U diyaar garowga geerida:-

1- Labaaleyda: -

1p07

Ma jiraan wax ka wanaagsan labo sifo:

- ilaahey oo la rumeeyo
- iyo muslimiinta oo wax lo taro,

mana jiraan wax sifo ka xun:

- ilaahey oo waxa uu keligiis xaq u leeyahay cid kale lala wadaajiyo
- iyo muslimiinta oo la dhibo.

2p08

- Ruuxii qabri gala sahay la'aan wuxuu la mid yahay sidii isaga oo doon la'aan badda fuulay.

03

- Adduunyada waxaa lagugu ciseeyaa maalka,
- aakhirana camalka suubban.

4p09

- Hammi adduunyo waa mugdiga qalbiga,
- hammi aakhirana waa nuurka qalbiga.

5p10

- Ruuxii cilmi ku raad jooga, janno ayaa ku raad joogta,
- ruuxii macsi ku raad jogana, naar ayaa ku raad joogta.

06

- Ruux fiicani alle ma caasiyo,
- ruux xikmad lehna adduunyo kama doorto aakhiro.

7p11

- Ruux raasumaalkiisu noqdo alle ka cabsi, carrabayada ayaa ka caajisa tilmaamidda ribixiisa,
- ruuxii raasumaalkiisu noqdo adduunyana, carrabyada ayaa ka caajisa tilmaamidda khasaaraha.

08

- Dembi kasta ee ka yimaada shahwo rajo ayaa dembi dhaafkeeda laga qabaa,
- dembi kasta ee kibir ka yimaadase, rajo lagama qabo dembi dhaafkeeda,
waayo

- dembigii ibliis galay kibir buu ka yimid,
- simbiriirixii nabi aadamse cs, shahwo (waxa naftu jeceshahay) ayuu ka timid.

09p12

- Ruuxii dembi gala isaga oo qoslaya, isaga oo ooyaya ayuu ilaahey naarta geliyaa,
- ruuxiise ilaahay addeeca isaga oo ooyayana, isaga oo qoslayuu ilaahay jannada geliyaa.

10

- Ha fududeysanin dembiyada yaryar waayo dembiyada waaweyni waxay ka dhex dhashaan dembiyada yaryar.

11

- Dembi kama weyna dembi kibir lagu sameeyey, - dembina kama yara dembi tawbad keen fiican lagu xijiyey.

12

Waxaa la yiri:

- Go'aanka qofka allihiis dhab u aqooday waa shukri iyo u mahad celin alle,
- Go'aanka qofka adduunyada ku nacay qiimo darrideedana waa duco iyo alle bari,

- waayo qofka alle dhab u aqoonsaday alluu toos u abbaaraa,
- qofkase adduunyo dhab u aqoonsadayse naftiisa keliya ayuu kala cararaa.

13

- Ruuxa mooda in cid ilaahiis uga naxariis badani jirto waxaa yar aqoonta uu allihiis u leeyahay,
- qofka mooda in wax naftiisa uga cadawsani jiraan waxaa yar aqoonta uu naftiisa u leeyahay.

14

Aayadda: Fasaadku wuxuu bad iyo berri ugu faafay sabab uu bini aadanku leeyahay, waxaa la yiri

- Berriga la sheegayo waa carrabka,
- badduna waa qalbiga,

- marka uu carrabku fasaado waxaa ku ooya nafafka,
- markuu qalbigu fasaadana malaa'iktaa ku oysa.

15p13

Waxaa la yiri:

- Shahwo raacu boqorrada ayey addoommo ka dhigtaa,
- samirkuna addoomada ayuu boqorro ka dhigaa,

miyaadan arag qisadii Nabi Yuusuf cs iyo Sulaykha?.

16

Waxaa kale oo la yiri: Alla nasiib badanaa jannuu galay:

- ruuxa uu caqligiisu hoggaamiyo hawadiisana u xabbisnaato,
- Naarna waxa galay ruuxa hawadiisu hoggaamiso caqligiisuna u xabbisnaado.

17

waxa la yiri:

- Ruuxii ka taga dembiyada qalbigiisa ayaa fududaada,
- ruuxii xaaraanta ka taga ee xalaasha cunana fikirkiisa ayaa saafi noqda,

waxana la sheegay in uu ambiyadiisii qaar ka mid ah ilaahey u waxyooday:

- igu addeec wixii aan ku amro,
- hana igu caasinin wixii aan kaa waaniyo.

18p14

Waxa la yiri:

- Caqliga kaamilnimadiisu waa raacitaanka wixii alla weyne raalli geliya,
- iyo ka fogaanshana wixii alle weyne ka caraysiiya.

19

Waxa la yiri:

- Ruux fiicani meeshii uu tagaba marti kama noqdo,
- ruuxa xumina xataa halkuu ku dhashay waddani kuma noqdo.

20

- Ruuxa daacadda ugu dhawaada ilaahey dadka ayuu ka martiyoobaa.

21

- Sida jirku inuu noolyahay dhaqdhaqaaqiisa loogu garto,
- ayaa aqoonta allena dhaqdhaqaaqa daacada loogu gartaa.

22

.

- Dembi oo dhan asalkiisu waa adduunyo jacayl,
- asalka fitno oo dhamina waa xiriirinta rixinka iyo bixinta zakada oo la diido.

23

Waxa la yiri: CCCCCCCCCC

24

Waxa la yiri: nicmada alle oo la qariyo waa shallayto, la saaxibidda ruuxa doqonka ahina waa nasiib darro.

25p15

Gabayaa ayaa yiri:

- Ruuxa adduunyo dhex dabaashee, hawa badniyi sirtayow,
- ama gaflo iyo maahsani ku sugan, ilaa ay ajashiisu uga soo dhawaatow,
- geeridu kedis bay ku imaanee, qabriguna waa santuuqa camalka,
- u sabar dhibaatada adduunyo, ajashaada horteed dhiman mayside.

2- Saddexleyda: -

26p16

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri:-

- Ruuxa isaga oo nolol xumo ka cabanaya waagu u beryo wuxuu la mid yahay isaga oo rabbigiis ka cabanaya,
- Ruuxa waagu u beryo isaga oo arrimo adduunyo u murugaysanna wuxuu waagu u beyey isaga oo ilaahiis u caraysan,
- ruuxa ruux hantiile ah hantidiisa darteed isugu jilciyq, 3 meelood, 2 meel oo diintiisa ah ayaa deysay.

27

Saddex shey saddex kuguma sii daa-imaan:

- Hantiyu taajirnimo kuguma sii hayso,
- xinnaysina shaabnimo kuguma sii hayo,
- daawona caafimaad kuguma sii hayso.

28p17

- Wanaag isku jeclaysiinta dadku waa caqliga barkiis,
- su'aal wanaagguna waa cilmiga barkiis,
- maamul wanaagguna waa nolosha barkeed.

29

- Ruuxa adduunyo isaga taga (naca) ilaahey baa jeclaada,
- ruuxa dembiyada isaga tagana malaa'iktaa jeclaata,
- ruuxa damaciisa muslimiinta ka xakameeyana muslimiita ayaa jeclaata.

30

- Nicmo adduunyo islaamka ayaa kuugu fiican,
- wax aad ku mashquushana daacadda alle ayaa kuugu fiican,
- wax aad ku cibro qaadatana geerida ayaa kuugu fiican.

31-

- Badanaa inta nicmo loogu seeto dheereeynayo,
- badanaase inta wanaag lugu fitnaynayo,
- badanaase inta ceebteeda oo loo asturay ku sirmaysa.

32p18-

Waxa la sheegay in zabuur dhexdeedalugu waxyooday, in qofka caaqilka ah laga rabo in uusan ku mashquulin wax aan ahayn 3 dan arrimood:

- U sahay qaadashada geerida,
- raadinta wax uu ku noolaado
- iyo raadinta macaan xalaal ah.

32

Waxa la yiri abuu hurayra wuxuu yiri:

3 waa badbaadiso, 3 waa halaagto, 3 waa darajooyin, 3 na waa dembi-dhaaf:

3 da badbaadiso waa:

- alle weyne oo looga cabsado muuqaal iyo qarsoodiba,
- wanaagga oo aad abbaarto abaar iyo aaranba,
- iyo in aad ruux caaddil ah noqoto caro iyo farxadba.

3 da halaagto na waa:

- bakhaylnimo xun,
- hawadaada oo aad raacdo,
- iyo naftaada oo ku cajabisa.

3 da darajooyinna waa:

- salaanta oo aad badiso ama nabadda oo aad daaha ka qaaddo,
- baahane aad quudiso
- iyo dadku markii ay habeenkii hurdayaan oo aad tukato.

3 da dembi-dhaaf na waa:

- Xilliga qaboobaha oo aad weysada ku xeel dheeraato,
- gommodahaaga oo aad jamaca salaadda ugu saan-qaaddo
- iyo salaadda oo salaad kale ku sugato.

33p19

Jibriil cs wuxuu yiri: Muxammadow scw:

- Noolow intii aad doonto e mayd baan noqon,
- jeclowna wixii aad doonto e mar un baad ka tegi,
- wixii aad doontana camal falo e waa lagaa abaal marin.

34

Waxa la sheegay in 3 ruux ilaahay uu harsiin doono hooska carshigiisa maalin aan hooskiisa mooyee hoos kale jirin:

- Ruuxa waqtiyada la dhibsado weyso qaba,
- masaajiddana aada waqtiyada mugdiga,
- iyo qofka ruuxa gaajaysan quudiya.

35p20

Waxa la sheegay in nabi ibraahim cs lagu yiri: muxuu ilaahay kaaga dhigtay saaxiibkiis(ma ahan keenna oo akle) ee uu yiri 3 shey dartood:

- Amarka alle ayaan amar kasta oo kale ka doortay,
- kam welwelin wax uu alle ii dammaanad qaaday,
- ma cashayn oo ma qadeyn marti la'aanteed.

35

Waxa la yiri: 3 shey culayska ayey kaa qaadaan:

- Xuska alle sw,
- la kulanka awliyada alle,
- iyo hadalka dadka xikmadda leh.

36

Xasanul Basri wuxuu yiri baa la yiri:

- Qofkii aan edeb lahayni cilmi ma leh,
- ruuxa aan samir lahayni diin ma leh,
- ruuxa aan xalaal quute ahaynna wax la dhawaysto ma leh.

37

Waxa la weriyey in Nin reer banii israa'iil ahaa u baxay safar uu cilmi ku doonanayey, warkii ayaa gaaray Nabigii berigaas joogey, kaddibna u yeeray ninkii, wuxuuna ku yiri: Wiilow, waxa aan kugu waaninayaa 3 sifo oo ay ku jirto cilmigii dadkii hore iyo cilmiga dadka dambe:

- Ilaahay ka cabso qarsoodi iyo muuqaalba,
- Carrabkaaga khalkhiga ka cesho hana uga sheegin wax aan wanaag ahayn,
- iskana eeg rootiga aad cunayso ilaa aad xalaal keliya quudato,

halkaas ayuuna wiilkii safarkii uu u bixi lahaa uga joogsaday.

38p21

Waxa la weriyey in Nin reer banii israa'iil ahaa uu aruuriyey 80 sanduuq oo cilmi ah, waxse uusan u tarin cilmigiisii, kaddib waxa la yiri ilaahey baa u waxyoodey nabigii berigaas joogey, oo ku yiri ku dheh ninkaas, haddii aad aruurisid cilmi fara badan waxba kuma tarayo ilaa aad ka samayso 3 shey:

- Ha jeclaanin adduunyo guri mu'miniin ma ahane,

- Ha la saaxiibin shaydaan, saaxib mu'min ma ahane,

- qofnana ah dhibin, xirfad mu'min ma ahane.

39p22

waxa la yiri Sulaymaanu daaraani ayaa tahajudkiisii habeenkii ku yiri: Ilaahooooow!,:

- haddii aad dembigayga igu soo oogto, cafwigaaga ayaan kugu baryaa in aad cafisid,
- haddii aad bakhaylnimadayda igu eedayso, waxan kugu baryaa qaninimadaada,
- haddii aad naartaada i geysana (allow naga badbaadi), ahlu naarka waxan u sheegayaa in aan ku jeclahay.

40

Waxa la yiri dad waxaa ugu nasiib badan ruuxii leh:-

- qalbi wax og,
- jir sabra,
- iyo qanaacad waxa gaantiisa ku jira.

41

Ibrahimu nukhaci waxa la sheegay inuu yiri, Dadkii idinka horreeyey waxay ku halaagsameen 3 arrimood:

- Hadalka siyaadada ah,
- cuntada siyaadada ah
- iyo hurdada siyaadada ah.

42p23

Yaxye mucaad raaziyi waxa laga sheegay in uu yiri: Waxa nasiib leh Ruuxii adduunyo ka tegey intii aysan ka tegin, oo qabrigiisa sii dhistay intii uusan gelin, oo rabbigi raalli geliyey intii uusan la kulmin.

43

Seyd cali wuxuu yiri baa la yiri Ruuxii aan haysan sunnada alle iyo sunnada rasuulkiisa iyo sunnada awliyadiisa waxba gacanta uguma jiraan, waxa la weydiiyey waxa ay kala yihiin saddexdaas sunno, wuxuu yiri:

- Sunnada alle waa sirta oo la qariyo,
- unnada rasuulka alle, waa kala agaasinka dadka,
- Sunnada awliyada alle, waa dhibka dadka oo wanaag loo fasirto.

44

- Ruuxa aakhiradiisa u shaqeeya, ilaahey baa ka kaafiya amuraha adduunkiisa iyo aakhiradiisa,

- Ruuxa arrimihiisa qarsoon wanaajiya, ilaahey baa arrimihiisa muuqda wanaajiya,

- Ruuxa waxa ilaahey ka rabo wanaajiya, ilaahey baa waxa dadka kala dhexeeya wanaajiya.

45

Seyd calina rc waxa laga sheegay inuu yiri:

- Noqo alle xaggiisa kan dadka ugu wanaagsan,
- naftaada xaggeedana kan dadka ugu shar badan noqo,
- dadka xaggiisana noqo qof iyaga ka mid ah.

46p24

Cuzayr baa la yiri ilaahey baa u waxyooday oo ku yiri Cuzayrow:

- haddii aad dembi yar samayso ha eegin yaraantiisa ee eeg cidda aad dembiga ka gashay,
- haddii aad arzaaq yar heshana ha eegin yaraanteeda ee eeg cidda kugu arzaaqday,
- haddii ay dhibaato kugu dhacdana ha iiga dacwoon khalkhigayga, sida aanan aniguba kaaga dacwoon malaa'iktaydu markii ay xumahaaga sare iigu soo qaaddo.

