuxuuna ku yiri: " maxaad ka sheegaynaysaa?”

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: " denbigayga ayaan ka sheeganayaa" .

Cusmaan Binu Cafaan: " maxaad u baahan tahay?"

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: " Naxariista Rabbigay" .

Cusmaan Binu Cafaan: " mushaarkii aad sannado kahor diiday inaad qaadato ma kuu amraa in lagu siiyo?"

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: " uma baahni mushaarkaas"

Cusmaan Binu Cafaan: " haddaba, gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga gadaashaa"

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray inay habeen kasta aqriyaan suuradda Al-waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii aqriya habeen kasta suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii"

Markii la gaaray habeenkii, ruuxdii Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxay haleeshay saaxiibkii sareeyay (Ilaah), isagoo carabkiisana ka qoyan yahay xuska Alle, waa qur’aanka’e. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Cabdullaahi Ibnu Mascuud, innagana nagu sugo wadiiqadii suubanaha Rasuulka Muxammad (scw) iyo saxaabada intuba aamiin.


16- ABUU AYYUUB AL-ANSAARI - Top

"Waxaa lagu aasay derbiga weyn hoostiisa ee ku yaala magaallada Qusdandiiniya"

Saxaabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa waxaa la yiraahdaa Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay qabiilka reer Banii Najjaar. Kunyadiisu (carabta qofka ay sharfayso ayaa waxay ugu yeeri jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan carbeed) waa Abuu Ayuub Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis, waxaana loogu abtiriyaa Ansaarta.

Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta, waa kuma qofka aanan aqoonin saxaabiga Abuu Ayuub Al-Ansaari?!. Wuxuu Eebbe (sw) magaciisa ku koryeelay dunida bariga iyo galbeedkiisa, wuxuu Ilaah dadka ka sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka doortay guryaha muslimiinta si uu u dego Nebigii (scw) sharafta badnaa, kadib markii uu yimid magaallada Madiina isagoo muhaajir ah, dhab ahaantiina taas ayaa Abuu Ayuub Al-Ansaari ugu filan sharaf iyo wanaag.

Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa waxaa ku jirta sheeko aan laga xiiso dhigaynin soo noq-noqashadeeda. Sababtuna waa iyadoo markii uu Nebiga (scw) yimid magaallada Madiina, ayaa waxaa Nebiga (scw) soo dhoweeyay dadkii degganaa Madiina dhoweyn iyo maamuusid tii ugu sharfta badanayd. Waxay Rasuulka (scw) ku eegeen indho kalgacalo iyo naxariis, iyadoo ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen laabtooda si kash iyo laab ah, iyagoo albaabaha guryahoodiina ay ballaqeen oo ay u fureen Rasuulka (scw) si uu Xabiibka (scw) ugu dego isagoo la sharfay.

Rasuulka (scw) wuxuu ku hakaday xaafadda la yiraahdo Qubaa oo ku tiillay hareeraha magaallada Madiina, wuxuuna halkaa ku negaaday 4 maalmood, isagoo dhisayna Masjidkii ugu horeeyay ee lagu dhiso Islaamka.
Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu ku hakaday xaafadda la yiraahdo Qubaa oo ku tiillay hareeraha magaallada Madiina, wuxuuna halkaa ku negaaday 4 maalmood, isagoo dhisayna Masjidkii ugu horeeyay ee lagu dhiso Islaamka. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka baxay isagoo saaran hashiisa, waxaa waddadii magaallada Madiina istaagay madaxdii iyo odayadii magaallada Madiina, iyagoo mid kasta uu doonayo inuu ku guuleysto sharafta degista Rasuulka (scw) uu ku degayo gurigiisa. Odayadaa waxay midba midka kale uu u hormari jiray hasha, waxayna Rasuulka (scw) ku oranayeen markaas: ”Rasuulka Alloow annaga agtayada soo dega, waxaana na weheliya tiro dad ah, hub iyo dagaalyahanno kaa difaaca qofkii xumaan kula maaga”. Rasuulka (scw) ayaa wuxuu dadkii ku oranayay: ” hashan faraha ka qaada, maxaa yeelay waxay ku socotaa amar xagga Rabbi (sw) kaga yimid”.

Waxay ahayd hashu tii iska socota, iyadoo weliba ay raacayso indhaha dadka. Haddey hashu gudubto guri waxaa murugoonayay dadkii degganaa gurigaas oo waxaa ku dhacayay quus, halka farxad iyo yiddiddiilo weyn ay gelinaysay kuwa iyaga aynan weli hasha gudbin guryahooda. Waxay socoto hashii, dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba socdaan iyagoo kalgacalo la huraya ogaanta ninka nasiibka badan ee ay gurigiisa ag fariisan doonto hasha, ayaa waxay markii danbe hashii soo gaartay meel bannaan oo ku aaddan guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey hashiina fariisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw) weli kama uusan degin hasha. Wax yar maba aynan sii fadhinin hashii, jeer ay haddana boodday oo istaagtay oo socotay, Rasuulkana (scw) uu u raariciyay hoggaankeeda. Haddana, waxyar kadib hashii way soo laabatay oo waxay fariisatay meeshii ay hore u fariisatay. Markay arrintu halkaas mareyso, ayaa waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay xagga Rasuulka (scw) isagoo soo dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw) ayuu qaaday isagoo uu horsocdo Rasuulka, isagoo la moodo inuu sido waxa keyd hanti ah ee dunida yaala oo dhan.

Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yimid gurigiisa, iyadoo uu la socdo Rasuulka (scw)
Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yimid gurigiisa, iyadoo uu la socdo Rasuulka (scw).

Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka koobnaa labo dabaqadood, mid hoose iyo mid sare. Dabaqii sare ayaa wuxuu ka soo faaruqiyay alaabihii ku jiray, si uu u dejiyo Rasuulka (scw) iyo reerkiisa. Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu jeclaystay inuu dego dabaqa hoose ee guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu u hoggaansamay rabitaankii Rasuulka (scw) oo wuxuu dejiyay meeshii uu jeclaystay. Habeenkii markii la gaaray, Rasuulka (scw) uuna seexday, Abuu Ayuub iyo afadiisana ay koreen dabaqii sare ee guriga ayna albaabkooda soo xirteen ayaa Abuu Ayuub soo jaleecay afadiisa isagoo ku leh: ”inkaar qabto maxaynu sameynay?! Ma Rasuulka (scw) ayaa noqonaya kii naga hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka sarreeya?! Ma waxaynu dul soconaynaa Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?! Haddeynu sidaas sameyno waynu halaagsamaynaa”. Abuu Ayuub iyo xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo aynan garanaynin waxa ay sameyn doonaan.

Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku xasishay kolkii ay u bateen koonaha qolka ay ku jireen, kaasoo aanan ku beegnayn Rasuulka (scw) dushiisa
Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku xasishay kolkii ay u bateen koonaha qolka ay ku jireen, kaasoo aanan ku beegnayn Rasuulka (scw) dushiisa. Meeshii ayeey isaga jireen iyagoo iska ilaalinaya markasta inay socdaan meesha dhexda ah.

Subixii markii la gaaray wuxuu Abuu Ayuub ku yiri Rasuulka (scw): ”labo indhood isuma aynan geynin xaleey anniga iyo Ummu Ayuub-ba”. Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay sababta ay arrintaas ku timid, wuxuuna Abuu Ayuub ugu jawaabay: ”waxaan soo xasuustay inaan saaranahay qol aad adiga naga hoosaysid, waxaan kaloo xasuustay haddii aan dhaqdhaqaaqo in boorku kugu soo daadanayo, oo aan markaas ku dhibo, dhinaca kale waxaan kala dhex galay adiga iyo waxyiga”. Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”naftaada u tur Abuu Ayuubow, innaga waxaa noo sahlan xagga hoose, dadka badan ee na soo booqanaya awgood”.

Abuu Ayuub wuxuu yiri, waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) jeer laga soo gaaro habeen qaboow. Waxaa jabtay ashuun aynu lahayn, dabadeedna biyihii ku jiray ayaa qolkii sare ku daatay. Anniga iyo xaaskayga waxaan u istaagnay sidii aan u qallajin lahayn biyaha,

mana aanan haysan habeenkaas wax aan ka ahayn katiifad yar oo noo ahayd buste oo kale.
mana aanan haysan habeenkaas wax aan ka ahayn katiifad yar oo noo ahayd buste oo kale. Katiifaddii yareyd ayaa waxaan bilownay inaan biyihii ku qallajino, si biyihii aynan u gaarin Rasuulka (scw), sidaasna ayeynaan habeenkaana u seexan. Abuu Ayuub wuxuu yiri, markii uu waagii baryay ayaa waxaan ku soo kallahay Rasuulka (scw), waxaana ku iri, Aabahay iyo hooyaday lagugu furaye Rasuulkii Allow waan dhibsaday inaan saarnaado dabaqa sare, adiguna aad degganaato xagga hoose, intaa dabadeed waxaan uga sheekeeyay sheekadii ashuunkii jabay xaleey, Rasuulka (scw) wuu iga aqbalay codsigaygii wuxuuna u soo guuray dabaqii sare, anniga iyo Ummu Ayuub-na waxaan u soo guurnay dabaqii hoose.

Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku dhow toddobo billood, jeer laga dhammeystiro masjidkii Nebiga, meeshaasoo ay ahayd meeshii markii hore ay fariisatay hasha. Qolalkii masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka (scw) u guuray isaga iyo xaasaskiisaba. Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la noqdeen Rasuulka (scw). Labo deris noqdo ku wanaag badanaa Abuu Ayuub iyo Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) jeclaaday jaceyl hantay qalbigiisa iyo dhuuxiisaba, dhinaca kale Rasuulka (scw) ayaa isna jeclaaday Abuu Ayuub, wuxuuna marka uu guriga Abuu Ayuub yimaado uu Rasuulka (scw) u dhaqmi jiray sida gurigiisa oo kale.

Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor duhur ah masjidka soo aaday Abuu Bakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, waxaa arkay Cumar Binu Khadaab, wuxuuna ku yiri "Abuubakarow saacaddan maxaa ku soo bixiyay?!".

gaajo daran oo i haysa waxaan ka ahayn ima soo saarin. Cumar ayaa misna yiri, annigana Ilaah ayaan ku dhaartaye gaajo daran waxaan ka ahayn ima soo saarin
Abuubakar ayaa yiri, gaajo daran oo i haysa waxaan ka ahayn ima soo saarin. Cumar ayaa misna yiri, annigana Ilaah ayaan ku dhaartaye gaajo daran waxaan ka ahayn ima soo saarin. Goor ay Abuubakar iyo Cumar ay isla taagan yihiin ayaa waxaa ku soo baxay Rasuulka (scw) wuxuuna weydiiyay waxa soo saaray saacaddan iyada ah, waxayna yiraahdeen: ”wallaahi ayaan ku dhaaranaye, nama soo bixin aan ka ahayn gaajo daran oo na haysa awgeed” Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri ”annigana -waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda labadiisa gacmood ay ku jirto– inaynan i soo saarin waxaan gaajadaas ahayn, ee i soo raaca”.

Marti gelintii iyo maamuuskii Abuu Ayuub ee Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar-ba:

Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay yimaadeen albaabkii guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna Abuu Ayuub maalin kasta Rasuulka ugu talo geli jiray cunto, haddii uu soo daaho Rasuulka oo uusan cuntadii u iman, wuxuu cuntadii Abuu Ayuub siin jiray reerkiisa. Markay soo gaareen albaabkii Abuu Ayuub ayaa waxaa iridka ka furtay xaaskii Abuu Ayuub, iyadoo leh ”Nebigii Ilaah iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen”. Rasuulka (scw) wuxuu Ummu Ayuub weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub, durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay Abuu Ayuub oo waqtigaas ka shaqeynayay beer timireed uu lahaa, kuna tiillay meel gurigiisa u dhow. Isla markiiba intuu soo qaabilay Rasuulka (scw) isagoo leh: ”Rasuulka Alle iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen” Wuxuuna intaa raaciyay ”Nebigii Alloow waqtigan ma ahan waqtigii aad iman jirtay”. Rasuulka (scw) wuxuu yiri ”waa runtaa”,

Abuu Ayuub wuxuu u kacay beertiisa isagoo soo gooyay rucub timir ah oo weliba bislaatay
dabadeedna Abuu Ayuub wuxuu u kacay beertiisa isagoo soo gooyay rucub timir ah oo weliba bislaatay. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, ma aanan jeclayn inaad laantoo dhami goyso, maad noo soo gurtid oo kaliya timirta. Abuu Ayuub wuxuu yiri, Rasuulkii Allow waxaan jeclaystay inaad rucubta ka goysatid timirtiisa, hoobaantiisa iyo yacyacoodkiisaba, intaasoo kaliya maahee, waxna waan idiin gowracayaa. Rasuulka (scw) wuxuu yiri:

Rasuulka (scw) wuxuu yiri: ”haddaad neef gowracaysid ha gowracin neef irmaan”.
"haddaad neef gowracaysid ha gowracin neef irmaan".

Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray neef orgi ah, wuuna gowracay, wuxuuna xaaskiisa ku yiri, intaad cajiinta qastid waxaad noo karisaa kibis muufo ah, adigaana ku fiican dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu qaaday jeex ka mid ah neefkii orgiga agaa, markaasuu kariyay, jeexii soo harayna wuu soley. Raashinkii markii uu bislaaday, lana soo hordhigay Rasuulka (scw) hortiisa isaga iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), ayaa wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid ah hilibkii, ka dibna wuxuu cadkii geliyay kibistii ama muufadii dabadeedna wuxuu Abuu Ayuub ku yiri, intan waxaad ula deg degtaa gabadhii yareyd ee aan dhalay ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma aynan dhadhamin/cunin cadkan oo kale muddo hadda dhowr maalmood laga joogo.

Rasuulka (scw) wuxuu yiri): ”Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan (nimcadan) waa nimcada xaggiisa la idinka weydiinayo maalinta qiyaamada, ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo aad gacmaha la gashaan waxaad tiraahdaan Bismillaahi (magaca Alle ayaan ku billaabay), markaad dheregtaana waxaad tiraahdaan Al-xamdulillaah (mahad oo idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na dhargiyay ee nimcadiisa nagu galladaystay,
Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar markii ay cuneen raashinkii ayna dhargeen, ayaa wuxuu Nebiga (scw) yiri: ”muufo, hilib, timir, yacyacood iyo hoobaan!!” ilmo ayaa ka soo daadatay, kadibna wuxuu yiri: ”Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan (nimcadan) waa nimcada xaggiisa la idinka weydiinayo maalinta qiyaamada, ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo aad gacmaha la gashaan waxaad tiraahdaan Bismillaahi (magaca Alle ayaan ku billaabay), markaad dheregtaana waxaad tiraahdaan Al-xamdulillaah (mahad oo idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na dhargiyay ee nimcadiisa nagu galladaystay, intaa kadib Rasuulka (scw) wuu kacay, wuxuuna Abuu Ayuub Al-Ansaari ku yiri noo kaalay berito. Waxaa Rasuulka (scw) dabeecad u ahayd oo uu jeclaa in qofkii ixsaan u fala inuu wanaag ugu abaalgudo. Abuu Ayuub ma uusan maqlin hadalkii Rasuulka (csw), hase ahaatee Cumar Binu Khadaab ayaa ku yiri: ”Abuu Ayuubow wuxuu Rasuulka (scw) ku farayaa inaad u timaadid berito”. Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa Rasuulka (scw) ku yiri: ”maqlay oo aqbalay Rasuulkii Allow”.

Rasuulka (scw) oo Abuu Ayuub guddoonsiiyay abaal gud:

Maalintii danbe markii la gaaray, wuxuu Abuu Ayuub Al-Ansaari aaday gurigii Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) abaalgud ahaan Abuu Ayuub u siiyay gabar yar oo Rasuulka shaqaale u ahayd, wuxuuna kula dardaarmay inuu u wanaag falo, wuxuuna ku yiri: ”Abuu Ayuubow gabadhan wanaag kula dhaqan, maxaa yeelay intii ay nala joogtay kuma aanan arag wax aan kheyr ahayn”. Abuu Ayuub wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo ay la socotana gabadhii shaqaalaha ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu Ayuub Al-Ansaari waxay Abuu Ayuub weydiisay: ”gabadhan yey shaqaale u tahay?!”. Abuu Ayuub wuxuu yiri annaga ayeey noo khidmaynaysaa.., waxaana na siiyay Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo ahayd afadii Abuu Ayuub ayaa iyadoo faraxsan waxay tiri: ”ku sharaf badanaa mid wax bixiya (waa Nebiga (scw), ku sharaf badanaa wax la isa siiyo (waa gabadha)”. Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii ku yiri, laakiin wuxuu Rasuulka (scw) inoo dardaarmay inaan wanaag kula dhaqano. Ummu Ayuub ayaa tiri, sideen gabadha ugu ixsaan fali karnaa si aan ka fulino dardaarankii Rasuulka (scw)?.

Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma arko wax uga kheyr badan fulinta dardaarankii Rasuulka (scw) aan ka ahayn inaan gabadha xoreyno.
Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma arko wax uga kheyr badan fulinta dardaarankii Rasuulka (scw) aan ka ahayn inaan gabadha xoreyno. Ummu Ayuub ayaa tiri: ”waxaa lagu waafajiyay sidii toosnayd, waxaadna tahay mid xaqa la waafajiyay”, sidiina ayuu Ayuub gabadha ku xoreeyay.

Weligii kama uusan harin duulimaadyada jihaadka:

Waxaan soo qaadanay qaybtii nabadeed ee nolosha Abuu Ayuub Al-Ansaari, haddii aad xoogaa yar milicsatid inaad is-dul-istaagtid qaar ka mid ah noloshii Abuu Ayuub ee dhinaca dagaalka waxaa hubaal ah inaad arkaysid wax lala yaabo. Abuu Ayuub Al-Ansaari noloshiisa oo dhan wuxuu ku jiray duulimaad dagaal, jeer lagaba yiraahdo: ”weligii kama uusan harin duulimaad ay muslimiinta qaadeen laga soo billaabo xilligii Rasuulka (scw) uu noolaa ilaa laga gaaro xilligii Mucaawiya, illaa inuu duulimaad kale kaga mashquulo mooyaane”. Duulimaadyadiisii ugu danbeeye waxay ahayd kolkii uu Mucaawiye diyaariyay ciidankii uu hoggaaminayay wiilkiisii la oran jiray Yaziid, si loo furto magaallada Qisdandiiniya (waa magaallada hadda la yiraahdo Istanbuul), waqtigaas iyada ahna Abuu Ayuub wuxuu ahaa oday waayeel ah oo da’diisu ay wax yar u jirto siddeetan jir (80), sidaas oo ay tahay waayeelnimadkiisa kama uusan reebin inuu ku biiro ciidanka uu hoggaaminayay Yaziid, iyo inuu dhex jeexo hirarka badda isagoo Alle dartii u duulaya.

Hase ahaatee wax yar kadib maba uusan u sii dhaqaaqin dhinacii cadoowga jeer uu ka xanuunsado Abuu Ayuub Al-Ansaari bukaankii uu la dhiman lahaa, waxaana isagoo booqanaya u yimid Yaziid oo ahaa hoggaamiyihii dagaalka, wuxuuna ku yiri: ”ma jiraan wax aad u baahan tahay oo aynu kuu fulino?”. Abuu Ayuub ayaa yiri, marka hore waxaad igu salaantaa ciidamada muslimiinta, waxaadna ku tiraahdaa: ”Abuu Ayuub wuxuu idiin dardaarmayaa inaad gudaha u sii gashaan cadoowga dhulkiisa jeer aad ka gaartaan yoolka aad tiigsanaysaan meesha ugu fog, sidoo kale wuxuu Abuu Ayuub idiin dardaarmayaa inaad xanbaartaan oo uu idin raaco iyo inaad ku aastaan gommodyadiina hoostooda oo ah deyrka ama derbiga meesha la yiraahdo Qusdandiiniya, neeftii ugu danbeysayna ayaa ka soo baxday.

Ciidamadii muslimiinta waxay yeeleen wixii uu jeclaa saaxiibkii Rasuulka (scw), waxay dagaalamaan oo ay ciidankii hadba rogaal celiyaan ilaa ay markii danbe ka gaareen magaalladii Qusdhandhiiniya deyrkeedii, weliba iyagoo sida oo wada Allaha ka raalli noqdee Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeeyna u qodeen qabri, dabadeedna ku aaseen qabriga.

In la furanayo magaallooyinka Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii sheegay Nebiga (scw), furashada magaallada Qusdandiiniya waa la arkay oo waxaaba furay halyeeygii geesiga ahaa ee Muxammad Al-Faatix Allaha u naxariistee.
In la furanayo magaallooyinka Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii sheegay Nebiga (scw), furashada magaallada Qusdandiiniya waa la arkay oo waxaaba furay halyeeygii geesiga ahaa ee Muxammad Al-Faatix Allaha u naxariistee, waxa haray waa furashada Roma, iyadana waa tii la furto idinka Alle.

Ilaah ha u naxariisto Abuu Ayuub Al-Ansaari, maxaa yeelay wuxuu diiday illaa inuu ku dhinto fardaha dheereeya ee qiimaha badan dushooda isagoo u duulaya jidka Alle, waxayna maalintaas da’diisa ku dhoweyd 80 sanno.


17- ABUU HUREYRA AL-DOWSI

Abuu hurayra rc wuxuu ummadda islaamka u xafiday wax ka badan
1.600 xadiis kuwaas oo ka mid ah axaadiista rasuulka swc.

Akhristow waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga xiddiga ah ee ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka (scw). Aynu isweydiinee ma ummadda Islaamka ayaa waxaa ku jira ruux aanan aqoonin Abuu Hureyra?!. Dadku waxay ugu yeeri jireen xilligii Jaahiliga (Islaamka kahor) ”Cabdi Shams”, hase ahaatee markii uu Ilaah ku maamuusay diinta Islaamka, ee uu soo islaamay, kuna sharfay la kulankii Nebiga (scw) ayaa wuxuu Rasuulku weydiiyay su’aashan: ”Magacaa?”. Wuxuu yiri magacygu waa ”Cabdi Shams”. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, maya ee waxaa lagu yiraahdaa Cabdiraxmaan. Wuxuu yiri, haye oo magacaygu waa Cabdiraxmaan, aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee Rasuulkii Alloow. Wixii maalintaas ka danbeeyay wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan, aabihiisna Sakhr. Waxay dadka ugu kunyooni jireen Abuu Hureyra, sababta loogu baxshayna waxay ahayd, markii uu yaraa ayaa wuxuu lahaa bisad yar, taasoo uu jeclaan jiray inuu la cayaaro. Wiilashii ay isku da’da ahaayeen ayaa wixii maalintaa ka danbeeyay waxay ugu yeeri jiray ”Abuu Hureyra”, kunyadaas (abuu hureyra) ayuu markii danbe ku caan baxay.

Islaamiddii Abuu Hureyra:

Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ku soo islaamay gacantii Dhufeyl Binu Camar Al-dowsi, isagoo intaa wixii ka danbeeyay dhex joogay tolkiisa reer Daws jeer laga soo gaaro sannadkii lixaad hijriyada kadib, halkaasoo uu u soo wafdiyay Rasuulka (scw) oo joogay magaallada Madiina, wuxuuna la socday qaar ka mid ah tolkiisa oo iyaguna soo islaamay. Abuu Hureyra wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo u go’ay u-adeegidda iyo la-jirka Rasuulka (scw). Fadhigiisa iyo deggaankiisu wuxuu ahaa masjidka, Nebigana (scw) wuxuu ka dhigtay bare iyo hoggaamiye, mana uusan lahayn xilligaas reer ama caruur.

Sidii uu ugu baari fali jiray hooyadiis oo gaal ahayd:

Abuu Hureyra wuxuu la noolaa hooyadiis oo waayeel ahayd, taasoo ku adkeysatay shirkiga iyo gaalnimada. Inkasta oo ay gaal ahayd, haddana Abuu Hureyra ma uusan ka noogi jirin inuu u duceeyo, wuu u cabsan jiray, wuuna u baari fali jiray markasta, hase ahaatee iyadu way ka carari jirtay. Way ka tagi jirtay, iyadoo walbahaarka Abuu Hureyra uu ka walbahaarayo hooyadiis ay buuxinayso laabtiisa. Abuu Hureyra wuxuu yiri, maalin maalmaha ka mid ah ayaan hooyaday ugu yeeray diinta islaamka, markaasay waxay Nebiga (scw) ku sheegtay hadal aan dhibsaday, ina dhaawacay. Wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo oonaya. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri: ”maxaa kaa oohinaya!?”. Wuxuu yiri, waxaan ahaa mid aan ka noogin yeerista aan hooyaday ugu yeerayo islaamka, halka iyaduna ay diidi jirtay inay soo islaamto. Hase ahaatee, maanta ayaa waxaan ugu yeeray inay soo islaamto, dabadeedna waxaan xaggaaga ka maqlay wax aan dhibsado, ee Rasuulkii Alloow waxaad Ilaah uga baridaa inuu laabteeda islaamka soo aaddiyo. Nebiga (scw) ayaa u duceeyay Abuu Hureyra hooyadiis. Wuxuu yiri Abuu Hureyra: ”waxaan ku dhaqaajiyay guriga, markii aan u soo dhowaaday guriga ayaa waxaan maqlay dhawaaq sida biyo daadanaya oo kale, markii aan damcay inaan gurigii galana waxay hooyaday igu tiri: joogso meeshaada, dabadeedna waxay xiratay dharkeedii ka dibna waxay tiri soo gal, markii aan gudaha guriga soo galayna waxay hooyaday tiri: waxaan qirayaa jiritaanka Allaha xaqa ah, waxaan kaloo qirayaa inuu Muxammad yahay addoonkii iyo Rasuulkii Alle…. Waxaan ku laabtay Rasuulka (scw), annigoo farxad awgeed la oonaya sidii saacad ka horeba aan murugo darteed ula ooyay, annigoo markaas ku leh Rasuulka: bishaarayso Rasuulkii Alloow…., Ilaah wuu aqbalay ducadaadii oo wuxuu Alle (sw) hanuuniyay Abuu Hureyra hooyadiis.

Jeceylkii Abuu Hureyra ee Nebiga (scw):

Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu aad u jeclaan jiray Rasuulka (scw) jaceyl weliba saameeyay hilibkiisa iyo dhiigiisaba. Wuxuu Abuu Hureyra ahaa kii aan ka dhergin aragtida iyo eegista Nebiga (scw), wuxuuna oran jiray: ma aanan arag wax ka qurxoon kana iftiin badan Rasuulka (scw) jeer la maleeyo in ileyska iyo iftiinka qoraxda la dul yeelay wejiga xabiibka Nebiga (scw). Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu ku mahadin jiray Allihii ku galladaystay inuu noqdo saaxiibka Nebiga (scw) iyo inuu qaato diintiisa iyo hanuunkiisa, wuxuuna oran jiray:

Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra ku hanuuniyay Islaamka.

Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra baray qur’aanka.

Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu hureyra ku manneystay inuu noqdo saaxiibkii Nebiga (scw).

Sidii uu Abuu Hureyra u jeclaa Nebiga (scw), ayuu misna uu u jeclaa cilmiga, wuxuuna cilmiga iyo aqoontu u ahayd hadaf iyo yool uu tiigsado markasta. Cilmiga ayaa u caado ahayd Abuu Hureyra Illaah ha raalli noqdee.

Nebiga (scw) ayaa ugu duceeyay cilmiga:

Waxaa sheekeeyay Zeyd Binu Thaabit Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuuna yiri: goor aan anniga iyo Abuu Hureyra iyo nin aynu saaxiibo ahayn aan joogno masjidka welibana aynu Alle baryayno, xusaynana Alle ayaa waxaa nagu soo baxay Rasuulka Alle (scw) ilaa uu dhexdeena fariisto, dabadeedna waynu aamusnay. Nebiga (scw) ayaa nagu yiri, hadalkii aad wadateen u noqda . Anniga iyo saaxiibkay ayaa waxaynu barinay Alle (sw) -kahor Abu Hureyra intuusan baryin– markaas iyada ahna uu Rasuulka noo aamiinsanayo (leeyahay aamiin). Haddana, waxaa Alle baryay Abuu Hureyra isagoo leh: Allahayoow waxaan ku weydiisanayaa waxa ay ku weydiisteen labadayda saaxiib.. Waxaan ku weydiisanayaa cilmi aan la hilmaamin… Nebiga (scw) ayaa yiri: aamiin. Annagana waxaynu markale niri: Ilaahayow annagana waxaan ku weydiisanaynaa cilmi aan la hilmaamin. Nebiga (scw) ayaa ku yiri: waxaa idinkaga hormaray wiilkii reer Daws ahaa (Abuu Hureyra).

Siduu Abuu Hureyra uu naftiisa ula jeclaa barashada cilmiga, ayuu misna ula jeclaa dadka inay weyneeyaan cilmiga. Taasina waxaan ku arki doonaa dhacdadan soo socota. Abuu Hureyra ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo maray suuqa magaallada Madiina, wuxuu arkay inay dadkii ku shuqloomeen adduunyo, wuxuu arkay inay ku mashquuleen bicsharada iibka, gadista, siinta iyo qaadashada. In yar ayuu dadkii is dul istaagay, dabadeedna wuxuu dadkii ku yiri: Yaa idinka tabar daran haddaad tihiin reer Madiinoow!!. Waxay yiraahdeen, ma waxaad aragtay kuwanaga tabarta daran Abuu Hureyrow. Wuxuu yiri, waxaa la qaybsanayaa dhaxalkii Nebiga (scw), idinkana waxaad fadhidaan halkan..! War miyeydaan tagaynin oo soo qaadanaynin qaybtiinii!! Waxay yiraahdeen waa halkee?!. Wuxuu yiri: “masjidka”. Dadkii ayaa u deg-deggay masjidka, Abuu Hureyrana iyaga ayuu sugay ilaa ay ka soo laabteen. Markii ay u yimaadeen, ayaa waxay ku yiraahdeen: Abuu Hureyra, waxaynu aadnay masjidkii mana aanan arag wax lagu qaybsanayay masjidka. Wuxuu ku yiri, miyeydan masjidka ku arag wax dad ah?!. Waxay yiraahdeen: haa.., waa run oo waxaynu aragnay dad tukanayay, dad aqrisanayay qur’aanka iyo kuwo kale oo baranayay cilmiga la xidhiidha xalaasha iyo xaaraanta. Wuxuu yiri, haddaba taas ayaa ah dhaxalkii Nebiga (scw).