47

Xaatim al asam waxa la sheegay inuu yiri Maalin kasta ee i soo marta shaydaanku wuxuu i yiraa:

- maxaad cunee?
- maxaad lebbisee ?
- xaggaad degee ?,

waxanna ku iraa:

- waxan cunaa geeri,
- waxanna lebbisanaa Karfan,
- waxanna degaa Qabri.

48p25

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri Qofkii ka baxa hooska macsida ee u baxa cisada daacada:

- waxa ilaahey taajiriyaa maal la'aan,
- wuxuuna gacan siiyaa askeri la'aan,
- wuxuu sharfaa tol la'aan.

49

Suubbanuhu ayaa la yiri maalin buu ku soo baxay asaxaabtiisa oo yiri sideed ku barideen? waxayna yiraahdeen Mu'minnimaan ku barinnay, wuxuuna yiri maxaa caddayn u ah iimaankiinna? waxayna ku jawaabeen:

- Belada ayaan ku sabarnaa,
- nicmadaan ku shukrinaa,
- xukunka allena ku raalli noqonnaa,

markaa ayuu suubbanuhu ku yiri: Rabbiga kacbada ayaan ku dhaartaye mu'miniin baad tihiin.

50

waxa la sheegay in ilaahey u waxyooday qaar ka mid ah ambiyadiisii oo ku yiri:

- Ruuxii ila kulma isaga oo i jecel, jannadayda ayaan geliyaa,
- ruuxii ila kulma isaga oo iga baqayana naartayda ayaan ka fogeeyaa,
- ruuxii ila kulma isaga oo iga xishoonayana malaa'iktii ka soo qortay ayaan dunuubtiisii illowsiiyaa.

51p26

Ibnu mascuud waxa laga sheegay inuu yiri:

- Gud wixii alle kugu farad yeelay waxad noqon ruuxa dadka ugu cibaadada badane,
- wixii alle kaa reebana ka fogow, waxaad noqon ruuxa dadka ugu zaahidsane,
- wixii alle kuu qorayna ku raalli noqo, waxad noqon ruuxa dadka ugu taajirsane.

52

Saalix al marqaddi waxa la sheegay inuu guryo badan oo cidlo ah soo ag maray ee uu yiri:

- aaway dadkaagii hore?,
- aaway kuwii ku cammiri jirey?,
- aawayna kuwii ku degganaan jirey?,

markaa ayaa cid uusan arkayni ku tiri baa la yiri:

- Raadadkoodii way go'een,
- jismiyadoodiina ciidda ayey ku hoos dhammaadeen,
- camalladoodiina luqunyaalkooda ayey suranyihiin.

53

Seyd Cali rc waxa laga sheegay inuu yiri:

- Ka horrey cidda aad doonto adiga ayaa hoggaamiyihiisa ahe,
- tuugsana cidda aad doonto adiga ayaa addoonkiisa ahe,
- kana kaaftoon ciddii aad doonto adiga ayaa waalkiis ahe.

54

Yaxye Mucaad waxa laga sheegay in uu yiri:

- Adduunyada oo kulligeed la qaato waa ka tegidda kulligeed,
- Ruuxii kulligeed ka taga wuxuu qaatay kulligeed,
- ruuxii kulligeed qaatana, wuxuu ka tegey kulligeed,

qaadashadeedu waa ka tegiddeeda, ka tegiddeeduna waa qaadashadeeda.

55p27

Ibraahim al ad-ham waxa laga soo sheegay in lugu yiri: Maxaad zaahidnimada ku heshay, ee uu yiri 3 shey baan ku helay:

- Waxan arkay qabriga oo cidlo ah, oo aanan wehel u wadan,
- waxanna arkay waddo dheer oo aanan sahay u wadan,
- waxanna arkay qaalliga oo jabbaar ah, oo aanan wax gar ah u wadan.

56

Shibli waxa laga sheegay inuu yiri Ilaahoooow!:

- waxan jecelahay in aan xasanaadkayga oo dhan kugu wareejiyo weliba aniga oo baahan oo daciif ah, sidee ayaadan u jeclaanayn in aad dunuubtayda oo dhan iga daadiso weliba adiga oo iga kaaftooma allaheeyow?

wuxuuna yiri:

- haddii aad rabto in aad ilaahay weheshato, ka cidlow naftaada,

waxa kale ee uu yiri:

- haddii aad dhedhemin lahaydeen macaanka alle weheshiga, waxa aad baran lahaydeen qaraarka alle ka cidlowga.

57

Xaamid allafaaf waxa la sheegay in uu nin ku yiri i waani, ee uu ninkii yiri diintaada u samee jaldiga musxafka oo kale, waxana la weydiiyey muxuu yahay jaldiga musxafku, wuxuu yiri waa:

- ka tegidda hadalka intiisa aan muhiimka ahayn,
- ka tegidda adduunyada inteeda aan muhiimka ahayn,
- iyo ka tegeidda dhex galka dadka intiisa aan muhiimka ahayn,

kaddibna ogow in asalka zuhdigu yahay:

- maxaarimta oo aad keeda yar iyo keeda weynba ka tagto,
- gudashada faraa'isha oo dhan keeda fudud iyo keeda culusba,
- iyo adduunyada oo aad ehelkeeda u dhaafto, inteeda yar iyo inteeda badanba.

58

Luqmaanul xakiim waxa la sheegay inuu wiilkiisa ku yiri: Wiilkaygow qofku waa saddex qaybood, qayb ilaahay baa iska leh, qaybna naftiisa ayaa iska leh, qaybna aboor ayaa iska leh:

- qaybta uu ilaahey leeyahay waa ruuxa qofka,
- qaybta uu qofku leeyahay waa camalkiisa,
- qaybta uu aboorku leeyahayna waa jirkiisa.

58p30

Seyd Cali rc waxa la sheegay inuu yiri: 3 waxyaabood waxay kordhiyaan xifdinta (xusuusta), waxayna saaraan balqamka, waana:

- Cadayga,
- Soonka,
- iyo qur'aan aqriska.

59

Kacab al axbaar waxa la sheegay inuu yiri Difaaca mu'miniintu waa 3:

- Masjidka alle,
- xuska alle,
- iyo aqriska alle.

60p31-

Nin xakiim ah ayaa yiri baa la yiri 3 waxay ka mid yihiin khasnadaha eebbe, allena ma siiyo cid uusan jeclaan:

- Faqriga,
- Buktada,
- iyo Samirka.

61

ibnu cabbaas waxa la sheegay in la yiri:

- Maalmaha maalintee u fiican?,
- bilaha bishee u fiican,
- acmaashana camalkee u fiican?

wuxuuna yiri baa la yiri

- Maalmaha Jimco ayaa u fiican,
- Bilahana Ramadaan ayaa u fiican,
- Acmaashana 5 ta salaadood oo waqtigooda la tukado ayaa u fiican.

3 maalmood kaddib ayaa waxaa la yiri Seyd Cali baa maqlay warkaas, wuxuuna yiri baa la yiri:

haddii culummada iyo xikmadlayaasha iyo fuqahada la weydiiyo mashqrib iyo maqrib kuma ay jawaabeen sidaas, aniguse waxan leeyahay:

- Acmaal waxa u fiican tii alle kaa aqbalo,

- Bilahana waxa u fiican tii aad tawbad lagaa aqbalay tawbad keento,
- Maalmahana waxa u fiican tii aad adduunyo ka baxdo adiga oo mu'min ah.

62p32

Gabyaa ayaa yiri:

- Miyaadan arkayn sida ay labada cusubi (habeenka & maalinta) u duqoobayaan, annaguna iska ciyaarayno kor iyo hoosba,
- ha ku sirmin adduunyo iyo nicmadeeda, waddammadeedu waddammo ma ahee,
- una shaqee naftaada geerida horteed, oo yeynan ku sirin walaalaha iyo saaxiibbadan faraha badan,

63

Waxa kale oo la yiri hadduu ilaahey addoon khayr la doono:

- diinta ayuu fahamsiiyaa,
- adduunyaduuna nacsiiyaa,
- ceebaha naftiisuuna tusaa.

64

Waxa la sheegay in suubbaunu csw yiri 3 baa Adduunyadiinna la iga jeclaysiiyey:

- Carafta,
- dumarka,
- iyo salaadda oo la iiga dhigay raaxada indhahayga.

waxaa suubbanaha markaa la fadhiyey baa la yiri asaxaabtiisa, Seyd Abuubakar rc ayaa isna yiri: run baad sheegtay rasuulkii allow, anna 3 ayaa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Daawashada wejiga rasuulka alle,
- hantidayda oo aan rasuulka alle ku bixiyo,
- iyo in ay gabadhaydu rasuulka alle la joogto,

Seyd Cumar rc ayaa isna yiri run baad sheegtay Abuu bakarow, anna 3 baa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Khayrka oo aan faro,
- xumaanta oo aan reebo,
- iyo maro duugowday.

Seyd Cusmaan rc ayaa isna yiri run baad sheegtay Cumarow, anna 3 baa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Dherjina baahanaha,
- arrad tirka ruuxa qaawan
- iyo aqrinta Qur'aanka,

Seyd Cali rc baa isna yiri run baad sheegtay Cusmaanow, anna 3 baa adduunyo la iga jeclaysiiyey:

- Sooridda martida,
- Soonka kulaylaha,
- iyo seefta jihaadka.

iyadoo arrinku halkaas marayo, ayaa waxaa la yiri waxaa yimid Malakul Jibriil cs, wuxuuna yiri ilaahay baa i soo diray markuu maqlay hadalladiinnii, wuxuuna ku amray in aad i weydiiso (rasuulkii allow), haddii aan reer adduunyo ahaan lahaa wixii aan jeclaan lahaa, markaa ayuu (suubbanuhu) yiri maxaad jeclaan lahayd haddii aad reer adduunyo ahaan lahayd?, Jibriil cs wuxuu ku jawaabay 3 dan:

- In aan hanuuniyo kuwa baadiyeysan,
- in aan wehliyo mu'miniinta cidlaysan,
- iyo in aan u kaalmeeyo saaxibul ciyaalka faqiirka ah.

markaa ayuu Malakul Jibriil cs sii raaciyey Rabbul Cizza wuxuu addoommadiisa ku jecelyahay 3 sifo:

- Inta ay karaan oo ay quuraan,(wuxuusan karin luguma kallifin),
- markii ay shallaayaan in ay hooyaan (tawbad keenayaan),
- iyo in ay ku sabraan dhibka adduunyo. (nimco ayaa ka dambaysee). 65p34

Ruux Xikmad badan ayaa yiri:

- Ruuxii caqligiisa isku halleeya wuu lumaa.
- Ruuxii hantidiisa isku weyneeyana wuu yaraadaa.
- Ruuxii Makhluuq isku ciseeyana wuu dulloobaa.

66

Mar kale ruux xikmad badan ayaa yiri Miraha fahmidda diinta waxaa lugu gartaa 3 calaamo:

- Alle ka xishoodka,
- Alle jacaylka,
- iyo alle weheshiga.

67

. Suubbana ayaa yiri baa la yiri:

- Diin jacaylku waa tiirka aqoonta,
- dhawrsaniduna waa calaamadda yaqiinta,
- Madaxa ama fiinta yaqiintuna waa taqwo iyo qaddarka alle oo lagu raalli noqdo.

68p35

Sufyaan bin cuyayna rc ayaa yiri baa la yiri:

- Ruuxii alle jeclaada, ruuxii alle jecelyhuu jeclaadaa,
- Ruuxii, ruuxa alle jecelyahay jeclaadana, wixii alle wax ku jecladuu jeclaadaa,
- Ruuxii waxa alle wax ku jeclaado jeclaadana, in aan dadku aqoon buu jeclaadaa.

69

Suubbanaha waxa la ga sheegay in uu yiri: jacaylka runta ah 3 calaamo ayaa lugu gartaa:

- In uu ruuxa uu jecelyahay hadalkiisa ka jeclaado hadallada kale,
- in uu ruuxa uu jecelyahay halka uu fadhiyo ka jeclaado fadhiyada kale,
- iyo in uu ruuxa uu jecelyahay raalligelintiisa ka jeclaado raalli gelin kale.

70

Wahab munabbih rc waxa laga sheegay in uu yiri Waxaa Tawreed ku qornayd:-

- Ruuxa adduunyada jeceli waa faqiir hadduu doono hantiilaha dunida ha ahaadee,
- Ruuxa alle addeecana waa la wada addeecaa hadduu doono addoon ha ahaadee,
- Ruuxa wuxuu alle siiyey ku qanacsanna waa taajir hadduu doono ha gaajeysnaadee. 71p36

Ruux xikmadan ayaa yiri:

- Ruuxa alle dhab u aqoonsada, khalkhigu wax dhedhen ah uma leh,
- ruuxa adduunyo dhab u aqoonsadana wax damac ah kama galo,
- ruuxa caddaaladda alle dhab u aqoonsadana, cidda dulmisa waxaba uma uma arko.

72

Dinnuunayn al masri waxa la sheegay inuu yiri:

- Cabsade kastaa wuu cararaa,
- doone kastaana wuu dalbaa,
- alle weheshade kastana naftiisuu cidleeyaa.

Waxa kale oo uu yiri ruuxa alle dhab u aqoonsaday:

- waa maxbuus,
- araggiisuna wuu dheeryahay,
- camalkiisuna wuu badanyahay.

Waxa kale oo uu yiri:

- Ruuxa alle dhab u aqoonsaday waa ballan oofiye, qalbigiisuna waa fuurbo, camalkiisuna waa nadiif.

73p37

Sulaymaan al-daaraaniyyi waxa la sheegay inuu yiri:

- Tiirka khayr oo dhan adduun iyo aakhiraba waa alle ka cabsi,
- furaha adduunyana waa dheregta,
- furaha aakhirana waa gaajo.

74

Waxa kale oo la yiri Cibaadadu waa xirfad:

- dukankeedu waa khalwo,
- raasumaalkeedu waa alle kacabsi,
- ribixeeduna waa janno.

75

Maalik Ibnu diinaar waxa laga sheegay inu yiri: Si aad muuminiinta uga mid noqoto saddex, saddex ku wanaaji:

- Kibirka tawaaduc ku hagaaji,
- hawo badnida qaneeco ku wanaaji,
- xaasidnimana waano ku wanaaji.