Faqrigii iyo gaajadii uu la kulmay Abuu hureyra:

Dhibaatooyin fara badan ayuu Abuu Hureyra kala kulmay barashada cilmiga diinta iyo u go’idda fadhiyada Rasuulka (scw), taasoo aynan jirin qof sidiisoo kale ah. Abuu Hureyra oo arrintan ka sheekeenaya wuxuu yiri: waxaa dhici jirtay inay gaajada i haysa igu adkaato jeer aan ka noqdo mid asxaabta ka weydiiyo aayad qur’aan ah -markaasna aan ogahay macnaha aayadda- waxa aan u weydiinayo waa inuu ii wado gurigiisa oo uu i soo siiyo cunto. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaajadii i haysay igu adkaatay, markaas ayaa waxaan caloosha ku xiray dhagax, waxaana fariistay waddada dhexdeeda. Waxaa waddadii soo maray Abuubakar (rc) waxaana weydiiyay aayad qur’aan ah, sababta aan u weydiinayana waa inuu gurigiisa ii kaxeeyo, mana ii kaxeynin. Intaa ka dib, waxaa haddana waddada soo maray Cumar Binu Al-khaddaab (rc), waxaan weydiiyay aayad qur’aan ah, isna iima yeerin jeer uu markii danbe ka soo maro Rasuulka (scw), wuxuu gartay gaajada i haysa wuxuuna yiri: ”Ma Abuu Hureyraa?!”. Waxaan iri, haa, waana ku ajiibay Rasuulkii Alloow, ka dibna waan raacay, waxaana annigoo la socdo galnay gurigiisa. Wuxuu Nebiga (scw) guriga ka helay weel caano ku jireen, markaas ayuu reerkiisa ku yiri: ”intee ayuu nooga yimid kani”. Waxay yiraahdeen, waxaa kuu soo diray hebel. Wuxuu yiri, Abuu Hureyroow waxaad u yeertaa jamaacadii la oran jiray Ahlu-Sufa (waxay ahaayeen dad masaakiin ah, kuwaasoo aan lahayn reer iyo caruur iyo hoy midna, waxayna seexan jirayn masjidka Nebiga). Waxaa i dhibtay inaan Ahlu-Sufa ugu yeero weelkan yar ee caanaha ku jira, waxaana naftayda ku iri: Sidee ayeey u deeqaysaa Ahlu-Sufa weelkan yar?!. Waxaan filayay inaan hal mar dhamo caanahan si aan ugu xoogeysto, deedna aan iyaga u aado. Waxaan u imid Ahlu-Sufa, waxaana aan ugu yeeray weelkii caanaha ku jireen. Hal mar ayeey yimaadeen, markii ay soo ag fariisteen Rasuulka ayaa wuxuu igu yiri: ”intaad qaadid u gee iyaga”. Waxaan bilaabay inaan mid mid u siiyo caanihii ilaa ay dhammaantood caanihii ka dhamaan, weelkiina waxaan u celiyay Rasuulka (scw). Nebiga (scw) ayaa madaxiisa kor u qaaday isagoo muusoonaya, wuxuuna yiri: ”waxaa haray anniga iyo adiga”. Waxaan iri, run baad sheegtay Rasuulkii Alloow. Wuxuu yiri, haddaba, cab caanaha, waana cabay. Markale ayuu igu yiri, cab, haddana waan cabay. Rasuulka (scw) kama uusan suulin kii yiraahda cab, anniguna aan cabbayo caanihii ilaa markii danbe aan ka iraahdo: Ilaahii xaqa kugu saaray waxaan kuu dhaaranayaa inaanan awoodin inaan sii cabo.. Wuxuu qaaday weelkii, dabadeedna wuxuu cabbay suubbanaha Nebiga (scw) caanihii soo haray.

Waqti dheer kama aynan soo wareegan xilligaas, jeer kheyraatkii iyo barwaaqooyinkii ay dhex shubmaan muslimiinta, waxaana korkooda ku soo shubmay qaniimooyinkii ay ka heleen furashada. Abuu Hureyra wuxuu yeeshay hanti, guri, reer iyo caruurba. Hase ahaatee waxaasoo kheyraat iyo nimco ah-ba ma aynan beddelin naftiisii sharafta badnayd, dhinaca kalena ma aynan hilmaansiinin maalmihii uu faqiirka ahaa, wuxuuna inta badan oran jiray:

”waxaan ku barbaaray agoonimo, waxaan guuray oo hijrooday annigoo miskiin ah, waxaan shaqaale ka ahaa beer ay lahayd ina Qazwan annigoo ugu shaqeyn jiray si calooshii ugu shaqeystinimo ah, waxaan ahaa kii u adeega reerka markay soo deggaan, ratiga ayaan u kaxeyn jiray, Ilaahayna wuxuu ii sahlay inaan ka guursado shaqadii beertaas. Waxaa mahad iska leh Allaha diinta islaamka nidaam nooga dhigay, Abuu Hureyrana ka dhigay hoggaamiye. Abuu Hureyra wuxuu madax ka noqday magaallada Madiina, isagoo ka socda dowladdii Mucaawiye Binu Abii Sufwaan (rc) wax ka badan hal jeer, madaxtinimadaas uu noqday Abuu Hureyra ma aynan beddelin dabeecaddiisii.

Wuxuu ku tilmaanaa tilmaamo suubban:

Illaah ha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Hureyra kulansaday cilmi xeel dheer, cafis iyo saamixitaan badan, Alle ka cabsi iyo xalaal-miiradnimo. Wuxuu ahaa kii sooma maalintii, halka habeenkii qayb uu ka tukan jiray salaatul-leylka. Wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa habeenka saqda dhexe, habeenka intiisa danbena wuxuu salaadda u toosin jiray gabadhiisa. Guriga Abuu Hureyra wuxuu ahaa kii aan laga-kala-goyn cibaadada habeenkii oo dhan. Abuu Hureyra waxaa u shaqeyn jirtay gabar madoow ah, gabadhii ayaa waxay u gaftay maalin Abuu Hureyra, dabadeedna wuu istaagay, wuxuuna soo qaatay jeedal si uu markaa ugu garaaco gabadha. Haddana wuu is qabtay isagoo gabadhii ku leh: “haddii aynan jirin qisaas maalinta qiyaame waan ku xanuujin lahaa sida aad noo dhaawacdayba, hase ahaatee waxaan kaa iibinayaa qof i siiya qiimahaaga, waqtigaasna aan aad ugu baahanahay … Iska tag, Alle dartii ayaan kuu xoreeyee.. Abuu Hureyra cabsidiisa Alle ayaa waxaa wehelisay adduunyo naceyb, wuxuu sida badan ku dadaali jiray u-camal -falka maalinta aakhiro, sidaa darteed wuxuu markasta ka wel-weli jiray cadaabta iyo xanuunka ay wadato naarta. Maalin ayaa gabadhiisii waxay ku tiri, aabe gabdhaha saaxiibadayda ah way i caayaan, waxayna igu yiraahdaan: muxuu aabahaa kuugu gadi waayey dahab?!. Wuxuu ku yiri, gabadhaydiiyey, waxaad ku tiraahdaa: aabahay wuxuu iiga cabsanayaa kulka naarta Jahannamo. Diidmada uu Abuu Hureyra gabadhiisa dahabka ugu diidayay kama ahayn bakheylnimo awgeed, maxaa yeelay wuxuu Abuu hureyra ku tilmaanaa deeqsinimo iyo gacmo furnaan, gaar ahaan xilliga jidka Alle loo duulayo. Marwaan Binu Al-Xakam ayaa wuxuu Abuu Hureyra u soo diray boqol diinaar oo dahab ah, maalintii kale markii la gaaray ayaa wuxuu u qoray warqad uu ku leeyahay sidatan: khaadimkaygii wuu qaldamay oo wuxuu ku siiyay lacago diinaar ah, annigana kulama aanan doonin, ee waxaan u doonayay qof aanan adiga ahayn. Abuu Hureyra arrintii wuu ka qoomameeyay, wuxuuna yiri: waxaan lacagta u bixiyay si jidka Alle ah, markuu mushaarkayga yimaado ka qaado lacagta. Hase ahaatee, waxay Marwaan ka ahayd oo keliya inuu imtixaano Abu Hureyra, markii uu arrinkii u fiirsadayna wuxuu oggaaday inuu sax yahay hadalkiisii.

Hal meel ma wada harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa gooya:

Abuu Hureyra wuxuu weligiis baarri u ahaa hooyadiis, mar alla markuu guriga ka baxayana intuu istaago iridka aqalka ayaa wuxuu oran jiray: “salaan iyo nabad gelyo korkaada ha ahaato hooyo” Iyaduna waxay ugu jawaabaysay: “adigana sidoo kale dushaada ha ahaato naxariistii iyo barakaatkii Alle”. Wuxuu haddana ku yiri: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad annigoo yar igu soo barbaarisay”. Waxay haddana ku tiri: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad annigoo weyn iigu baarri-fashay”. Markuu guriga ku soo laabtana wuxuu oran jiray hadalladaas oo kale.

Wuxuu Abuu Hureyra ku dadaali jiray inuu dadka ugu yeero sidii ay ugu baari-fali lahaayeen waalidiintooda, iyo xiriirinta qaraabadooda. Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa hadalkan: "hal meel ma wada harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa gooya". Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah arkay labo nin oo wada socda, oo kala da’ weyn. Wuxuu kii yaraa weydiiyay waxa uu kan kale u yahay, wuxuuna ku yiri: “waa aabahay”. Haddaba wuxuu Abu Hureyra ninkii ku yiri: “magaciisa ha ugu yeerin, hortiisana ha socon, hana fariisan hortiisa.

Safar dheer iyo sahay yar:

Markii uu Abuu Hureyra xanuunsaday bukaankii dhimashadiisa ayaa uu ooyay, waxaana lagu yiri maxaad la ooyaysaa?. Wuxuu yiri, lama oynayo cabsida aan ka qabo dunidan tan ah, hase ahaatee waxaan la ooyay safarka dheer ee i sugayo, iyo saadka iyo sahayda yari ee aan wato. Waxaan istaagay dhammeystirka waddo, taasoo ii sii kaxeynaysa Janno ama Naar, mana ogi labadaas meelood meesha aan ku danbeyn doono. Waxaa Abuu Hureyra soo booqday Marwaan Binu Al-Xakam, isagoo ku leh: Abuu Hureyrow Allaha ku shaafiyo. Wuxuu Abuu Hureyra ku Alla baryay ducadan, wuxuuna yiri: “Illaahayow waxaan jeclahay la-kulankaaga ee waxaad adiga jecaataa la kulankayga, iina soo deddeji inaan kula kulmo". Maba uusan Marwan ka bixin gurigii jeer uu ka geeriyoodo Abuu Hureyra. Illaah ha u naxariisto Abu Hureyra raxmad waasic ah, wuxuu ummadda muslimiinta u xafiday wax ka badan kun iyo lix boqol iyo sagaal xaddiis kana mid ah axaadiista Rasuulka (scw), Ilaahay Islaamka iyo Muslimiinta ha uga jazeeyo kheyr, aamiin


18- DHALXATA BINU CUBEYDILLAAHI AL-TAYMIYI

"Ninkii jecel in uu arko nin dunida dusheeda socda isla markaana dhintay ha eego Dalxata Bin Cubaydillah"

Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas.

Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dhaafno si uu noogu dhammeystiro sheekadiisa xiisaha badan, wuxuuna yiri Dhalxata:-

Mar aynu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu soo baxay wadaad kirishtaan ah oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo leh “ganacsatooy, waxaa dadka weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer Makka ah”. Markaas uu sidaas leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u degdegay waxaana ku iri: “haa, oo annigaa ka imid Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la soo saaray Axmad, markaasaan ku iri: “waa kuma Axmad?!”. Wuxuu igu yiri waa inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay “bishan waa bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu danbeeyay nebiyada, waxaa laga soo saari doonaa dhulkiina Xaramka (makka), wuxuuna u hijroon/guuri doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow, geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan tahay cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas wiilyahow”. Wuxuu yiri Dhalxata, hadalkii ninka waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku degdegay awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xirxirtay sidiina ay ugu kicitimay magaallada Makka.

Raadka uu islaamka ku leeyahay akhlaaqda suubban:

Markaan imid magaaladii, waxaan reerkayga weydiiyay su’aashan: “ma wax dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka gadaashayda?”. Waxay yiraahdeen haa, oo waxaa istaagay Muxammad Binu Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar). Dhalxata wuxuu yiri, horey ayaan u garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo dulqaad badan ayna dadka jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci wanaagsan. Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad ayaan u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan Qureysh iyo abtirsigeeda. Waxaan markiiba aaday Abuubakar, waxaana ku iri, ma run baa waxa la leeyahay ee ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay nebinnimo, adigana aad raacday?!. Wuxuu yiri haa, kadibna wuxuu billaabay inuu iiga sheekeeyo nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan soo islaamo, annigana xaggeyga waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ahaa. Aad ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu maqlay, wuuna jeclaystay, wuxuuna igu yiri: “bal inoo-kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu ku leeyahay, si aad markaas u soo gashid diintii Alle.

Dhalxata wuxuu yiri, waxaan anniga iyo Abuubakar aadnay Muxammad, wuxuu ii soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu dul-aqriyay qaar ka mid ah suuradaha qur’aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u waasiciyay diinta Islaamka, waxaana uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay, farxad aad u weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib markii uu maqlay, dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq lagu caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle. Waxaan galay lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta Abuubakar. Saddaxda kale ee gacanta Abuubakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad Binu Abii Waqaas, Cusmaan Binu Abii Caffaan iyo Zubeyr Binu Al-cawwaam.

Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala kulmay:

Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii uu ka dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga badan ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in badan isku dayeen inay ka weeciyaan diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u ogaadeen inuu iimaankiisa sugan yahay aadna u xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin inuu ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala quusteen inay si hadal leh ugu qanciyaan inuu diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen inay cuskadaan jirdil iyo ciqaab.

Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash wuxuuna yiri: Mar aan socdo Safa iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo eryanaya wiil labadiisa gacmood lagu xir-xiray qoortiisa, dadku waxay daba socdeen wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa iyadana xagga danbe socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaarto wiilka inay garaacdo, hase ahaatee waxay caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna igu yiraahdeen waa Dhalxata Binu Cubeydillaah oo ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii Muxammad Binu Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka ahayd ee wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay wiilka, waxayna igu yiraahdeen waa Sacba’ Bintu Al-xadrami, waana wiilka hooyadiis.

Labadii la isku xiriiriyay:

Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu naanaysi jiray libaaxii qureesheed ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu ku xirxiray xarig, xarigii ayuu haddana kula xiray Abuubakar, dabadeedna wuxuu u dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa magaallada Makka, si ay u xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran.

Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuubakar As-siddiiq loogu yeeri jiray labadii-la-sku-xiriiriyay. Waxay maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is daba-raacayaan, Dhalxata Binu Cubeydillaahina uu maalmahaas ka siyaadsanayo dhammeystiran, wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada Rasuulka (scw) uu sii weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo muslimiintana ay sii kobcayso siina fidayso jeer maalintii danbe ay muslimiinta ugu naaneysaan shahiidkii haddana noolaa, taasoo loola jeedo saxaabigii Jidka Alle ku dhintay, haddana dunida guudkeeda saaran oo nool. Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii deeqsiga badnaa, Dhalxihii kheyrka la burqanayay, dhammaantoodna mid kasta waxay leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso yareyn.

Maxaa loogu bixiyay shahiidkii haddana noolaa?

Aynu ku hor marnee sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa, waxay ahayd maalintii daggaalka Uxud, markii ay muslimiinta ka carareen Rasuulka (scw), ayna markaasna Rasuulka (scw) ku harin oo keliya waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar ah, iyo Dhalxata Binu cubeydillaahi oo ka mid ahaa muhaajiriinta.

Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama korayay buurta isaga iyo intii la socotayba, iyadoo ay sii korayaan buurta ayaa waxaa ku soo baxay oo soo gaaray koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo doonaya inay dilaan Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa wuxuu saxaabadii ku yiri: “yaa naga caabbinaya kuwan oo noqonaya saaxiibkayga Jannada”. Dhalxata ayaa durbadiiba yiri “ anniga, Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa yiri “waa anniga qofkaas Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa yiri “haye, waa adiga”. Ninkii saxaabiga ee ansaariga ahaa wuu dagaalamay jeer markii danbe laga dilay. Haddana Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay markale sii fanteen buurtii, gaaladiina haddana way ku soo baxeen. Markale ayuu Rasuulka (scw) yiri “war ayaa nin u ah kuwani?!”. Dhalxata ayaa misna yiri anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa haddana yiri anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “haa, waa adiga”. Intaa dabadeed ninkii ayaa la dagaalamay gaaladii jeer ay markii danbe isna ka dilaan. Haddana Rasuulka (scw) wuxuu sii koray buurta, gaaladiina way soo raaceen, kama uusan suulin Rasuulka (scw) inuu ku celcelinayo hadalkiisii hore, Dhalxana uu leeyahay anniga Rasuulkii Allow, Rasuulkuna uu leeyahay maya, uu saxaabi kale u fasaxayo inuu caabbiyo gaaladaas jeer ay 11-kii ansaarta ay dhammaantood halkaas ku shahiidaan. Waxaa Rasuulka (scw) weheliyay oo keliya Dhalxata, gaaladii ayaa haddana markale soo haleelay Nebiga.

Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo gaaray dagaalkii Uxud:

Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku yiri: “hadda haa”. Rasuulka (scw) waxaa dagaalka ka soo aaray dhaawacyo. Waxaa la jabiyay dhooshiisa hoose, wejigana waxaa ka soo gaaray dakhar, sidoo kalena dabintiisa hoosena waxaa soo gaaray dhaawac, dhiig badan ayaa ka soo daatay wejigiisa sharafta badan, daal iyo tacab aad u daranna maalintaas wuu hareereeyay jirkii suubbanaha Nebiga (scw). Dhalxata wuxuu guda-galay inuu rogaal-celin ku sameeyo gaaladii si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna intaa kadib u soo laabanayay Rasuulka (scw) si uu u saaro xagga sare ee buurta, markale ayuu haddana gaaladii u soo laabanayay, sidaas ayuu sameenayay jeer uu markii danbe gaaladii ka fogeeyo.

Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii Dhalxata:

Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: “waqtigaas iyada ah anniga iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax waxaan ahayn kuwo ka fog Rasuulka (scw), markii aan u nimid si aynu u daawayno wuxuu Rasuulka (scw) nagu yiri anniga iga taga, oo waxaad aaddaan saaxiibkiina”, wuxuu ka waday Dhalxata. Haddaan u nimid Dhalxata, waxaan aragnay isagoo dhiig baxaya, jirkiisana waxaa ku yiilay dhowr iyo toddabaatan dhaawac ama seef ah ama waran ama leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo aragnay isagoo gacantiisiina qaybta horena la gooyay, kuna dhacay meel god ah isagoo suuxsan. Sidaa darteed ayuu Rasuulka (scw) u oran jiray wixii intaa ka danbeeyay “ruuxii jecel inuu arko nin dunida dusheeda socda, isla markaasna dhintay ha eego Dhalxata Binu Cubeydillaah”. Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa markii la xuso daggaalkii Uxud kii yiraahda “waa maalintii Dhalxata”. Intaas waa sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa.

Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka badnaa:

Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa la xiriirta sababta loogu naaneysay Dhalxihii kheyrka badnaa iyo Dhalxihii deeqsiga badnaa, waxaa hubaal ah inay iyadana leedahay boqolaal sheeko. Dhalxata wuxuu ahaa ganacsade leh hanti fara badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaallada Xadramuut uga timid lacag gaaraysa 700 000 dirham. Wuxuu habeenkaas Dhalxata seexday isagoo walbahaarsan, aadna u murugaysan. Waxaa u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum Bintu Abiibakar As-siddiiq, waxay aragtay inuu aad u murugaysan yahay, waxayna ku tiri: “maxaa kugu dhacay Abii Maxammad?!!, ma wax dhibaato ah ayaa xagganaga kaaga timid!”. Dhalxata wuxuu afadiisa ku yiri: “maya, adigu waxaad tahay afo tan ugu wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo xaleey waan fekerayay oo waxaan naftayda ku lahaa muxuu yahay malaha nin Rabbigiisa hadduu seexdo iyadoo ay gurigiisa taalo lacagtaas”. Waxay tiri, maxaa ku walbahaarinayo!?, aaway dadkii tolkaaga ahaa ee masaakiinta ahaa, markaad waabiriyaysato u qaybi maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay hadalkii ay ku tiri xaaskiisa, wuxuuna ku yiri “Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle (sw) waafajiyay towfiiqda, sidoo kale aabahaa”.

Markuu waagu baryay Dhalxata wuxuu lacagtii ku guray qariirado kala duwan, dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta reer ansaar iyo mujaajiriin. Dhalxata wuxuu ahaa deeqsi u roon masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan wuu siin jiray. Waxaa la sheegaa sidoo kale inuu maalin maalmaha ka mid ah uu Dhalxata u yimid nin doonaya in wax la taro, dabadeedna wuxuu u sheegay inuu jiro dhul qiimihiisa gaaraya 300 000 kun oo dirham, wuxuu dooransiiyay inuu dhulka qaato, ama uu qiimihiis qaato, hase ahaatee wuxuu ninkii doortay inuu qaato lacagtii, wuuna siiyay, maxaa yeelay wuxuu arkayay ajarka iyo xasanaadka Alle agtiisa uu ka rajeynayo inuu kumanaan jeer ka weyn yahay hantidan. Ilaahay ha ka raalli noqdo Dhalxihii kheyrka iyo deeqsiga badna, mujaahidka ahaa, qarbrigiisana Allaha u iftiimayo. Intaasina waxaa ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka ahaa ee Dhalxata binu Cubeydillaah.


19- CABDULLAAHI BINU JAXSH - Top

19- CABDULLAAHI BINU JAXSHI

"Qof loogu yeero Amiirul Mu'miniin kii ugu horreeyey"

Saxaabiga aynu hadda qaadanayno sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir qaraabo wadaagaan Rasuulka (scw), wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee soo gala diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta Cabdil-mudhalib oo ahayd Rasuulka (scw) eeddadiis. Dhinaca kale wuxuu Cabdullaahi ahaa Rasuulka (scw) seedigiis, maxaa yeelay wuxuu Rasuulka (scw) qabay Zeynaba Bintu Jaxsh oo ay walaalo ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd hooyadii mu'miniinta. Cabdullaahi Binu Jaxsh wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loo dhiibo calanka Islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loogu yeero Amiiral-mu'miniin.

Inkastoo aan la soo koobi karin guud ahaan taariikhda la xiriira habnololeedkii Cabdullaahi Binu Jaxsh, haddana waxaynu ka soo qaadanaynaa laga soo billaabo markuu soo islaamay. Wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh soo islaamay, kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii ama gurigii Arqam Binu Arqam, oo ku beegnayd xilligii ay dacwada islaamka ku jirtay qarsoodi, sidaa darteed ayaa wuxuu Cabdullaahi ka mid noqday saxaabadii ugu horeeyay ee qaata hanuunka Rasuulka (scw), sidaasna ku soo islaama.

Hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh:

Markii uu Rasuulka (scw) u fasaxay asxaabtiisa inay u hijroodaan ama u guuraan magaallada Madiina, iyagoo la cararaya diintooda iyo hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanaysa gaaladii Qureysh, wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh galay lambarkii labaad saxaabadii hijrootay, oo waxaa fadliga hijrada kaga hormaray oo keliya saxaabiga la yiraahdo Abuu Salama. In si Alle dartii loogu hijroodo, loogana tago qoyska iyo dalka ayaanan ahayn wax ku cusub Cabdullaahi Binu Jaxsh, maxaa yeelay isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiis ayaa waxay hadda kahor u guureen meesha hadda loo yaqaano geeska Afrika ama Xabasha. Hase ahaatee, hijrada markan waxay ahayd mid ka xeel-dheer kana ballaaran tii hore. Waxaa Madiina u hijrooday dhammaan waalidka Cabdullaahi wuxuu dhalay oo ka koobnaa rag iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, wiilal iyo gabdho yaryar., maxaa yeelay guriga Cabdullaahi wuxuu ahaa guri Islaam. Maba aynan ka sii bixin magaallada Makka jeer ay guryahoodii ka muuqdaan murugo iyo tiiraanyo, guryihii camirnaa waxay noqdeen oo guryo cidlo ah oo la moodo inaan la deggin ama lagu caweyn weligeed.

Guryihii iyo hantidii Cabdullaahi oo la bililiqaystay:

Kama soo wareegin waqtigaas wax yar hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo intii la socotayba ilaa maalintii danbe ay soo baxaan madaxdii Qureysh oo ku gaaf-wareeganaya xaafadaha magaallada Makka, bal si ay u aqoonsadaan ciddii ka qaxday magaallada ee ka mid ah muslimiinta, iyo intii ku hartayba. Waxaana madaxdaas ku jiray Abuu Jahal iyo Cutbata Binu Rabiica. Cutbata ayaa eegay guryihii ay lahaayeen qoyskii reer Jaxsh oo dabeeshii boorka badneyd ay garaacayso albaabadii guryaha, dabadeedna wuxuu yiri: “guryihii reer Binii Jaxsh waxay noqdeen guryo cidlo ah oo u oonaysa dadkeedii”. Abuu Jahal ayaa ku yiri “yey ahaayeen kuwaas jeer ay guryahoodii u ooyaan?!”. Intaa kadib wuxuu Abuu Jahal taabsaday gurigii Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxayna guryahaas ahaayeen guryaha magaallada Makka ku yiilay kuwooda ugu quruxda badan, uguna hodontinimo badan, oo waxaa yaalay alaabo fara badan. Abuu Jahal wuxuu gurigii Cabdullaahi ugu isticmaalay sida qofka hantida leh ugu isticmaalo hantidiisa.

Raalli ma ka tahay in gurigaaga laguugu beddelo guri Jannada ku yaala:

Cabdullaahi Binu Jaxsh markii loo sheegay wuxuu Abuu Jahal ku sameeyay gurigiisa, wuxuu u sheegay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulkka (scw) ku yiri isagoo bishaaro ugu beddelaya bililiqada gurigiisa: “miyaadan raalli ku noqonaynin Cabdullaahiyow inuu Eebbe kuugu beddelo gurigaaga guri ku yaala Jannada”. Cabdullaahi ayaa yiri “haa” Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa haddaba ku yiri “gurigaas ayaad leedahay”. Hadalkii Rasuulka (scw) waxay dejisay naftii Cabdullaahi, wuuna il-qabowsaday.

Imtixaankii ugu darnaa ee la mariyay Cabdullahi Binu Jaxsh:

Cabdullaahi Binu Jaxsh ma uusan sigin inuu ku nasto magaallada Madiina, kadib wixii ka soo gaaray labadiisii hijradood oo dhibaato iyo hagardaamooyin ah. Ma uusan Cabdullaahi sigin inuu dha-dhamiyo raaxada dha-dhankeeda markii uu dhex joogay ansaartii Madiina, kadib wixii qureysh ka soo gaaray oo dhibaatooyin ah ilaa uu Eebbe (sw) doono inuu Cabdullaahi la kulmo imtixaan kii ugu darnaa ee uu noloshiisa arko laga soo billaabo markuu soo islaamay.

Haddaba, akhristow kaalay aynu si wadajir leh u ogaano waxay tahay imtixaankaas qallafsan ama daran ee la mariyay saxaabiga jaliilka ah ee Cabdullaahi Binu Jaxsh.

Howl-gal milateri:

Wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay ama xushay siddeed (8) ka mid ah asxaabta, si ay u fuliyaan howlgal milateri kii ugu horeeyay ee la fuliyo islaamka. Siddeedaas qof waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna Rasuulka (scw) yiri: “ waxaan amiir idinkaga dhigayaa kan idinkugu adkeysiga badan gaajada iyo oonka”, intaa dabadeedna wuxuu calankoodii u guntay ama u dhiibay Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxaana la yiraahdaa wuxuu Cabdullaahi ahaa kii ugu horeeyay ee madax looga dhigo ilaalo ka mid ah muslimiinta. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee loo dhiibo calanka islaamka Xamsata Binu Cabdul-Mudhalib, waxaa kaloo la sheegaa kuwo kale.

Dhambaal sireed:

Rasuulka (scw) wuxuu Cabdullaahi u xaddiday ama u tilmaamay meeshii uu aadi lahaa, wuxuuna u dhiibay dhambaal ama qoraal, isagoo faray inuusan eegin waxa ku qoran ilaa uu ka socdo labo maalmood socdaalkood. Ilaaladii uu hoggaaminayay Cabdullaahi Binu Jaxsh markay socdeen labo maalmood, ayaa wuxuu Cabdullaahi furay waraaqdii, waxaaba ku qoran sidatan: “haddaad eegtid qoraalkaygan soco ilaa aad kaga furatid Nakhla oo u dhaxeysa Dhaa’if iyo Makka, waxaadna is dul-taagtaa wararka qureysh, noolana imow wararkooda..”. Maba dhammeystirin Cabdullaahi aqriska dhambaalka jeer uu durbadiiba ka yiraahdo “maqlid iyo aqbalid waxaa iska leh Nebigii Alle”, dabadeedna wuxuu asxaabtiisa ku yiri: “ wuxuu Rasuulka (scw) i faray inaan socdo jeer aan ka gaaro Nakhla, si aan u daba galo oo aan ugu keeno Rasuulka (scw) wararka Qureysh, wuxuuna iga reebay inaan qasbo mid ka mid ah idinka si uu ii raaco, qofkii doonaya oo jecel shahaado iyo inuu jidka Alle ku dhinto ha i soo raaco, qofkaan doonaynin ha iska noqdo isagoo aan la canaanan”. Asxaabtii ayaa waxay hal mar yiraahdeen “maqalnay oo aqbalnay Rasuulkii Alle, waan kuu raacaynaa meeshii uu ku faray Nebigii Alle”.

Intaa dabadeed waxay asxaabtii socdaan, waxay maalintii danbe gaareen Nakhla, waxayna guda galeen inay wareegaan waddooyinka dhexdooda, si ay u soo ogaadaan wararka qureysh. Iyagoo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxay meel fog ka arkeen afar nin oo kala ah Camr Binu Al-Xadrami, Al-Xakam Binu Kaysaan, Cuthmaan Binu Cabdillahi iyo walaalkiis oo la oran jiray Al-Muqiira. Nimankan waxay wadeen ganacsi ay lahaayeen qureysh oo isugu jiray hargo iyo sabiib iyo waxyaabaha ay qureysh ka ganacsadaan.

Wadatashi ku saabsan xaalad degdeg ah:

Markay arrinku halkaas mareyso, ayaa asxaabtii waxay bilaabeen inay tashadaan, maalintaasna waxay ku beegnayd maalinta ugu danbeysa billaha xurmada leh, waxayna billahaas xurmada leh kala yihiin Dul-qicdah, Dulxijjah iyo Muxarram oo wada xiriira, iyo bisha Rajab. Waa billooyin ay carabta weligood xurmeyn jireen, oo waa xaaraan in dhiig la daadiyo ama in dagaal la qaado billahaas dhexdooda. Waxay yiraahdeen, haddii aan la dagaalano waxaan la dagaalanay billihii xurmada lahaa, waxaana ka dhalanaya taas in lagu tagri falo bishan iyo in lagu talo galo guud ahaan carada carabta. Haddii aan u kaadino ilaa ay ka tagto maalinta waxay galayaan dhulkii Xaramka, oo markaas way naga badbaadayaan.

Go’aanku waa in la laayo:

Natiijadii ka soo baxday wada tashigooda waxay noqotay in lala dagaallamo nimankaas, waxay haystaan oo hanti ahna la qaniimaysto, sidiina ayeey ku dhaqaaqeen. Durbadiiba waxay laayeen mid ka mid ahaa afartii nin, labo kalena way qafaasheen, halka kii afaraadna uu carar ku badbaaday. Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo asxaabtiisiiba waxay soo kaxeysteen labadii nin ee la qafaashay, iyo hantidoodii, waxayna yimaadeen magaalladii Madiina.

Si daran ayeey u qoomameeyeen:

Markay u soo galeen Rasuulka (scw), uuna ogaaday falkii ay sameeyeen aad iyo aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna si ba’an u dhaliilay falkii ay sameeyeen, isagoo la hadlayana wuxuu ku yiri: “wallaahi ayaan ku dhaartaye idinma farin dagaal, waxaan idin faray oo keliya inaad is-dul-taagtaan wararka qureysh, iyo inaad la socotaan dhaqdhaqaaqooda..”. Labadii nin ee la soo qafaashay arrinkooda dib ayuu u dhigay Rasuulka (scw), sidoo kalena ma eegin hantidii la soo qafaashay oo waxna kama uusan qaadan. Dhinaca kale, Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo asxaabtii kale ayaa si daran uga qoomameeyay falkoodii ay geysteen, waxayna si dhab ahaan u yaqiinsadeen inay halaagsameen, khilaafka ay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw) awgeed.

Waxaa dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadiyay inay walaalahoodii muslimiinta ay ku badiyaan canaan fara badan, iyo iyagoo markasta ay xaggooda ka weji dadbaan., iyagoo ku oronaya: “waxay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)”. Waxaa sidoo kale dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadisay markay ogaadeen inay qureysh ka heshay dhacdadan mar-marsiiyo ay ku ceebeeyaan Rasuulka (scw) iyagoo qabiilooyinka kale ku oronaya “Muxammad wuxuu banneystay bishii Xurmada badnayd, wuxuu bishii xurmada badneyd daadiyay dhiig, hantidiina wuu qaatay, raggiina wuu qafaashay”.

Cidna ha weydiinin halka uu gaaray tiiraanyada iyo walbahaarka Cabdullaahi iyo asxaabtiisa ka soo gaaray wixii ka dhacay. Markii ay ku badatay walbahaarka, imtixaankiina uu ku cuslaaday, ayaa waxaa u yimid kii bishaareenayay, isagoo ku bishaareenaya inuu Eebbe (sw) ka raalli noqday falkii ay geysteen, arrintaasna wuxuu Alle ku soo dejiyay aayad qur’aan ah.

Bishaaro ka farxisay dhammaantood

Cidna ha weydiinin siday maalintaas u farxeen, iyagoo dadkiina ay billaabeen inay u tahniyadaynayaan oo ay u bishaaraynayaan, waxayna markaas aqrinayaan aayaddii qur’aanka ahayd ee ku soo degtay falkii ay sameeyeen awgeed.

Waxaa Nebiga (scw) lagu soo dejiyay oraahdii Eebbe (sw) ku lahaa:

“Waxay ku weydiinayaan dagaalka bisha xurmaysan, waxaad tiraahdaa dagaalka dhexdiisa waa weyn yahay, xannibid iyo is hortaag jidka Alle ah iyo in Alle lagu kufriyo iyo masjidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga weyn Eebbe agtiis, gaaleynta dadka ayaa ka weyn dilka..”. Markay soo degeen aayadahan sharafta badan waxaa faraxday oo il-qabowsatay naftii Rasuulka (scw), wuxuu qaatay safarkii oo u qaybiyay muslimiinta, wuxuuna furasho ka qaatay labadii maxbuus, wuxuuna ka raalli noqday falkii ay sameeyeen Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo asxaabtiis, maxaa yeelay waxay ahayd duulimaadkooda mid dhacdo weyn ku ah nolosha muslimiinta, qaniimada laga qabsaday dhacdadaas waxay ahayd qaniimadii ugu horeysay ee la qabsado islaamka, leyntii duulimaadkaasna wuxuu ahaa gaalkii ugu horeeyay ee lagu daadiyo dhiigiisa islaamka, maxaabiistii la qabsadayna waxay ahaayeen maxaabiistii ugu horeeyay ee muslimiinta u soo gacan gala, calankii duulimaadkaas lagu guntayna wuxuu ahaa calankii ugu horeeyay ee uu Rasuulka (scw) u dhiibo koox ka mid ah muslimiinta, amiirkeedana wuxuu ahaa amiirkii ugu horeeyay ee loogu yeero amiiril-mu’miniin, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Jaxsh.

Wixii intaa kadib, waxaa la soo gaaray duulimaadkii Badar, wuxuuna Cabdullaahi Binu Jaxsh ka muujiyay goobtii dagaalka wacdarro daran. Dabadeedna waxaa timid duulimaadkii Uxud, waxaana Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas kala soo gudboonaatay dagaalkaas sheeko aanan la hilmaami karin, ee aynu sheekada u dhaafno Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna Sacad yiri:-

Tusaale ku saabsan geesinimadii Cabdullaahi:

Maalintii dagaalka Uxud waxaan la kulmay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuu yiri: “maad Alle baridid?”. Waxaan ku iri haa, waxaana labadeenii isula baxnay dhinac, waxaana baryay Eebbe (sw) annigoo leh: “Rabbiyow haddaan la kulmo cadowga waxaad igu soo aaddisaa nin dagaalyahan ah, caradiisa ay aad u daran tahay, aan la dagaalamo, isna ila dagaalamo, dabadeedna waxaad igu arsuqdaa inaan ka guuleysto jeer aan ka dilo, hubkiisana aan ka qaato. Cabdullaahi Binu Jaxsh ducadeyda ayuu aamiin u yiri, dabadeedna waxaa duceystay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna yiri “Ilaahayow waxaad igu soo aaddisaa nin caradiisu ay daran tahay, ahna dagaalyahan, adiga dartaa aan ula dagaalamo, isna ila dagaalama, dabadeedna i qabta oo iga adkaada, sanka iyo labada dhegoodna iga gooya, oo markaan berito (maalinta qiyaamo) kula kulmo aad tiraahdo maxaa loo gooyay sankaaga iyo labadaada dhegood, oo aan iraahdo adiga iyo Rasuulkaaga dartii ayaa la iiga jaray, oo aad tiraahdo run baad sheegtay.

Cabdullaahi oo ku shahiiday dagaalkii Uxud:

Sacad Binu Abi Waqaas wuxuu yiri: “ducada Cabdullaahi Binu Jaxsh waxay ahayd mid ka kheyr badan ducadeyda, waxaan arkay maalinta gelinkeeda danbe, isagoo Cabdullaahi la dilay, jirkiisana la googooyay. Waxaan arkay sankiisa iyo labadii dhegood oo laga soo laa-laadiyay geed. Eebbe (sw) wuxuu aqbalay ducadii Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna ku maamuusay shahaado, sidii uu ugu maamuusayba shuhaddada sayidkooda oo ah Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib. Rasuulka (scw) wuxuu hal qabri ku wada aasay Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib, Ilaahay dhammaantood ha u naxariisto, innagana ha ina qaadsiiyo wadiiqadoodii toosneyd, aamiin.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY C/LAHI BINU JAXSHI


20- AL-BARAABINTU MAALIK AL-ANSAARIYYI - Top

"Qof loogu yeero Amiirul Mu'Baraa" madax ha uga dhigina ciidammada muslimiinta,
cabsi laga qabo in uu ku jebiyo ciidankiisa" - Cumar Binul Khidaab.

Wuxuu ahaa nin booreysan oo basaasan, una dhashay baryari ay adagtahay inay isha si fiican u qabato jirkiisa. Hase ahaatee iyadoo ay taasi jirto, wuxuu haddana laayay boqol ka mid ah mushrikiinta/gaallada isu-soo-bax-dagaaleed, iyadoo aynan ku jirin kuwa kale ee uu ku laayay bartamaha dagaallada. Waa geesigii uu arrintiisa awgeed u qoray Cumar Binu Al-khadaab, dhambaalkiisii uu u qorayay shaqaalihiisa iyo guddoomiye-goboleedyadiisa markuu lahaa "yaan Baraa madax looga dhigin ciidan ka mid ah ciidamada muslimiinta, cabsi laga qabo in geesinimadiisa awgeed ciidankaas la jebiyo".

Anas ayeey walaalo ahaayeen:

Qofkaas aynu ka hadlayno waa Al-Baraa Binu Al-Maalik Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee, waa Anas Binu Maalik walaalkiis ee ahaa adeegihii Rasuulka (scw). Haddeynu xoogaa milicsano si aan halkan uga soo gudbino sheekadii la xiriiray geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari waxaa hubaal ah inay sheekadu nagu dheeraanayso, hase ahaatee waxaan soo gudbinaynaa mid ka mid ah sheekooyinkiisii ku saabsanayd geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Allaha ka raalli noqdee, sheekadaas oo kaa deeqsiinaysa kuwa kale.

Fidnadii ugu horeysay ee soo waajaha islaamka:

Sheekadan waxay billaabanaysaa saacadihii ugu horeeyay kadib markii uu geeriyooday Rasuulka (scw), markii ay qaar ka mid ah qabiilooyinka carbeed ay ka laabteen diintii islaamka iyagoo koox-koox ah, siday markii horeba ay u soo galeen diinta islaamka iyagoo koox-koox ah, jeer ay diintii islaamka isugu soo hareen oo keliya muslimiintii degganayd Makka, Madiina, Daa'if iyo kuwo kale oo uu Eebbe (sw) ku sugay laabtooda iimaanka iyo diinta islaamka.

Maalintii Abuubakar:

Intaas kadib waxaa sugnaaday geesigii runta badnaa ee Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo is hortaagay fidnadan wax baabi'inaysay ee indhaha la'ayd, wuxuu sugnaaday sugnaanshaha buurihii sugsugnaa ee qotomay oo kale, wuxuuna muhaajiriinta iyo ansaarta ka diyaariyay 11 ciidan, isagoo ciidan kasta oo ka mid ah ciidamadaas u guntay oo u dhiibay calankoodii, wuxuuna u kala diray dacallada dhulka Jasiiradda Carabta, si ay kuwii diinta islaamka ka laabtay ay ugu soo dabaalaan diintii hanuunka iyo xaqa ahayd, iyo inay ku soo qasbaan kuwii ka weecday wadiiqadii toosneyd seefta afkeeda. Waxaa Abuubakar Ilaahay ha ka raallo noqdee uu yiri maalintaas hadal taariikhda meel fiican ka galay, hadalkaasoo ahaa “ma waxaa nuqsaamaysa diinta annigoo nool”, dabadeedna wuxuu ogeysiiyay muslimiinta in dagaal lagu qaado kuwii diinta ka riddoobay, iyadoo saxaabadiina ay aqbaleen ijtihaadkiisii toosnaa.

Kuwii ugu xoogga badnaa ee ka mid ahaa qabiilooyinkii ka laabtay diinta islaamka, uguna tirada badnaa ayaa waxay ahaayeen qoyska reer Banuu Xaniifa, qabiilkaasoo uu ka dhashay ninka la yiraahdo Musaylamata Al-kadaab. Waxaa Musaylamata u soo saftay oo u hiiliyay tolkiisa iyo xulafadiisuba oo gaarayay afartan kun oo dagaalyahaniin ah, waxayna intooda badan u raaceen ficillo qabyaaladeed, ee ma aynan u raacin rumeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay qaar ka mid ah kuwaas ayaa waxay oran jireen "waxaan qiraynaa in Musaylamata uu beenaale yahay, Muxammad-na uu runloow yahay.., hase ahaatee beenlowga Musaylamata ayaan ka jecelnahay runlowga Muxammad".

Cabsida laga qabo haddii la jebiyo ciidamada muslimiinta:

Wuxuu Musaylamata jebiyay ciidankii ugu horeeyay ee u soo baxay ee ka mid ahaa ciidamada muslimiinta, waxaana ciidankaas hoggaaminayay Cikramata Binu Abii Jahal. Hase ahaatee, Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa wuxuu markale diray ciidan, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Khalid Binu Al-Walid. Waxaa ciidamada la isugu soo aruuriyay madaxdii asxaabta oo isugu jiray muhaajiriinta iyo ansaarta, waxaana asxaabtaas safka hore kaga jiray Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari iyo qaar ka mid ah halyeeyada muslimiinta.

Waxaa dhulkii Yamaama foodda isku-jaray labadii ciidan, ciidankii muslmiinta ee uu hoggaaminayay Khalid Binu Al-Walid, iyo ciidankii gaallada ee uu hoggaaminayay Musaylamata Al-Kadaab. Waqti yar kamaba soo wareegan, jeer durbadiiba ay xooggaysato dhinacii Musaylamata iyo ciidankiisa, halka ciidamadii muslimiinta-na ay ka billaabaan dib-u-gurasho, dhinaca kale waxay ciidankii Musaylamata cagta mariyeen teendhadii weyneyd ee uu lahaa Khalid Binu Al-Walid, wayna siibeen, waxayna sigeen inay dilaan xaaskii Khalid Binu Al-Walid hadduusan badbaadin nin iyaga ka mid ahaa. Runtii waxay ahayd waqti aad u adag, waxayna muslimiintii dareemeen xaalad aad u qadhaadh oo aad u weyn, oo waxay muslimiinta yaqiinsadeen in haddii ciidamada Musylamata ay jebiyaan oo uu ka adkaado ciidanka muslimiinta inaynan jiraynin qof u istaaga gargaarka diinta Islaamka wixii maanta ka danbeeya, iyo sidoo kale inaan la arki doonin qof ku caabudaya Eebbe (sw) kelligiis dhulka Jasiiradda Carabta.

Xeelad milateri oo sareysa:

Intaa dabadeed waxaa booday Khalid Binu Al-Walid, isagoo isu keenay dhammaan ciidamadiisa, wuxuuna muhaajiriintii ka soocay ansaartii, sidoo kalena kuwii reer miyiga ahaa ayuu iyagana ka soocay kuwii kale. Wuxuu qabiil kasta u dhiibay hal calan, bal si loo garto wacdaraha koox kasta ay muujiyaan, sidoo kale si loo ogaado halka iyo goobta lagaga imaanayo muslimiinta, dabadeedna waxaa billaabatay dagaalkii. Labadii ciidan waxaa dhex maray dagaal ba'an oo ayna muslimiinta weligood arkin mid la mid ah. Kooxdii Musaylamata waxay goobtii dagaalka ku muujiyeen adkeysi weyn, iyagoo aanan u aaba-yeelin tirada faraha badan ee kaga dhimanaya dagaalka, dhinaca kale waxay sidoo kale muslimiintana dhinacooda ka muujiyeen geesinimo aad u weyn, waxaana tusaale uga soo qaadanaynaa qaar ka mid ah halyeeyadii muslimiinta ee dagaalkaas.

Tusaalihii geesinimo ee saxaabada:

Waxaynu arkaynaa Thabit Binu Qays oo sida calankii Ansaarta oo isu diyaarinaya geeri iyo dhimmasho, isagoo xirtayna kafantii meydka. Wuxuu qotay godkii lagu aasi lahaa, dabadeedna wuxuu labadiisii dhudhun ku aasay godkii, isagoo ku sugnaaday goobtaas. Sidaas ayuu ahaa oo ugu dagaalamayay ilaa markii danbe laga dilay isagoo shahiid ah. Sidoo kale waxaynu kaloo arkaynaa Zeyd Binu Cumar Binu Al-Khadaab oo ahaa Cumar Binu Al-Khadaab walaalkiis oo u dhawaaqaya muslimiinta isagoo leh "dadyahoow goowsihiina qaniina, laayana cadoowgiina, horeyna u sii socda.., dadyahoow, wallaahi ayaan ku dhaartaye hadli maayo wixii oraahdaydan ka dambeeya jeer laga jebiyo ciidmada Musaylamata ama aan Eebbe kala kulmo, annigoo wata xujadayda iyo markhaatigayga". Intaa dabadeed wuxuu rogaal celin ku sameeyay gaalladii isagoo dagaalamaya, jeer markii danbe isna laga dilo isagoo shahiid ah. Waxaan kaloo isla goobtii dagaalka ka arkaynaa misna Salim oo ahaa mowlihii (kii la lahaa) Xudeyfa Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo sida calankii muhaajiriinta. Waxaa u cabsaday tolkiisii muhaajiriinta, waxayna ku yiraahdeen "waxaan ka cabsanaynaa in nalooga yimaado dhinacaaga", wuxuuna ugu jawaabay hadalkan qiimaha leh "haddii la idinkaga yimaado dhinacayga waxaan ahaanayaa qof xambaarsan (xifsadan) qur'aanka kan ugu xun", dabadeedna si geesinimo ku jirta ayaa wuxuu rogaal celin geesinimo oo ba'an ku celiyay gaalladii, jeer isna laga dilo isagoo shahiid ah. Hase ahaatee, halyeeyadaas aynu soo aragnay dhammaantood waxay ahaanayaan wax yar marka loo barbardhigo halyeeynimada iyo geesinimada Al-Baraa Binu Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee.

Al-Baraa oo looga fursan waayay hoggaaminta ciidamada:

Markii uu Khalid Binu Al-Walid arkay dagaalkii oo sii kululaanaya, oo maraya meel daran ayaa wuxuu jaleecay oo eegay xaggii Al-Baraa Binu Malik Al-Ansaari, wuxuuna ku yiri "xaggooda u kac wiilkii Ansaaroow", dabadeedna wuxuu Al-Baraa Binu Malik isna eegay dhinacii tolkiisa, isagoo leh "ansaareey yuusan qof idinka ka mid ihi ku fekerin inuu ku laabto magaalladii Madiina, wixii maanta ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina.., waxaad leedihiin Eebbe (sw) kelligii iyo Jannada".

Gaallada oo magangalay beertii geerida:

Wuxuu Al-Baraa iyo asxaabtiisa durbadiiba ay ku qaadqaadeen mushrikiinta, wuxuuna Al-Baraa billaabay inuu kala beero safafklii gaallada, seeftiisana wuxuu kaga shaqeeyay oo uu ku laayay cadoowga Ilaahay qoortooda, jeer ay markii danbe ka ligligato gummadihii ciidamada Musaylamata, waxayna iyagoo cararaya ku magangaleen beer, taasoo taariikhda u aqoonsatay wixii maalintaas ka danbeeyay magacan “beertii geerida”, dadka faraha badan ee lagu laayay awgeed.

Beertan waxay ahayd mid dacalladeedu ay waasic tahay, lehna derbiyo dhaadheer. Musaylamata iyo ciidankiisa gaarayay kumanaanka kun waxay isku soo xireen albaabadeedii, iyagoo derbiyadaas isku ilaalinaya. Ciidamadii Musaylamata waxay billaabeen inay leebabkoodii kaga soo tuuraan muslimiinta, iyagoo ku jira dhufeysyadooda.

Taladii Al-Baraa:

Muslimiintii waxay galeen khatar kale oo hor leh, waxayna billaabeen inay tashadaan. Muslimiinta geesigooda iyo halyeygooda ayaa haddana soo baxay ee ahaa Al-Baraa Binu Malik, isagoo ku leh muslimiinta "waxaad i saartaan gaashaan korkiisa (wuxuu ahaa nin baryar), dabadeedna waxaad gaashaanka kor ugu qaaddaan warmaha, sidaasna waxaad igu tuurtaan meel u dhow iridka beerta, labo midkood ayaa dhacaya, waa in la i dilo oo aan shahiido, iyo in aan iridka idinka furo". Ilbiriqsi kamaba soo wareegan jeer ay muslimiintii qaataan taladii Al-Baraa, waxayna saareen gaashaankii, maxaa yeelay markii horeba wuxuu ahaa nin baryar, waxay kor ugu qaadeen tobaneeyo warmood, dabadeedna waxayna ku dhex tuureen dhinacii beerta isagoo dhexda uga galay ciidamadii kumanaanka kun ahaa ee uu hoggaaminayay Musaylamata.

Wuxuu Al-Baraa sidii baarashuudka oo kale ku soo kor-degay ciidamada Musaylamata dhexdooda, wuxuuna billaabay inuu la dagaalamo gaallada, isagoo seeftiisa ku laayay toban ka mid ah gaalladii jeer uu markii danbe ka furo iridkii, iyadoo jirkiisa ku yaaliin dhowr iyo toddobaatan dhaawac oo isugu jiray leebab iyo warmo. Muslimiintii ayaa hal meer ku soo butaacay beertii geerida, iyagoo ka soo galaya beerta derbiyadeeda iyo albaabadeeda, waxayna seefahoodii kaga shaqeeyeen gaalladii ka riddowday/laabatay islaamka, kuwaasoo ku dhuuntay beerta derbiyadeeda jeer laga laayo wax ku dhow labaatan kun, waxayna muslimiintii gaareen ninkii Musaylamata ahaa, isna markii danbe way dileen, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee iska sheegta nebinnimo kadib Nebinnimada Nebi Muxammad (scw).

Al-Baraa oo jeclaa markasta shahaado:

Waxaa la soo qaaday Al-Baraa Binu Malik si loo daaweeyo, Khalid Binu Walid ayaa daaweenayay muddo bil ah ilaa uu Eebbe (sw) ka siiyo caafimaad, isaga sababtiisa ayeey muslimiinta guul ugu heleen. Al-Baraa Binu Malik Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu markasta u hiloobi jiray in Alle dartii loo dilo (shahiido), taasoo ka tagtay maalintii loogu magac daray "beerta geerida".

Furashada Tustur:

Wixii intaa ka danbeeyay wuxuu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa ee ahayd inuu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer markii danbe laga soo gaaro maalintii loogu magac daray "maalintii furashada Tustur" ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay go'doomiyeen gaalladii, iyagoo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas. Markii ay ku dheeraatay gaalladii reer Furus go’doonkaas waxay billaabeen inay ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna sii xiray kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taasoo ka kulul dhuxusha dabka ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay galaysay muslimiinta jirkooda, kadibna way ku dhageysay, dabadeedna waxay u sii qaadaysay xaggii gaallada Furuska iyagoo markaas amaba dhintay, amaba qarka u saaran inay dhintaan.

Haddaba, kalbadihii mid ka mid ah ayaa ku dhegtay Anas Binu Malik oo ay walaalo ahaayeen Al-Baraa Binu Malik. Maba uusan arag Al-Baraa walaalkiis anas jeer uu durbadiiba ku booday derbigii sibsibka ahaa, wuxuuna qabtay silsiladdii sidatay walaalkiis Anas, wuxuuna billaabay inuu kalbadihii kululaa ka furfuro si uu uga saaro jirka walaalkiis, gacantiisii ayaa gubatay, waxaana ka baxay qiiq. Al-Baraa dan kama gelin xanuunka gubashada jeer uu markii danbe ka badbaadiyay walaalkiis, wuxuu dhulka u soo daadegay iyadoo gacantiisa noqotay lafo aan saarnayn wax hilib ah.

Haddaba, dagaalkan wuxuu Al-Baraa Binu Malik baryay Eebbe (sw), isagoo Alla weydiisanaya inuu ku shahiido dagaalka, Ilaahayna wuu aqbalay ducadiisii, kadib markii uu goobtii dagaalka dhulka ku dhacay isagoo la dilay, una hilowsan la kulanka Eebbe (sw).

Ilaahay ha iftiimiyo wejigii Al-Baraa Jannada dhexdeeda, ishiisana Allaha ku qaboojiyo la jirka iyo u dhowaanshaha Nebi Muxammad (scw), Ilaahayna ha ka raalli noqdo, aamiin.


21- THUMAAMA BINU UTAAHL - Top

"Wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay Quraysh."

Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw) go'aan ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada islaamka, isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada carbeed iyo kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas inay soo galaan diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa waxaa ku jiray Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi. La yaab ma lahan inuu Thumaama ka mid ahaa madaxda iyo boqorrada carbeed waqtigii jaahiliga ee islaamka kahor. Wuxuu ka mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa boqorrada reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la khilaafin.

Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (scw):

Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u soo diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqa iyo kheyrka xanbaarsanayd. Taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay inuu isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo si uu wiiqo dacwadii uu Rasuulka (scw) xanbaarsanaa. Wuxuu Thumaama u kuur-galay sidii uu uga takhallusi lahaa Rasuulka (scw) hadduusan si kedo ah uga badbaadeen. Eebbe (sw) ayaa Nebigiisa ka badbaadiyay shartii uu la maagay Thumaama.

Hase ahaatee, Thumaama Binu Uthaal haddii uusan ku guuleysan dilka Rasuulka (scw), waxaa hubaal ah inuu ku guuleystay jirdilka iyo dhibaateynta qaar ka mid ah asxaabtii Rasuulka (scw). Wuxuu Thumaama u tafa xeetay leynta saxaabada jeer uu sabab ugu noqdo inuu laayo qaar ka mid ah asxaabtaas, dhinaca kale wuxuu banneeyay dilka Rasuulka (scw), isagoo arrinkaasna ogeysiiyay qabiilkiisa reer Banii Xaniifa.

Safarkiisii Makka:

Waqi badan kama soo wareegan, jeer uu maalintii danbe Thumaama Binu Uthaal go'aansaday inuu u kicitimo Makka, isagoo doonaya inuu soo cimreysto. Wuxuu Thumaama ka anbabaxay gobolkii Yamaama, isagoo ku sii jeeda xagga magaallada Makka, wuxuuna naftiisa ugu sheekeenayay inuu ku soo dawaafi doono hareeraha Kacbada iyo inuu u gowrici doono asnaamtii ku hareersanayd Kacbada.

Wuxuu gacanta u galay muslimiinta:

Goor uu Thumaama ku jiro socdaalkiisa, uuna u dhow yahay magaallada Madiina ayaa waxaa isagoo aan filanaynin ku soo baxay koox ilaalo ah. Ilaaladaas oo ka mid ahaa ilaaladii ciidamada muslimiinta waxay watigaas ku gaaf wareeganayeen degmooyinka ku dhow dhow magaallada Madiina, si ay uga hortagaan haddii uu cadow magaallada soo galo. Waxay ilaaladii soo kaxeysteen Thumaama Binu Uthaal, weliba iyagoo aan aqoon u lahayn ninka ay soo qafaasheen. Markii ay yimaadeen Madiina, waxay Thumaama ku xireen mid ka mid ah tiirarkii masjidka, dabadeedna waxay la sugeen Rasuulka (scw), bal si uu go’aan uga gaaro arrinkiisa.

Markii uu yimid Rasuulka (scw) masjidka, uuna damcay inuu soo galo gudaha masjidka ayaa waxay indhihiisa qabteen Thumaama Binu Uthaal oo ku xiran mid ka mid ah tiirarka masjidka. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay asxaabtiisa “ma taqaanaan ninka aad soo qabateen?”. Asxaabtii waxay yiraahdeen “maya Rasuulkii Allow”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri “waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa reer Banii Xaniifa, ee wanaajiya la dhaqankiisa”. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) u laabtay reerkiisa, isagoo ku yiri “soo aruuriya wixii cunto ah ee aad haysaan, waxaadna u geysaan Thumaama Binu Uthaal”.