3- Afarreyda: -

76p38

Suubbana csw waxa la sheegay in uu abaadar rc ku yiri:

- Abaa daroow! Doonta cusboonaysii, baddu way gun dheertahee,
- sahaydana si buuxda u qaado, safarku wuu dheeryahee,
- culayskana fududee, jiirta la fuulayo way adagtahee,
- camalkaagana ikhlaas (nadiif) ka dhig, dembi baaruhu wuu arag badanyahaye.

77p39

Gabyaana wuxuu yiri:

- Waa waajib dadku in ay tawbad keenaan, dembi ka tegiddaase ka sii waajibsan.
- u sabridda masiibooyinkuna way adagtahay, khayrka ku dhaafayaase ka sii adag.
- waqtiga is rog-roggisuna yaab buu leeyahay, maahsanaida dadkaase ka sii yaab badan.
- wax kasta oo imaanaya way dhawyihiin, geeridaase ka sii dhawaan badan.

78

Ruux xikmad badnaa ayaa yiri: Afar way wanaagsantahay afar baase ka sii wanaagsan:

- Ragga xishoodku wuu ku wanaagsanyahay, dumarkuuse uga sii wanaag badanyahay.
- Caddaaladdu qof kasta way ku wanaagsantahay, madaxda ayeyse uga sii wanaag badantahay.
- Tawbaddu shaybka way ku wanaagsantahay, shabaabkayse uga sii wanaag badantahay.
- Deeqsinnimadu taajiriinta way ku wanaagsantahay, fuqaradayse uga sii wanaag badantahay.

79p40

Ruux kale oo xikmad badnaana wuxuu yiri: Afar way fool xuntahay, afar baase ka sii foolxumo badan:

- Dembigu shabaabka waa ku foolxumo, shaybabkuuse uga sii foolxumo badanyahay.
- adduunyo lugu mashquulo jaahilka waa ku foolxumo, caalimkaase uga sii foolxumo badan.
- caajiska cibaadadu dadka dhan way ku foolxuntahay, culummada iyo ardaydaase uga sii foolxumo badan.
- Kibirku hantiileyaasha wuu ku foolxunyahay, fuqaradaase uga sii foolxumo badan.

80

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri:

- Xiddiguhu ahlu samada waa ku ammaano, haddii ay daataan xukunku wuxuu ku dhacaa ahlu samada,
- Ahlu baytkayguna ummaddayda waa ku ammaano, hadduu suulana ummadayduu xukunku ku dhacaa,
- aniguna asaxaabteyda ammaano ayaan ku ahay, markaan tagona asaxaabtayduu xukunku ku dhacaa,
- Buuruhuna ahlul ardaha waa ku ammaano, markay tagaanna ahlul arladuu xukunku ku dhacaa.

81

Seyd abuubakar rc ayaa la sheegay in uu yiri: afar, afar ayey ku buuxsamaan;-

- Labada sujuudu sahwi salaadda ayey taam yeelaan.
- Sadaqatul fidriguna soonka ayey taam yeeshaa.
- Fidyaduna xajka ayey taam yeeshaa.
- Jihaadkuna iimaanka ayuu taam yeelaa.

82p41

C/Laahi Bin Mubaarak wuxuu yiri baa la yiri:-

- Ruuxii maalin walba tukada 12 rakco wuxuu gutay xaqii salaadda.
- Ruuxii bil walba ka sooma 3 maalmoodna wuxuu gutay xaqii soonka.
- Ruuxii maalin walba 100 aayadood aqriyana, wuxuu gutay xaqii qur'aanka.
- Ruuxii Jimco walba 1 dirham saddaqaystana, wuxuu gutay xaqii saddaqada.

83

Sayid Cumar rc, wuxuu yiri baa la yiri: Baduhu waa 4:-

- Hawadu waa badda dembiyada.
- Naftu waa badda shahawaatka.
- Geeridu waa badda cumriyada.
- Qabriguna waa badda shallaytooyinka.

84

Seyd Cusmaan rc, wuxuu yiri baa la yiri: 4 shey baan ka dhex helay macaanka cibaadada:

- gudashada faaraa-isha ilaahey.
- Ka fogaanshaha waxa ilaahay xaaraantinimeeyey.
- Faridda samaha ee alle darti loola jeedo.
- Reebidda xumaanta, iyadoo carada alle laga baqayo.

85

Waxa kale oo uu sayid cumar yiri baa la yiri: 4 dushoodu waa fadiilo, gudahooduna waa fariiddo:

- Ku dhex jirka saalixiintu waa fadiilo, ku dayashadooduna waa waajib.
- Aqinta qur'aanku waa fadiilo, ku dhaqankiisuna waa waajid.
- Booqashada qabuuruhu waa fadiilo, u diyaar garowgooduna waa waajib.
- Booqashada mariilku waa fadiilo, dardaaran ka qaadkiisuna waa waajib.

86p42

Seyd Cali wuxuu yiri baa la yiri:-

- Ruuxii jannada caashaqa khayraadkuu u degdegaa.
- Ruuxii naarta dhab uga cabsada shahawaatkuu ka joogsadaa.
- Ruuxii geeri yaqiinsada waxba uma dhedhemaan.
- Ruuxii adduunyo dhab u aqoonsada musiibooyinkaa la fududaada.

87

Suubanuhu cs wuxuu yiri baa la yiri:

- Salaaddu waa tiirka diinta, aamus lagu daro bayna ku sii fadli badantahay.
- Sadaqadu carada alle ayey demisaa, aamus lagu daro bayna ku sii fadli badantahay.
- Soon difaac nuu ka yahay naarta, aamus lagu daro ayuuna ku sii fadli badanyahay.
- Jihaadku waa kuruska diinta, aamus lagu daro buuna ku sii fadli badanyahay.

88p43

Waxa la yiri ilaahey baa u waxyooday nabi reer banii israa'iil ka mid ahaa:-

- Baaddilka oo aad ka aamusto waa ii soon.
- Xaaraanta oo aad xubnahaaga ka xafiddana waa ii salaad.
- Baahida khalqiga oo aad ka adkaysatana waa ii saddaqo.
- Muslimiinta oo aad dhibkaaga ka deysana waa ii jihaad.

89

Ibnu mascuud wuxuu yiri baa la yiri:- 4 waxay ka mid tahay mugdiga qalbiga:-

- Calool dheregsan aabayeel la'aan.
- La saaxiibidda daalimiinta.
- Illoobiyadda dembiyadii hore.
- Hawo badni.

4 na waxay ka mid tahay nuurka qalbiga:-

- calool gaajoon xaaraan ka carar awgeed.
- La saaxiibidda saalixiinta.
- Xusuusnaanta dembiyadii hore.
- Damac yari.

90p44

Xaatimil asam rc wuwuu yiri baa la yiri 4 ruuxii sheegta afar la'aanteed sheegashadiisu waa been:

- ruuxii sheegta jacaylka ilaahey, kana harin wuxuu alle ka reebay sheegashadiisu waa been,
- Ruuxii sheegta jacaylka rasuulka, nacana fuqarada iyo masaakiinta sheegashadiisu waa been,
- ruuxii sheegta jacaylka jannada, saddaqana aan la bixin, sheegashadiisu waa been.
- Ruuxii sheegta cabsida naarta, dembiyadana aan deynin, sheegashadiisu waa been.

91

Waxaa la yiri suubanaha ayaa yiri 4 calaamo ayaa lugu gartaa ruuxa ahlu naarka ah:

- Inuu illoobo dembiyaduu hore u galay iyada oo ilaahay agtina ay ka xafidanyihiin,
- Xusuusashada xasanaadkiisii hore iyada oo uusan ogayn in laga aqbalay iyo in lagu soo tuuray,
- Dadka adduunyada haysta oo uu kor u dayo.
- Dadka diinta haysta oo uu hoos u dayo.

markaa ruuxaas ilaahay wuxuu yiraa, waan rabay oo ima uusan rabin, anna waan kategey.

Ruuxa ahlu jannaha ahna waxaa lugu gartaa 4 calaamo;-

- Xusuusashada dunuubtiisii hore,
- illoobidda xasanaadkiisii hore,
- Dadka hantida adduunyo haysta oo uu hoos u dayo,
- Dadka diinta alle haysta oo uu kor u dayo. 92p45

Ruux xikmadle ah ayaa yiri calaamadaha iimaanku waa 4:

- Alla ka cabsi,
- Xishood,
- Shukri,
- Samir.

93

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri hooyooyinka 4 ta ahi waa hooyada dawooyinka, hooyada aadaabta, hooyada cibaadaadka iyo hooyada rajooyinka:

- Hooyada dawooyinku waa cunto yari,
- Hooyada aadaabtu waa hadal yari,
- Hooyada cibaadaadku waa dunuub yari,
- Hooyada hiddidiilooyinku waa samir.

94

Suubbanuhuna wuxuu yiri baa la yiri 4 jawharadood oo ku jira jirka bini-aadamka oo kala ah caqliga, diinta, xishoodka iyo camalka suubban, waxaa jirka ka suuliya 4 shey:

- Caliga waxa suuliya carada,
- Diinta waxa suuliya xaasidnimada,
- Xishoodka waxa suuliya damaca badan,
- Camalka saalixana waxa suuliya xanta.

95

Suubbanaha wuxuu yiri baa la yiri 4 jannada ku jirta ayaa jannada ka khayr badan:

- Ku waaritaanka jannada ayaa jannada ka fiican.
- Khidmada malaa-ikta jannada ayaa jannada ka fiican,
- Derisnimada ambiyada ee jannada ayaa jannada ka fiican,
- Raalli ahaanshaha alle ee jannada ayaa jannada ka fiican.

95p46

ruux xikmad badan ayaa la yiri xalkaaga ka warran, wuxuuna yiri:

- Ilaahey amarki raac baan kula dhaqmaa,
- Naftaydana khilaaf baan kula dhaqmaa,
- khalqigana waano ayaan kula dhaqmaa,
- Adduunyana daruuri baan kula dhaqmaa.

96

Ruux xikmad badan ayaa 4 ta kutub ee samaawiga ah 4 kelmadood ka xushay :

- Tawreed: ruuxii raalli ku noqda wixii alle siiyo, adduun iyo aakhiruu raaxaystay.
- Injiil : Ruuxi shawada dumiya, adduun iyo aakhiruu cisoobaa,
- Zabuur: Ruuxii dadka cibaado uga dhex baxa, adduun iyo akhiruu badbaadaa,
- Furqaan: Ruuxii carrabkiisa dhawra adduun iyo aakhiruu nabad galaa.

97p47

Seyd Cumar rc ayaa yiri baa la yiri, wallaahi in aan weli balaayo la igu imtixaanin illaa 4 nicmadood buu ilaahey igu yeeshay:

- Dunuubteydaa la iiga daadiyey,
- Wax ka weyn baa la iigu beddley,
- Allaa iga raalli noqday,
- Weli ajir baan ku rajaynayaa.

98

C/Laahi bin mubaarak ayaa yiri baa la yiri, nin xakiim ahaa ayaa aruuriyey axaadiith fara badan, wuxuuna ka xushay 40.000 oo xadiith, haddana wuxuu ka sii xushay 4.000 xadiith, haddana 400, haddana 40, haddana wuxuu ka sii xusha 4 kelmadood:

- Wax kasta oo dhaca kalsoonida kuugu dambaysa naag ha siin,
- Wax kasta oo dhaca adduunyo ha ku sirmin,
- Calooshaada ha ku shubin wax aysan karin,
- Ha ka aruusan cilmi wax aan ku anfacayn.

99

Muxammad bin Axmed ayaa yiri baa la yiri aayadda (WASAYIDDAN WAXASUURAN WANABIYAN MINA SAALIXIINA), ilaahey wuxuu Yaxye ugu tilmaamay sayid isaga oo addoonkiisa ah, waayo 4 shey ayuu ka guulaystay:- - Hawada,
- Ibliiska,
- Carrabka,
- Carada.

100p48

Sayid Cali rc wuxuu yiri baa la yiri adduunyada iyo diintuba way taagnaanayaan inta ay 4 shey jiraan:

- Inta aysan hantiilayaashu wixii loogu nicmeeyey ka bakhaylayn,
- Inta ay culummadu wixii ay barteen ku camal falayaan,
- Inta aysan juhaladu waxaysan aqoon ka kibrayn,
- Inta aysan fuqaradu aakhiradooda ku iibsanayn adduunyadooda.

101

Suubbaha ayaa yiri baa la yiri:

Maalinta qiyaamaha markii ay dadku cabaadaan oo qaarba dhibaato ay la cibaadaysan waayeen sheegtaan ayuu ilaahey subxaanau wa tacaalaa 4 nooc oo dadka ka mid ah xujo ku hor dhigayaa 4 ruux oo dhibka ay sheeganayaan mid kabadan qabey, haddana aan ilaahay marna caasiyin:

- Qofkii yiraa ilaahow hantidiii badneed eed i siisay ayaa i wareerisay waxa la hor keenayaa nabi Sulaymaan csw.
- Qofkii yiraa ilaahow waa la i addoonsanayey oo addoon dad baan ahaa waxa la hor keenayaa nabi Yuusuf csw.
- Qofkii yiraa ilaahow buktaan baan ahaa oo sariir baan saarraan jirey waxa la hor keenayaa nabiyullaahi Ayuub csw.
- Qofkii yiraa ilaahow faqri baa i wareeriyey oo quutulyoonka ayaan la dirirayey waxaa la hor keenayaa nabi Ciise csw.

102p49

Sacad bin bilaal ayaa yiri baa la yiri:

Addoonku hadduu dambaabo ilaahey subxaanahu wt wuxuu ku galladaystaa afar xaladood:

- Arsaaqdiisa kama jaro.
- Caafimaadkiisa kama qaato.
- Dembigiisa korkiisa kama muujiyo.
- Ciqaabtiisana kuma soo dedejiyo.

103

Xaatim al asamna wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey qofkii u xawisha 4 meelood jannaduu helaa, waana qofkii:

- Hurdada u xawisha qabriga.
- Faanka u xawisha miisaanka.
- Raaxada u xawisha siraadka.
- Shahwadana u xawisha jannada.

104

Xaamid allafaaf na wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey waxan ka raadinnay 4 meelood, qalad bayna ahayd meeshaan ka raadinnay waxan ka helnay 4 meelood oo kale:

- Dheregta maal baan ka raadinnay, waxanna ka helnay qaneeco.
- Raaxada hanti baan ka raadinnay, waxanna ka helnay hanti yari.
- Macmacaanka nicmo ayaan ka raadinay, waxanna ka helnay jir caafimaad qaba.
- Arzaaqdana dhulka ayaan ka raadinnay, waxanna ka helnay samada.