Maamuusiddii Rasuulka (scw) ee Thumaama:

Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) amray in hashiisa looga liso Thumaama subixii iyo galabtii, loona geeyo si uu dhamo caanahaas. Maamuusiddaas iyo wanaaggaas uu Rasuulka (scw) u qaddimayo Thumaama waxay dhacday kahor intuusan xabiibka Suubbanaha Rasuulka (scw) la kulmin ama uusan la hadlin Thumaama bin Uthaal. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka (scw) soo aaday xaggii Thumaama, isagoo doonaya inuu si tartiib ahaan uu u soo geliyo diinta islaamka. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama: “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri “waxaan hayaa kheyr Muxammadow.., haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddaad gallad sameysid-na waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e’’. Wuu isaga tagay Rasuulka (scw), isagoo Thumaama ku xirnaa tiirkiisa labo maalmood, halkaasna loogu geynayo cuntada iyo cabbitaanka, loogana soo lisayo hashii Rasuulka (scw). Maalintii danbe ayuu Rasuulka (scw) u yimid Thumaama, wuxuuna markale ku yiri “maxaad haysaa Thumaamow?”. Thumaama wuxuu yiri, ma hayo waxaan ka ahayn hadalkii aan horey kuugu iri, haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay nin dhiig idinka galay, haddiise aad daanaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e..

Haddana, sidii oo kale ayuu isaga tagay Rasuulka (scw), jeer uu misna markale u yimid, isagoo ku leh “maxaad haysaa Thumaamow?”. Wuxuu yiri: “hadalkii hore un baan hayaa.., haddaad gallad sameysid waxaad ku galladaysatay qof kugu mahadinaya, haddaad dishid waxaad dishay qof dhiig idinka galay, haddiise aad doonaysid maal, weydiiso intaad doontid ayaa lagaa siin’e”. Intaa ka dib, wuxuu Rasuulka (scw) jaleecay asxaabtiisa, wuxuuna ku yiri “iska sii daaya Thumaama..”. Asxaabtii waxay xargaha ka fureen Thumaama, dabadeedna sidii ayeey ku sii daayeen..

Way saameesay wuuna soo islaamay:

Thumaama waxaa saameysay dabci wanaaggii iyo naxariistii Rasuulka (scw). Thumaama Binu Uthaal wuxuu ka dhaqaaqay masjidkii Rasuulka (scw), wuu sii socday jeer uu ka gaaray meesha loo yaqaano “Nakhl” una dhow magaallada Madiina, wuxuu yimid meel balli biyood ah, wuxuu ratigiisii ku xirtay toggii biyaha, dabadeedna biyihii ayuu isku daahiriyay, kadibna wuxuu u laabtay masjidkii Rasuulka (scw). Maba uusan iman goob ay ka buuxaan koox muslimiinta ka mid ah, jeer uu goobtii ka qiray shahaadada, wuxuuna yiri “waxaan qirayaa inuu jiro Allaha xaqa ah, waxan kaloo qirayaa Muxammad inuu yahay addoonkiii iyo adeegihii Alle (sw)”, dabadeedna wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: “Muxammadow, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin qof saaran dunida guudkeeda aan adiga kaa necbaa, hase ahaatee hadda wejigaaga wuxuu noqday wejiyada oo dhan kan aan ugu jeclahay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin diin aan ka necbaa diintaada, haddase diintaada waxaan ka jeclahay diimaha dhammaantood . Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin magaallo aan ka necbaa magaalladaada, haddase magaalladaada ayaan ka jeclahay magaalooyinka oo idil” Dabadeedna wuxuu intaa Thumaama raaciyay “waxaan asxaabtaada ka galay dhiig oo waxaan asxaabtaada ka laayay rag badan, ee maxaa igu waajibaya inaan sameeyo?”. Wuxuu yiri Rasuulka (scw) isagoo tilmaamaya samaaxada diintaan ay leedahay “korkaaga cannaan ma ahaanin Thumaamow, Islaamku wuxuu jaraa oo tirtiraa wixii denbi ee hore”, wuxuuna ugu bishaareeyay kheyrka iyo wanaagga uu Eebbe (sw) u qoray islaamnimadiisa awgeed. Waxaa farxad awgeed fur-furantay wejigii Thumaama Binu Uthaal, wuxuuna ku yiri Rasuulka: “wallaahi ayaan ku dhaartaye inaan mushrikiinta ka leyn doono labo-laabyo intii aan ka laayay asxaabtaada, dhinaca kale waxaan naftayda iyo seeftayda iyo cidda ila socotaba aan yeelayaa gargaarkaaga iyo u gargaarka diintaada”, wuxuu kaloo intaa ku daray “Rasuulkii Allow fardoollaydaada ayaa dhexda iga qabsatay annigoo doonaya inaan soo cumreysto, ee maxaad igula talinaysaa inaan sameeyo?”.

Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Thumaama “u kac gudashada cumradii aad u socotay, hase ahaatee waa inaad u gudataa sida waafaqsan shareecadda Alle iyo Rasuulkiisa”, isagoo barayna qaabka loo guto acmaasha cumrada. Thumaama ayaa u jiheestay magaallada Makka, isagoo doonayaa inuu soo cumreysto. Wuxuu istaagay bartamaha magaallada Makka, isagoo si sare codkiisa ugu qaadaya oraahda talbiyadda cumrada, isla markaasna leh “Labbay-ka-allaahuma Labbay-ka, Labbay-ka Laa Shariika Laka, Innal-Xamda Wannicmata Laka Wal-Mulk, Laa Shariika Laka..”taasoo macnaheedu yahay Ilaahayow adiga unbaan ku ajiibay oo ku aqbalay, waan ku ajiibay oo ma lihid Ilaah lagula wadaajiyo cibaadada, Mahadi iyo Gallad adigaa leh iyo boqortooyaba, Mana lihid Alle lagula wadaajiyo cibaadada.

Muslimkii ugu horeeyay ee gala Makka isagoo gudanaya cumrada:

Thumaama Binu Uthaal Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee gala magaallada Makka, isagoo talbiyeysanaya. Markii ay qureysh maqleen dhawaaqii Thumaama ayaa waxay hal mar ku soo qamaameen xaggiisa, iyagoo aad uga careysan falka Thumaama. Waxay la soo baxeen seefahooda, iyagoo soo aadayna dhinacii ka soo yeerayay dhawaaqii Thumaama, si ay u qabtaan ninkan ugu soo galay buulkoodii ama goobtii ay degganaayeen. Codkii Thumaama wuxuu cirka isku sii shareeray markii ay u soo dhowaadeen oo ay u yimaadeen qureysh, weliba isagoo si geesnimo ku jirto u eegayo xaggooda. Mid ka mid ah dhalinyaradii qureysh ayaa damcay inuu ku dilo Thumaama seeftiisa, hase ahaatee tolkiisa ayaa qabtay, iyagoo ku yiri “war miyaadan aqoonin ninka aad u fa-fakanaysid, waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa boqorkii Yamaama, wallaahi haddaad u geysatid dhibaato waxaa hubaal ah inuu naga jarayo sahaydii aynu heli jirnay, dabadeedna gaajo ayeeynu u dhimanaynaa”. Intaa kadib, qureysh waxay aadeen xaggii Thumaama kadib markay seefahoodii ku cesheen galalkii ay ku jireen, waxayna ku yiraahdeen “ma waxaad ka baxday diintaadii iyo diintii ay haysteen aabayaashaadii hore”. Thumaama wuxuu yiri “kama tegin diintayda, hase ahaatee waxaan raacay diin tan ugu kheyrka badan..., waxaan raacay diintii Nebi Muxammad”, wuxuuna intaa ku daray “Rabbiga kacbadan leh ayaan ku dhaaranayaaye inaydan idin soo gaari doonin kadib markaan ku laabto Yamaama kheyraatka Yamaama ka yimaada jeer uu kiina ugu danbeeya ka raaco Nebi Muxammad” .

Cunaqbatayntii uu Thumaama ku soo rogay qureysh:

Thumaama Binu Uthaal siduu Rasuulka (scw) u amrayba wuxuu cumreystay iyadoo ay arkayaan qureysh. U dhowaanshaha Alle awgeed ayuu u gawracay, oo ma uusan u gowracin sanamyadii ku yiilay hareeraha kacbada. Thumaama wuxuu ku soo laabtay magaalladiisa, wuxuuna tolkiisa amray in sahayda ay ka joojiyaan qureysh, sidiina ayeeyna ugu hoggaansameen amarkiisa, oo Thumaama wuxuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay qureyshtii degganayd Makka. Qureysh waxay u adkeysan waayeen cunaqabatayntii uu ku soo rogay Thumaama Binu Uthaal, waxayna cunaqabatayntii u keentay sicir-barar, iyo iyadoo gaajadii iyo abaartii ay ku faaftay dadkii degganaa Makka iyo nawaaxigeeda, jeer ay u cabsadeen naftooda iyo caruurtooda inay u dhintaan gaajo awgeed.

Waxay u dacwoodeen Rasuulka (scw):

Markay arrintu halkaas mareyso, waxay gaalladii qureysh u cawdeen oo u qoreen Rasuulka (scw), iyagoo ku leh “waxaan kaaga baranay inaad xiriirisid qaraabada, dadkana aad ku boorrisid xiriirka qaraabada.., waa kan oo waxaad goysay qaraabadeena, waxaad waalidiintii ku laysay seefaha, caruurtiina waxaad ku laysay gaajo. Thumaama Binu Uthaal wuxuu naga gooyay sahaydeenii, oo wuu na dhibaateeyay, haddii aad u qoraysid qoraal aad ugu sheegaysid inuu noo soo celiyo sahaydii aan heli jirnay fadlan samee”. Rasuulka (scw) wuxuu warqad u diray Thumaama, isagoo farayna inuu ka qaado cunaqabatayntii uu ku soo rogay qureysh, sidiina ayuu Thumaama u fuliyay amarkii Rasuulka (scw).

Intaa wixii ka danbeeyay, Thumaama Binu Uthaal intuu noolaa oo dhan wuxuu ahaa kii u hoggaansama diinta, aadna u ilaaliya oo fuliya ballamihii Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) la kulmay Allihii sarreeyay, uuna geeriyooday, markaasna ay carabtii billaabeen inay isaga laabtaan diinta iyagoo koox-koox ah, ayaa istaagay Musaylamata Al-kadaab kana dhashay qabiilka reer Banii Xaniifa isagoo dadka ugu yeeray inay isaga rumeeyaan. Haddaba, waxaa istaagay Thumaama Binu Uthaal, isagoo tolkiisa u digaya kuna oranaya “reer Banii Xaniifow waxaan idiinkaga digayaa arrinkan mugdiga leh ee aan lahayn iftiinka. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay ayaan-darro haysataa qofkii rumeeya Musaylamata, dhinaca kale waa imtixaan lagu eegayo qofkii aan isaga rumeyn”, wuxuu kaloo Thumaama tolkiisa ku yiri “Reer Banii Xaniifow waxaa hubaal ah inayan labi nebi wada kulmi karin hal waqti, Nebi Muxammad waa Rasuulkii Alle mana ka danbeeyo gadaashiis Nebi kale, mana jiraan nebi lala wadaajiyo isaga nebinimada, dabadeedna wuxuu aqriyay billoowga suuradda Qhaafir ee uu Eebbe (sw) ku leeyahay:

“Xaamiim (oo ka mid ah ereyada mucjisooyinka ku tusinaya, Alle ayaa og macnaha loola jeedo), soo dejinta kitaabka waxay ka ahaatay Allaha casiiska ah ee og wax walba. Waa Allaha dhaafa denbiga, aqbalana towbadda ayna ciqaabtiisu daran tahay ee leh nimcada badan Ilaah kale aan isaga ahayn ma jiro, xaggiisana ayaa loo noqon.”. Isagoo Thumaama is barbardhigayo hadalkaas Eebbe (sw) leeyahay, iyo hadalka ninka sheeganayo in isna lagu soo dejiyay aayado qur’aan ah. Thumaama wuxuu yiri ma hadalkii Eebbe (sw) ayaa lala barbardhigi karaa hadalka Musaylamata uu ku leeyahay “ rahow iska ciy, cabbitaana ma diidi kartid, biyahana ma wasakhayn kartid”. Intaa kadib wuxuu Thumaama gooni ula baxay intii diinta islaamka ku hartay, ee ka mid ahaa tolkiisa. Way tageen iyagoo si jidka Alle ula dagaalamaya dadkii ka riddoobay diinta, iyagoo sidaas u sameenayayna si kalimadda Alle ay u kor ugu noqoto dunida.

Ilaah ha kaga abaaliyo Thumaama Binu Uthaal islaamka iyo muslimiinta kheyr, hana ku maamuuso Jannadii uu Eebbe (sw) u yaboohay kuwa Alle ka cabsada, intaana waxaa ku dhammaatay sheekadii Allaha u naxariistee Thumaama Binu Uthaal.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY THUMAAMA BINU UTHAAL


22- ABUU CUBAYDA IBNUL JARRAAX - Top

"ummad kasta waxa ay leedahay AMMIIN, Umaddan Ammiinkeedu waa Abuu cubayda."

Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga.

Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereed, isagoo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro. Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.

Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri Abuu Cubeyda

Abu Cubeyda wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreeyey ee soo Islaamay
Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee ayaa isagoo sifeenaya oo tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yiri "saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga xishoodkana ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been kuu sheegaan, haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax".

Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee. Abuubakar wuxuu Abuu Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u soo waday Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.

Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda:

Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa, isagoo jooga magaallada Makka, wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaaray muslimiinta, isagoo muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.

Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda maalintii dagaalka Badr wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda. Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo aadi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala. Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.

Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur'aan:

Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray aabihiis.
Markii uu Abuu Cubeyda u adkeysan waayay arrintaas, ayaa wuxuu seeftiisa kula beegsaday ninkii xaggiisa soo aadayay weliba dhufasho daran oo laba ka-kala dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii dhulka ugu dhacay isagoo dangiigan oo weliba dhintay. Haddaba, akhristoow ha isku sii wareerin inaad ogaatid qofkaas dhintay kuu yahay. Soow horey umaanan oran, tijaabooyinkii qallafsanaa ee uu soo maray Abuu Cubeyda awgeed wuxuu dhaafay kuwii wax xisaabinayay xisaabtankooda, sidoo kale kuwa wax mala-awaala mala-awaalkooda. Waxaa dhici karta akhristow inaad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la dilay uu yahay Cabdullaahi Binu Al-Jarraax oo ahaa Abuu Cubeyda aabihiis. Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray aabihiis. Waxaa Abuu Cubeyda isaga sababtiis iyo arrinka aabihiis dartii ku soo degtay aayad qur’aan ah, waa aayadda ugu danbeysa ee ku jirta suuradda Al-Mujaaddala.

Wuxuu Alle (sw) ku yiri aayaddaas: "Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aanan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa) wuxuu Alle laabtooda ku qoray iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuuna gelinayaa Jannooyin durreereysa xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku waarayana jannada dhexdeeda, Ilaah wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka raalli noqdeen, kuwaas waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay&$34;. [Dhegeyso Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah]

Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa:

"waxaa la tagay sifadii aan rabay Abuu Cubeyda".
Inuu Abuu Cubeyda dilo aabihiis ayaanan ahayn wax sidaas loola yaabo, maxaa yeelay waxay awoodda rumeyntiisa Eebbe (sw) gaartay, iyo taageerada uu ku bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee ummadda Nebi Muxammad meel ay u hanqal-taagto nafaf fara badan marka laga eego Eebbe (sw) agtiisa. Waxaa sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar, wuxuuna yiri: “waxaa Rasuulka (scw) u soo wafdiyay wafdi koox kirishtaan ah, waxay ku yiraahdeen: Yaa Abal-qaasim (mid ka mid ah kunyada Nebiga s.c.w ee aan habboonayn inuu qof kale ku kunyoodo ama la baxo) waxaad noo soo dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli nooga tahay, si uu noo kala garsooro dhexdeena arrimo la xiriira hanti aan isku qabanay awgeed, haddaad tihiin jamaacada muslimiintana waxaad tihiin kuwo aan xaggeena laga raalli yahay”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri “ii imaada galabta, waxaan idinku darayaa nin qawi ah ahna amiin”. Cumar Binu Khadiib ayaa markuu maqlay hadalkaas wuxuu yiri: waxaan waqti horey sii aaday salaaddii duhurka, mana jeclaanin madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn jaceylka aan u qabay inaan noqdo ninka leh tilmaantaas iyo sifadaas uu sheegay Nebiga (scw). Markii uu na tujiyay Rasuulka (scw) salaaddii duhurka, wuxuu billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa iyo bidixdiisa, annigana waxaan billaabay inaan kor ahaan u qooraansado, bal si uu ii arko Rasuulka (scw), sidii ayuu u eeg-eegayay Rasuulka (scw) asxaabta dhexdooda jeer uu markii danbe ka arkay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri: "waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukmi dhexdooda waxay isku khilaafeen”. Waxaan naftayda ku iri “waxaa la tagay sifadii aan rabay Abuu Cubeyda".

Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday:

Abuu Cubeyda wuxuu raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah.
Haddaba, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ma ahayn oo keliya amiin, balse wuxuu amaanada ku darsaday quwad iyo ku adkeysi daran dhinaca diinta, taasina waxaan ku arki karnaa wax ka badan hal jeer. Mar waxay ahayd markii uu Rasuulka (scw) diray koox ka mid asxaabta si ay uga hortagaan safar ay lahayd qureysh, wuxuuna Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna sahay ahaan u sii siiyay oli (maqaarka neefka ariga, wax baana lagu radin jiray waagii hore) ay ku jiraan timir, maxaa yeelay ma uusan u awoodin waxaan ka ahayn intaas. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah, markaasuu qof weliba muudsanayay xabbaddii timirta ahayd, sida uu cunuga yariba uu u nuugo naaska hooyadii. Sidaas ayuu qof kasta sameenayay maalin kasta, isagoo xabbadaas timirta ku cabbi jiray biyo, wayna ku filnaan jirtay maalintoodaas, iyadoo aan sidaas ka fahmi karno halka ay gaarsiisan tahay rafaadka iyo dhibaatada ka soo gaaray dagaalkaas, xittaa waxaa kaloo la sheegaa inay xittaa saxaabadii markii danbe ay dani ku qasbtay inay cunaan caleemaha geedaha, gaajo awgeed.

Sababta ay uga dhaceen foolashiisii hoose:

"wuxuu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka". - Abuubakar
Markii la soo gaaray dagaalkii maalintii Uxud, markii la jebiyay ciidamadii muslimiinta, mushrikiintiina ay billaabeen inay dhawaaqaan iyagoo leh “na tusiya Muxammad.., na tusiya Muxammad”. Waqtigaas iyada ah, wuxuu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Ilaah ha ka raalli noqdee ka mid ahaa tobankii isku soo gadaamay Rasuulka (scw) si ay uga difaacaan warmihii ay soo tuurayeen mushrikiinta. Markii ay dhammaatay dagaalkii Uxud, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii la jabiyay dhooshiisa, sidoo kale waxaa la dakhray dhafoorkiisa, koorarkiisana waxaa ka gashay labo birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha madaxa iyo wejiga qariya ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray). Waa dhaawac halis ah lehna xanuun badan. Waxaa xaggii Rasuulka (scw) soo aaday Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo doonaya inuu ka soo siibo birihii Rasuulka ka galay kulleetagiisa.. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ayaa ku yiri Abuubakar “Ilaah ayaan kugu dhaarinayaaye inaad ii dhaafto ka soo bixinta anniga”, sidiina ayuu abuubakar ugu dhaafay.

Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo birihii gacantiisa, inuu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxuu birihii ugu horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay dhacday foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku qaniinay birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxaa misna soo dhacday foolkii kale ee hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “wuxuu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen isagoo ka siibaya biirihii ku jiray Rasuulka (scw).

Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil wuu ka qayb galay:

Abuu Cubeyda wuxuu ku yiri Cumar Binu Khadaab "ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda na tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay".
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu kala qayb galay Rasuulka (scw) dhammaad dagaalladii dhacay laga soo billaabo maalintii uu soo islaamay ilaa uu ka geeriyooday, waana sharaf aad u weyn oo uu dheer yahay qaar ka mid ah asxaabta. Maalintii loogu magac daray "SAQIIFA" ee ahayd maalintii madaxtinimada ama khilaafada loo dooranayay Abuubakar wuxuu Cumar Binu Khadaab Ilaah ka raalli noqdee ku yiri Abuu Cubeyda "fidi gacantaada si aan kuu doorto, maxaa yeelay waxaan maqlay Rasuulka (scw) oo leh Ummad kasta waxay leedahay amiin, adigana waxaad tahay ummaddan amiinkeeda". Abuu Cubeyda wuxuu ku yiri Cumar Binu Khadaab "ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda na tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay".

Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo la doortay Abuubakar Assiddiiq. Abuu cubeyda wuxuu Abuubakar u ahaa mid ku taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas ayeeynan agtooda qiimo ugu lahayn madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa ee salafka, halka aan maanta qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay awoodaan oo idil ugu hagar baxayaan sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u noqon lahaayeen madaxweyne iwm. Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxuu Abuu Cubeyda siiyay aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba yaraatee aan ku caasin ama garab marin amarkooda marka laga reebo hal jeer. Haddaba, maxay ahayd halkaas jeer ee uu Abuu Cubeyda uusan aqbalin taladii uu u soo jeediyay khaliifka ama amiirka muslimiinta.

Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam, isagoo markaas ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo gaaray xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya).

Markay halkaas mareyso, waxaa gobolka Shaam si lama filaan ah ka dillaacay cudurka halista ah ee daacuunka, cudurkan oo aynan horey ugu arag dadka. Cudurkii wuxuu si ba'an u shafay oo u laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas. Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay inuu cudurka daacuunka ka dillaacay gobolka Shaam, ayna ku sugnaayeen ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay Abuu Cubeyda "waxaan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee haddii uu ku soo gaaro dhambaalkaygan xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa inuusan waaberiga kuu baryin jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Sidoo kale, haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxaan kugu adkeenayaa inaadan galabeysan jeer aad xaggeyga uga soo safartid.

Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yiri "waan ogaaday danta uu iga doonayo amiiral-mu'miniinka, wuxuu doonayaa inuu baaqi yeelo qof aan dunidan ku baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray qoraalkan uu ku leeyahay "amiiral mu'miniinow waan gartay dantii aad iga lahayd, anniguna waxaan ku dhex suganahay ciidanka muslimiinta, mana doonayo inaan naftayda ka badbaadiyo waxa soo gaaraayo ciidanka muslimiinta, oo dooni maayo inaan ka dhex baxo ciidanka jeer uu Eebbe (sw) ka xukumo arrinkayga iyo kan muslimiinta. Sidaa darteed hadduu ku soo gaaro qoraalkayga waxaan kaa codsanayaa inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii fasaxdid inaan la joogo ciidamada".

Cudurkii daacuunka ayuu u dhintay:

Markii uu aqriyay Cumar Binu Khadaab dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii ayaa iyagoo la yaabban waxa ka oohiyay amiiral-mu'miniinka Cumar weydiiyay su'aal, waxayna ku yiraahdeen "amiiral-mu'miniinow ma waxaa dhintay Abuu Cubeyda?". Cumar ayaa ku yiri "maya, hase ahaatee geeridii ayuu u dhow yahay". Dhab ahaantii malahaas Cumar way dhab noqotay, oo wax yar kadib waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee daacuunka, sidiina ayuu u dhintay Abuu Cubeyda Allaha u naxariistee.

"waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sano oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi" . Abu-Cubeyda oo saarnaa sariirta sakaraadka

Dardaarankii Abuu Cubeyda:

Intii uu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax saarnaa sariirta sakaraadka wuxuu u dardaarmay ciidankii muslimiinta ee uu isaga hoggaaminayay, wuxuuna ku yiri "waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sano oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi". Dardaarankaas kadib, wuxuu Abuu Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii jaliilka ahaa ee Mucaad Binu Jabal, wuxuuna ku yiri "Mucaadow tuji dadka". Kamaba soo wareegan intaas waxyar jeer ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu Cubeyda ay u kor noqoto Allihii sarreeyay, sidaasna ayuu ku dhintay.


Mucaad Binu Jabal ayaa istaagay, isagoo wacdinaya dadka, wuxuuna ku yiri "dadyahow waxaa idinka baxay nin -wallaahi ayaan ku dhaartaye- garan maayo qof ka laab-xaaran, ugana fogaansho badan sharta, kana jecel cirirbta danbe ee aakhiro, uguna roon dadka Abuu Cubeyda, ee Alle u weydiiyo naxariis, Allaha idiin naxariistee. Waxaana intaas ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax.


23-ABUU DAR AL-QIFAARI - Top

"Saxabigii soo islaamiyey tolkiis oo idil."

Togga lagu magacaabo ”WADDAAN” ayeey degganaayeen qabiilka reer Qhifaar. Xoogaaga ay u soo tuuraan socotada qureysh ee u kala goosha magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga qaataan, waa haddii aynan siinin markaas waxay doonayeen.

Haddaba, Saxaabiga la yiraahdo Jundub Binu Junaada, kunyadiisuna tahay Abuu Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas aan soo sheegnay ee Qhifaar. Hase ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga duwanaa isagoo ku caanbaxay caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu yaqiinay inuu lahaa aragti aad u xeel dheer. Kuma uusan uu niyad fiyoobeen sanamyada ay caabudayeen tolkiisa. Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxna ka jirin.

Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda, isla markaasna ka saara dadka mugdiyada iyo baadida ay ku sugan yihiin, una saara iftiinka iyo nuurka xaqa ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii danbe Abuu Dar soo gaaray –isagoo ku sugan miyiga- wararka sheegaya Nebiga cusub ee ka soo bixi doona magaallada Makka. Abuu Dar oo doonaya inuu ka sal gaaro warkaas ayaa wuxuu ku yiri walaalkiis Aniis hadalladan “Aniisow waxaad u kicitintaa Makka, oo waxaad is-dul-is-taagtaa wararka sheegaya ninka lagu sheegay inuu yahay Nebi, oo xagga samadana looga waxyoonayo. Hadalladiisa bal noo soo dhageyso, dabadeedna iila imoow wuxuu sheegayo”.

Aniis oo ay walaalo ahaayeen Abuu Dar ayaa durbadiiba u kicitimay Makka. Nasiib wanaag, markii uu yimid Makka wuxuu la kulmay Rasuulka (scw), wuuna dhageystay hadalladiisa, kadibna wuxuu ku soo laabtay miyigii uu ku sugnaa Abuu Dar. Abuu Dar ayaa si xiiso leh uga dhageystay walaalkiis Aniis wararkii ku saabsanaa Nebiga (scw).

Aniis wuxuu ku yiri Abuu Dar “walaahi waxaan soo arkay nin dadka ugu yeeraya akhlaaqda suubban, isla markaasna ku hadlaya hadallo aan ahayn sixir”. Abuu Dar ayaa weydiiyay Aniis “dadku maxay lahaayeen?”. Aniis ayaa ugu jawaabay “waxay lahaayeen waa sixiroole, faalalow iyo gabyaa”.

Markii uu Abuu Dar maqlay hadalladaas waxaa sii korodhay xiisihiisii uu u qabay inuu soo arko Nebiga cusub, sidaa darteed wuxuu ka codsaday walaalkiis Aniis inuu u kafaalo qaado caruurtiisa intuu maqan yahay, sidiina ayuu ugu diyaar garoobay safarka Makka, kadib markii uu aqbalay Aniis dalabkii Abuu Dar, isagoo u dardaarmay-na inuu ka digtoonaado dhibaatooyinka kaga imaan kara reer Makka.

Sahankii uu ugu jiray diinta xaqa ah:

Abuu Dar wuxuu u sahay qaatay safarkii Makka, isagoo horey u sii qaatay sibraartiisii biyaha ugu jiray, wuxuuna cagta saaray waddadii Makka, si uu uga gun-gaaro yoolkiisii ahaa inuu soo arko Nebiga iyo dhammaan wararka isaga ku saabsan.

Ugu danbeyntii, wuxuu Abuu Dar yimid magaallada Makka isagoo aad uga cabsanaya inay dhibaatooyin ka soo gaarto reer Makka. Wuxuu Abuu Dar horey u ogaa carada iyo ciqaabta daran ee gaallada reer Makka ay marinayaan qof kasta oo raaca ama ay naftiisa ugu sheekayso inuu raaco diinta Nebi Muxammad. Sidaa darteed, wuxuu Abuu Dar dhibsaday inuu dadka weydiiyo Muxammad. Maxaa yeelay, ma uusan garanayn qofka uu weydiinayo markaas inuu noqon karo taageerayaasha Muxammad iyo inuu noqon karo cadowgiisa.

Cali oo marti geliyay Abuu Dar:

Markii la gaaray habeenkii, wuxuu Abuu Dar u diyaar garoobay inuu seexdo masjidka. Iyadoo uu Abuu Dar ku sugan yahay masjidka ayaa waxaa soo ag maray Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna gartay inuu yahay qariib ama marti. Cali ayaa ku yiri Abuu Dar “ ninyahoow kaalay oo i soo raac”, sidiina ayuu Abuu Dar ugu raacay Cali gurigiisa. Markii la gaaray subixii, wuxuu Abuu Dar soo qaatay sibraarkii iyo oleygii ama qandigii uu horey u watay, wuxuuna ku soo laabtay masjidka, iyagoo aan is wareysan.

Maalintii labaad wuxuu Abuu Dar ku dhammeystay isagoo aanan weli arag Nebiga cusub ee uu ku rajo weynaa inuu arko. Markii la gaaray habeenkii kale wuxuu Abuu Dar u jiif-tagay masjidka. Hase yeeshee sidii hore oo kale ayaa waxaa soo ag maray -markale- Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yiri "soow lama gaarin waqtigii uu ninkan aqoonsan lahaa gurigiisa", dabadeedna wuxuu u waday gurigiisa, sidiina ayuuna ula seexday habeenkii labaad, iyadoo misna sidii oo kale ayna weli is wareysan.

Waxaa dhammaatay muddadii martida. Markii la soo gaaray habeenkii saddexaad, Abuu Dar-na uu gudbay muddadii martida ayaa Cali si degganaansho leh u weydiiyay, isagoo ku leh "kawaran haddaad ii sheegtid sababta aad u timid Makka?". Abuu Dar wuxuu Cali ku yiri "haddaad ballan adag iga qaaddid inaad i tusinaysid waxaan doonayo waan kuu sheegayaa".

Cali wuxuu Abuu Dar ka ballan qaaday inuu fulin doono ballantii uu la galay isaga. Abuu Dar wuxuu yiri "waxaanMakka uga imid meel aad u fog, dantayduna waa sidii aan ula kulmi lahaa Nebiga cusub iyo inaan dhageysto hadalladiisa". Farxad awgeed waxaa fur-furantay wejigii Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yiri Abuu Dar "wallaahi ninkaad sheegtay waa Rasuulkii Alle ee xaqa ahaa", wuxuuna intaa u raaciyay "markii la gaaro subixii anniga ayaad i soo raacaysaa, haddaan arko wax aan kaaga cabsanayo waxaan u istaagayaa sida annigoo la moodo inaan daadinayo biyo oo kale, haddaan sii wato socodkana i soo raac jeer aad ka gashid meesha aan galo".

Abuu Dar labo indhood isuma keenin habeenkaas, hilowga daran uu u qabo la kulanka Nebiga cusub awgeed. Subixii markii la gaaray, waxay Cali iyo Abuu Dar yimaadeen gurigii Nebiga (scw). Markii uu yimid Abuu Dar wuxuu ku salaamay Rasuulka (scw) salaantii ay carabta isku salaami jireen ee ahayd "cimta sabaaxan" ama "subax wanaagsan", hase ahaatee Rasuulka (scw) ayaa u sharxay inay muslimiinta isku salaamaan salaan ka duwan taas. Riwaayad kale ayaa sheegaysa inuu Abuu Dar ku salaamay Rasuulka (scw) salaanta islaamka, sidaa darteed ayaa loo yiraahdaa wuxuu Abuu Dar ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku salaama Rasuulka (scw) salaanta islaamka, dabadeedna sidaas ayeey ugu dhex shaacday muslimiinta.

Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeeraya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul aqriyay qur'aanka. Wax yar kamaba soo wareegan jeer durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka.
Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeeraya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul aqriyay qur'aanka. Wax yar kamaba soo wareegan jeer durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka, wuxuuna ku soo biiray diintii cusbeyd isagoo weli ku sugan fadhigii iyo goobtii uu joogay Nebiga (scw). Abuu Dar wuxuu galay lambarkii afaraad ama shanaad ee soo islaama. Sheekooyinka Abuu Dar ee haray-na bal isaga laf-ahaantiisa ha inoo sii daadiyo.

Abuu Dar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Wixii intaa ka danbeeyay waxaan magaallada Makka la joogay Rasuulka (scw). Wuxuu i baray guud ahaan aqoonta la xiriira diinta islaamka, wuxuu igu aqriyay qaar ka mid ah qur'aanka, kadibna wuxuu igu yiri "inaad soo islaamtay qof deggan Makka ha u sheegin, waxaan ka cabsanayaa inay ku dilaan". Waxaan ku iri, waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto inaanan joogi doonin Makka jeer aan ka tago masjidka Xaramka, si kor lehna aan ugu dhawaaqo dacwada xaqa ah iyadoo ay arkayaan gaallada qureysh. Rasuulka (scw) jawaab kama bixin, oo wuu aamusay.

Waxaan imid masjidka, iyadoo qureysh-na ay fadhido oo ay sheekaysanayaan. Dhexdooda intaan galay, ayaan codkayga kor ugu qaaday annigoo leh "jamaacada qureeshay, waxaan si dhab ah u qirayaa inuusan jirin Ilaah aan ka ahayn Allaha xaqa ah, waxaan kaloo si dhab ah u qirayaa inuu Muxammad yahay Adeegihii iyo Rasuulkii Alle". Hadalladaas markay si fiican u gaareen dhegihii qureesh hal mar ayeey si daran u fajacee, iyagoo aad u careysan ayaa waxay ka kaceen fadhiyadoodii, waxayna yiraahdeen "ha la qabto kan diintiisa ka gaaloobay". Xaggeyga ayeey soo aadeen, waxayna billaabeen inay i garaacayaan oo i dilayaan, jeer uu iga soo gaaro Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo Nebiga (scw) adeerkiis ahaa. Cabbaas ayaa isku kay daboolay, si uu ii badbaadiyo, dabadeedna wuxuu ku yiri "war ma waxaad dilaysaan nin reer qhifaar ah, iyadoo safaradiina ay maraan waddada ayn deggaan reer qhifaar, sidiina ayeey faraha iiga qaadeen.

Markaan soo miyirsaday, ayaa waxaan u imid Rasuulka (scw). Markii uu arkay Rasuulka (scw) dhaawaca i soo gaaray ayaa wuxuu yiri "soow kaama reebin inaad islaamkaaga shaacisid". Waxaan iri, Rasuulkii Allow nafta ayaa sidaas doonaysay oo sidaas ayaan u sameeyay". Rasuulka (scw) ayaa igu yiri "waxaad aaddaa tolkaaga, waxaad uga sheekaysaa waxaad aragtay iyo waxaad maqashay, uguna yeer diinta Alle, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inuu Eebbe (sw) adiga kugu anfaco iyaga, markaasna iyaga dartood aad ajar u heshid.., hadday ku soo gaarto inaan (si fiican) u soo baxay ii kaalay anniga".

Abuu Dar wuxuu yiri: waan soo kicitimay, waxaana imid magaalooyinkii ay degganaayeen tolkayga qhifaar. Waxaa ila kulmay walaalkay Aniis, wuxuuna igu yiri "maxaad sameysay". Waxaan ku iri, waan soo islaamay, oo waxaan rumeeyay Eebbe (sw). Maba uusan sii joogin walaalkay Aniis, jeer uu Eebbe (sw) laabtiisa ku waasiciyay diinta islaamka, wuxuuna igu yiri "ma nacayo diintaada, annigana dhinacayga waan islaamay oo sidaadoo kale waan rumeeyay".

Intaa kadib, waxaan u nimid hooyadeen, waxaan u soo bandhignay diinta islaamka, waxayna nagu tiri "ma nacayo diintiina" sidiina ayeey ku islaamtay. Wixii ka danbeeyay maalintaas, waxay qoyskii muslimka ahaa guda galeen inay ku dhex fidinayaan qabiilka qhifaar diinta islaamka, jeer ay markii danbe ka soo islaamkaan qabiilkaas khalqi aad u fara badan, dhexdoodiina laga oogay salaadda.

Inkastoo qabiilka qhifaar ka soo islaameen dad aad u fara badan, haddana qaar kale ayaa goostay inay islaamkooda la sugaan inta uu Rasuulka (scw) ka imaanayo magaallada Madiina. Hase ahaatee, kolkii uu Rasuulka (scw) soo galay magaallada Madiina way soo islaameen dhammaantood. Maalmo kahor qabiilka qhifaar hal nin ayaa muslim ka ahaa, laakiinse waqti yar kadib wuxuu Eebbe (sw) qaddaray inay dhammaan qabiilka qhifaar ay u soo wafdiyaan Rasuulka (scw) iyagoo muslimiin ah.

Rasuulka (scw) ayaa si farxad, naxariis iyo muusood weyn aad u weyn ku dheehan tahay u eegay wejiyadii reer qhifaar, wuxuuna isagoo u duceenaya ku yiri "qhifaar Allaha u denbi dhaafo", wuxuu misna jaleecay qabiilka reer Aslam oo iyagana ku soo islaamay gacantii Abuu Dar, wuxuu sidoo kale iyagana Rasuulka (scw) ku yiri "aslam Allaha nabad geliyo".

Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Abuu Dar negaa miyiga, jeer laga soo gaaro dagaalkii Badr, Uxud iyo Khandaq. Intaa ka dib, wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, wuxuuna u go’ay la-jirka Rasuulka (scw), isagoo weydiistayna inuu u istaago adeegga iyo khidmada Rasuulka (scw). Rasuulka (scw) si kal iyo laab ah ayuu uga oggolaado codsigii Abuu Dar, wuuna ku liibaanay khidmadiisa iyo adeeggiisa.

Rasuulka (scw) si aad u fiican ayuu u soo dhoweyn jiray Abuu Dar. Ma dhicin inuu Rasuulka (scw) uu la kulmay Abuu Dar, markaasna uusann gacan qaadin oo uusan si farxad leh ugu muusoon.

Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam.
Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam, halkaas ayuu negaa muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar dhammaantood Allaha ka raalli noqdee.

Markii la soo gaaray khilaafadii Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa uu Abuu Dar yimid magaallada Dimshiq, wuxuuna arkay dadkii oo si xad dhaaf leh ugu mashquulsan adduunyada. Waxay la noqotay yaab iyo amakaag.

Ma ahayn reero adduunyo:

Waxaa Abuu Dar loo soo bandhigay dhaldhalaalka adduunka iyo inuu xittaa madax ka noqdo Ciraaq oo wuu diiday, wuxuuna dadka aalaaba uga digi jiray inay ku kadsoomaan fidnada adduunka iyo in laga fogaado madaxtinimo-jaceylka. La yaab malahan inuu sidaas Abuu Dar ku sifaysnaa, maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa wuxuu horey u oggaa runta xeesha dheer iyo aragtida sawaabka badan ee uu xanbaarsanaa Abuu Dar. Sidaa darteed, wuxuu Suubbanaha Rasuulka (scw) kula dardaarmay Abuu Dar inuu badiyo dulqaadka faraha badan iyo samir badan.

Dulqaado intaad igala kulmaysid:

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Rasuulka (scw) weydiiyay Abuu Dar su'aal macnihiisu ahaa "Abuu Darow, kawaran haddaad gaartid madaxdii oo naftooda ugu tala galay hantidii qaniimada". Abuu Dar ayaa ku yiri Rasuulka (scw) "haddaba Allaha xaqa kugu soo saaray ayaan ku dhaartaye inaan seeftayda kaga shaqeenayo kuwaas". Rasuulka (scw) ayaa haddaba siiyay Abuu Dar dardaarankan "ma ku tusaa wax ka kheyr badan taas?.., sabar oo dulqaado jeer aad igala kulantid".

Abuu Dar si wacan ayuu u xasuusan jiray dardaarankaas uu siiyay macalinkiisii weynaa ee isaga wax baray, oo seeftiisa weligiis ulama bixin mid ka mid ah madaxda muslimiinta. Hase ahaatee, waxaa hubanti ah in uusan ka aamusin marnaba qaladaadkooda ay samaynayeen. Maxaa yeelay wuxuu ogaa in ay furan tahay waddada wax-sheegga iyo nasteexada. Sidaan horey ugu sheegnay, maadaama aynan jirin qaladaad iyo khilaaf sidaas u sii weyn muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar, laakiin muddadii khilaafada Cusmaan ayaa wuxuu Abuu Dar oo markaas joogay Shaam uu arkay inay muslimiintii si ba'an u qaabileen dhaldhalaalka adduunyada iyo iyagoo ku mashquulay raaxaysiga adduunyada, taasoo isaga ku qasabtay inuu si daran isu hortaago, dadkana ugu yeero ka foggaanshaha fidnada adduunyada.

ugu bishaareeya kuwa maalka kaydsada kaawado naareed:

Goob kasta uu deggo, magaallo kasto uu galo iyo amiir kasta uu la kulmo wuxuu Abuu Dar oran jiray oraahdan uu ku caan baxsanaa "ugu bishaareeya kuwa maalka kaydsada kaawado naareed", isagoo ka soo qaatay hadalkaas aayaddii uu Alle ku lahaa "kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran". (suuradda Al-towbah 34). Marka dadku ay meel dheer ka soo arkaan Abuu Dar waxay kula hortagi jireen oraahdan aan kor ku soo xusnay "kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran".

Dooddii dhexmartay Abuu Dar iyo Mucaawiye:

Dhegeyso
Suuratu al tawba.
Madaxdii xukumaysay Shaam ayaa dhibsaday dhaqdhaqaaqa uu wado Abuu Dar. Mucaawiya Binu Abii Sufyaan oo xilligaas xukumayay Dimishiq iyo Abuu Dar ayaa waxaa dhex martay dood aad u kulul (ka aqri kutubta siirada ee ay qoreen culumada islaamka. Qodobbadii uu Abuu Dar kala doodayay Mucaawiye ayaa ka mid ahaa guryihii uu ku lahaa Shaam iyo guriga uu ku lahaa Makka iyo halka uu ka helay hantidaas. "soow ma tihidiin dadkii joogay markii uu qur'aanka ku soo degayay Rasuulka (scw)" ayuu Abuu Dar weydiiyay su'aashaan xeyn saxaabo ahayd oo meel fadhiyay. Isaga ayaa uga jawaabay su'aashoodii, oo wuxuu yiri "haa, waxaad tihiin dadkii uu qur'aanka soo deggay idinkoo nool, waxaadna kala qayb gasheen Rasuulka (scw) dagaallo badan". Abuu Dar wuu sii waday hadalka, oo wuxuu yiri "war miyeydan aayaddan ku jirin qur'aanka", isagoo aqriyayna aayaddan "kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran, maalinta lagu gubayo hantidaas naarta jahannamo ay ku guban wejiyadooda, dhinacyadooda iyo dhabarkooda, laguna oran kani waa waxaad u kaydsanayseen naftiina ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa". ( suuradda Al-towbah 34).

Mucaawiye ayaa hadalka qaatay, wuxuuna ku yiri "aayaddan waxaa lagu soo dejiyay ahlul-kitaabka -yahuud iyo kiristaan-". Abuu Dar ayaa si sare leh kor ugu qaaday codkiisa, isagoo leh "maya, balse waxay ku soo degtay innaga (muslimiinta) iyo ahlul-kitaabka-ba". Wuu sii watay Abuu Dar hadalkiisa, isagoo nasteexo u soo jeediyay Mucaawiye iyo madaxda la socotoba inay isaga baxaan guryaha ay ku jiraan iyo beeraha ay leeyihiin, iyo inaynan naftooda u kaydsan wax hanti ah wixii maanta ka danbeeya.

Mucaawiye wuxuu u cabsaday xukunkiisa, waxaa cabsi gelisay hadalladii Abuu Dar. Hase ahaatee, dhinaca kale, wuxuu Mucaawiye si fiican u ogaa mudnaanshaha iyo booska uu ka joogo Abuu Dar, sidaa darteed ma uusan u geysan wax dhibaato ah. Laakiin, durbadiiba wuxuu warqad u diray Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo ku leh "ninkii Abuu Dar ahaa wuxuu nagu diray dadkii degganaa Shaam". Waxyar kadib, waxaa Abuu Dar u timid warqad ka socota amiirul-mu'miniinka Cusmaan, isagoo u sheegay inuu ku soo laabto magaallada Madiina.

Al-Rabada ayuu deggay:

"waxna kuma falayo adduunyadiina" ayuu Abuu Dar ku yiri Cusmaan markii uu yimid Madiina, kadib markay labadooda dhex martay dood aad u dheereed, ugu danbeyntiina wuxuu deggay tuullada lagu magacaabo Al-Rabada, kadib markii uu sidaas kula taliyay ama faray Cusmaan Binu Caffaan. Al-Rabad-adii cidlada ahayd ayuu iska negaa Abuu Dar waqtigii danbe, isagoo isaga fogaaday dadka, si fiicana u haysta hanuunkii ay ku sugnaayeen Rasuulka (scw) iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), isagoo dunidan dhow-na ka doortay tii baaqiga ahayd.

Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar wuxuu ku tilmaaanaa zuhdi aad u weyn. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa Abuu Dar gurigiisa soo galay nin, markaasuu ninkii isha mariyay gurigii Abuu Dar, mana uusan ku dhex arag gurigii wax alaabo ah oo yaalay. Ninkii wuxuu Abuu Dar ku yiri "Abuu Darow aaway alaabtiinii?!". Abuu Dar ayaa ku yiri "guri kale ayaa halkaa (aakhiro) ku leenahay, gurigaas ayaan alaabteena wanaagsan dhiganaa". Ninkii wuu fahmay ulajeeddada Abuu Dar, wuxuuna ku yiri "laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaad guriga dhigatid alaab inta aad deggan tahay". Abuu Dar ayaa ku yiri "laakiin waxaad ogaataa in ninka iska leh guriga uusan marnaba nooga tagaynin guriga".

Dardaarankii Rasuulka (scw) ee Abuu Dar:

Maalin ayaa intuu Abuu Dar fariistay yiri hadalladan "saaxiibkaygii aan jeclaa (waa Rasuulka s.c.w) ayaa wuxuu ii dardaarmay 7 waxyaabood, waxayna kala ahaayeen:-

  • 1- wuxuu i faray jaceylka masaakiinta, iyo inaan iyaga ka mid noqdo.
  • 2- wuxuu i faray inaan eego qofka iga hooseeya, oo aanan eegin qofka iga sareeya.
  • 3- wuxuu i faray inaan qofna wax weydiisan.
  • 4- wuxuu i faray inaan xiriiriyo qaraabada.
  • 5- wuxuu i faray inaan ku hadlo xaqa, haba qaraaraadee.
  • 6- wuxuu i faray inaan Alle dartii uga cabsan mid canaanaya canaantiisa.
  • 7- iyo inaan badiyo oraahda: LAA XAWLA WA LAA QUWATA ILLAA BILLAAHI.

Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay dhammaan dardaarankaas wanaagsan ee uu siiyay macalinkii insaaniyadda ee dunidan soo mara. Cali Binu Abii Daalib Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya Abuu Dar yiri "maanta lama arko qof si Alle dartii aan ugu aaba-yeelin mid canaanaya canaantiisa aan ka ahayn Abuu Dar". Waa hubaal hadalkaas, oo wuxuu si bareero leh ugu nasteexeen jiray madaxda muslimiinta, isagoo aan ka cabsanaynin awoodda ay leeyihiin. Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyagana ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan maal ama hanti. Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray lacag gaaraysa ilaa 300 diinaar, isagoo ku yiri "lacagtaan danahaaga ugu kaalmayso". Jawaabtii Abuu Dar waxay ahayd inuu lacagtii ku celiyay amiirkii, isagoo intaas daba dhigayna “amiirka shaam ma wuxuu waayay qof anniga iga tabar daran”.

Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar Al-Qhifaari wuxuu sannadkii 32-aad ee hijriga ku dhintay tuulladii cidlada ahayd ee Al-Rabada, weliba isagoo kelligiis ah, sidii uu horey ugu yiriba Rasuulka (scw) "Allaha u naxariisto Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo kelligiis ah, wuxuu dhiman doonaa kelligiis, waxaana la soo saaro doonaa (qiyaamaha) kelligiis. Waxaana intaas ku dhammaatay sheekadii saxaabigii qiimaha badnaa Abuu Dar Al-Qhifaari Allaha ka raalli noqdee.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY ABUU DAR AL-QHIFAARI


24- RABIIC BINU ZIYAAD AL-XAARITHI - Top

"Ma jiro qof sidaada oo kale runta iigu sheegay laga soo billaabo markii la i doortay."

Waxay ahayd goor ay magaalladii Rasuulka (scw) ee Madiina aynan weli hilmaamin murugadii uga timid geeridii khaliifkii muslimiinta ee Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee. Waxay ahayd xilli ay wufuuddii ka kala imaanayay jihooyinkii kala duwanaa, si ay u doortaan Cumar Binu Khadaab, iyagoo ballan kula galaya inay siiyaan maqal iyo aqbalitaan waqti kasta oo lagu jiro.

Haddaba, goor subax ay tahay ayaa waxaa Amiiral-mu’iniinkii cusbaa u soo galay wafdi ka yimid Baxrayn, waxaa wafdigaas la socday kooxo kale oo iyagana la socday wafdiga. Allaha ka raalli noqdee, Cumar Binu Khadaab wuxuu si xiiso ay ku jirto u dhageysanayay hadalladii iyo dardaaramadii ay u soo jeedinayeen wufuuddaas, bal si uu uga helo talooyin iyo tusaale wax ku ool ah oo isaga anfacda.

Cumar oo ay saamaysay waanadii Al-Rabiic:

Wuxuu Cumar Binu Khadaab hadalka u fasaxay wufuuddii, hase ahaatee hadalladoodii ma uusan ka helin hadal naftiisa sidaas u sii saamaysay, wuxuuna markii danbe milicsaday nin uu kheyr ka fishay, ninkii ayuu u baaqay inuu hadlo, wuxuuna ku yiri “bal adigana soo daa waxaad hayso”. Ninkii wuxuu ku mahadiyay Eebbe (scw), wuuna amaanay, dabadeedna wuxuu yiri:- “adiga amiiral-mu’miniinoow waxaad ogaataa inaanan ummadda madax lagaaga dhigin aan ka ahayn inay tahay imtixaan uu Alle kugu imtixaanayo, ee Alle uga cabso wixii madax lagaaga dhigay, waxaadna ogaataa in haddii hareeraha webiga Furaat ay ku lunto neef ari ah in xaggeeda lagaa weydiin doono maalinta qiyaamaha”.

Cumar Binu Khadaab waxaa si weyn u saamaysay hadalkii uu yiri ninkaas, markaasuu ooyay, wuxuuna yiri “ma jiro qof laga soo billaabo markii aan khaliifka noqday iigu run sheegay sidaad adiga runta iigu sheegtay, ee kumaad tahay adiga?”. Wuxuu yiri “Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi”. Cumar ayaa haddana weydiiyay “oo ma waxaad la dhalatay Haajir Binu Ziyaad?”. Wuxuu yiri “haa”.

Markii ay dadkii ka kala dareereen fadhigii uu fadhiyay Amiiral mu'miniinka Cumar Binu Khadaab, ayaa Cumar ku yiri Abuu Musa Al-Ashcari “waxaad noo soo ogaataa arrinka ku saabsan ninkaan, hadday daacad ka tahay hadalkiisaas waxaa hubaal ah inuu kheyr fara badan wato, isla markaasna uu noo noqon karo kaalmo weyn”. Kama soo wareegan waqtigaas wax yar, jeer maalintii danbe uu Abuu Muusaa Al-Ashcariy ka diyaariyay ciidankii furanayay magaallada “MANAADIR” kana tirsan gobolka Al-Ahwaz, isagoo markaas fulinayay amarkii uu siiyay khaliifka muslimiinta ee Cumar Binu Khadaab. Wuxuu Abuu Muusa ku daray ciidankii muslimiinta Al-Rabiic Binu Ziyaad iyo walaalkiis Haajir Binu Ziyaad.

Furashadii Manaadir:

Ciidankii uu hoggaaminayay Abuu Muusa waxay go’doomiyeen magaalladii Manaadir, waxayna gaalladii degganayd halkaas la galeen dagaal aad u weynaa oo si daran labada dhinac loogu hoobtay. Ciidankii gaallada waxay soo bandhigeen xeelad dagaaleed oo sarreysa, taasoo sababtay in ciidamadii muslimiinta laga laayo tiro aad u fara badan.

Iyagoo sooman ayeey dagaalamayeen:

Maalintaas ay muslimiinta dagaalka galayaan waxay ahayd bil Ramadaan, sidaa darteed waxay muslimiinta dagaalamayeen iyagoo sooman. Markii uu Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen Al-Rabiic Binu Ziyaad arkay in dhimmashadii muslimiinta ay sii badanayso ayaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu markaas naftiisa jidka Alle dartii u qaddimo. Sidaa darteed wuxuu is mariyay barafuunka ama cadarka la mariyo meydka, wuuna is kafnay, isagoo u dardaarmayna walaalkiis.

Maadaama uu Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee wuxuu jeclaystay in walaalkiis iyo ciidamada muslimiintaba ay afuraan, wuxuuna u tagay Abuu Muusa Al-Ashcariyi oo hoggaaminayay ciidanka, wuxuuna ku yiri “ninkii Muhaajir ahaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw) weliba isagoo sooman, muslimiintiina waxaa isugu darsamay dagaalkii qaraaraa iyo iyagoo sooman, taasoo tabar-yareysay niyaddooda, wayna diideen inay afuraan ee wixii kula quman bal sameey”.

Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa istaagay isagoo u dhawaaqaya ciidanka, wuxuuna ku yiri: “muslimiinoow waxaan goostay oo go’aansaday in qof kasta oo sooman uu afuro, ama uu isaga haro dagaalka”, wuxuuna soo qaatay ibriiq/kirli biyo ku jiray, sidiina ayuu biyihii ku cabbay, si dadkana ay u raacaan oo ay iyagana afuraan, maadaama uu yahay amiirkooda ay waajib tahay inay hadalkiisa aqbalaan. Markii uu Muhaajir maqlay hadalkii uu yiri Abuu Muusa ayaa wuxuu biyihii kabaday hal jeer, wuxuuna yiri “ wallaahi uma cabbin oon i hayay dartii, hase ahaatee waxaan meel marinayay dhaartii uu dhaartay amiirkayga”. Waana tarbiyad ay ka barteen macalinkoodii weynaa ee Rasuulka (scw), oo wuxuu xaddiis macnihiisa ahaa ku yiri isagoo arrintan ka hadlayaya "qofkii aqbala amiirkayga waa qof i adeecay".

Madaxii Muhaajir oo la gooyay, lagana soo laalaadiyay meel sare:

Intaa kadib, wuxuu Muhaajir seeftiisa kala soo baxay galkeedii, sidiina ayuu ku galay dagaalkii. Wuxuu seeftiisii ku kala beeray safafkii dagaalka, wuxuuna billaabay inuu si geesinimo leh oo aan cabsi ku jirin uu dhulka u dhigo gaalladii uu la dagaalamayay. Inkastoo uu Muhaajir muujiyay wacdarradaas weyn, haddana waxaa markii danbe korkiisa dhinac weliba ka haleeshay seefihii iyo warmihii ay soo tuurayeen gaallada, ilaa markii danbe uu dhulka ku dhaco isagoo dangiigan oo meyd ah. Dhinaca kale, waxay gaalladii si aan naxariis lahayn u soo goosteen madaxii Muhaajir, waxayna ka soo laa-laadiyeen meel sare oo goobta dagaalka ka mid ahayd.

Al-Rabiic: waan ku aargudi doonaa:

Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa yiri "alla ayaan badnidaa, waxaana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday Jannada.
Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa eegay walaalkiis Muhaajir oo madaxiisa ka soo laalaada meel sare, markaasuu si ay sugnaansho iimaaneed ku jirto u yiri "alla ayaan badnidaa, waxaana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday Jannada. Dhinaca kale, wuxuu Al-Rabiic ballan ku galay inuu u aargudi doono walaalkiis, wuxuuna yiri "wallaahi ayaan ku dhaaranayaa inaan kuu aargudi doono adiga iyo muslimiinta la laayay-ba inshaalah".

Wuxuu la wareegay hoggaaminta ciidanka:

Markii uu arkay Abuu Muusaa Al-Ashcariyi sida uu Al-Rabiic uga walbahaaray geerida sida saxariirta leh ugu timid walaalkiis, ayaa waxaa la qumanaatay inuu hoggaaminta ciidanka uu uga tanaasulo Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic ula wareegay hoggaaminta ciidanka, waxayna aadeen magaallada Suus si ay u furtaan. Ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa sidii hufadii oo kale hal mar u galeen goobihii ay degganaayeen gaallada. Dagaal ba'an oo dhex maray ciidamadii muslimiinta iyo gaallada kadib, wuxuu Eebbe (sw) sabab uga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad inuu furto magaalladii la oran jiray Manaadir. Waxay muslimiintii laayeen dagaalyahaniintii gaallada ahaa, waxayna soo qafaasheen ubadkoodii, iyagoo hantidoodiina intuu Alle doonay qaniimaystay (qaniimada waa hantida laga soo helo jihaadka).

Xiddigii Al-Rabiic oo soo birqay:

Dagaalkii Manaadir kadib waxaa birqay xiddiggii Al-Rabiic Binu Ziyaad, wuxuuna magaciisa ku faafay carab kasta iyo guud ahaan muslimiintii waqtigaas. Wuxuu ka mid noqday Al-Rabiic Binu Ziyaad madaxda sare loo eego, kuwaasoo iyaga looga fursan waayo markay xaaladdu qadhaadhaato. Muslimiintii markay goosteen inay furtaan gobolka Sijistaan waxay ballan adag ku galeen inuu Rabiic la wareego hoggaaminta dagaalkaas, iyagoo ka rajo qabay inuu u soo hoyan doono guulo waaweyn.

Ciidamadii uu hoggaaminayay Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa waxay u kicitimeen dhulka Sijistaan iyagoo jidka Alle ku duulaya. Wuxuu Al-Rabiic mariyay ciidankiisa dhul lama galaan ah oo aad u dheer aadna khatar u ah. Socod dheer kadib, magaalladii ugu horeysay ee uu la kulmay waxay ahayd magaallada loo yaqaano Rustaaqu Zaaliq, magaalladaan oo xad la leh magaallada Sijistaan, waxayna ahayd magaallada Rustaaqu Zaaliq magaallo aad u cammiran, lehna daaro aad u dhaaheer, sidoo kale wax soo saar badan. Waxaa magaallada ku hareereesnaa dhufeysyo aad u waaweyn.