105

Sayid Cali rc wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey intooda yaru way badantahay:

- Xanuunka.
- Faqriga.
- Naarta.
- Cadaawadda.

106p50

Xaatim al asam wuxuu yiri baa la yiri:

4 shey 4 keliya ayaa taqaan:

- Qiimaha shaabnimada waxa keliya oo yaqaan ruuxii sheybnimo ku sugan.
- Qiimaha nabad qabka waxa keliya oo yaqaan ciddii ay balaayo haysato.
- Qiimaha caafimaadka waxa keliya oo yaqaan ciddii xanuun hayo.
- Qiimaha nolosha waxa keliya oo yaqaan ciddii geeriyu u soo xaadirto.

107

Shaacir abuu Nawaas wuxuu yiri baa la yiri:

- Haddii aan dunuubteyda eego way badantahay
naxariista rabbigey baase ka sii badan

- uma eki ruux camal uu samaysto saalixnimo ku gaaraya
naxariisa alle ayaanse hoos harsanayaa.

- Mawlahaygu waa alle waana kii i abuurtay
isagaanna addoonnimo u qiranayaa dhulkana isu dhigayaa.

- Hadduu ii dembi dhaafo waa raxmaddiisii
haddiise ay sida kale noqoto maxan bal samayn karaa?

108p51

Suubbanaha ayaa yiri baa la yiri maalinta qiyaamaha:

- Miisaanka ayaa la soo dhigayaa markaa waxa la keenayaa ahlu salaat, miisaan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa.
- haddana waxa la keenayaa ahlu soon, miisaan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa.
- haddana waxa la keenayaa ahlul xaj, miisaan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa.

- kaddib waxa la keenayaa ahlul balaa'(musiibo), looma dhigayo miisaan, loomana kala furayo kutubtoodii, xisaab la'aan ayaa ajirkoodii loogu oofinayaa, illaa ajir badnidooda darteed ay dadkii adduunyadii loogu nicmeeyey ka yiraahdaan allow maxan iyaga oo kale u noqon waayey!.

109p52

Ruux xikmad badan ayaa yiri baa la yiri:

Ruux kasta oo ilmo nabi aadam ah waxaa sugaysa sidii wax la boobayo oo kale in ay 4 qolo u kala boobto:

- Ruuxiisa malakul mawt ayaa iska qaadanaya indhiisa oo shanta ah.
- Hantidiisa warasadiisa ayaa iska qaadanaysa indhihiisa oo shanta ah.
- Jirkiisa aboor ayaa iska qaadanaya indhihiisa oo shanta ah.
- Cibaadadiisiina cid uu dembi ka galay ayaa iska qaadanaysa maalinta qiyaama indhihiisa oo dhanta ah.

110

Nin xikmad badanna wuxuu yiri:

- Ruuxii ku mashquula shahawaatka, waa qasab in ay naago lug ku yeeshaan.
- Ruuxii ku mashquula hanti tacbasho, qasab in ay xaaraan soo gasho.
- Ruuxii ku mashquula arrimaha muslimiinta, qasab in uu maamul soo galo.
- Ruuxii ku mashquula cibaado, qasab in uu cilmi soo galo.

111

Sayid Cali rc ayaa yiri baa la yiri camal cabibaado ah 4 baa ugu adag:

- in aad wax cafiso adiga oo caraysan.
- in aad deeqsi noqoto, adiga oo faqiir ah.
- in aad dhawrsato adiga oo naag la kaliyoobay.
- in aad xaqa sheegto adiga oo hor jooga qof aad ka cabsanayso ama wax ka rabto.

112

Zabuur ayaa la sheegay in ilaahey ugu waxyooday nabi daa'uud cs, in aanuu ruuxa caqliga lihi 4 saacadood ka dhex bixi karin:

- saacad rabbigi la koodayo.
- saacad uu naftiisa xisaabinayo.
- saacad uu u sii socdo saaxibbadiisa u sheega ceebihiisa.
- iyo saacad uu isu daayo naftiisa iyo macaankeeda xalaasha ah.

113p53

Ruux xakiim ah ayaa yiri baa la yiri cibaado oo dhami waa 4:

- oofinta ballammada.
- dhawrista xudduudaha.
- ka sabridda ehelkii kaa dhinta.
- iyo ku raalli noqoshaha wixii aad haysato.

4- Shanleyda: -

114p54

.Suubbanaha ayaa yiri bay yiraahdeen ruuxii 5 fududaysta, 5 buu ku wayaa:

- ruuxii fududaysta culummada, diintuu ku waayaa.
- ruuxii fududaysta madaxda, adduunyaduu ku waayaa.
- ruuxii fududaysta deriska, manaafic buu ku waayaa.
- ruuxii fududaysta marwadiisa, nolol wanaagsan buu ku waayaa.

115

.Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen, ummaddayda waxaa ku imaanaya zaman ama waqti ay 5 jeclaanayaan, shanna illoobayaan:

- Waxay jeclaanayaan adduunyada, waxayna illoobayaan khaatumada.
- waxay jeclaanayaan daaraha, waxayna illoobayaa qubuuraha.
- waxay jeclaanayaan maalka, waxayna illoobayaan xisaabta.
- waxay jeclaanayaan ubadka, waxayna illoobayaan xaqa.
- waxay jeclaanayaan nafta, waxayna illoobayaan ilaahey.

Bari' bay iga yihiin, bari' baanna ka ahay.

116p55

.Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen,ilaahey 5 ma siiyo qofna, illaa wuxuu u diyaariyaa 5 kale:

- ma siiyo shukuri celin illaa wuxuu u diyaariyaa siyaado.
- ma siiyo duco illaa wuxuu u diyaariyaa ijaabo ama ka aqbalid.
- ma siiyo istigfaar illaa wuxuu u diyaariyaa dembi dhaaf.
- ma siiyo tawbad keen illaa wuxuu u diyaariyaa aqbal.
- ma siiyo saddaqo bixin illaa wuxuu u diyaariyaa ka guddoon.

117

Sayid abuubakar rc ayaa yiri baa la yiri mugdiyadu waa 5, waxana ifiya 5 kale:

- waa mugdi adduunyo jacayl, waxana ifiya taqwo.
- waa mugdi dembigu, waxana ifiya tawbad keen.
- waa mugdi qabrigu, waxana ifiya tawxiidka.
- waa mugdi aakhiro, waxana ifiya camaal saalix ah.
- waa mugdi siraadku, waxana ifiya yaqiin hore.

118p56

Sayid Cumar rc wuxuu yiri baa la yiri haddii aanan gayb sheegasho (waxa maqan) ka cabsayn, 5 qof in ay ahlu janno yihiin baan uga marqaati furi lahaa:

- saaxibul ciyaalka faqiirka ah.
- zawjada ninkeedu ka raalli yahay.
- zawjada meherkeedi ninkeeda oo aan haysan ku saddaqaysatay.
- ruuxa labadiisa waalid ka raalli yihiin.
- iyo ruuxa dembi oo dhan ka tawbad keenay.

119

Sayid Cusmaan rc wuxuu yiri baa la yiri 5 arrimood ayaa mutaqiinta lagu gartaa:

- inuusan la fariisan cid aan diintiisu ku islaaxayn kana badiyo ama ka raayo carrabka iyo farjiga.
- haddii ay nimco adduunyo soo gasho, wuxuu u arkaa dhibaato soo gashay.
- haddii uu wax yar diinta ka helo, wuu ka qaniimaystaa.
- calooshiisa xalaal kama buuxiyo, isaga oo xaaraan iska ilaalinaya darteed.
- dadka dhan wuxuu u arkaa inay aakhiradoodii badbaadsadeen, isna halaagsamay.

120

Seyd Caliu rc wuxuu yiri baa la yiri haddii aanay 5 arrimood jirin, dadka dhan saalixiin bay ahaan lahaayeen:

- Jaahilnimo lagu qanacsanyahay oo aan la dareemayn.
- Adduunyo jacayl.
- hantida siyaadada ah oo lala bakhaylo.
- cibaadada is tustuska ah.
- isla toosniada (qummanaha qoorta ku jira).

121p57

.culummadu waxay isku raacday baa la yiri in ilaahey suubbanaha ku karaameeyey 5 sifo oo ah..

122p58

Ibnu camr ibnul caas wuxuu yiri baa la yiri 5 ruuxii laga helo wuu liibaanay adduun iyo aakhiro:

- Waqtiba waqtiga uu ku xigu wuxuu yiraa LAA ILAAHA ILLALLAAHU MUXAMMADDA ....
- markii dhib ku dhaco wuxuu yiraa INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN WALAA XAW..
- haddii loo nicmeeyo wuxuu yiraa ALXAMDU LILLAAHI RABBIL CAALAMIIN ....
- hadduu hawl (aan xumayn) billaabayo wuxuu yiraa BISMILLAAHI R. RAXIIM.
- hadduu dembi ka dhaco wuxuu yiraa ASTAGFIRULLAAHAL CADIIMA WA ATUUBU ILAYHI.

123p59

Xasanul basri au wuxuu yiri baa la yiri 5 xaraf ayaa tawreed ku dhignayd:

- taajirnimo qanaaco ayey ku jirtaa.
- nabadgelyo dhib ka fogow bay ku jirtaa.
- xushmo shahawaat diid bay ku jirtaa.
- raaxo raaxaysi maalmo badan bay ku jirtaa.
- samirna maalmo yar buu ku jiraa.

124

Suubbanuhu swc wuxuu yiri baa la yiri 5 wax ka faa'iidayso intii aan shan wax kuu imaan:

- ka faa'iidayso dhallinyaranimadaada intii aadan duqoobin.
- ka faa'iidayso firaaqadaada intii aadan mashquulin.
- ka faa'iidayso hantidaada intii aadan faqrin.
- ka faa'iidayso caafimaadkaaga intii aadan xanuunsan.
- ka faa'iidayso noloshaada intii aadan dhiman.

125

Yaxye bin mucaad rc wuxuu yiri baa la yiri:

- ruuxii dheregtiisu badato hilibkiisa ayaa bata,
- ruuxii hilibkiisu batana shahawaatkiisa ayaa badata,
- ruuxii shahawaatkiisu bataanna dunuubtiisa ayaa badata,
- ruuxii dunuubtiisu badatana qalbigiisa ayaa qallala,
- ruuxii qalbiguu qallallana wuxuu ku qarqamaa balaayooyinka adduunyo iyo dhaldhalaalkeeda beenta ah.

126

Sufyaanu thawri rc wuxuu yiri baa la yiri 5 ayey fuqaradu dooratay, agniyaduna 5:

Fuqaradu waxay dooratay:

- nafta raaxadeeda.
- qalbiga firaaqadiisa.
- rabbi addoonimadiisa.
- xisaabtii fudaydkeeda.
- iyo darajo tii u sarraysey.

Agniyaduna waxa ay dooratay:

- Nafta tacabkeeda.
- qalbiga mashquulkiisa.
- adduunyada addoonimadeeda.
- xisaabta adaygeeda.
- iyo darajo tii u hoosaysey.

126p60

Cabdullaahi andaaki rc wuxuu yiri baa la yiri 5 waa qalbiga dawadiisa:

- saalixiinta la fadhigooda.
- qur'aanka aqriskiisa.
- caloosha faaruqeeda.
- qiyaamu laylka.
- iyo fajarka oo la khushuuco.

127

Culummo badan waxa ay isku raacday baa la yiri fikfikirka wanaagsan 5 buu u kala baxaa:

- fikrad aayaadka alle ah oo ay ka dhashaan tawxiid iyo yaqiin.
- fikrad nicmooyinka alle ah oo ay ka dhashaan maxabbo iyo kalgacayl diineed.
- fikrad yabooha alle ah oo ay ka dhashaan doonis iyo dadaal.
- fikrad gooddiga alle ah oo ay ka dhalato (jileec iyo jajabnaan).
- iyo fikrad cibaado yaridaada iyo alle ixsaan badnidiisa oo uu ka dhasho xishood.

128

Ruux xikmad badnaa wuxuu yiri baa la yiri taqwada alle waxa ka horreeya 5 isbaaro, ruuxa ka gudbaana tawqwada wuu gaaraa:

- in aad shiddada ka dooratid nicmada.
- in aad tacabka ka dooratid raaxada.
- in aad liidashada ka dooratid is qaadqaadka.
- in aad aamuska ka dooratid hadalka.
- in aad geerida ka dooratid nolosha.

129p61

Suubbanuhu csw wuxuu yiri baa la yiri:

- Faqu sirta ayuu ilaaliyaa.
- saddaqadu maalka ayey ilaalisaa.
- ikhlaasku camalka ayuu ilaaliyaa.
- runtu hadallada ayey ilaalisaa.
- la tashiguna aaraa'da ayuu ilaaliyaa.

130

Suubbanuhu csw wuxuu yiri baa la yiri maal aruurinta iyo tacbiddeedu 5 ayuu leeyahay:

- arruuntiisu daal ayey leedahay.
- dikiga alle ka mashquul ayuu leeyahay.
- cabsi in lagaa qaado ama lagaa xado ayuu leeyahay.
- magac bakhaylnimo luguu bixiyo ayuu badanaa leeyahay.
- saalixiinta oo aad ka mashquusho ama ka go'do ayuu leeyahay.

aruurin la'aantiisuna 5 ayuu leeyahay:

- raadintiisa oo ay naftu ka nasato.
- u gacan bannaanaashaha dhawrista dikriga alle dhawristiisa.
- in lagaa xado iyo lagaa qaato oo aad ka nabad tahay.
- kasbadashada magac deeqsinimo.
- iyo firaaqo u helidda saalixiin la joogga, maal ka faaruqidda darteed.

131p62

Sufyaanu thawri rc wuxu yiri baa la yiri qofna zamankan maal aruuris ma sameeyo illaa 5 sifo ayuu yeeshaa:

- Hawo dheeri.
- Adduunyo jacayl.
- Bakhaylnimo daran.
- Xaaraan ka dhawrsani yari.
- Aakhiro illow.

132

Gabyaa baa yiri:

- Kan adduunyo u doonnantahayow
ogow maalin walba saaxiib bay leedahay.

- nin bay nikaaxsataa iyada oo
meel kale looga galmoonayo.

- alla maxay adduunyo kuwo guur ka dalbaday
mid-mid u xasuuqday.

- anigu mid sirayo baan ahay beladuna
jirkayga ayey taako-taako ugu sii faafaysaa.