Halyeeygii geesiga ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu intuusan magaallada gelin diray ilaalo ciidamadiisa ka mid ah, si ay u soo indha-indheeyaan xaaladda magaallada.., waxayna ilaaladii soo ogaadeen inay dadka deggan magaalladaas ay u dabaaldagi doonaan xaflad ay leeyihiin. Wuxuu Al-Rabiic la beegsaday qabashada magaallada habeenkii ay dhiganayeen xafladda, sidiina ayuu si kedo ah dagaal ugu qaaday iyagoo ku mashquulsan xafladdooda.

Guddoomiyihii oo isna la qafaashay:

Gaallada raggoodii ciidamada ahaa wuu laayay Rabiic, halka uu soo qafaashayna kuwo kale oo gaarayay ilaa 20 000 qof, waxaana ku jiray kuwaas la soo qafaashay guddoomiyihii magaalladaas.

Sidoo kale, waxaa kaloo dadkii la qafaashay ku jiray addoon u shaqayn jiray guddoomiyaha degmada, wuxuuna haystay markaas lacag gaaraysa 300 000 oo dirham, (lacag aad iyo aad u fara badan) si uu u siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic ayaa ku yiri ninkii "inteed ka keentay lacagtan faraha badan?!". Wuxuu yiri "waxay ka timid mid ka mid ah tuulooyinka uu xukumo sayidkayga". Al-Rabiic ayaa ku yiri "ma tuullo kasta waxay bixisaa lacagtaan oo kale sannad kasta". Wuxuu yiri "haa". Al-Rabiic ayaa yiri "siday ku dhacday?!". Wuxuu yiri "lacagtaan waxaan ka soo saarnaa faasasyadeena iyo dhididkeena" oo uu ula jeeday lacagtaas waa waxaan soo shaqaysanay oo aan ku soo tacabnay.

Muslimiintii oo helay hanti fara badan:

Markii uu qaboobay dagaalkii, ayaa waxaa Al-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka u yimid guddoomiyihii degmada, isagoo doonaya inuu bixiyo lacag furasho ah. Al-Rabiic ayaa ku yiri "waan ku sii deenayaa haddaad muslimiinta u badiso lacagta furashada". Guddoomiyihii degmada "imisaad doonaysaa?". Al-Rabiic Binu Ziyaad "waxaan dhulka ku qotominayaa warankan, dabadeedna waxaad korkiisa ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada ama qalinka ilaa aad ka qariso qarin". Guddoomiyhii degmada wuxuu yiri "waan oggolahay", wuxuuna kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii kala duwanaa, isagoo warankii dhulka lagu qotomiyay korkiisa ku shubay jeer dahabkii ay qariyaan waranka.

Furashadii Sijistaan:

Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee waxay ciidankiisii guuleystay guda galeen markale sidii ay u furan lahaayeen gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib, waxaa is fur-furay dhufeysyadii ku hareersanaa Sijistaan. Dadkii degganaa magaalooyinka iyo tuulooyinka waxay billaabeen inay soo dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic Binu Ziyaad, iyagoo A-l-Rabiic ka dalbanaya nabadgelyo kahor intuusan ula bixin seefaha ilaa uu markii danbe ka gaaro magaallada Zaranj oo ahayd xarunta gobolka Sijistaan.

Waxyar kadib maba la joogin, jeer ciidamadii gaallada ay u diyaar garoobaan inay dagaal ku qaadaan ciidamada muslimiinta, waxayna isaga yeerteen meel kasta, si ay u difaacdaan magaalladoodii istiraatiijiga ahayd, arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee. Labadii ciidan waxaa dhex martay dagaal si ba'an labada dhinac loogu hoobtay, iyadoo labada ciidanba ay ka dhinteen dad aad u badan.

Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo muuqatay guushii dagaalka ayaa guddoomiyihii gaallada ee la oran jiray Barweez guda galay siduu ula heshiin lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u dhaama dhimmashada kaga imaanaysa dagaalka.

Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo weydiisanaya inuu u sameeyo madal ama ballan uu kula kulmo, si uu ugala xaajoodo nabad, wuuna ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas. Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa inay diyaariyaan goobtii uu kula kulmi lahaa Barweez, wuxuuna ciidankiisa ka dalbay in hareeraha goobta kulanka lagu soo daadiyo meydadkii gaalladii reer Furus ee dagaalka lagu laayay, iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo waddada labadeeda dhinac ee uu soo mari doono Barweez.

Wuu cabsanayay qofkii arkaa:

Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad u dheer, lehna midab maariin, aadna u xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay qofkii arka Al-Rabiic. Barweez markii uu u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba gashay cabsi aad u weyn, cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo, kadib markii uu arkay meydadkii dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay waddada. Ma uusan ku dhiiran Barweez inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u salaamo. Wuxuu ka cabsaday in la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi daran ayuu kula hadlay Al-Rabiic, isagoo ballan kula galay inuu u soo saaro 1000 wiil oo dhalinyaro ah, uuna mid kastaana madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina ayuu Al-Rabiic Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez.

Maalin aad u weyn ayeey ahayd:

Maalintii xigtay wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad soo galay magaalladii, iyagoo dadkii degganaa magaallada-na ay garab socdaan tahliishii (Laa ilaaha Illallaah) iyo takbiirtii (Allahu akbartii) ay qaadayeen muslimiinta. Waxay ahayd maalin aad u weyn oo ka mid ahayd maalmaha Eebbe (sw), sidiina ayuu A-Rabiic Binu Ziyaad sabab ugu noqday inuu furto magaalooyin fara badan oo ka mid ahaa dhulkii ay degganaayeen reer Furus.

Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad ahaa geesigaas ay muslimiinta u kaalmaystaan ka hortagga cadoowga Alle ilaa markii danbe dowladdii islaamka ay gacanta u gasho qoys la yiraahdo reer Banii Ummaya. Run ahaantii waxay ahayd nasiib darradii ugu weynayd ee islaamka soo waajaha, kadib markii dowladdii islaamka ee loo wada dhammaa ay la wareegeen qoyskaas reer Banii Ummaya.

Al-Rabiic oo madax looga dhigay Khuraasaan:

Magaalladii Khuraasaan ee la xoreeyay waxaa madax looga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad kadib markii uu u magacaabay Mucaawiya Binu Abii Sufyaan.

Hase ahaatee, Al-Rabiic Binu Ziyaad kuma qalbi fiyoobeen madaxnimadaas, oo wuxuu jeclaa inuusan madax noqon, weliba wuxuu sii dhibsaday markii uu warqad ka helay ninka la yiraahdo Ziyaad Binu Abiih oo ka mid ahaa madaxdii waaweynaa ee reer Banii Ummaya, dhinaca kalena ka mid ahaa raggii dilay Xuseen Binu Cali wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw). Warqaddii loo soo diray Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa hadalladan “amiiral mu’miniinka Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad dahabka kiisa huruudka ah iyo kiisa cad (qalinka) kana mid ah qaniimooyinka jihaadka aad u dhigtid bankiga dhexe ee muslimiinta, wixii intaas ka soo harana aad u qaybisid mujaahidiinta”, taasina waa mid si toos uga hor imaanaysa qodobbada ku cad nusuusta qur’aanka. Waxaan ognahay inuu Eebbe (sw) qaybiyay sida loo kala qaadanayo hantida laga soo helo jihaadka, iyadoo shan qaybood qayb la dhigayo baytul-maalka, halka inta soo hartayna loo qaybinayo mujaahidiinta, iyadoo uu qaybinayana amiirka jihaadka.

Noloshii waan ka noogay:

Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi dalabkaas si daran ayuu ugu gacan sayray, wuxuuna warqad uu ugu jawaabayo Ziyaad Binu Abiih ku yiri "waxaan kitaabka Alle ka helay amar ka duwan kii aad igu soo amartay magaca amiiral-mu'miniinka", dabadeedna dadkii ayuu isugu yeeray isagoo u dhawaaqayana wuxuu ku yiri "ku soo kallaha qaniimooyinkiinii oo kaalaya qaata", wuxuuna maalkii qaniimada shan meelood meel u diray bankiga dhexe ee muslimiinta ee Dimishiq.

Maalintii jumcada ee xigtay markay timid, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad u soo baxay salaaddii jumcada isagoo xiran dhar cadcad. Dadkii ayuu u jeediyay khudbaddii jumcada, dabadeedna wuxuu yiri "dadoow waan ka noogay noloshan ee waan duceenayaaye ee aamiin ii dhaha ducadayda" kadibna wuxuu ku duceystay "Ilaahayow haddaad kheyr ila doonaysid xaggaaga ii qibloow oo i oofso si degdeg ah oo aan dib dhigid lahayn", dadkiina ducadiisa ayeey aamiin u yiraahdeen. Maalintaas qoraxdeeda ma dhicin jeer uu ka dhinto saxaabigii geesigii ahaa ee dunidan dhow ka doortay la kulankii Eebbe (sw). Ilaahay ha ka raalli noqdo, hana u naxariisto saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY AL-RABIIC BINU ZIYAAD AL-XAARITHI


25-USAAMA BINU ZAYD - Top

"Usaama aabbihiis Rasuulka csw wuu kaa jeclaa adiga aabbahaa, isaga ayuu adigana kaa jecelyahay Rasuulka" waa hadalkii uu Cumar ku yiri wiilkiisa

Waa sannadkii lixaad ee hijriyada kahor. Goobtuna waa magaallada Makka. Wuxuu Rasuulka (scw) ka sheeganayay dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii kaga imaanayay gaallada qureysh isaga iyo asxaabtiisa, isagoo uu Rasuulkuna (scw) waqtigaas ku howlanaa gaarsiinta iyo fidinta dacwada islaamka.

Dhalasho farxad leh:

Rasuulka (scw) oo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxaa soo gaaray war ka farxiyay. Waxaa u yimid qofkii ku bishaareenayay inay Ummu Ayman ay dhashay wiil. Dhalashada wiilkaas ayaa waxaa si aad leh ugu farxay Rasuulka (scw), iyadoo ay wejigiisana ay si weyn u hareereesay farxaddaas. Taloow yuu noqon doonaa wiilkaas nasiibka badan ee uu dhalashadiisa ku farxay Rasuulka (scw)? Haddaba, aqristow wiilkaas waa saxaabiga aan soo bandhigayno sheekadiisa. Waa saxaabiga la yiraahdo Usaama Binu Zeyd ee loogu magac dari jiray "kii uu jeclaa Rasuulka (scw)".

Asxaabta lama aynan la yaabin sirta ka danbeysa ee keentay inuu Rasuulku (scw) ku farxo dhalashadii Usaama Binu Zeyd. Maxaa yeelay waxay ogaayeen xiriirka qotada dheer ee uu Rasuulka (scw) la wadaagay waalidka Usaama. Usaama hooyadiis waxaa la yiraahdaa Barakatu Al-Xabasha looguna kunyoodo "Ummu Ayman". Ummu Ayman waxay addoon u ahayd Aamina Bintu Wahab oo ahayd Rasuulka (scw) hooyadiis. Kolkii ay dhimmatayna hooyadiis waxaa Rasuulka (scw) barbaariyay Ummu ayman, iyadoo wanaajisay xanaanaynta Rasuulka (scw).

Jaceylkii Rasuulka (scw) ee Usaama:

Sidaa darteed, qaddarin iyo maamuus aad u weyn ayuu Rasuulka (scw) u hayay Ummu Ayman. Aad iyo aad ayuu u jeclaa. Wuxuu u ixtiraami jiray sida inay dhashay oo kale oo ay tahay hooyadiis. Wuxuu Rasuulka (scw) inta badan oran jiray hadal macnihiisu ahaa " Ummu Ayman waa hooyaday marka laga reebo hooyaday kadib, waxay ka hartay ahlu-baytkayga". Waa taa hooyadii sharafta badneyd ee dhashay wiilkii nasiibka badnaa ee uu sida weyn ugu farxay dhalashadiisa.

Haddaba, haddaan ogaannay Usaama hooyadiis, waxaa misna habboon inaan baranno aabihii Usaama. Waa saxaabigii sidoo kale uu aadka u jeclaa Rasuulka (scw) ee la oran jiray Zeyd Binu Xaaritha, sidoo kalena aabihiis loogu magac dari jiray magaca Rasuulka (scw) kahor intuusan iman islaamka. Dhinaca kale, Zeyd wuxuu ka mid ahaa xog-hayeenadii Rasuulka (scw) ee uu sirahiisa ku qarsan jiray, sidoo kalena ku soo barbaaray gurigii Rasuulka (scw). Sharaf iyo wanaag waxaa Zeyd ugu filan in magaciisa lagu xusay qur'aanka kariimka ah, iyadoo muslim kasta oo aqriya qur'aanka xusayo magaciisa, isla mar ahaantaasna ajar iyo xasanaad ka helayo xuska iyo sheegitaanka magaciisa.

Saan horey u sheegnay, guud ahaan asxaabta Rasuulka (scw) waxay ku farxeen bishaaradii dhalashada Usaama Binu Zeyd farxad aynan sidiisoo kale ayan horey ugu farxin. Maxaa yeelay, tarbiyaddii ay ka qaateen Rasuulka (scw) ayaa tilmaamaysay inay ku farxaan dhammaan wixii farax geliya Rasuulka (scw), sidoo kalena ay dhibsadaan wuxuu dhibsado. Asxaabtii waxay ugu magac dareen Usaama magacan "wiilkii la jeclaa ee uu dhalay kii isna la jeclaa". Bixinta magacaas kama aynan ahayn asxaabta mid ay macno la'aan ay isaga yiraahdeen, ee waxay u yiraahdeen maadaama uu jeclaaday Rasuulka (scw) sidaa si la mid ahna uu u jeclaa aabihiis Zeyd Binu Xaaritha ayeey magacaas ugu doorteen.

Saxaabiga ugu da'da yar:

Ilaahay ha ka raalli noqdee, wuxuu Usaama Binu Zeyd ka mid ahaa dhalinyaradii asxaabta ugu da'da yaraa, waxayna isku da' ahaayeen wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw) ee la oran jiray Xasan ayna dhashay Faatima Bintu Rasuulillaah. Xasan Binu Cali wuu caddaa, muuqaal qurxoona wuu lahaa, wuxuuna aad ugu ekaa awoowgiis Rasuulka (scw). Hase ahaatee, Usaama maadaama ay hooyadiis ka soo jeedday Xabasha (afrika) wuxuu lahaa midab maariin, lehna san weyn, wuxuuna aad ugu ekaa hooyadiis Ummu Ayman.

Inkastoo ay saas kala ahaayeen, haddana Rasuulku (scw) dhinaca kalgacaylka iyo jacaylka kuma kala sooci jirin labada wiil. Rasuulka (scw) wuxuu labadiisa gacmood mid uu ku qaban jiray Usaama, markaasuu wuxuu saari jiray mid ka mid ah booddadiisa, halka gacanta kalena uu ku qaban jiray Xasan markaasuu isna wuxuu ku fariisan jiray booddada kale, markaasuu si wadajir ah u dhunkan jiray isagoo labadooda u duceenaya oo leh "Ilaahayoow waan jeclaaday ee adigana jecloow".

Jacaylkii weynaa ee uu Rasuulka (scw) u qabay Usaama Binu Zeyd waxay gaartay inuu maalin maalmaha ka mid ah uu arkay Usaama oo yimid albaabkii guriga Rasuulka, markaasna uu wejigiisa dhaawac ka soo gaaray, uuna dhiig ka daadanayo. Wuxuu Rasuulka (scw) u baaqay xaaskiisa Caa'isha inay ka tirtirto ama ka masaxdo dhiigii ka socday wejigiisa, hase ahaatee ma aynan jeclaysan Caa'isha inay samayso. Rasuulka (scw) ayaa intuu istaagay ka masaxay oo ka tirtiray dhiigii ka socday Usaama, isagoo ku oranayayna hadallo naxariis leh oo uu ku dejinayay wiilkan yar ee dhaawaca soo gaaray.

Rasuulka (scw) siduu u jeclaa Usaama yaraantiisa, ayuu misna u jeclaa markii uu noqday dhalinyaro. Mid ka mid ah madaxda qureysh oo lagu magacaabi jiray Xakam Binu Xizaam ayaa u soo hadiyeeyay Rasuulka (scw) xariir aad qaali u ah oo uu ka soo gatay Yeman. Rasuulka (scw) ma uusan qaadan haddiyaddii. Hal mar ayuu gashaday, waxayna ahayd maalin jumco ah, dabadeedna wuxuu siiyay xariirtii Usaama, isagoo ku xaragoonaya uuna la socdo dhalinyaradii muhaajiriinta iyo ansaarta ayuu magaallada kula wareegi jiray. Usaama markii uu qaangaaray waxaa ka soo muuqatay sifooyinkii suubbanaa ee keentay inuu muteysto in loogu magac daro "kii uu jeclaa Rasuulka (scw)".

Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu lahaa caqli qoto dheer, geesinimo xad-dhaaf ah, xikmad uu ku kala miisaamo ummuuraha, dhowrsanaan oo aan aqbalin dulliga iyo daciifnimada, dadka soo jiita ayna dadka jecel yihiin, Alle ka cabsi badan oo ku dadaala xalaasha aadna u jecel Allihiisa.
Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu lahaa caqli qoto dheer, geesinimo xad-dhaaf ah, xikmad uu ku kala miisaamo ummuuraha, dhowrsanaan oo aan aqbalin dulliga iyo daciifnimada, dadka soo jiita ayna dadka jecel yihiin, Alle ka cabsi badan oo ku dadaala xalaasha aadna u jecel Allihiisa.

Maalintii dagaalkii Uxud Usaama oo ay la socdaan qaar ka mid ah dhalinyarada asxaabta ayaa waxay u yimaadeen Rasuulka (scw), iyagoo markaas doonaya in loo fasaxo inay ka qayb galaan jihaadka. Rasuulka (scw) wuxuu dhalinyaradii ka qaatay qaar ka mid ah, halka kii aan qaan-gaarinna uu ka reebay ka qayb qaadashada jihaadka. Kuwii la soo celiyay waxaa ku jiray Usaama Binu Zeyd, wuxuu soo laabtay, isagoo labadiisa indhood ay ka burqanayaan ilmo badan, murugada uu ka naxay inuusan ka qayb gelin jihaadka.

Dagaalkii ugu horeeyay uu ka qaybgalo Usaama:

Markii la gaaray maalintii dagaalka Khandaq ama Axzaab, waxaa sidoo kale markale u yimid Rasuulka (scw) Usaama oo ay la socdaan qaar ka mid ah dhalinyarada asxaabta. Usaama ayaa si kor ahaan u qooraansaday, bal si loogu oggolaado inuu ka qayb galo jihaadka. Rasuulka (scw) ayaa u dabcay isaga, dabadeedna wuxuu u oggolaaday inuu ka qayb galo jihaadka. Isagoo shan iyo toban jir ah ayuu qaatay seefta isagoo jidka Alle ku duullaya.

Maalintii dagaalkii Xuneen, waa dagaalkii lagu jebiyay muslimiinta waxaa sugnaaday Usaama Binu Zeyd oo uu la socdo Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo ahaa Rasuulka (scw) adeerkiis iyo Abii Sufyaan Binu Xaaritha iyo lix kale oo ka mid ahaa asxaabta kuwooda ugu sharafta badnaa. Wuxuu Rasuulka (scw) awooday isagoo wata ciidankan tirada yar ee rumeysan Rabbigooda inay jabkii muslimiinta ay u rogaan gargaar iyo guul, iyo inay muslimiintii cararay ka badbaadiyaan dhagarta kaga iman gartay mushrikiinta.

Markii la soo gaaray maalintii dagaalkii Mu'ta waxaa sidoo kale dagaalamay Usaama Binu Zeyd isagoo garab socda calankii uu siday aabihiis oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalkaas ee ka koobnaa saddexda nin. Markaan uu Usaama dagaalamayo da'diisu ma gaarin 18 jir. Wuxuu si fool-ka-fool ah u arkay dilkii aabihiis oo ku shahiiday dagaalkii Mu'ta. Hase ahaatee ma laciifin oo ma niyad jabin, balse wuxuu sii ballaariyay dagaalkii uu waday isagoo hoos socday calankii uu siday Jacfar Binu Abii Daalib oo ahaa Rasuulka (scw) ina adeerkiis, jeer isna laga dilo oo uu sidaas ku shahiido. Sidoo kale, wuxuu garab istaagnaa hoggaamiyihii isla ciidankaas ee saddexaad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa jeer isna laga dilo oo uu dagaalka ku shahiido.

Usaama Binu Zeyd wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, halka aabihiisna uu ku shahiiday dagaalka. Markii uu soo galayay magaallada wuxuu Usaama saarnaa faraskii uu aabihiis saarnaa markii la dilayay.

Hoggaamiye ciidan:

Sannadkii 11-aad ee hijriyada, wuxuu Rasuulka (scw) amar ku bixiyay in ciidan loo diyaariyo ciidankii roomaanka ee hoggaaminayay Hiraqle, wuxuuna ciidankaas ku daray saxaabada odayaashooda sida Abuubakar, Cumar, Sacad Binu Abii Waqaas, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax iyo saxaabo kale oo fara badan. Wuxuu Rasuulka (scw) ciidankaas madax uga dhigay wiilkii xikmadda iyo caqliga badnaa ee Usaama Binu Zeyd, xilligaas iyada ahna da'diisu ma aynan dhaafin 20 jir.

Ciidankii oo ku jira is diyaarinta, ayaa waxaa xanuunsaday Rasuulka (scw), wuuna sii kordhay xanuunkii iyo cudurkii Rasuulka (scw) hayay. Sidaa darteed, ciidankii muslimiinta waxay dib u dhigeen duullimaadkii ciidanka, iyagoo doonayay inay ka war-dhooraan xaaladda uu ku danbeyn doonno Rasuulka (scw). Usaama wuxuu yiri "markii uu xanuunkii ku sii siyaaday Rasuulka (scw) waxaan u imid Rasuulka (scw), dadkuna way i soo raaceen. Markaan u soo galay, waxaan oggaaday inuu aamusay oo uusan hadli karin, xanuunka daran haya awgeed. Gacantiisa ayuu xagga samada kor ugu qaaday, markaasuu haddana anniga dusheyda saaray, waan gartay inuu ii duceenayo".

Wax yar kamaba soo wareegan jeer uu markii danbe Rasuulka (scw) ka geeriyoodo, waxayna muslimiinta intaa kadib khilaafada u doorteen Abuubakar, dabadeedna howshii ugu horeysay ee lagu dhaqaaqo dowladdii Abuubakar waxay noqotay aaskii Rasuulka (scw) iyo inuu fuliyo amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa in la diro ciidankii Usaama. Hase ahaatee, koox ka mid ah ansaarta ayaa waxay soo jeediyeen in dib loo dhigo arrinta ciidanka, waxayna ka codsadeen Cumar Binu Al-Khadaab inuu bal la hadlo Abuubakar, iyagoo ku yiri "haddii uu diido waxaan ka ahayn in ciidanka la diro, waxaad naga gaarsiisaa inuu talada ciidanka noogu dhiibo nin ka da' weyn Usaama".

Kolkii ay gaartay Abuubakar dhambaalkii uu siday Cumar ee ay soo jeediyeen koox ka mid ah ansaarta waxaa si aad leh uga carooday arrintaas Abuubakar. Fadhigii uu fadhiyay ayuu ka kacay markuu maqlay hadalkaas, kadibna wuxuu si caro leh u qabtay garkii Cumar Binu Khadaab isagoo ku yiri "hooyadaa ku weysay Cumaroow..., waxaa Usaama madax u doortay Rasuulka (scw) adigana waxaad i faraysaa inaan ka qaado jagadaas?! Wallaahi ayaan ku dhaartay inay dhacaynin taasi". Cumar markii uu ku soo laabtay nimankii u soo dhiibtay dhambaalkaas, waxay weydiiyeen wixii uu la kulmay, wuxuuna ku yiri "iska taga oo baxa hooyadiin idin weysaye, anniga unbaa og wixii idinka dartiin aan kala kulmay khaliifkii Rasuulka (scw)".

Ciidamadii uu hoggaaminayay wiilkii dhalinyarada ahaa waxay billaabeen inay anbabaxaan. Waxaa ciidankii sogeetiyay khaliifkii Rasuulka (scw) oo dhulka socdo, iyo Usaama oo saaran awrkiisa. Usaama ayaa ku yiri Abuubakar "khaliifkii Rasuulka Allow waxaan ku dhaaranayaa inaad halkan fuulayso annigana aan soo deggayo". Abuubakar ayaa ku yiri "wallaahi inaadan soo deggayn, annigana aan koreynin.., ", kadibna sidii ayuu Abuubakar u sogootiyay ciidankii Usaama, isagoo u dardaarmay inuu fuliyo dardaarankii Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Abuubakar ka codsaday Usaama inuu Cumar u fasaxo inuu isaga la joogo, wuuna u fasaxay Usaama. Waa tusaale aad u wanaagsan oo aan ka baranayno ardaydii ka soo baxay madaaristii iyo hanuunkii Rasuulka (scw). Waa khaliifkii ama madaxweynihii muslimiinta ninka sidaas leh.

Guullo waaweyn:

Ciidankii uu hoggaaminayay Usaama Binu Zeyd ayaa sidii ku kicitimay, wuxuuna Usaama fuliyay dardaarankii uu faray Rasuulka (scw). Fardihii muslimiinta ay wateen waxay jaxaabeen ama ay cagta mariyeen magaalooyinka Balqaa ee ka tirsanaa falastiin iyo sidoo kale qalcada lagu magacaabo Al-daaruumi oo iyadana ka tirsan falastiin. Ciidankii Usaama waxay cabsi weyn ku abuureen ciidamadii roomaanka ee waqtigaas ka talinayay dhulka Shaam ee sidaan sheegnay uu madaxa u ahaa Hiraqle, iyagoo waddada u xaaray sidii ay u furan lahaayeen magaalooyinka kale ee ku yaalay Shaam iyo Masar iyo waqooyiga Afrika ilaa laga soo gaaro badweynta hadda loo yaqaano badweynta atlantic-ada.

Ilaahay ha u naxariistee Usaama Binu Zeyd wixii intaa ka danbeeyay wuxuu soo laabtay isagoo saaran faraskii uu lahaa aabihiis kadib markuu ku shahiiday dagaalkii Mu'ta, isagoo sidana markaas qanaa'imtii ama hantidii faraha badnayd ee ay intay muslimiintii fara badnideeda la yaabeen yiraahdeen "lama arag ciidan ka nabad gashoon kana hanti badnaa ciidankii uu hoggaaminayay Usaama". Dhammaan muslimiintii ayaa qaddarin iyo maamuus weyn u hayay Usaama intuu noolaa oo dhan, isagoo lagu ammaanayay siduu u fuliyay ballamihii uu la galay Rasuulka (scw) iyo awooddii shakhsiyadeed ee uu lahaa.

Dhacdo uusan Usaama weligiis hilmaamin:

Inkastoo wacdarooyin fara badan uu wiilkii dhalinyarada ahaa ka muujiyay duulimaadyo badan oo uu muslimiinta kala qayb taaya dagaallo kala duwan, haddana waxaa dagaalladaas ku jiray mid uusan hilmaamin ama iloobin intuu dunida saarnaa oo dhan. Waxay ahayd labo sanno kahor intaanan la oofsan Rasuulka (scw). Wuxuu Rasuulka (scw) diray koox ilaalo ah oo gacanta ku soo dhigta gaallada kuwooda sida daran dhibaatada ugu hayay islaamka iyo muslimiinta. Kooxdaas ilaallada ahayd waxaa madax looga dhigay Usaama. Waa markii ugu horeysay ee uu Usaama hoggaamiye loogu dirto koox ciidan ah. Kooxdii ilaallada ahayd howshoodii waxay ku soo gabagabootay guul, guushaasna waxaa si weyn ugu farxay Rasuulka (scw). Bal Usaama laf ahaantiisa aan ka dhagaysano wixii uu dagaalkaas kala kulmay maalintaas.

".... waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka (scw) ka maqlay" Usaama Binu Zeyd
Usaama wuxuu yiri: "waxaan u imid Rasuulka (scw) annigoo ugu bishaareenaya guushii aan helnay. Rasuulka (scw) wejigiisa waxaa ka soo muuqday farxad weyn, wuu ii soo dhowaaday, wuxuuna igu yiri bal ii waran. Waxaan billaabay inaan uga sheekeeyo siduu dagaalka u dhacay. Waxaan u sheegay markii ciidanka gaallada ay jabeen inaan gacanta ku dhigay nin ka mid ah iyaga, markaan warankii aan watay aan damcay inaan ku dilo ayuu yiri Laa Ilaaha Illallaah, hase ahaatee kama aanan dhageysan oo waan dilay. Markaan intaas iri, waxaa markiiba doorsoontay wejigii Xabiibka Rasuulka (scw), wuxuuna igu yiri maxaa kugu dhacay Usaama..!, maxaad ku oran doontaa Laa Ilaaha Illallaah??. Dhowr jeer ayuu hadalkaas ku soo celceliyay Rasuulka (scw) jeer aan ka jeclaado inaan diinta islaamka hadda koow ka soo billaabo, waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka (scw) ka maqlay".

Falkaas waxay Usaama u noqotay dersi uusan weligiis hilmaamin, taasoo tilmaamaysa caddaaladda iyo insaaniyadda Rasuulka (scw). Xitaa qofkii gaalka ahaa ee laga yaabayay inuu oraahdaas naftiisa ku badbaadinayay wuu diiday Rasuulka (scw) in la dilo kadib markii uu ku dhawaaqay shahaadada. Waa dhab inuu Usaama dhacdadaas ka qaatay dersi aad u weyn. Xilligii ay dhacday fidnadii dhexmartay Cali Binu Abii Dhaalib oo ay taageerayaashiisa weheliyaan iyo Mucaawiye oo isna ay weheliyaan taageerayaashiisa, waxaan og nahay inuu Usaama dhexdhexaad ka ahaa labadaas kooxood.

Inkastoo Usama ay ula muuqatay inuu xaqa la jiro Cali, haddana wuxuusan marna ku dhicin inuu seeftiisa ula baxo qof muslim ah oo rumeeyay Alle iyo rusushiisa. Qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa u yimid, iyagoo ku boorinaya inuu iyaga la safto, hadalladii cad-caddaa ee uu ku yiri waxaa ka mid ahaa "annigu la dagaallami maayo qof yiri Laa Ilaaha Illallaah". Mid ka mid ah nimankaas ayaa ku yiri "soow Alle ma oran: la dagaallama jeer aan laga helin gaalnimo (fidno) una ahaato diintu dhammaan Eebbe (sw).." aayadda 39 suuradda Al-anfaal. Usaama wuxuu ugu jawaabay "kuwaas laga hadlayay waa mushrikiinta, waana la dagaallanay jeer laga waayay fidno, diintuna dhammaan ay u sugnaatay Eebbe (sw)".

Mushaar dheeri ah:

Dowladdii khilaafada Cumar, wuxuu Cumar uga qoray Usaama bankiga dhexe ee muslimiinta mushaar ka badan intii uu qaadanayay wiilkii uu dhalay Cumar ee la oranayay Cabdullaahi, isagoo Cabdullaahi arrintaas ka biyo-diiddanna wuxuu aabihiis ku yiri " aabe, waxaad Usaama u qortay lacag gaaraysa 4000, halka aad annigana iga siisay 3000, mana arki waxa uu aabihiis uu adiga ku dheer yahay, dhinaca kalena isaga (Usaama) laf ahaantiisa wuxuu i dheer yahay ma jiraan". Cumar ayaa wiilkiisa ku yiri "waxaad sheegtay waa kaaf-iyo-kala-dheeri, Rasuulka (scw) Usaama aabihiis ayuu ka jeclaa adiga aabahaa, isna (Usaama) ayuu Rasuulka (scw) adiga kaa jeclaa". Markii uu hadalkaas maqlay Cabdullaahi wuu ku qancay hadalkii uu aabihiis ku yiri, isagoo ku raalli noqdayna qaybtii looga qoondeeyay bankiga dhexe ee muslimiinta.

Maamuuskii Cumar ee Usaama:

Cumar Binu Khadaab Ilaah ha ka raalli noqdee si goonni ah ayuu maamuusi jiray Usaama. Kolkii uu la kulmo wuxuu ku oran jiray "soo dhawoow amiirkaygow", markii uu arko qof la yaabaya hadalkaasna wuxuu ku oran jiray "waxaa amiir iigu dooray Rasuulka (scw)." Sannadkii 54-aad ee hijriyada wuxuu Usaama isagoo aad ugu hilowsan ugu dheelmaday la kulanka Eebbe (sw), sidaasna ayuu ku geeriyooday.

Ugu danbeyntii, waxaan Ilaah ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo Usaama Binu Zeyd, taariikhda islaamka way ku yareyd in la helo qof kulansaday sifooyinkii suubbanaa ee uu lahaa Usaama Binu Zeyd.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY USAAMA BINU ZEYD


26-ZAYD BINU XAARITHA - Top

"WAA SAXAABIGA KELIYA EE MAGACIISA LAGU XUSAY QUR'AANKA"

Sucdaa Bintu Thaclaba waxay doonaysay inay tolkeeda reer Banii Macan soo booqato, waxaana waqtigaas socdaalka ku wehelinayay wiilkeeda Zeyd Binu Xaaritha Al-Kacbiyi. Xaaritha wuxuu sagootiyay xaaskiisii Sucdaa iyo wiilkiisii yaraa ee Zeyd. Wuxuu si fiican ugu hubsaday awrkii ay saarnaayeen, gacmaha ayuu kor ugu qaadayay, isagoo sagootinaya. Mararka qaarkood, galgacaylka iyo jacaylka weyn ee uu qabay xaaskiisa iyo wiilkiisa Zeyd ayaa qaadayay, oo wuxuu is arkayay isagoo daba socda awrkii ay saarnaayeen. Laakiin gadaal danbe ayuu dib u soo xasuustay inuusan safarka ku wehelinaynin. Sidaas darteed ayuu dib ugu soo noqday guriga.

Sucdaa iyo wiilkeedii waxay socdaan, markay soo gaareen daarihii ay degganaayeen tolkeedii ayaa waxaa iyada iyo dadkii la socotayba hal mar soo weeraray fardoollaydii reer Banii Qayn, dabadeedna waxay billillaqaysteen dhammaan hantidii ay wateen, ratigii ay wateena way kaxaysteen, sidoo kale wiilashiina way qafaasheen.

Zeyd oo la qafaashay:

Haddaba, wiilashii la qafaashay ayaa waxaa ku jiray Saxaabiga aan ka sheekeenayno ee Zeyd Binu Xaaritha. Waqtigaas iyada ah waxay Zeyd Binu Xaaritha da’diisu ahayd qiyaastii 8 jir. Zeyd Binu Xaairtha iyo wiilashii kale ee la qafaashay waxaa la keenay suuqii weynaa ee la oran jiray Cukaada, iyagoo la doonayo in dadka loo bandhigo inay iibsadaan caruurtaas la soo qafaashay.

Waxaa Zeyd Binu Xaaritha gatay nin hantiile ah kana mid ahaa madaxda Qureysh. Ninkaas magaciisa waxaa la yiraahdaa Xakiim Binu Xazaam Binu Khuweylid, wuxuuna ku gatay Zeyd lacag gaaraysa 400 dirham, ma ahayn Zeyd oo keliya, ee wuxuu kaloo goobtii suuqa ka soo gatay wiilal kale oo fara badan.

Markii uu Xakiim Binu Xazaam yimid magaallada Makka, waxaa warkiisii maqashay Khadiija Bintu Khuweylid oo eeddo ugu toosnayd Xakiim. Way soo booqatay, iyadoo salaamaysa soona dhoweynaysa, wuxuuna Xakiim ku yiri eeddadiis “eeddo, waxaan suuqa Cukaada ka soo gatay wiilal, ee kaad doontid wiilashaas ka dooro waan kuu hadiyeenayaaye”.

Khadiija Bintu Khuweylid ayaa si fiican u eegtay wiilashii, dabadeedna waxay ka dooratay Zeyd Binu Xaaritha, kadib markay ku aragtay inuu leeyahay astaamaha wanaagsan sida xilkasnimo iyo caqli qoto dheer oo ay ku tuhmaysay. Zeyd Binu Xaaritha wuxuu soo raacay Khadiija Bintu Khuweylid. Maba ka soo wareegan waqtigaas waxyar jeer uu Rasuulka (scw) guursaday Khadiija Bintu Khuweylid, waxayna haddiyad ahaan Rasuulka (scw) u siisay Zeyd Binu Xaaritha.

Zeyd oo ku soo wareegay guriga Rasuulka (scw):

Wiilkii nasiibka badnaa wuxuu u soo wareegay xanaanaynta iyo la deriska suubbanaha Rasuulka (scw), isagoo nasiib u yeeshay inuu ka ag dhowaado inta uu Alle uummay kii ugu sharafta iyo fadliga badnaa, si uu markaas uu uga shidaal qaato hanuunka iyo akhlaaqda suubban ee uu ku sifaysnaa Rasuulka (scw).

Hooyada Zeyd Binu Xaaritha labo indhood isuma aynan keenin laga soo billaabo markii la qafaashay wiilkeeda. Taas waxaa uga sii darnayd iyadoo aan nolol iyo geeri toona midna ku ogeyn Zeyd. Maadaama ay tahay hooyo wax dhashay waxay isaga jirtay welwelkaas iyo walbahaarkaas. Dhinaca kale, Zeyd aabihiis isna dhinaciisa ayuu dadaal kaga jiray sidii ugu guuleysan lahaa wararka ku saabsan wiilkiisii la qafaashay.

Xilli ay dadka u soo cibaado tagaan Kacbada ayaa qaar ka mid ah Zeyd tolkiisa yimaadeen guriga barakaysan ee Kacbada, iyagoo ku dawaafaya kacbada ayaa waxay si fool-ka-fool u arkeen Zeyd, durbadiiba way garteen, isna wuu gartay. Way waraysteen, isna wuu waraystay. Markii ay guteen cibaadadoodii, waxay ku laabteen magaalooyinkoodii, waxayna Xaaritha oo ahaa Zeyd aabihiis u sheegeen inay indhaha soo saareen oo ay la kulmeen Zeyd markii ay joogeen Makka.

Xaaritha wuxuu durbadiiba diyaarsaday awrkiisii, wixii hanti ahayd ee uu qaadan karayna horey ayuu u sii qaatay sii uu wiilkiisa ugu soo furto, sidoo kale, waxaa safarka u sii raacay walaalkiis Kacab.

Way anbabaxeen, waxayna u kicitimeen jihada magaallada Makka. Markay yimaadeen magaalladii, waxay u soo galeen Muxammad Binu Cabdullaahi (Rasuulka s.c.w) oo waqtigaas lagu soo dejin waxyiga, waxayna ku yiraahdeen “Ina CabdilMudhalib, waxaad tihiin kuwo deris la ah kacbada, waxaad sii daysaan kan idin weydiista magangalyada, kan gaajaysanna waad quudisaan, kan dhibaataysanna waad u gargaartaan. Waxaan kuugu nimid inaad sii dayso wiilkeena kula jooga, waxaana soo qaadanay wixii hanti ah ee aan ku furanaynay wiilkeena, ee nagu galladayso oo wiilka aan ku furanno waxaad doontid oo hanti ah”.

Rasuulka (scw) ayaa ugu jawaabay “waa kuma wiilka aad weydiisanaysaan?”. Waxay yiraahdeen “wiilka addoon ahaanta aad u haysatid ee Zeyd Binu Xaaritha”. Wuxuu misna yiri Rasuulka (scw) hadal macnihiisu yahay “ ka warama hadduu jiro wax ka kheyr badan furashada wiilkiina”. Waxay yiraahdeen “oo waa maxay waxaasi?”. Wuxuu yiri hadallo u macno dhowaa “waan idinkugu yeerayaa, waxaana dooransiinayaa inuu ila joogo anniga iyo inuu idinka idinla joogo, hadduu idin doorto, idinkaa wadanaya mana bixinaysaan wax hanti ah, haddiise uu i doorto waxaan tixgelinayaa doorashadiisa”. Waxay yiraahdeen “caddaalad baad samaysay waadna ku xeel-dheeraatay caddaaladda”.

Mowqifkii qiimaha badnaa ee Zeyd:

Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna ku yiri “ma garanaysaa labadan nin?”. Zeyd wuxuu yiri “haa, kani waa aabahay Xaaritha Binu Shuraaxiil, ninka kalena waa adeerkay Kacab”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Zeyd “waan ku dooransiiyay inaad iyaga raacdid iyo inaad anniga ila degganaatid”. Zeyd ayaa isagoon jawaabta la dib dhicin markiiba yiri “maya, ee waxaan doonayaa inaan adiga kula degganaado”.

Aabihii ayaa wiilkiisa Zeyd ku yiri “wiilkaygiyoow ma aabahaa iyo hooyadaa ayaad ka dooranaysaa addoonsiga lagu addoonsanayo?”. Zeyd ayaa misna markale ku yiri aabihiis “ninkan anniga unbaa og waxaan ku arkay, dooni maayo inaan weligeey ka tago”.

Markii uu Rasuulka (scw) maqlay arkayna mowqifka uu qaatay Zeyd ayaa intuu labadiisii gacmood qabtay u soo waday kacbada, wuxuuna isagoo gacanta haya Zeyd koray dhagaxa (xajarul-aswadka) wuxuuna isagoo koox qureysh ka mid ah hadal u jeedinaya yiri “qureeshay waxaad ka marag noqotaan inuu Zeyd yahay wiilkayga, uuna i dhaxlayo aan isagana dhaxlayo”.

Hadalladaas waxay farxad geliyeen Xaaritha iyo walaalkiis Kacab, waxayna wiilkoodii uga tageen Muxammad Binu Cabdillaahi, iyagoo ku soo laabtay tolkooda, isla mar ahaantaana aan ka cabsi qabin aayatiinka Zeyd Binu Xaaritha.

Wixii maalintaas ka danbeey, waxaa Zeyd loogu yeeri jiray Zeyd Binu Muxammad, magacaas ayuu lahaa jeer laga soo saaro Rasuulka (scw), waxaana waxyar kadib soo degtay aayad lagu mamnuucayo in qofka uu qaato magac ka duwan magaca waalidkiis, oo wuxuu Allaah suuradda Al-axzaab ku yiri aayadda 5-aad “ugu yeera aabayaashood”. Wixii aayaddaas ka danbeeyay waxaa Zeyd loogu yeeri jiray magaciisii hore ee Zeyd Binu Xaaritha.

Zeyd maalintii uu sayidkiisa ka dooranayay wiilidkiis dhab ahaantii ma uusan ogeyn inuu sayidka uu doortay uu yahay sayidka ugu fadliga badan inta dunida soo martay oo dhan. Dhab ahaantii ma uusan ogeyn Zeyd markii uu Rasuulka (scw) ka dooranayay waalidkii dhalay inuu noqonayo Rasuulka Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee loo soo saarayo ummaddan islaamka. Zeyd, ma uusan ogeyn shaqsiga uu doortay inuu noqon doono kan cadligiisu iyo samafalkiisu hareen doonaan barriga iyo galbeedka dunidan aynu saarannahay. Waxaasoo dhan ma ogeyn, hase ahaatee waxay tani ka mid tahay fadliga Allaah ee uu siiyo qofkii uu doono oo addoomadiisa ka mid ah.

Dhacdadaas soo martay Zeyd kama soo wareegan waqti gaaban markii uu Allaah (sw) soo saaray Nabigiisa isagoo wata diintii hanuunka iyo xaqa ahayd. Haddaba, Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee qaata hanuunkii iyo xaqii lagu soo saaray Rasuulka (scw).

Inkastoo uu Zeyd Binu Xaaritha Allaha ka raalli noqdee ku soo barbaaray gurigii Xabiibka suubbanaha Rasuulka (scw), haddana wuxuu ahaa ninka uu Rasuulku (scw) ku qarsado sirihiisa. Dhinaca kale, wuxuu Zeyd Binu Xaaritha ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ciidamada ilaalada muslimiinta, iyo isagoo uu Rasuulka (scw) mararka qaarkood magaallada uga tagi jiray, waana xilliyada uusan Rasuulka (scw) ku sugnayn magaallada.

Sidii uu Zeyd Binu Xaaritha u jeclaaday Rasuulka (scw) oo uu isaga ka doortay waalidkiisii dhalay, ayuu misna Rasuulka (scw) dhinaciisa u jeclaa Zeyd Binu Xaaritha. Rasuulka (scw) wuxuu markasta jeclaan jiray inuu arko Zeyd. Hadduusan arag maalmo wuu u hiloobi jiray aragtidiisa, markuu arkana wuu ku farxi jiray. Rasuulka (scw) si uusan dadka kale ugu farxin ayuu ugu farxi jiray aragtida Zeyd Binu Xaaritha.

Innagoo tusaale ka mid ah sidii uu Rasuulka (scw) u jeclaa Zeyd, ayaan waxaan bal isku dayaynaa inaan dhagaysanno sheeko ay arrintan nooga hayso hooyadeen Caa’isha Allaha ka raalli noqdee. Waxay tiri Caa’isha Allaha ka raalli noqdee “waxaa yimid Zeyd Binu Xaaritha, iyadoo Rasuulku-na (scw) joogo gurigayga, albaabka ayuu soo garaacay, waxaa xaggiisa u istaagay Rasuulka (scw) oo aan dhar fiican qabin (wuxuu qabay dhar asturayay inta u dhaxaysa lowga/jilbaha iyo xuddunta), wuxuu yimid albaabka isagoo jiidaya dharkuu qabay, wuu ku soo booday oo wuu dhunkaday. Wallaahi ma aanan arag Rasuulka Alle (scw) oo qaawan maalintaas kahor iyo kadibba..”. Sidoo kale waxay oran jirtay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee “Ma uusan dirin Rasuulka (scw) ciidan illaa hadduu diro wuxuu madax uga dhigi jiray Zeyd Binu Xaaritha, hadduu Zeyd noolaan lahaa Rasuulka (scw) gadaashiis isaga ayaa muslimiinta khaliifkeeda noqon lahaa”. Heerkaas ayuu gaaray tusaalaha wanaagsan ee uu kulansaday Zeyd Binu Xaaritha.

Wararka ku saabsan jaceylka Rasuulka (scw) u qabay Zeyd wuxuu ku dhex faafay muslimiinta, waxayna asxaabta ugu magac dareen Zeyd “kii uu jeclaa Rasuulka s.c.w”, wiilkiisii Usaama-na waxay isna ugu magac dareen “kii uu jeclaa Rasuulka s.c.w uu misna dhalay kii isna uu jeclaa Rasuulka s.c.w”.

Guurkii Zeyd ee Zeynaba:

Sida uu noo sheegay qur’aankaba wuxuu Zeyd Binu Xaaritha guursaday Zeynaba Bintu Jaxshah oo ay qaraabo ahaayeen Rasuulka (scw). Inkastoo uu Rasuulka (scw) ku daray Zeyd gabadhii ay qaraabada dhow ahaayeen Rasuulka (scw), haddana ma sii cumrinin guurkoodii, oo markii danbe wuu furay, waxaana Zeynaba guursaday Rasuulka (scw), iyadoo si toos ah uu Alle u tawalliyay guurkooda, oo aayad cad ayuu Allaah ugu guuriyay Nebigiisa (scw) gabadha la yiraahdo Zeynaba Bintu Jaxsha. Hase ahaatee, wuxuu Zeyd Binu Xaaritha markii danbe guursaday gabar kale oo la yiraahdo Ummu Kalthuum Bintu Cuqbah.

Sannadkii 8-aad ee hijriga waxaa Rasuulka (scw) la soo gudboonaatay murugo kaga timid geeridii Zeyd Binu Xaaritha Allaha ka raalli noqdee.

Waxay ahayd, kadib markii uu Rasuulka (scw) diray Xaarith Binu Cumeyr Al-azdiyyi isagoo sida dhambaal ku socota boqorkii Busraa oo loogu yeerayo inuu soo galo diinta islaamka. Markii uu Xaairth Binu Cumeyr soo gaaray “Mu’ta”, ayaa waxaa ku soo baxay mid ka mid ah ciidamadii Qasaasinah, ninkaan oo la oran jiray Shuraxbiil Binu Camr. Wuxuu qabtay saxaabigii Xaarith, dabadeedna wuxuu si adag ugu dabray xarigii uu ku xiray, kadibna wuxuu soo taagay tiirkii, isagoo sidaas qoorta uga gooyay. Sidii ayuu ku shahiiday saxaabigii siday ama waday dhambaalkii ka socotay Rasuulka (scw), kuna socotay boqorka Busraa.

Geeridii Xaarith waxaa si daran uga naxay Rasuulka (scw), maxaa yeelay lama arag waqtigaas kahor ergay sidaasoo kale loo dilay. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan ka kooban ilaa 3000 ciidan si ay ugu duullaan Mu’ta, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay saxaabigiisii uu sida daran u jeclaa ee ahaa Zeyd Binu Xaaritha Ilaahay ha ka raalli noqdee.

Wuxuu Rasuulka (scw) yiri “haddii la asiibo (la dilo) Zeyd hoggaan waxaa qabanaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, haddii Jacfar-na la asiibo waxaa hoggaanka qabanaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa, haddii la asiibo Cabdullaahi-na muslimiinta naftooda ha u dooraan nin ka mid ah iyaga”.

Ciidamadii 3000-ka kun ka koobnaa ee uu hoggaaminayay Zeyd Binu Xaaritha ayaa sidii ku dhaqaaqay. Way socdeen ilaa ay gaareen meesha la yiraahdo Macaan ee ku taalla barriga Urdun.

Boqorka reer Ruum ee Hiraqle oo wata ciidan gaaraya 100.000 ayaa soo baxay, isagoo doonaya inuu difaaco ciidamadii dilay saxaabigii Xaaritha. Ciidamo kale oo iyagana gaaraya ilaa 100 000 ayaa ku darsamay ciidamadii Hiraqle, iyagoo difaac ka galay meel aan ka fogeyn goobtii ay degganaayeen ciidamada muslimiinta.

Waa labo tiro oo aan marnaba la isla meel dhigi karin. Tirada ciidamada muslimiinta iyo kuwa gaallada. Ciidamadii muslimiintii waxay seexdeen degmada Macaan labo habeen, iyagoo labadaas habeenood oo dhan wada-tashi ku jiray.

Muslimiinta oo la soo gudboonaatay arrin culus:

Mid ka mid ah ciidamada muslimiintii ayaa wuxuu ku yiri isagoo arrintan kala tashanaya muslimiinta “ka warama haddaan dhambaal u dirno Rasuulka (scw) oo aan u sheegno tirada cadoowgeena oo markaas isaga aan jawaab ka sugno”. Mid kale ayaa yiri “wallaahi ayaan ku dhaartaye –tolkaygiyoow- innagu waxaad ogaataan inaan u dagaalamaynin tiro iyo awood toona, ee waxaan u dagaalamaynaa diintan islaamka , ee ina wadiya aan u dhaqaaqno dantii aan u soo baxnay. Wuxuu Allaah idiin yaboohay labadii wanaagsanaa middood, inaan guuleysanno iyo inaan shahiidno”.

Iyadoo farqiga xagga tirada iyo awooddaba aan marnaba isu dheellitirnayn, haddana muslimiinta meesha ay dhammaantood u degdegayeen ayaa ahayd Jannada iyo wanaagga xagga Alle agtiisa yaalla.

Sidii ayeey ciidamadii muslimiinta u qaateen taladaas. Labadii ciidan ayaa madaxa isla galay, waxayna ku dagaallameen goobtii Mu’ta. Inkastoo tirada ciidamada muslimiinta ay yaraayeen, haddana waxay soo bandhigeen dagaal cabsi weyn ku beeray ciidamadii gaallada ee roomaanka. Ciidamadan gaaraya 3000 ayaa waxay is hortaageen ciidan ka tiro iyo awood badan. Waxay la dagaalamayaan ciidan tiradooda gaaraya ilaa 200 000 qof.

Zeyd Binu Xaaritha ayaa seeftii uu watay ku laayay gaallo badan, isagoo markaas iyada ahna xanbaarsan calankii Rasuulka (scw). Wacdarihii uu soo bandhigay maalintaas aad ayeey u jeclaysteen asxaabta, inkastoo ugu danbeyntii ay jirkiisii ka dhex duseen warmo iyo seefaf badan sidiina ayuu isagoo dhiig baxaya ku dhacay dhulka, weliba isagoo sidaas ku helay sharafka shahaadadii uu in badan ku taamayay inuu helo.

Siday ballantuba ahayd, waxaa durbadiiba calankii la wareegay Jacfar Binu Abii Dhaalib sidiina ayuu dhinaciisana u muujiyay geesinimo weyn. Hase ahaatee, isna waxyar kadib wuxuu maray waddadii uu maray saaxiibkiisii ka horeeyay, kadib markii uu ku shahiiday dagaalka.

Waxaa sidoo kale calanka qaaday Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Wacdarro iyo geesinimo la yaab leh ayuu isna muujiyay, jeer markii danbe isagana laga asiibo oo uu sidaas ku shahiiday. Saddexdii nin ee uu magacaabay Rasuulka (scw) sidaas ayeey ku shahiideen. Sidii la filyayba, waxay muslimiinta isugula noqdeen wada tashi iyo inay iska soo dhex saaraan ninkii ay u dhiibi lahaayeen hoggaaminta ciidamada. Wadatashi gaaban kadib, waxay muslimiintii hoggaanka ciidanka u calaamo-saareen geesigii halyeeyga ahaa ee Khaalid Binu Waliid. Waqtigaas iyada ah, wuu ku cusbaa diinta, oo waqti gaaban ayaa laga joogay markuu ku soo biiray bahweynta muslimiinta. Ciidamadii ayuu dhinac u riixay, wuxuuna muslimiintii ka badbaadiyay jabkii weynaa ee looga cabsanayay, sidaas ayeeyna uga guuleysteen ciidamadii gaallada ahaa.

Rasuulka (scw) ayaa waxaa soo gaaray wixii ka dhacay Mu’ta, iyo hoggaamiyayaashii uu magacaabay oo dhammaantood ku shahiiday dagaalka. Si aan la tilmaami karin ayuu Rasuulka (scw) uga naxay geeridooda, wuxuuna aaday qoysaskooda isagoo u tacsiyaynaya.

Markii uu Rasuulka (scw) soo gaaray gurigii Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka raalli noqdee, waxaa xaggiisa ku soo carartay gabadhii yareyd ee uu dhalay Zeyd, iyadoo markaas-na si xad-dhaaf ah u oonaysa. Xabiibka Rasuulka (scw) ayeey arrintaas saamaysay, dabadeedna wuxuu billaabay inuu isna ooyo. Sacad Binu Mucaad oo la socday Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “maxay tahay tanina Rasuulkii Alloow”, wuxuuna Rasuulka (scw) ugu jawaabay “waa oohinta xabiibka uu u ooyo xabiibka uu jecel yahay”. Ilaahay ha ka raalli noqdo Zeyd Binu Xaaritha iyo dhammaan intii u soo hurtay fidinta diinta islaamka, aamiin.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY ZEYD BINU XAARITHA


27- Ummu Xabiiba - KOR U NOQO

"Allaah iyo Rasuulkiisa ayey ka dooratay waxa kasoo haray oo idil'

Ma jirin Qof ka mid ah Qureysh oo aaminsanaa ama rumeysanaa inuu khilaafi karay ama diidi karay amarka iyo talada uu soo jeediyo Abuu Sufyaan oo ka mid ahaa madaxda iyo ugaasyada Quraysh. Hase ahaatee, waxaa si dhiiranaan iyo kalsooni weyn ku jirta gaashaanka ugu dhufatay amarkii Sufyaan gabadhiisii uu dhalay ee lagu magacaabayay Ramla Bintu Abii Sufyaan, kadib markay iyada iyo ninkeedii Cubeydillaahi Binu Jaxshi ay ku soo biireen diinta xaqa ah ee islaamka, ayna ku kufriyeen Illaahyadii ay caabudayeen aabayaashoodii iyo guud ahaan qureysh. Abuu Sufyaan wuxuu in badan isku dayay inuu gabadhiisii Ramla iyo ninkeedaba uu ka soo leexiyo diinta islaamka ee qaateen, hase ahaatee wuu awoodi waayay inuu ku guuleysto arrintaas. Sababtuna waxay ahayd, iimaanka iyo rumeynta Allaah (sw) oo si qoto dheer ugu sugnaaday laabta iyo qalbiga Ramla Bintu Abii Sufyaan.

Murugo iyo tiiraanyo daran ayaa Abuu Sufyaan hareereeyay, kadib islaamidda ay gabadhiisa islaamtay, iyo weliba markii uu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo inay dib uga laabato diinta islaamka.

Ramla Bintu Abii Sufyaan oo kunyadeeda loogu yeero Ummu Xabiiba (Xabiiba hooyadeed) waxay ka mid ahayd dadkii ku soo islaamay magaallada Makka, waxayna islaamkeeda kahor ay guursatay Cubeydillaahi Binu Jaxsh oo ay u dhashay Xabiiba. Ramla waxaa la dhashay Mucaawiya iyo Cutba. Sida la ogsoon yahay, markay aad u badatay dhibaatooyinkii muslimiinta kaga imaanayay gaalladii Qureysh wuxuu Rasuulka (scw) u idmay oo u fasaxay inay u qaxaan dhulka Xabasha kuna yaala Geeska Afrika, iyadoo danta hijradaas ay ahayd sidii ay u badbaadsan lahaayeen naftooda iyo diintooda.

Haddaba, gabadhii sida weyn ugu qanacday diinta ay soo gashay ee islaamka iyo ninkeeda Cubeydillaahi Binu Jaxsh iyo gabadhoodii yarayd ee Xabiiba waxay ka mid ahaayeen muslimiintii ka qaybgalay hijradii 2-aad ee Xabasha.

Xiriirkii qureysh iyo boqorka Najaashi:

"Muslimiintii waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka. ".
Inkastoo ay muslimiintaas magangalyo weydiisteen boqorkii caddaaladda badnaa ee Najaashi-ga, haddana gaalladii qureysh ee uu hormuudka kaga jiray Abuu Sufyaan waxay ka qoomameeyeen inay muslimiintaas gacantooda ka baxeen oo carar ku badbaadeen, waxayna (qureysh) isku dayeen iyagoo muslimiinta ku sugan dhulka Xabasha inay mariyaan ciqaab daran. Qureysh waxay dirsatay niman u safra Xabasha, si ay boqorka uga dhaadhaciyaan in muslimiinta dib gacanta loogu soo geliyo qureysh, iyo sidoo kale inay boqorka u sheegaan in muslimiinta magangalyada weydiisatay ay wax xun ka sheegaan Nebi Ciise iyo hooyadiis Maryama.