- sahay u qaata geerida kaarigii
safarku wuu dhaqaaqayaa buu naadiyee.

133p63

Xaatimul asam rc wuxuu yiri baa la yiri degdeggu shaydaan buu ka yimaadaa marka laga reebo 5 meelood oo sunnadii rasuulka alle ah swc:

- Martiga oo la martiqaado isla marka uu yimaado.
- diyaarinta maydka isla markuu geeriyoodo.
- gabadha oo la guuriyo isla marka ay qaan gaarto.
- deynta oo la bixiyo isla marka muddadii la gaaro.
- iyo dembiga oo laga tawbad keeno isla markuu kaa dhaco.

134

Maxamed Bin Duuri wuxu yiri baa la yiri ibliis waxa uu ahlu naar ku noqday 5 shey dartood:

- Dembigiisii ma uu qiran
- kama shallaynin
- naftiisa ma hiifin ama ma canaanan
- tawbad ma go'aansan
- naxariistii allena wuu ka quustay.

Balse Nabi Aadam cs waxa uu ahlu janno ku noqday 5 shey dartood:

- Dembigiisii buu qirtay.
- wuu ka shallaayey.
- naftiisa wuu hiifay.
- tawbada buu u degdegey.
- naxariista allena kama quusan.

135p64

Shaqiiqul balqi rc wuxu yiri baa la yiri 5 xaaladood ku shaqeeya:

- Alle ka cabsada baahida aad alle u qabtiin in la eg uun ee ha ka badinina.
- adduunyana ka qaata wax u dhigma inta aad ku noolaanaysaan uun ee ha ka badinina.
- allena ku caasiya inta aad cadaabkiisa u adkaysan kartaan in la eg uun ee ha ka badinina.
- adduunyana ka sahay qaata in u dhiganta inta aad qabrigiinna degganaanaysaan uun ee ha ka badinina.
- jannadana u sahqaysta in la eg inta aad rabtaan in aad deggenaataan uun ee ha ka badinina.

136

Sayid Cumar rc wuxu yiri baa la yiri:

- Waxan arkay saaxiib oo dhan, mana arag saaxiib ka fiican carrabka oo la dhawro.
- waxan arkay dhar oo dhan, mana arag dhar ka fiican waracnimo.
- waxan arkay maal oo dhan, mana arag maal ka fiican qaneeco.
- waxan arkay samafal oo dhan mana arag samafal ka fiican nasiixo.
- waxan arkay cunto oo dhan mana arag cunto ka fiican sabar.

137p65

Ruux xikmad badan ayaa yiri zuhdigu waa 5 xaaladood:

- Alle ku kalsooni.
- khalqiga oo laga dhawrsado.
- camal kasta oo alle darti loo sameeyo
- dulmiga oo xaggaaga loo badiyo>.
- iyo gacantaadu waxa ay shaqaysay oo lugu kaaftoomo.

Ruux ilaahay u cibaadeysanayey ayaa cibaadadii dhexdeeda ku yiri allahayoooow:

- Hawo dheeri baa i sirtay,
- adduunyo jacayl baana i halaagtay,
- shaydaan baana i lumiyey,
- naf xumaanta jecel baana xaqii iga xirtay,
- saaxiib xunna dembiyaduu igu gacan siiyey,

allihii kuwa gargaar weydiista u gargaari jirayow ii gargaar,
yaa adiga ahayn oo ii naxariisanaya ? .

138

Suubanuhu csw wuxuu yiri baa la yiri ummaddayda waxa ku imaan doona zaman ay 5 jeclaanayaan shanna illoobayaan:

- Adduunyada ayey jeclaanayaan aakhirana way illoobayaan,
- khalqiga ayey jeclaanayaan khaaliqna way illoobayaan,
- maalka ayey jeclaanayaan xisaabtiina way illoobayaan,
- qasriyaasha ayey jeclaanayaan qubuurtana way illoobayaan,
- nolosha ayey jeclaanayaan geeridana way illoobayaan.

138p66

Yaxye Mucaad wuxuu cibaadadiisii dhexdeeda ku yiri baa la yiri ilaahoooooow:

- Habeenku wax aan la koodkaaga ahayn kuma wanaagsanaado,
- maalintuna wax aan daacaddaada ahayn kuma wanaagsanaato,
- adduunyana wax aan dikrigaaga ahayn kuma wanaagsanaato,
- aakhirana wax aan cafiskaaga ahayn kuma wanaagsanaato,
- jannaduna wax aan aragtidaada ahayn kuma wanaagsanaato.

5- Lixleyda: -

139p67

Suubanaha csw wuxuu yiri baa la yiri 6 shey waa ku qariib ama ku marti 6 meelood:

- Masaajid waa ku marti dad aan ku tukanayn dhexdood,
- Musxaf ku waa ku marti guriga qoom aan aqrinayn,
- Qur'aanku waa ku marti gudaha ruux faasiq ah,
- Marwo muslimad saalixad ahi waa ku marti gacanta nin daalim ah oo akhlaaq xun,
- Nin muslim ah oo saalix ah waa ku marti gacanta naag xun oo akhlaaq xun,
- Caalimna waa ku marti qoom aan wax ka dhegeysanayn dhexdood.

140p68

Suubanuhu wuxuu yiri baa la yiri waan lacnaday 6, ilaahey subxaanahu watacaalaana wuu lancaday iyo nabi kasta oo ducadiisa la aqbalo:

- Ruuxa kitaabka alle wax ku siyaadiya ama ka dhima,
- ruuxa beeniya qaddarka alle,
- ruuxa daalim ah oo u kibray si uu ciddii alle dulleeyey u ciseeyo, ciddii alle ciseeyeyna u dulleeyo,
- ruuxa wxii alle xarrimay xalaalaysta,
- ruuxa dumarka maxramkiisa ah aada,
- iyo ruuxa sunnadayda ka taga.

ilaahey maalinta qiyaame il naxariis leh kuma soo eego.

141

Abuu bakar rc wuxuu yiri baa la yiri:

- Ibliis hortaada ayuu taaganyahay,
- naftuna midigtaada,
- hawadaaduna bidixdaada,
- adduunyana gadaashaada,
- xubnahaaguna hareerahaaga,
- Jabbaarna dushaada (awood ahaan boos ahaan maya).

- Ibliis lacnadi ha ku dhacdee wuxuu kuugu yeerayaa in aad diinta ka tagto,
- naftuna waxay kuugu yeeree in aad ilaahay caasido.
- hawadaaduna waxay kuugu yeeree shahawaat,
- adduunyana waxa kuugu yeeraysaa in aad iyada ka doorato aakhiro,
- xubnahaaguna waxay kuugu yeerayaan in aad dembi gasho,
- Jabbaarna wuxuu kuugu yeerayaa janno iyo dembi dhaaf.

sida ku xusan aayadda 221 ee suuratul baqara.

- Ruuxii ibliis wax ka yeela diinta way is daayeen,
- qoftii naftiisa wax ka yeelana ruuxiisa way is daayeen,
- ruuxii hawadiisa wax ka yeelana, caqligiisa way is daayeen,
- ruuxii adduunyo wax ka yeelana, aakhiro way is daayeen,
- ruuxii xubnihiisa wax ka yeelana janno way is daayeen,
- ruuxii alle wax ka yeelana dembi way is daayeen, guul iyo khayr buuna gaaray.

142p69

Sayid Cumar wuxuu yiri baa la yiri ilaahay sarreeye 6 waxa uu ku dhex qariyey 6:

- Ilaahey raalli ahaanshihiisa waxa uu ku qariyey cibaadadiisa,
- caradiisana wuxuu ku qariyey ku caasintiisa,
- ismul acdamkiisana (magaciisa weyn) wuxuu ku qariyey qur'aankiisa,
- habeenka laylatul qadrigana wuxuu ku qariyey bisha Ramadaan,
- salaadda dhexena wuxuu ku qariyey salaadaha,
- maalinta qiyaamena wuxuu ku qariyey maalmaha.

143p70

Sayid Cumar rc wuxuu yiri baa la yiri Mu'minku 6 nooc oo cabsi ah ayuu ku jiraa:

- Tan koowaad waa xagga alle oo waa in Ilaahey iimaankiisa ka qaato,
- labaadna waa xagga malaa'ikta oo waa in ay ka qoraan wax ay maalinta qiyaame ku fadeexeeyaan,
- saddexaadna waa xagga shaydaanka in uu camalkooda buriyo,
- afaraadna waa xagga malakul mawt in uu ruuxa kedis uga qaado isaga oo dembiile ah,
- shanaadna waa adduunyadu in ay sirto oo ay aakhiro ka mashquuliso,
- lixaadna waa ehelkiisu in ay dikriga alle ka mashquuliyaan.

144

Sayid Cali rc wuxuu yiri baa la yiri ruuxa 6 xaaladood kulansada janno raadinteed iyo naar ka cararteed bun ugama dhimin:

- Ilaahey buu dhab u aqoonsaday wuuna addeecay,
- Shaydaan buu dhab u aqoonsaday wuuna ku caasiyey,
- aakhiruu dhab u aqoonsaday wuuna dalbaday,
- adduunyuu dhab u aqoonsaday wuuna diiday,
- Xaqa ayuu dhab u aqoonsaday wuuna raacay,
- baadilka ayuu dhab u aqoonsaday wuuna ka dheeraaday.

Waxa kale oo uu Imaam Cali rc yiri nicmooyinku waa 6 shey:

- Islaamka,
- Qur'aanka,
- Muxammadu rasuulullaah scw,
- ladnaanta,
- asturnaanta,
- gacan aadane oo laga kaaftoomo.

145p71

Yaxye Mucaad rc wuxuu yiri baa la yiri:

- Cilmigu waa kugu hagaha shaqada,
- fahamkuna waa weelka cilmiga,
- caqliguna waa kugu hagaha khayrka,
- hawaduna waa gaadiidka dunuubta loo raaco,
- maalkuna waa go'a mutakabbiriinta,
- adduunyana waa suuqa aakhiro.

Abuu Dur jumayhr wuxuu yiri baa la yiri 6 arrimood adduunyo oo dhan bay u dhigmaan:

- Cunto macaan,
- Walad saalix ah,
- sawjad talo raaca ah,
- hadalka la isku raacay,
- caqliga dhammaystiran,
- jir caafimaad qaba,

146p72

Xasanul basri rc wuxuu yiri baa la yiri:

- Haddii aysan awliyadu jiri lahayn waa la jari lahaa dhulka iyo ku dhex sugan, - haddii aysan culummadu jiri lahayn dadka oo dhami waxay noqon lahaayeen bahaa-imka oo kale,
- haddii aysan awood kala celisa jiri lahayn dadka qaarba qaar kale ayey halaagi lahaayeen,
- haddii aysan doqommadu jiri lahayn adduunyadu waa la qarbudi lahaa,
- haddii aysan dabayshu jiri lahayn wax kasta way uri lahaayeen.

147

Ruux xikmadan baa yiri baa yiri:

- Qofka aan alle ka cabsan kama badbaado simbiriirixa carrabkiisa,
- qofka aan hor tegidda alle ka cabsan kama badbaadiyo qalbigiisa xaaraan iyo shubuhaat,
- qofka aan khalqiga ka quusan damac badni kama badbaado,
- qofka aan camalkiisa dhawrin is-tus kama badbaado,
- qofka aan alle ka hoos gelinna xaasidnimo kama badbaado,
- qofka aan eegin qofka cilmi iyo camalba ka badan is cajabin kama badbaado.

148p73

Xasanul basri rc wuxuu yiri baa la yiri quluubta fasaadkiidu 6 shey buu ka yimaadaa:

- Way dambaabaan iyaga oo tawbad rajeynaya,
- cilmiga ayey bartaan kumana camal falaan,
- haddii ay ku camal falaanna ikhlaas kuma falaan,
- arzaaqda alle ayey cunaan kumana shukriyaan,
- waxa alle u qaybo kuma raalli noqdaan,
- mawtadooda ayey duugaan kumana cibro qaataan,

149

Waxa kale ee uu xasanul Basri rc yiri baa la yiri qofkii adduunyada ka doorta aakhiro ilaahey wuxuu ku ciqaabaa 6 cuquubadood oo 3 na adduunyada tahay 3 na aakhiro

3 da adduunyadu waa:

- Hawa badni aan dhammaad lahayn,
- adduunyo jacayl aan qaneeco lahayn,
- iyo cibaadada macaankeeda oo laga qaado.

3 da aakhiraduna waa:

- Shiddada maalinta qiyaame,
- xisaab aad u adag,
- iyo shallayto dheer.

150p74

Axnaf bin Qays rc wuxuu yiri baa la yiri:

- Xaasidnimo raaxo ma leh,
- beenu sharaf ma leh,
- bakhayl xeelad ma leh,
- boqorro ballan ma leh,
- edeb laawe hoggaan ma leh,
- xukun allena celin ma leh.

151

Ruux xikmad badan ayaa la weydiiyey addoonku ma kala garan karaa hadduu tawbad keeno in tawbadii laga aqbalay iyo in lugu celiyey, wuxuu ku jawaabay taas anigu ma xukumi karo, laakiin wuxuu ku garan karaa calaamadahan oo uu isku arko:

- Naftiisa oo uu u arko in aysan dembi ka macsuum ahayn,
- naftiisa oo ku arko farxad ka maqan iyo murug ku xaadirsan,
- ahlu khayrka oo uu dhaweeyo iyo ahlu sharta oo uu fogeeyo,
- adduunyada inteeda yar oo la badata, camalka aakhiro ee badanna la yaraado,
- qalbigiisa oo wixii alle u dammaano qaaday ku mashquula, wixii kalena ka mashquula,
- carrabkiisa oo uu dhawro, fikir badan, murugo iyo shallayto joogto u noqota.

152p75

Yaxye Mucaad rc wuxuu yiri baa la yiri kedsoomidda ugu weyn waxa ka mid ah sida aan u arko:

- Dunuubtoo la iska sii wato cafisna alle laga rajeeyo qoomammo la'aan,
- cibaado la'aan oo alle u dhawaansho la iska fisho,
- abuurka naarta oo lugu fisho miraha jannada,
- daarta mudiiciinta oo alle caasin lugu raadiyo,
- abaal marin lugusugto camal la'aan,
- xadgudub alle khayr looga rajeeyo.

Shicir:

- badbaado buu rajeynayaa kumana socdo dariiqeedii,
Doonu kuma socoto dhul gawaan ah.

153p76

Axnaf Ibnu Qays baa la weydiiyey baa la yiri:

- Wax addoonka la siiyo maxaa ugu fiican (intuu noolyahay) ?
Wuxuu yiri Caqli u dhalasho ah.

Waxa la yiri haddii uusan lahayn ee neef xoolo ah yahayna ?
wuxuu yiri aadaab wanaagsan.

Waxaa layiri haddii uusan lahayn ee bilaa edeb yahayna?
wuxuu yiri talo raac.

Waxa la yiri haddii uusan lahayn ee uu bahal madax adag yahayna. ?
wuxuu yiri qalbi iska cibaadaysta.

waxaa la yiri haddii uusan ahaynna?.
wuxuu yiri aamus dheer.

Waxaa la yiri haddii uusan aamusayn oo afka iska daldalmayana?
wuxuu yiri Geeri degdeg ah.

6- Toddobaleyda: -

154p77

Abuu hurayra wuxuu yiri baa la yiri 7 qof ilaahey baa maalinta qiyaame hooska carshigiisa hoos geynaya maalinta aan hoos kale jirin:

- Imaam caadil ah,
- shaab cibaadada alle ku soo barbaaray,
- qof isaga oo kaligiis ah ilaahey xusuustay ee ilmo ka soo daadatay khushuuc alle darti,
- qof qalbigiisu masjidka ku xiranyahay ilaa uu uga laabto,
- qof saddaqo bixiyey ilaa bidixdiisu aysan ogaan waxay midigtiisu samaysay,
- labo qof oo alle darti isku jeclaaday,
- nin ay naagu u yeeratay ee diiday oo yiri ilaahay baan ka cabsanayaa.

155p78

Abuubakar rc wuxuu yiri baa la yiri Bakhaylku 7 xaaladood middood kama dhex baxo:

- In uu ka dhinto hantiduu bakhaylay ee ay ka dhaxasho cid ku bixisa dariiq aan alle raalli ka ahayn,
- ama in uu ilaahay ku sallado madax daalim ah oo isagoo dulleeyey ka qaatay,
- ama inuu shahawaat la galo maalkiisa fasaadisa,
- ama inuu is tuso aragti ah inuu dhismo ama cimaarad ku taalla dhul qarriban geliyo ee ay halkaas ku baaba'do,
- ama in ay masiibo masiibooyinka adduunyo ka mid ah ku dhacdo sida qarqamid, gubasho, xatooyo, iwm,
- ama inuu cudur halis ah ku dhaco oo maalkii daweyntiisa uga dhammaado,
- ama in uu meel ku duugo kaddibna meeshii aqoon waayo.

156

Seyid Cumar rc wuxuu yiri baa la yiri:

- Qofkii uu qosolkiisu bato haybaddiisa ayaa hoos u dhacda,
- qofkii dadka yasa isna wuu xaqirmaa,
- qofkii shey badsada caan buu ku noqdaa,
- qofkii hadalkiisu bato dhacdhaciisa ayaa bata,
- qofkii dhacdhaciisu batana xishoodkiisa ayaa yaraada, - qofkii waracnimadiisu yaraatana qalbigiisa ayaa dhinta.

157p79

Sayid Cusmaan rc, aayadda (Waxaa ku hoos jirey kanzi ay leeyihiin aabahoodna saalix buu ahaa) wuxuu ka yiri baa la yiri Kanzigu waa Loox ka samaysan Dahab oo ay ku qorantahay 7 sadar oo ah:

- Waxan la yaabay qofka geeri ogaaday ee qoslaya,
- waxan la yaabay qofka ogaaday inay adduunyo dhammaanayso ee raadinaya,
- waxan la yaabay qofka ogaaday in arrimuhu qaddar alle ku socdaan ee wixii dhaafay u murugoonaya,
- waxan la yaabay qofka in xisaabu jirto ogaaday ee maal aruurinaya
- waxan la yaabay qofka Naar ogaaday ee dambaabaya,
- waxan la yaabay qofka ilaahay yaqiinsaday ee qayrki sheegsheegaya,
- waxan la yaabay qofka janno yaqiinsaday ee adduunyo ku istareexaya,
- waxan la yaabay qofka shaydaan cadaawaddiisa ogaaday ee addeecaya,

158p80

Sayid Cali rc ayaa la weydiiyey baa la yiri:

- Samada maxaa ka culus ?
- Dhulka maxaa ka ballaaran ?
- Badda maxaa ka taajirsan ?
- Dhagax maxaa ka adag ?
- Naar maxaa ka kulul ?
- Zamhariira maxaa ka qabow ?
- Sun maxaa ka qaraar ?

markaa wuxuu ku jawaabay baa la yiri: - Dhulka waxa ka waasacsan xaqa,
- Badda waxaa ka taajirsan qalbi qanacsan,
- Dhagax waxaa ka adag qalbi munaafiq,
- Naar waxaa ka kulul mas-uul jaa-ir ah (daalim),
- Zamhariira waxaa ka qabow bakhayl aad gacanta u taagato,
- Sunta waxaa ka qaraar samirka, Namiimnimadana waa la yiri.

159

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri adduunyo waa:

- Hoyga qof aan hoy lahayn,
- Maalka qof aan maal lahayn,
- waxaa aruuriya qof aan caqli lahayn,
- waxaa shahawaatkeeda ku mashquula qof aan garaad lahayn,
- waxaa u ciqaab gala qof aan cilmi lahayn,
- waxaa wax ku xasda qof aan qalbi lahayn,
- waxaa u dadaalka qof aan yaqiin lahayn.

160p83

Jaabir ibn C-lahil ansaari, suubanuhu wuxuu yiri buu yiri baa la yiri, Jibriil afka kama deyn in uu igala dardaarmo:

- Deriska illaa aan is iri dhaxle ayuu ka dhigayaa,
- Dumarka illaa aan is iri furriinkooda ayaaba la xarrimayaa,
- Addoomada illaa aan is iri waqti lugu xoreeyo ayaa loo qabanayaa,
- Cadayga illaa aan is iri waa la farad yeelayaa,
- Salaadda jamaacada, illaa aan is iri jamaaca la-aan lama aqbalayo,
- Salaatu laylka illaa aan is jiif habeenba ma jiro,
- Dikriga alle illaa aan is iri qawl uusan la socon waxba ma tarayo,

161p84

Suubanuhu wuxuu yiri bay yiraahdeen 7 qof maalinta qiyaame ma soo eego dembina kama dhaafo naartuuna geliyaa:

- Ninka Khaniiska,br> - Khaniiskiisa 2aad,
- Gacantiisa u galmooda,
- Xayawaanka u taga, - Hooyo iyo gabadheed u wada taga,
- Ninka deriskiisa ah xaaska uga taga,
- Qofka deriskiisa dhiba illaa uu ka lacnado.

162

suubanuhu wuxuu yiri bay yiraahdeen shuhaddadu waa 7 marka laga reebo ruuxa jihaad ku geeriyooday:

- Qofka shuban u dhintay waa shahiid,
- qofka biyo ku qarqamay waa shahiid,
- qofka shahwado iska soco waa shahiid,
- qofka daacuun dilo waa shahiid,
- qofka gubasho ku dhintay waa shahiid,
- qofka meel ku dunto ku dhinta waa shahiid,
- naagta foosha ku dhimata waa shahiiddad,

163p85

Ibnu Cabbaas wuxuu yiri baa la yiri ruuxa caqliga leh waa in uu 7 ka dootro 7:

- In uu Faqriga ka doorto maal-qabeen nimada,
- in uu hoos isu dhigga ka doorto kor isu qaad-qaadka,
- in uu tawaaduca ka doorto kibirka
- in uu gaajada adduunyo ka doorto dheregta adduunyo,
- in uu farxadda adduunyo ka doorto murugta adduunyo,
- in uu hooseyn adduunyo ka doorto sarrayn adduunyo.
- in uu geerida ka doorto nolosha.

7- Siddeedleyda: -

164p86

Suubana ayaa wuxuu yiri bay yiraahdeen 8 kama dheregto 8:p. - Il, eegmo kama dheregto,
- Dhul, Roob kama dhgergo,
- Dheddig, Lab kama dhergo,
- Caalim, Cilmi kama dhergo,
- Tuugsade, Su'aal kama dhergo,
- adduunyo jecle, maal aruuris kama dhergo,
- bad, biyo kama dheregto,
- Dab, qoryo kama dhergo.

165

Seyid Abuubakar wuxuu yiri bay yiraahdeen 8 shey waxa ayy qurux u yihii 8 shey oo kale:

- Su'aal ka dhawrsashadu waa quruxda faqriga,
- Shukrigu waa quruxda nimcada,
- Sabarku waa quruxda dhibaatada,
- Dul qaadku waa quruxda Cilmiga,
- Is jilcintu waa quruxda ardayga,
- Ooyinka badani waa quruxda alle ka cabsiga,
- Manno sheegad ka tegiddu waa quruxda ixsaanka,
- Khushuucuna waa quruxda salaadda.

167p87

Sayid Cumar rc wuxuu yiri bay yiraahdeen 8 shey:

- Qofkii hadalka badan ka taga, xikmad la siiyaa,
- qofkii eegmada badan ka tagan, qalbi khusuuca baa la siiyaa,
- qofkii cuntada badan ka taga, macaanka cibaadada ayaa la siiyaa,
- qofkii qosolka badan ka taga, haybad baa la siiyaa,
- qofkii kaftanka badan ka ka taga, sharaf baa la siiyaa,
- qofkii adduunyo jacayl ka taga, aakhiro jacayl baa la siiyaa,
- qofkii ku mashquulidda ceebaha qayrkiisa ka taga, islaaxinta ceebaha naftiisa baa la siiyaa,
- qofkii basaasidda raadinta kayfiyada alle ka tafa, munaafaqnimo inuu ka bari' noqdo ayaa la siiyaa,

168p88

Sayid Cusmaan rc wuxuu yiri bay yiraahdeen calaamadaha caarifiintu waa 8 shey:

- Qalbigiisu cabsi iyo rajo u dhexeeyaa,
- Carrabkiisu shukri iyo ammaanid allihiis buu u dhexeeyaa,
- indhihiisu xishood iyo ooyin,
- damaciisu ka tegid adduunyo iyo dalab ridaha mawlihiis.

170

Sayid Cali rc wuxuu yiri bay yiraahdeen khayr ma lahan:
- Salaad aan khusuuc lahayn,
- Soon aan lagwi ka harid lahayn,
- Qur'aan aan tadabburid lahayn,
- Cilmi aan ku dhawrsasho lahayn,
- Maal aan deeqsinimo lahayn,
- Walaaltinimo aan dhawris lahayn,
- Nicmo aan sii jiris lahayn,
- Duco aan ikhlaas (alle u gaar yeelid) lahayn.

8- Sagaalleyda: -

171p89

Suubanuhu wuxuu yiri bay yiraahdeen in uu illaahey tawreed ugu waxyooday nabi muuse in hooyooyinka gefafku yihiin:

- Kibir,
- Xaasidnimo,
- iyo adduunyo jacayl (Xirs).

waxayna 3 daasi sii dhaleen 6 kale oo isku noqdeen 9, lixdaasina waa:

- Dhereg,
- Hurdo,
- Raaxo,
- Maal jacayl,
- Ammaan jacayl,
- Kursi jacayl.

172

Sayid Abuubakar wuxuu yiri bay yiraahdeen cubbaadda ilaahay caabuddaa waa 3 nooc, nooc kastana 3 calaamo baa lugu yaqaan:

1- Nooc ilaahay ku caabuda alle ka cabsi, waxana lagu yaqaan:

- Naftiisa ayuu yaraystaa (la liidata),
- Xasanaadkiisa ayaa la yaraada,
- Sayyi'aatkiisa ayaa la bata.

2- Nooc ilaahay ku caabuda khayr ka rajayn keliya:

- Xaaladihiisa dhan oo uu dad ku daydo,
- Dadka oo idil buu ugu saqisanaadaa maal adduunyo bixintiisa,
- Khalqiga oo dhanna khayr buu alle uga rajeeyaa.

3- Nooc ilaahay ku caabuda alle jacayl:

- Wuxuu jecelyahay ayuu bixiyaa, danna kama galo mar haddii allihi raalli ka yahay,
- Naftiisa caro gelinteed ayuu ku shaqeeyaa danna kama galo mar haddiiba uu allihi raalli ka yahay,
- Xaaladihiisa oo dhanna amarka iyo nahyiga sayyidkiisa ayuu ku taaganyahay.

173p90

Sayid Cumar wuxuu yiri bay yiraahdeen carruurta shaydaanku waa 9, magacyadooda iyo xilalka ay hayaanna waa sidan:

- Zaliituun waa agaasimaha guud ee suuqyada, calankiisa ayuuna ka taagtaa, oo ribo iyo xaaraan ku maamulaa,
- Wathiin waa agaasimaha guud ee musiibooyinka oo geeri iyo tacsi u joogga ah,
- Acwaan waa agaasimaha guud ee madaxda baadiyeeya, oo ummadahooda ku sallada,
- Hafaaf waa agaasimaha guud ee sharaabka xaaraanta ah ee khamrada iyo daroogo oo dhan,
- Murra waa agaasimaha guud ee muusiigga, ee tumashada, kalaabyada iyo fisqiqa oo dhan,
- Laquus waa agaasimaha guud ee qaska iyo qalalaasaha diimaha samaawiga ah,
- Musawid waa agaasimaha guud ee warfaafinta, ee beenta aan asalka lahayn dadka ku dhex wareejiya,
- Daasim waa agaasimaha guud ee qoysaska, ee furriinka, khuluca, garaaca iyo dagaallada xaafadaha,
- Walhaan waa agaasimaha guud ee waswaaska iyo shaki gelinta cibaadooyinka diimaha samaawiga ah.

174p91

Sayid cusmaan rc wuxuu yiri bay yiraahdeen qofkii 5 ta salaadood waqtigooda ku xafida sidaasna ku joogteeya, ilaahey wuxuu ku sharfaa 9 karaamo:

- Ilaahey jeclaada,
- Jirkiisa oo caafimaad qaba,
- Malaa'ikta oo ilaalisa,
- Barakada oo daartiisa ku soo degta,
- Wejigiisa oo ay ka muuqdaan sifaatka saalixiinta,
- Qalbigiisa oo alle jilciyo,
- Siraadka oo uu sidii biriqda u maro,
- Naarta oo alle ka badbaadiyo,
- iyo in uu ilaahey la dersiyo kuwii cabsi iyo welwel laga dhawray.