Boqorkii Najaashii oo doonaya inuu ka gungaaro xaqiiqda hadalladaas ayaa muslimiintii soo hijrootay madaxdooda ka codsaday inay ka jawaabaan eedaymahaas loo soo jeediyay, iyo inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Nebi Ciise iyo hooyadiis Maryama iyo weliba inay bal ku dul-aqriyaan (boqorka) qaar ka mid ah aayadaha quraanka ee lagu soo dejiyay Nebigooda Muxammad (scw). Muslimiintii waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka.

Islaamiddii boqorka Najaashi:

"diinta lagu soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs) waxay ka yimaadeen hal meel". - Boqor Najaashii ka hor intii uusan islaamin
Boqorka Najaashii oo markaas iyada ah aanan islaamin ayaa markii uu maqlay aayadihii quraanka si daran u ilmeeyay oo u ooyay, wuxuuna yiri "diinta lagu soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs) waxay ka yimaadeen hal meel", dabadeedna wuxuu durbadiiba isagoo aad ugu qanacsan risalaada islaamka uu ku dhawaaqay inuu si dhab ah u rumeysan yahay Allaha weyn ee wax weliba abuuray iyo inuu Muxammad (scw) yahay Nebiga xaqa ah Nabadgelyo iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee.

Boqorkii Najaashiga wuxuu ciidamadiisa iyo dowladdiisaba amar ku siiyay in la magangaliyo muslimiintii xaggiisa u soo haajiray, inkastoo ay jirtay qaar ka mid ah hoggaamiyayaashiisii isaga hoos imaanayay ay ka biyo diideen inay soo islaameen. Diintoodii kirishtaanka ayay ku sii sugnaadeen.

Ramla Bintu Abuu Sufyaan waxay sii joogtay dhulka Xabasha, iyadoo aad iyo aad ugu faraxday nabadgelyada iyo magangalyada ay ka heshay iyada iyo muslimiinta kaleba boqorka Najaashi. Hase ahaatee, iyadoo taasi ay jirtay, haddana wuxuu Allaah (sw) doonay inuu Ummu Xabiiba ama Ramla uu mariyo imtixaan aad u daran, imtixaankaasoo kale oo ay ragga intooda badan ku dhacaan.

Imtixaan la mariyay Ummu Xabiiba:

Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxay riyo ku aragtay ninkeeda Cubeydillaahi Binu Jaxshi oo ku dhex sugan hirar waaweyn oo ay hirarkaasi hareereeyeen mugdiyo iyo gudcur aad u weyn, wuxuuna markaasi ku sugnaa xaalad aad u qadhaadh aadna u xun. Hal mar ayay hurdadii ka soo boodday iyadoo walbahaarsan aadna u cabsanaysa, mana jeclaysan inay riyadaas ay u sheegto dadka.

Hase ahaatee, waxyar kama soo wareegan jeer tafsiirka riyadii ay aragtay ay si dhab indhaha u saarto. Maalmo kadib waxaa diintii islaamka ka laabtay oo ka riddoobay Cubeydillaahi Binu Jaxsh, wuxuuna billaabay inuu har iyo habeen iska xaadiro goobaha khamaarka isagoo khamraysan. Cubeydillaahi wuxuu afadiisa dooransiiyay inay ka laabato oo ka riddowdo islaamka iyo inuu furo. Ralma Bintu Abuu Sufyaan waxaa durbadiiba la soo gudboonaatay mowqif aad u adag, waxayna aragtay inay doorato 3 midkood.

Waa midda koowaade, inay ninkeeda hadalkiisa u hoggaansato, taasoo ah inay qaadato diinta kirishtaanka oo ay ka riddowdo islaamka oo markaas ay khasaarto adduun iyo aakhiro, taasina waa mid ayan marnaba samayn karin kadib markii laabteeda uu si wacan ugu sugnaaday qanaacada ay ku qanacday diintan xaqa ah ee islaamka.

Tallaabada labaad ee horyaala waa inay u laabato magaallada Makka, guriga aabaheed Abuu Sufyaan oo weli aanan islaamin, oo markaasi ay dhibaatooyin badan ay dhici karto inay kala kulanto, islaamka ay qaadatay awgeed. Iyo inay isaga sugnaato dhulka Xabasha ama Geeska Afrika, iyada oo keli ku ah oo aan wehelinin wax qaraabo iyo dad kale ah.

Mowqifkii geesinimo ee Ummu Xabiiba:

Allaahu akbar, Ummu Xabiiba waxay ugu danbeyntii qaadatay go'aankeedii geesinimada badnaa, waxayna doorbidday inuu Cubeydillaahi Binu Jaxsh uu furo, maadaama uu riddoobay oo uu ka laabtay islaamka. Ummu Xabiiba Ramla Bintu Abii Sufyaan markii ay ka ciddo baxday Cubeydillaahi waxaa soo gaaray warkii nolosheedii ugu farxad badnaa ee ay maqashay intay dunida saarnayd.

Waxaa soo doonay Rasuulka (scw):

"Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo doonay oo doonaya inuu ku guursado,... ". - Abraha oo ka mid ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi.
Goor subax barqin ah ayaa Ummu Xabiiba oo ku sugan gurigii ku noolayd albaabkiisa la soo garaacay. Markay furtay albaabkii waaba Abraha oo ka mid ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi. Abraha waxay si naxariis iyo ixtiraam ku dheehan tahay u salaantay Ummu Xabiiba, dabadeedna waxay ku tiri "Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo doonay oo doonaya inuu ku guursado, wuxuuna soo diray waraaq uu boqorka wakiilanayo si uu kuu mehersado, ee qofkaad doontid u wakiilo walaayadaada...".

Maalin aynan weligeed hilmaamin:

Ummu Xabiiba waxay farxad awgeed garan weysay meeshay joogtay, waxayna iyadoo aanan is ogeyn ku tiri gabadhii ula timid khabarkaan farxadda leh "Allaha kugu bishaarkeeyo kheyr.., Allaha kugu bishaareeyo kheyr", waxayna markiiba billowday inay u siibto qaar ka mid ah dharkii quruxsanaa ee ay qabtay iyo jijimadii ay xirnayd iyadoo siisay gabadhii Abraha, iyadoo sidaas abaalmarin uga dhigaysa. Ummu Xabiiba, maalintaas waxay u ahayd maalin aynan weligeed hilmaamin, hantideedii ugu jeclayd ayay gabadhii Abraha si farxad leh damacday inay siiso, waxaana hubaal ah hadday heesan lahayd hanti ka badan intaas inay siin lahayd. Ummu Xabiiba waxay nasiib u yeelatay inuu soo doono inta uu Allaah abuuray kii ugu sharafta iyo fadliga badnaa, waa Nebigeena Muxammad (scw). Waa hubaal inay dumarka intooda kale ay dheer tahay fadligaas iyo wanaagaas. Waxay wakiilatay saxaabiga lagu magacaabo Khaalid Binu Saciid Bin Al-Caas oo muhaajiriintii markaas Xabasha ku sugnaa ugu dhowaaanshaha badnaa xagga qaraabada.

Arooskii Rasuulka (scw) oo ka dhacay Geeska Afrika:

"Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga boqortooyada Najaashi".
Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga boqortooyada Najaashi, weliba meel aad u qurxoonayd ahaydna mid ka mid ah beeraha uu boqorka ku raaxaysto. Goobtii ama hoolkii arooska uu ka dhacayay oo dhan ayaa la qurxiyay, waxaana hareeraha is qabsaday iftiinkii iyo faynuusyadii ka shidnaa meel kasta, halka dhulkoo dhanna lagu goglay kaarbeedyo aad u qurux badan. Saxaabadii ku sugnaa waqtigaas dhulka Xabasha oo idil ayaa goobtii arooska ka soo qaybgalay, waxaana asxaabtaas hoggaaminayay asxaabta kala ah Jacfar Binu Abii Dhaalib, Khaalid Bin Saciid Bin Al-Caas, Cabdullaahi Binu Xudaafa Assahmiyyi iyo kuwo kale si ay uga qaybgalaan arooska Ummu Xabiiba Binti Abii Sufyaan ee loo guurinayo Rasuulka (scw).

Meherkii Ummu Xabiiba 400 dirham oo dahab ah:

Waxaan qirayaa inuu Allaah yahay Allaha xaqa dhabta lagu caabudo, waxaan kaloo qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay rasuulkiisa iyo addoonkiisa uuna soo saaritiinkiisa noogu bishaareeyay Nebi Ciise (cs), intaa kadib: Rasuulka Allaah (scw) wuxuu iga codsaday inaan ku meheriyo Ummu Xabiiba Binta Abii Sufyaan, wayna iga aqbashay inaan ku nikaaxo Rasuulka (scw), waxaana meherkeeda ka dhigayaa annigoo wakiil ka ah Rasuulka (scw) 400 oo dirham oo dahab ah, annigoo sidaas ugu meherinaya jidka Allaah iyo jidka Rasuulkiisa Muxammad (scw)..”, kadibna lacagtii meherka ayuu hordhigay Khaalid Binu Saciid Binu Al-Caas oo ay wakiilatay Ummu Xabiiba.

Ummul-mu’miniin ayay noqotay:

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Khaalid, wuxuuna yiri “waxaa mahad weyn ay u sugnaatay Allaah (sw), waan ku mahadnaqayaa waana kaalmaysanayaa, waan denbi dhaaf weydiisanayaa waana u laabanayaa, waxaan qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay addoonkii Allaah iyo rasuulkiisa, wuxuu ku soo diray diintii hanuunka iyo xaqa wadatay.., intaa kadib, waxaan aqbalay codsigii Rasuulka (scw), waana ku meheriyay Rasuulka (scw) gabadhii la ii wakiishay ee Ummu Xabiiba Binta Abii Sufyaan, Allaha u barakeeyo Rasuulka (scw) xaaskiisa”.

Fadligaas iyo qiimahaas weyn waxay u soo hoyatay maalintaas Ummu Xabiiba, Ramla Binti Abii Sufyaan, kadib markii ay nasiib u yeelatay inuu guursado xabiibka Rasuulkeena Muxammad (scw), waxayna sidaas hooyo ugu noqotay dhammaan mu’miniinta oo idil, halka ay markii hore ay hooyo u ahayd oo keliya Xabiiba, dabadeedna wuxuu Khaalid qaaday lacagtii meherka, kadibna isagii iyo asxaabta kaleba waxay damceen inay goobtii ka dareeraan oo ay baxaan.

Xaflad aad u sarraysa:

Hase ahaatee, boqorka Najaashii ayaa ku yiri “fariista, maxaa yeelay waddada nebiyada lagu yaqaano hadday guursadaan ayaa ah inay waliimo ama alla-bari (cuntada la sameeyo xafladda guurka) sameeyaan. Boqorkii wuxuu amar ku bixiyay in la keeno raashinkii xafladda, waxyar kadibna waxaa la keenay cunto aad u heersarraysay oo dadkii oo dhan ay wada cuneen. Waxay tiri Ummu Xabiiba, markii lacagtii meherka la ii keenay, waxaan durbadiiba qaar lacagtii ka mid ah u diray gabadhii markii hore iigu bishaaraysay guurka Rasuulka (scw), waxaana ku iri “ haddaan hanti aan haysan lahaa waan ku siin lahaa markaad ii bishaaranaysay, hase yeeshee waxna ma aanan haysan maalintaas”.

Inkastoo ay lacagtii dahabka ay wax ka siisay, laakiin waxyar markay maqnayd way ku soo noqotay iyadoo wadda lacagta, waxayna ku tiri “boqorka wuxuu ballan ku qaaday inaanan waxna kaa qaadan”, sidoo kale wuxuu haweenkiisa amar ku siiyay inay mid waliba haddiyad kuu keenaan. Subixii markii la gaaray, haween kasta waxay awoodday oo haddiyad ah ayay la timid. Abraha oo ahayd gabadhii Ummu Xabiiba u keentay khabarkii la xiriiray inuu Rasuulka (scw) doonayo inuu guursado Ummu Xabiiba ayaa waxay u timid Ummu Xabiiba, waxayna ku tiri “waxaan doonayaa inaan arrin kuu sheego”.. Ummu Xabiiba ayaa u celisay “oo maxay arrintaasi tahay??” Abraha: “waan islaamay, oo waxaan raacay diinta Muxammad (scw) ee fadlan iga gaarsii Nebiga salaan, una sheeg inaan rumeeyay Allaah (sw) iyo Rasuulkiisa”, waxayna misna intaas raacisay “marnaba ha iga hilmaamin salaantaas”.

"Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka (scw).".
Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka (scw). Markii ugu horeysay ee aan la kulmay Rasuulka (scw) waxaan uga waramay sidii ay u dhacday doonistii iyo arooskiiba, iyo wixii aan ku wada hadalnay ama na dhexmaray anniga iyo Abraha, waana u sheegay inay soo salaamaysay. Rasuulka (scw) aad iyo aad ayuu ugu farxay warkii aan uga sheegay Abraha, wuxuuna yiri “iyadana dusheeda Allaha gaarsiiyo nabadgelyadiisa, naxariistiisa iyo barakaatkiisa.

Allaha ka raalli noqdee gabadhii sabarka badnayd, Alla ka cabsiga badnayd, yaqiinteeda iyo iimaankeeda aadka u xeeldheeraa Ummul-miniin Ramla Bintu Abii Sufyaan, waxay da’deedu ahayd 36 jir maalintii uu la aqal galay Rasuulka (scw), waxayna geeriyootay sannadkii 44-aad hijriga iyadoo 72 jir ah. Waxaan Allaah (sw) ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo, Jannada Firdowsana kula kulmayo Xabiibkeeda Rasuulka (scw), aamiin aamiin.

SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY Ummu Xabiiba


28- JACFAR BIN ABII DAALIB - KOR U NOQO

"Amiirka muhaajiriintii u qaxday xabasha'

Su'aalahan ka jawaab inta aadan akhrin casharkan....

Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw) kala ahaayeen:-

  • Abuu Sufyaan Bin Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen.
  • Qutham Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen,
  • Assaa’ib Bin Cubeyd Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis
  • Xasan Bin Cali oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo
  • Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib.

Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay..

Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa’ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.

Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga kaafinaynaa."

Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.

Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.

Jacfar oo isku-filnaaday:

Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu soo islaamay, isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku filnaaday. Abuubakar ayaa soo islaamiyay: Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys inay soo islaamaan waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee, waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray.

Wiilkii reer haashimiga ahaa ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo maro lagu goglay laguna hareereeyay waxyaabaha ay nafta dhibsato.

Qoyskii Jacfar iyo Geeska Afrika:

Sidaa darteed, Jacfar Bin Abii Dhaalib wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay isaga iyo xaaskiisa iyo qaar ka mid ah asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha oo maanta loo yaqaano Geeska Afrika. Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u fasaxay hijradaas isagoo ka murugaysan. Waxaa culeys weyn ku ahayd oo dhibaysay in asxaabtaas qiimaha badan ee mu’miniinta ah lagu qasbo inay diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad u fog, iyagoo aanan gelin wax denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay tahay inay yiraahdeen "Allaah ayaa Rabbigeena ah". Ma aynan haysan muslimiinta maalintaas awood ay isaga caabbiyaan hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanayay gaalladii qureysh.

Caddaaladdii Najaashi ayay ku nimcaysteen:

Muhaajiriintii saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana muhaajiriintaas qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markii ay soo gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay durbadiiba magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo wanaagga badnaa laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay saxaabadii muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah u muujiyaan cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala kulmin wax dhibaato ah.

Hase ahaatee, gaalladii qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah muslimiinta ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha ayaa waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi lahaayeen.

Ummu Salama ha nooga sheekayso..

Ummu Salama Allaha ka raalli noqdee oo markaas la socotay muhaajiriintii muslimiinta ayaan sheekadaan inteeda badan ku soo qaadanaynaa waxyaabihii ay la kulmeen muhaajiriintii Xabasha u hijrooday, iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri "markaan nimid dhulka Xabasha waxaan la kulannay dad lala jaaro kuwii ugu kheyrka badnaa, diinteennii ayay nagu nabad geliyeen, iyadoo wax dhibaato ah aanan la kulmin ayaan Rabbigeen si wacan u caabudnay. Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii na loo soo dhoweeyay waxay billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan, waxay boqorkii Najaashiga u soo direen labo nin oo xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen haddiyado fara badan oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga ka ag dhow. Waxay qureysh labadaas nin u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda kahor intaynan ka hadlin boqorka Najaashi".Kulankii Najaashi ee Camar iyo saaxiibkiis: Ummu Salama oo hadalkeedii sii wadata waxay markale tiri "markii labadii nin ay yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen wadaaddadii kirirstaanka ee u shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo diintii aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda, fadlan waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo aanan weydiin wax ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.". Wadaaddadii way oggolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa yahay".

Ummu Salama ayaa markale tiri, waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan "boqorow waxaa boqortooyadaada soo magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga badiya".

Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi, marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan wanaajin doonaa inta ay ila joogaan".

Markale Ummu Salama waxay tiri "intaa kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa innaga dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa su'aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof kale oo aan isaga ahayn". Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri "waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica.

Boqorkii ayaa xaggeenii soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.

Jacfar oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala baxno wixii aynu innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada asnaamta. Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega, gudashada amaanada, xiriirinta qaraabada, deriska oo la wanaajiyo.., wuxuu naga reebay xumaha oo idil iyo been-abuurashada, in la cuno hantida ay leeyihiin agoonta iyo gabdhaha dhowrsoon oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu kaloo na faray inaan Allah "sw" keliya aan caabudno oo aanan u shariik-yeelin, inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno bisha ramadaan. Waan rumeynay, oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga Allaah kala yimid, xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo wuxuu naga reebayna xaaraan ayaan ka dhiganay, intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan agtaada nalagu dhibaataynin.

Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi:

Ummu Salama Waxay tiri "boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama "kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara....", wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood.

Waxay markale Ummu Salama tiri "waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin".

Hagardaamo kale ayaa lala damcay:

Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo. ,p> Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon. Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama, markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su'aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan su'aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan “waa maxay waxaasi??”.

Jawaabtii Jacfar ee Nebi Ciise (cs):

Jacfar oo ka jawaab bixinaya Nebi Ciise (cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu gacanta ku garaacay dhulka, wuxuuna yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala duwan yihiin Nebi Ciise (cs) iyo nebigiina”. Sawaxan iyo buuq ayay isku dareen wadaaddadii kirishtaanka ee ag fadhiyay boqorka, iyagoo caro ka muujiyay hadalka ka soo yeeray boqorkoodii.

Boqorkii Najaashi oo si weyn ugu qanacsan sharaxaaddii muslimiinta ay ka bixiyeen diintoodii ayaa ku yiri “socda oo waxaad tihiin kuwo la nabadgeliyay, qofkii idin caaya waa la ganaaxayaa, qofkii idin dhibaateeyana waa la ciqaabayaa, wallaahi ayaan ku dhaartaye kuma doorsanayo in la i siiyo buur dahab ah oo markaasi qof idinka mid ah ay soo gaarto dhibaato”, kadibna wuxuu boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar iyo saaxiikiis isagoo ku yiri “ ha loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo uma baahnin”.

Ummu Salama waxay tiri, Camar iyo saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib dalkoodii ugu laabtay, hase ahaatee innaga waxaan si maamuus leh u sii joognay dhulkii Xabasha.Toban sanno ayay Xabasha joogeen: Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo afadiisii Asmaa waxay geeska Afrika si nabad ah ugu sugnaayeen toban sanno. Hase ahaatee, sannadkii toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga iyo koox saxaabada ka mid ah ku soo laabteen magaallada Madiina. Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii ka timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo markaasi ka soo laabtay duulimaadkii Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib markii la furtay Khaybar.

Soo dhoweyntii Rasuulka (scw) ee Jacfar:

Suubbanaha Rasuulka (scw) si aan la tilmaami karin ayuu ugu farxay imaanshaha Jacfar, intuu laabtiisii sharafta badnayd ku soo dumay Jacfar ayaa wuxuu ku yiri “ma waxaynu ku faraxnaa furashada Khaybar mise imaanshaha Jacfar??. Farxaddaasi uu Rasuulka (scw) ka muujiyay imaanshaha Jacfar kama yareyn tan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwii masaakiinta ahaa ay ugu farxeen imaanshaha Jacfar iyo asxaabta kale. Maxaa yeelay, Jacfar wuxuu aad u xiriirin jiray una dhaqaalayn jiray masaakiinta muslimiinta ee waxna aan haysan, waxayna taageeradiisa masaakiinta ay keentay in loogu magac-daro “aabihii masaakiinta”. Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee oo arrinkan ka sheekeenaya ayaa yiri “haddaynu ahayn jamaacada masaakiinta Jacfar wuxuu noo ahaa qofka noogu roon dadka, gurigiisa ayuu intuu noo kaxeeyo ayuu na soo siin jiray waxa yaala oo cunto ah..”.

Jacfar oo hoggaaminaya dagaalkii Mu’ta:

Joogistii Jacfar ee uu dunida saarnaa ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad hijriga billowgeedii wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan la dagaallama ciidamada Ruum ee ku sugnaa gobolka Shaam, wuxuuna ciidankii muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna yiri “haddii la dilo Zeyd ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, Jacfar haddii la dilo ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama la dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska dhex doorteen mid iyaga ka mid ah..”.

Labo ciidan aan isku aadin xagga tirada:

Muslimiintii markii ay gaareen Mu’ta oo ah tuulo ku taalla Urdun ee Shaam ayaa muslimiintii waxay ogaadeen inay ciidamada Roomaanka ay diyaarayeen ciidamo gaaraya 100 000 qof, boqolkaasoo kun oo ay taageerayaan boqol kun kale oo isugu jira gaallada Carbeed ee ka tirsan qabiilooyinka Lakhm, Judaam iyo Qud-h-aaca iyo kuwo kale oo badan, halka ciidamada muslimiinta ay gaarayeen oo keliya 3000 ciidan. Saddex kun oo ciidan ayaa wuxuu la dagaalamayaa labo boqol oo kun (200 000) oo ciidan, waa labo ciidan oo aan isku aadin.

Hase ahaatee, waxyar kadib waxaa billowday dagaalkii ay dagaallamayeen ciidamada muslimiintii iyo kuwii kale ee gaallada ahaa. Hoggaamiyihii ciidamada muslimiinta Zeyd Binu Xaaritha ayaa jiidda hore ee dagaalka ku naf-waayay sidiina ayuu ku shahiiday, Allena uga baryaynaa inuu u naxariisto.

Dhinaca kale, waxaa durbadiiba hoggaankii si geesinimo ku jirta ula wareegay saxaabiga aan ka sheekeenayno ee Jacfar Binu Abii Dhaalib isagoo ka soo dagay faraskiisii. Si xammaasad weyn ku jirta ayuu dagaalkii u galay, waxa keliya ee u muuqanayay waxay ahayd Jannada iyo bilicdeeda ballaaran, neecowdeeda iyo biyaheeda macaan, xuurul-ciinteeda loo dhammeeyay quruxda, webiyadeeda kala nooca ah intaasoo ay sii siyaadiso rajada weyn ee uu ku qabay raalla ahaanshaha RABBI (sw) taasoo uusan wax kale ku doorsanaynin. Wuxuu tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay sida loo xanuujin doono ciidamada Roomaanka ee qarka u istaagan in la ciribtiro.

Jacfar oo dagaalka ku shahiiday:

Wacdarro weyn ayuu Jacfar goobtii dagaalka ka muujiyay, isagoo sita seeftiisa wuxuu dhex jiiray ciidankii roomaanka, isagoo kii ka soo hor-baxaba uu qoorta ugu dheereenayay seeftiisa ayaa markii danbe waxaa laga dhaacaway oo laga gooyay gacantiisii midig, calankii ayuu misna ku qaaday gacantiisii bidix, markale ayaa misna laga dhaawacay oo ay go’day gacantii bidix kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu calanka ku qaado, hase ahaatee dhufashadii 3-aad oo darnayd ayaa jirkiisa laba dhinac ka kala dhigtay. Intaa kadib waxaa calankii la wareegay geesigii 3-aad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka shahiido. Dhammaantood Allaha u naxariisto kana raalli noqdo, waxay dhinteen iyagoo u taagan difaacidda diinta ALLAAH (sw).

War degdeg ah oo Rasuulka (scw) soo gaaray:

Rasuulka (scw) oo ku sugan magaallada Madiina ayaa waxaa gaaray khabar degdeg ah (waxyi ahaan) kuna saabsan geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha badnaa, si daran oo xanuun badan oo aan la tilmaami karin ayuu geeridooda uga tiiraanyooday. Wuxuu aaday guriga Jacfar oo ay ilmo adeero ahaayeen. Guriga waxaa joogay afadiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bint Cumeys oo ku rajo weynayd ninkeedii oo nabad qaba inuu ku soo laabto gurigiisa iyo reerkiisa. Diyaargarow fiican ayay arrinkaa ugu talogashay, cunto macaan iyo caruurtii oo ay u qubaysay oo ay qurxisay si ay si wadajir ah ay ugu qaabilaan aabahoodii ay sida daran u jeclaayeen.

Tiiraanyadii Qoyska Jacfar:

Asmaa oo dareenkeeda maalintaas cabbiraysa ayaa waxay tiri “markii uu noo yimid Rasuulka (scw) waxaan wejigiisa qiimaha badnaa ka aqristay murugo weyn, waxaa naftaydii gashay cabsi, hase ahaatee ma aanan jeclaysan inaan weydiiyo su’aalo ku saabsan arrinta ninkayga Jacfar, cabsi awgeed aan ka qabo inaan maqlo war aan i farax gelin. Rasuulka (scw) wuu na salaamay, wuxuuna intaa kadib igu yiri waxaad iigu yeertaa caruurta Jacfar, waana u yeeray. Caruurtii oo faraxsan ayaa xagga Rasuulka (scw) ku soo cararay, mid walba oo caruurta ka mid ah wuxuu doonayay inuu ku dhago ama qabsado jirka Rasuulka (scw). Dhinaca kale, Rasuulka (scw) isna wuxuu ku soo foorarsaday caruurtii, isagoo dhunkanaya isla mar ahaantaasna ay indhihiisii sharafta badnaa ay ilmeenayaan. ,p. Waxaan ku iri –hooyaday iyo aabahay ha lagugu furtee- maxaad la oonaysaa?? Ma Jacfar iyo labadiisii saaxiib ayaa dhibaato soo gaartay?. Wuxuu Rasuulka (scw) “HAA.., oo maanta ayay shahiideen”. Markay hadalkaasi uu yiriba waxay farxaddii iyo muusoodkii isu baddashay naxdin iyo walbahaar. Caruurtii yaraa ee faraxsanaa markay maqleen oohinta hooyadood waxaa ka soo haray degganaansho lagu hareeyay tiiraanyo daran.

Ducada Rasuulka (scw) ee Jacfar:

Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuu iska tagay isagoo iska masaxaya ilmadii buuxisay labadiisii indhood, wuxuuna lahaa waqtigaas iyada ah hadallo macnihiisu ahaa “Allahayoow waxaad Jacfar (qoyskan) ugu baddashaa wax khayr badan, Allahayow qoyska Jacfar baddal wanaagsan sii”, kadibna wuxuu yiri “waxaan Jannada ku arkay Jacfar oo leh labo garbood oo dhiig leh..”. Haa, Allaah (sw) waa mudan yahay inuu ku abaaliyo Jacfar darajadaas qiimaha badan, waxaana halkaas ku dhammaatay sheekadii Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Binu Abii Dhaalib oo aan Allaah uga baryayno inuu u naxariisto, kana raalli noqdo aamiin aamiin aamiin.

Su'aalo ku saabsan Saxaabigan ka akhri halkan...


29- MAHAD NAQ - Kor u noqo

MAHAD NAQ

Ugu horayn waxay bahda SomaliTalk u mahad naqayaan Allaha awooda sare leh ee xaqa lagu caabudo ee suurta gal nooga dhigay in aan casharadan saxaabada rasuulka ku saabsan idiin soo tebino, casharadan in aad shabakada Internetka kala socotaan ama ka akhrisataan waxay ka ahaatay awooda Allah. Allah ayaan ka baryeynaa in Rasuulkeena Muxamed (nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) uu gaarsiiyo meeqaanka sharafta leh ee uu u yaboohday, saxaabada rasuulkana dhammaantood u naxariisto, intii casharadan hirgelintooda ka qayb qaadatayna uu ajar iyo xasanaad ka siiyo.

Intaas ka dib, waxaan mahad u jeedineynaa dhammaan akhristayaasha sida joogtada ah u akhrista casharadan iyo kuwa inta ay akhristaan dad kale uga sii faa'iideeya.

Waxaan qoraalo joogto ah ka helaa akhristayaasha oo nooga mahad celinaya casharadan, si caam ah ayaa ugu mahad celineynaa dhammaan intii qoraalada noosoo diray iyo qof kasta oo caharadan ka faa'iideystaba. Waxaana mar kale si gaar ah ugu mahad celineynaa akhristayaashaas oo had iyo jeer qorayaasha ku dhiirigeliya inay siiwaan casharada siirada Rasuulka (scw), Habnololeedkii saxaabada rasuulka, Ahmiyada salaada iyo qaybaha kale ee diinta Islaamka . Mahadsaidin dhammaan.

Ugu dambayn waxaan mar kasta soo dhoweyneynaa talooyinkiina, waxaana gacmo furan kusoo dhoweyneynaa qof kasta oo aqoon u leh cilmiyada anfacaya bulshada in ay kusoo bandhigi karaan SomaliTalk.com insha Allah.

Hadana dib ugu laabo casharada saxaabada rasuulka..

Mahadsanidin.

Ibraahim Saalax | Odense | Denmark &
Maxamed Cali | Minneapolis| MN | USA
SomaliTalk.com | Daabacaad: April 1, 2004