175

Sayid Cali rc wuxuu yiri bay yiraahdeen ooyintu waa 3 weji oo ah:

- Cadaab alle ka cabsidiis, waana kafaaro gudka dembiyada, miraheeduna waa ka badbaadidda cuquubooyinka,
- Caro alle ka cararisteed, waa daahirinta ceebaha, miraheeduna waa nimco lugu waaro iyo darajooyin sare,
- Qaraabogoys ka baqid, waa naxariista alle, miraheeduna waa bishaarada arkidda wejiga alle, malaa'ikta oo siyaarata iyo fadli dheeri ah.

9- Tobanleyda: -

176p93

Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen cadayga waxa uu wataa 10 arrimood:

- Afka ayuu nadiifiyaa,
- Rabbi ayuu raalli geliyaa,
- Shaydaan ayuu caro geliyaa,
- Ilaahay oo qofka cadayda jeclaada iyo malaa'ikta qofka ilaalisa,
- Cirridka ayuu adkeeyaa,
- Balqamka ayuu gooyaa,
- Dhadhanka ayuu wanaajiyaa,
- lallabbada ayuu joojiyaa,
- Aragga ayuu nuuriyaa,
- Urka afka ayuu saaraa,
- Sunnada ayuuna ka mid yahay.

Suubbanaha ayaana yiri baa la yiri hal salaad oo cadayasho dabadeed la tukaday ayaa ka fadli badan 70 bilaa caday ah,

177p94

Sayid ABuubakar rc wuxuu yiri baa la yiri qof hadduu ilaahey ku arsuqo 10 sifo, aafooyinka oo dhan ayuu ka badbaadaa, wuxuuna gaaraa darajada kuwa la dhaweeyey, wuxuuna helaa darajada muttaqiinta, tobankaas sifona waa:

- Run joogto ah iyo qalbi qaanaca,
- Samir kaamil ah iyo shukri joogto ah,
- Faqri joogto ah iyo zaahidnimo aan go'in,
- Fikir joogto ah iyo calool baahan,
- Welwel joogto iyo cabsi xiriirsan,
- Dadaal joogto ah iyo badan mutawaadic ah (badan alle u jajaban),
- Dhimrin joogto ah iyo qaraabo xiriiris aan kala go' lahayn,
- Alle jacayl joogto ah iyo xishood,
- Cilmi naafic ah iyo dulqaad joogto ah,
- iimaan joogto ah iyo caqli sugan.

178

Sayid Cumar rc wuxuu yiri bay yiraahdeen Tobanu 10 la'aanteed ma hagaagto:

- Caqli aan xalaal quudnimo lahayn,
- Darajo aan cilmi lahayn,
- Liibaan aan alle ka cabsi lahayn,
- Madaxtinimo aan caddaalad lahayn,
- Magac aan aadaab lahayn,
- Farxad aan amni lahayn,
- maalqabeennimo aan deeqsinimo lahayn,
- Faqri aan qanaacad lahayn,
- Sarrayn aan tawaaduc lahayn,
- iyo Jihaad aan tawfiiq lahayn.

179p95

Sayid Cusmaan rc wuxuu yiri bay yiraahdeen 10 ka shey ee ugu dayacnaanta badan waa:

- Caalim aan wax la weydiisanayn,
- Cilmi aan lugu shaqaynayn,
- Talo fiican oo aan la aqbalayn,
- Hub aanla isticmaalayn,
- Masjid aan lugu tukanayn,
- Musxaf aan la aqrinayn,
- Maal aan wax laga bixinayn,
- Faras aan la fuulayn,
- Cilmu zuhdi ku dhex jira ruux adduunyo jecel,
- iyo cumri dheer oo aan loogu sahay qaadanayn aakhiro,

180

Sayid Cali rc wuxu yiri bay yiraahdeen:

- Wax la kala dhaxlo cilmiga ayaa ugu fiican,
- xirfad (sifo) edebta ayaa ugu fiican,
- sahay la qaato taqwada ayaa ugu fiican,
- badeeco cibaadada ayaa ugu fiican,
- hoggaamiye camal saalix ah ayaa ugu fiican,
- saaxiib akhlaaq wanaag ayaa ugu fiican,
- wasiir waxaa ugu fiican dulqaad,
- taajirnimo qanaaco ayaa ugu fiican,
- kaalmo tawfiiqda ayaa ugu wanaagsan,
- wax wax edbiyana geerida ayaa ugu fiican.

181p96

Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen 10 ka mid ah ummaddani ilaahay bay ku kufriyeen iyaga oo isu haysta muuminiin:

- Qaatil gardarro wax ku dilay,
- Saaxir,
- Dayuus aan maxramkiisa xumaha lagu sameeyo ka diirin,
- Zako diide,
- Shaaribul khamri,
- Ruuxa xaj ku waajibay ee aan xajin,
- Fitnoolaha,
- Qofka hubka dagaalka iibiya,
- Ninka gadaal uga taga naag,
- Ninka riximkiisa muxrimka ah u galmooda,

hadduu 10 kaas arrimood u rumaysanyahay in ay u bannaantahay waa kaafir caddaystay.

182

Suubanuhu waxa kale oo uu yiri bay yiraahdeen:

- Addoonku kama noqdo samada iyo arlada muumin ilaa uu ka noqdo qaraabo xiriiriye,
- xiriiriyena ma noqdo ilaa uu ka noqdo muslim,
- muslimna ma noqdo ilaa laga nabad galo af iyo addin,
- taana ma noqon karo ilaa uu ka noqdo qof cilmi leh,
- caalimna ma noqon karo ilaa uu cilmigiisa ku camal falo,
- cilmigana kuma shaqayn karo ilaa uu noqdo zaahid,
- zaahidna ma noqon karo ilaa waric (xalaal quute) ka noqdo,
- waricna ma noqon karo ilaa uu ka noqdo mutawaadic (qof jajaban oo aan madax adkayn),
- mutawaadicna ma noqon karo ilaa uu naftiisa ka barto,
- naftiisana ma baran karo ilaa uu ka noqdo ruux sida loo hadlo caaqil ku ah.

183p97

Yaxye Bin Mucaad ayaa arkay baa la yiri nin Faqiih ah oo adduunyada raba, wuxuuna ku yiri baa la yiri ninkaagan caalimka iyo ahlu sunnada ahow:

- Qusuurtiinnu (daarihiinnu) waa qaysariyo (qusuurtii ruum ee aan lugu waano qaadan),
- guryihiinnuna waa kisrawiyiin (beershiya iyo firaashyadoodii waaweynaa iyo hantidii masaakiinta laga dhaco ay bixinayeen),
- degaannadiinnuna waa qaaruuniyo (qasnadihii dahabka ahaa iyo .. ),
- albaabadiinnuna daaluutiyo (daaluutkii reer banii israa-iil tiihii kaddib),
- dharkiinnuna waa jaaluutiyo (kibirka iyo .. ),
- madaahibtiinnuna waa shaydaaniyo,
- dayacaaddiinuna waa maariddiya (shaqo maaridnimo),
- wilaayadiinnuna (xukunkiinnuna) waa fircooniya,
- garsoorayaashiinnuna waa caajiiliyah laaluush cunayaal qaa-imiin ah (adduunyadan liidata u degdegaya),
- geeridinnuna waa jaahiliyah (xilligii jaahiliyada) ee aaway muxammadiyadii ? .

wuxuuna yiri:

- kaagan rabbigi kula koodaya noocyada hadalkow

degaankiisana ka dalbanaya jannadow,

- kuna saafiyoobay tawbada sanadba sanadka ka dambeeya
sida aan kuugu arko mid khalqiga ka mid ah

- haddii aad maalintaada kula socon lahayd kaagan soonka isku illoobay
habeenkaaga oo dhanna ku noolayn lahayn salaatu layl,

- biyaha iyo cuntadana in yar uga kaaftoomi lahayd,
waxad mudan lahayd booska ugu darajada sarreeya,

- iyo karaamo weyn ee rabbiga khalqiga,
iyo allaha weyn oo raalli kaa noqon lahaa.

188p99

Ruux xikmad badan ayaa yiri baa la yiri 10 sifo ayuu ilaahay uga caroodaa 10 ruux:

- Bakhayl hantiilayaasha ka mid ah,
- Mutakabbir fuqarada ka mid ah,
- Damaaci culummada ka mid ah,
- Ma xishooto dumarka ka mid ah,
- Adduunyo jecle waayeelka ka mid ah,
- Caajislow dhallinyarada ka mid ah.
- Daalim madaxda ka mid ah,
- Fulay jihaadiyiinta ka mid ah,
- Is cajabiye zaahidiinta ka mid ah,
- iyo is-tustus caabidiinta ka mid ah.

189p100

Suubanaha ayaa yiri baa la yiri ladnaantu waa 10 weji oo 5 na adduunyo tahay 5 na aakhiro,

5 ta adduunyadu waa:

- Cilmi,
- Cibaado,
- Arsaaq xalaal ah,
- Dhibka oo loo sabro,
- iyo nicmada oo lagu shukriyo.

5 ta aakhiraduna waa:

- Malakul mawtka oo kuugu yimaada naxariis iyo dhimrin,
- Munkar iyo Nakiir oo aan qabriga kugu argagax gelin,
- Maalinta argagaxa weyn leh ee qiyaame oo aad ka aammin noqoto,
- Gefafkaaga oo la tirtiro xasanaadkaagana la aqbalo,
- iyo Siraadka oo aad ku marto sida hillaaca, jannadana nabad geliyo ku gashid.

190

Abul fadli rc wuxuu yiri baa la yiri ilaahay kitaabkiisa wuxuu ku magacaabay 10 magac:

- Qur'aan,
- Furqaan,
- Kitaab,
- Tanziil,
- Hudan,
- Nuur,
- Raxmad,
- Shifaa,
- Ruux, - iyo Dikri.

5 ta hore waa macruuf, Hudan, Nuur, Raxmad iyo shifaa waxay ku jiraan aayadda 57 ee Yuunus,
iyo aayadda 15aad ee Maa-idda, Ruux na wuxuu ku jiraa aayadda 52aad ee Shuuraa, Dikri na aayadda 44aad ee Naxli.

191p101

Luqmaanul xakiim rc wuxuu wiilkiisa ku yiri baa la yiri, wiilkaygow xikmaddu waa in aad ku camal fasho 10 shey oo qalbiga dhintay nooleeya:

- Fadhiyada masaakiinta la fariiso,
- Fadhiyada boqorradana iska ilaali,
- Carruurta xannaanee,
- Addoomada xoree,
- Martiga hoy ama cidleysanaha dhawey,
- Faqiirka taajiri,
- Cidda sharafta leh sharaf u siyaadi, mudanahana darajo u siyaadi,

- way ka fiicantahay Maal,
- cabsida ayey xijaab u tahay,
- dagaalka ayey saanad u tahay,
- waa badeeco markii ribix la rabo,
- waa u shafeeco maalinta addoonku qalqalayo,
- waa u hoggaamiye marka naftu yaqiin rabto,
- waana asturto marka aan maro wax astureyn.192p102

Qof xikmad badan ayaa yiri 10 sifo ayaa ruuxa caqliga leh laga rabaa markuu tawbad keenayo:

- Carrabka oo uu ka istigfaaraysto,
- Qalbiga oo uu ka shallaayo,
- Dembiga oo uu faraha kala baxo,
- Inuu go'aan cad ka gaaro in uusan dib dambe weligiis ugu laabanayn,
- In uu aakhiro jeclaado,
- In uu adduunyo u caroodo,
- In uu hadalka yareeyo,
- In uu cuntada iyo cabitaanka yareeyo si uu ugu gacan bannaanaado cilmi iyo cibaado,
- in uu hurdada yareeyo,

Ilaahey swt wuxuu yiri: waxay ahaayeen kuwo habeenkii in yar dhulka dhinaca dhiga, waqti suxuurtana istigfaarsada.

193p103

Anas bin maalik rc ayaa yiri baa la yiri arladu maalin kasta 10 kelmadood ayey ku dhawaaqdaa iyada oo leh ina nabi aadanow:

- Dushaydaad ku or-ordaysaa calooshaydaana ku dambayn doontaa,
- Dushaydaad alle ku caasiyi, caloosheydaana lugugu cadaabi doonaa,
- Dushaydaad ku qoslaysaa, calooshaydaadna ku ooyi doontaa,
- Dushaydaad ku farxaysaa, gudahaygaadna ku tiiraanyoon doontaa,
- Dushaydaad maal ku aruurinaysaa, gudahaygaadna ku shallay doontaa,
- Dushaydaad xaaraan ku cunaysaa, gudahaygaana aboor kugu cuni doonaa,
- Dushaydaad ku kibraysaa, calooshaydaana lugugu dullayn doonaa,
- Dushaydaad adoo faraxsan ku boodboodee, calooshaydaana adiga oo murugaysan lagugu ridi doonaa,
- Dushaydaad iftiin kula soconaysaa, calooshaydaadna mugdyaal ugu tegi doontaa,
- Dushaydaad jameeco kula socotaa, calooshaydaadna kaligaa geli doontaa.

194

Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen qofka uu qosolkiisu bato 10 ayaa lugu ciqaabaa:

- Qalbigiisa ayaa dhinta,
- Wajigiisa ayaa nuurka laga qaadaa,
- Shaydaanka ayaa ku digta,
- Raxmaanka ayaa u carooda,
- Qiyaamaha ayaa imtixaan la geliyaa,
- Suubanaha ayaa maalinta qiyaame ka jeesta,
- Malaa'ikta ayaa lacnadda,
- Ahlu samaawaatka iyo arlooyinka ayaa ka caraysiiya,
- Wax kasta ayuu illoobaa,
- Maalinta qiyaamena waa la fadeexeeyaa.

195p104

Xasanul Basri rc ayaa yiri baa la yiri aniga iyo wiil shaab ah oo caabbid ah oo maalin wareegayna surummada ama dariiqyada Basra iyo suuqyadeeda ayaan u nimid nin dhakhtar ah oo ku fadhiya Kursi ayna hortiisa joogaan rag iyo dumar iyo carruur gacmaha ku haysta qaruurado ay biyo ku jiraan, qof kastana daawo iyo siduu u qaadan lahaa uu u sheegayo, markaa ayuu wiilkii ku yiri dhaqtarkii, dhakhtarow ma haysaa daawo dembiyada mayrta, cudurrada quluubtana dawaysa ? dhakhtarkii wuxuu yiri Haa, wiilkiina wuxuu yiri keen?, markaa ayuu dhakhtarkii yiri iga hoo 10 kaan shey:

- Soo qaado xididdada geedka faqriga iyo xididdada geedka tawaaduca,
- ku shub geedka haliilajka tawbadiisa,
- ku dar hal tuuryo oo raalli gelinta alle ah,
- ku shiid qanaaco habaysan,
- kuna wada shub dheriga taqwada,
- ku dar biyaha xishoodka,
- ku karkari dabka maxabbada alle,
- ku shubo koobka shukri celinta,
- ku qabooji marawaxadda rajada,
- kuna cab malqacadda xamdiga.

haddii aad sidaas yeesho waxay kaa anfacee cudur kasta iyo belo kasta ee adduun iyo aakhiro.

196p105

Boqor baa waxa la yiri isu keenay 5 culummada iyo xikmadlayaasha ka mid ah, wuxuuna amray in uu mid kastaba hal xikmad sheego, markaa ayaa mid kasta 2 xikmadood sheegay, sidaas ayeyna 10 ku noqdeen,

kii 1aad wuxuu yiri:

- Khaaliqa oo laga cabsado waa aamin, ka aammin noqoshadiisuna waa gaalnimo,
- ka aamin noqoshada makhluuqu waa xurnimo, ka cabsashadiisuna waa addoonnimo,

kii 2aad na wuxuu yiri:

- Rajada alle wax laga rajeeyo, waa taajirnimo uusan faqrigu waxba ka dhibin,
- ka quusashada alle, waa faqri aysan taajirnimo kastaa waxba u tarin,

kii 3aad wuxuu yiri:

- Taajirnimada qalbiga, waxba kama dhibo faqriga jeebku,
- Faqriga qalbiga, waxba uma tarto taajirnimada jeebku.

kii 4aad wuxuu yiri:

- Taajirnimada qalbiga, deeqsinimadu wax aan taajirnimo ahayn uma siyaadiso,
- faqriga qalbiga, jeebka buuxaa wax aan faqri ahayn uma siyaadiyo.

kii 5aad wuxuu yiri:

- Khayrka oo in yar laga qaato ayaa ka fiican sharta oo in badanlaga tago,
- Sharta oo kulligeed laga tagana waxa ay ka fiicantahay khayrka oo in yar laga qaato.

197p106

Ibnu Cabaas ayaa yiri bay yiraahdeen suubanaha ayaa yiri 10 nooc oo ummaddayda ka mid ah jannada geli mayaan kii tawbad keena mooyee:

- Qallaac: (kan madaxda u nacamleeya),
- Jayyuuf: (nabbaash ama kan qabuuraha qota),
- Qattaat: (namaam),
- Dabbuub: (kan dhillooyinka dallaala),
- Dayuus: (kan aan maxramkiisa lugu hor xumaynayo ka diirin),
- Saaxibul cardaba; (dabbaal ama kan durbaanka tuma),
- Saaxibul kuuba: (mandolin ama kan kabanka garaaca),
- Cutul: (kan aan demiga laga galo cafin, cudur daarkana aqbalin),
- Zaniim: (kan zinada ku dhashay ee dariiqa bartankiisa fariista ee dadka xanta),
- Caaq: (caaqul waalidayn).

198p107

Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen 10 qof ilaahay aqbali mayo salaaddooda:

- Qof qiraa'a la'aan keligiis tukaday,
- Qof aan zakada bixin,
- Qof qoom salaad tujiyey iyaga oo neceb,
- Addoon caasi ah,
- Shaaribul khamri mudmina ama qabatimay,
- Haweeney habeen barisay ninkeeda oo u caraysan,
- Haweeney xur ah oo khimaar ama hagoog la'aan tukatay,
- Ribo cunowga,
- Madax daalim ah,
- Qof aysan salaaddiisu ka reebin waxa xun ilaahayna kama siyaadsado fogaansho mooyee.

199

Suubanaha ayaa yiri ayey yiraahdeen qofka gelaya masjid waa in uu sameeyo 10 arrimood:

- in uu baaro kabihiisa ama iskaalshooyinkiisa,
- in uu ku billaabo lugtiisa midig,
- in uu bisinka iyo ducada gelitaanka aqriyo,
- in uu dadka uga horreeyey salaamo,
- in haddii aan cid ka horray yiraahdo: asalaamu calaynaa wa ..
- in uusan ruuxa dukanaya hor marin,
- in uusan shaqo adduunyo qaban kuna hadlin iska hadal adduunyo,
- in uusan bixin isaga oo aan tukan 2 rakco,
- in uusan weeso la'aan ku gelin,
- in marka uu istaagayo yiraahdo: Subaxaanakallahuma wabixamdika, ashhadu an laa-ilaaha illaa anta, astagfiruka wa atuubu ilayka.

199p108

Abuu hurayra ayaa yiri bay yiraahdeen suubbanuhu wuxuu yiri salaaddu waa tiirka diinta waxayna leedahay 10 arrimood: - Qalbi nuuraya,
- Jir caafimaad qaba,
- Wehel qabri,
- Raxmad soo degta,
- Furaha samada,
- Miisaan culays (xasanaadka),
- raalli ahaansho rabbi,
- Janno sare,
- Xijaab naareed.

ruuxii hagaajiya diinta ayuu dhisay, ruuxii ka tagana diinta ayuu dumiyey.

200

Ummu Caa'isha rc ayaa waxay tiri bay yiraahdeen suubanaha ayaa yiri markuu ilaahay doono in uu ahlu jannada geliyo jannada, malak ayuu u soo diraa isaga oo sida hadiyad iyo dharka jannada, marka ay doonaan in ay galaan ayuu yiraa in yar ii joogsada hadiyad baan idinkaga sidaa rabbul caalamiinka, markaa ayey yiraahdaan waa maxay hadiyaddu? isna yiraa waa 10 kaatum oo ay ku kala qorantahay:

- Salaamun calaykum dibtum .. (nabad gelyo korkiinna ha ahaato waad soo wanaajiseen ee gala idinka oo ku waaraya),
- Waa la idin ka kor yeelay hammi iyo murug dambe,
- Wa tilkal jannu .. ( waa taas jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad adduunyadii ku samayn jirteen),
- Waxan idiin lebbisnay qurux iyo wax idin sharraxa,
- Waxan idiin guurinnay xuurul cayn, maanta ayaan ka abaal marinayaa wixii ay soo sabreen
- Waa kan abaal marintiinnii aad daacada alle samayseen,
- Waxad noqoteen (maanta kaddib) dhallin yaro aan gaboobayn weligeed,
- Waxa aad noqoteen aammin, cabsanna maysaan weligiin dambe,
- Waxad la saaxiibteen oo aad la joogaysiin ambiyada, siddiiqiintii, shuhaddadii iyo saalixiintii,
- Waxad degteen raxmaanka carshiga suubban leh agtiisa (Boos ma ahane waa xurmo ahaan,

Markaa ayuu malaggu leeyahay gala idinka oo aamin ah, markaa ayey jannada gelayaan iyaga oo leh ilaahay baa mahad iska leh murugo na dhaafiyey ..., waxaa mahad iska leh allihii ballankiisii noo oofiyey nana dhaxalsiiyey janno aan meesha aan doonno ka degayno.

201p110

Marka uu ilaahay doono in ay ahlu naarka geliyo naarta wuxuu u soo dirayaa Malak oo sida 10 kaatum oo ay ku kala qorantahay:

- Gala ma dhimanaysaan mana noolaanaysaan mana ka baxaysaan weligiin,
- Dabaasha oo quusa raaxo xaq uma lihidine,
- Ka quusta raxmaddayda,
- Dhex gala murugo, welwel iyo tiiraanyo weligiin ah,
- Dharkiinnu waa naar, cuntadiinnuna waa Zaquum, sharaabkiinnu Xamiim, gogoshiinnu naar, daboolkiinnuna naar,
- Kani waa jazihiinnii wixii aad samaysateen ee aad i caasiseen,
- Caradayda korkiinna ha ahaato, naarna ku waara weligiin,
- Lacnadi ha idin ku dhacdo, ula kicii aad u samayseen dunuubta waaweyn, aadnaanna ka tawbad keenin kana shallayn,
- Qariinnadinna ama saaxiibbadiinnu naarta dhexdeeda waa shayaadiin weligiin damnbeba,
- Shaydaanka ayaad raacdeen, adduunyo ayaadna doorateen aakhirana ka tagteen, waa kaas abaalkiinnii.

202

Qof xikmadle ahaa ayaa yiri 10 waxyaabood ayaan ka raadsaday 10 meelood, waxana ka helay 10 meelood oo kale:

- Waxan raadiyey sarrayn iyo is weyneyn waxanna ka helay tawaaduc (hoos isu dhigid),
- Cibaado ayaan salaadda keliya ka raadiyey waxaan kaloose ka helay xalaal quudnimo,
- Raaxo ayaan ka raadiyey u dadaal adduunyo, waxanse ka dhex helay aakhiro u dadaal,
- Nuur ayaan ka raadiyey salaadda maalintii ee jaharka, waxanse ka dhex helay salaadda siraysiga habeenkii,
- Nuurka qiyaame ayaan ka raadiyey wax bixin iyo deeqsinimo, waxanse ka dhex helay harraadka iyo soonka,
- Siraad ka gudubka ayaan salaatu udxiyada ka raadiyey, saddaqada ayaanse ka helay,
- Naar ka badbaadid ayaan ka raadiyey waxyaabaha mubaaxa ah, shahawaat ka tegis ayaanse ka dhex helay,
- Jacylka alle ayaan adduunyo ka dhex raadiyey, dikriga alle ayaanse ka dhex helay,
- Ladnaanta ayaan jamaacooyinka ka dhex raadiyey waxanse ka dhex helay alle la koodka,
- Qalbiga nuurkisa ayaan ka raadiyey wacdiga iyo qur'aan aqris, tafakur iyo ooyinta shallay baanse ka dhex helay.

203p112

Ibnu cabbaas ayaa yiri bay yiraahdeene aayadda: WA IDIBTALAA IBRAAHIIMA.. waxa ku jirta 10 xaaladood oo sunno ah:

5 Madaxa ah waa:

- Cadayga,
- Luqluqashada,
- San-daarsiga (istinshaaqa),
- Shaarub gaabinta,
- iyo xiirashada.

5 jirka kale ah:

- Kilkilla tifidda,
- Ciddiyo jaridda,
- Bisiq xiiridda,
- Gudniinka,
- iyo istejada.

204

Ibnu cabbaas wuxuu yiri bay yiraahdeen:

- Ruuxa suubanaha hal mar ku salliya 10 goor baa ilaahay u naxariistaa,
- Qofka hal maar caayana 10 goor baa ilaahey caayaa,

Sow ma aadan arag Waliid bin Mugiira lacnadu ha ku dhacdee markii uu suubanaha swc caayey 10 jeer buu ilaahay caayey:

- Dhaar badne,
- dulli,
- Xan badane,
- Namaam,
- Khayrka diide,
- Xad gudub badane,
- Dembi badane,
- Madax adayg badane,
- Wacal,
- Kitaabka beeneeye.

205

Ibraahim al ad-ham ayaa markii wax laga weydiiyey aayadda UDCUUNII ASTAJIB LAKUM, wuxuu yiri bay yiraahdeen ilaahay waan baryeynaa waxnana lanagama aqbalyo quluubtiinnoo 10 shey ka dhimatay darteed:

- Allaad aqoonsateen, mana aadnaan gudan xaqiisa,
- Kitaabka alle ayaad aqriseen, kumana aadnaan camal falin,
- Cadaawadda ibliis baad sheegateen, wali baadna ka dhigateen,
- Jacaylka suubanaha ayaad sheegateen, sunnadiisii iyo raadkiisiiba waad ka tagteen,
- Jannada yacaylkeeda ayaad sheegateen, umana aadnaan shaqaysan,
- Naarta ka cabsashadeeda ayaad sheegateen, dunuubtana kama aadnaan joogsan,
- In ay geeridu xaq tahay ayaad sheegateen, umana aadnaan diyaar garoobin,
- Ceebaha dadka kale ayaad ku mashquusheen, ceebaha naftiinnana waad ka tagteen,
- Arsaaqda alle ayaad cunteen, kumana aadnaan shukrin,
- Maydkiinna ayaad aasteen, mana aadnaan ku cibro qaadan.

206p114

Suubanaha ayaa yiri bay yiraahdeen addoon lab ah ama addoon gabar ah ma aqriyaan ducadan habeenka carafo 1000 goor, illaa haddii ay aqriyaan ee alle wax weydiistaan wuu siiyaa haddii aysan ahayn rixim gooye ama dembiile:

- Waxaa xumaan ka nasahan allaha carshigiisu samada ahaaday,
- Waxaa xumaan ka fog allaha mulkigiisu iyo awooddiisu arlada ahaatay,
- Waxaa xumaan ka fog allaha jidadkiisu berriga ahaaday,
- Waxaa xumaan ka fog allaha ruuxiisu hawada ahaaday,
- Waxaa xumaan ka fog allaha awooddiisu naarta ahaatay.
- Waxaa xumaan ka fog allaha riximyada cilmigiisu ahaaday,
- Waxaa xumaan ka fog allaha xukunkiisu qubuuraha ahaaday,
- Waxaa xumaan ka fog allaha samada tiir la'aan kor yeelay,
- Waxaa xumaan ka fog allaha arlada sidaa u dejiyey,
- Waxaa xumaan ka fog allaha aan cid la megen galo ama wax badbaadisa oo aan isaga ahayn aysan jirin.

207p115

Ibnu cabbaas ayaa yiri bay yiraahdeen suubanaha ayaa ibliis lacnadu ha ku dhacdee maalin ku yiri immisa ayaad ummaddayda ugu jeceshahay, ibliisna yiri 10:

- Mas'uul daalim ah,
- Mutakabbir iyo hantiile aan dan ka gelin halka uu hantida ka keenay iyo halka uu ku bixiyo,
- Caalim u tasdiiqiya ama u rumeeya ninka madaxda ah dulmigiisa,
- Ganacsadaha khaa'inka ah,
- Ganacsadaha badeecada la suga waqtiga baahida si uu uga faa'iido laalaab,
- Zaanigga,
- Ribo cunaha,
- Bakhaylka aan dan ka gelin meesha uu hantida ka aruurinayo,
- Khamro cabowga qabatimay.

Markaa ayuu suubanuhu yiri bay yiraahdeen waa immisa cadowgaaguna, markaa ayuu yiri waa 20 qof:

- Adiga ayaa u horreeya, waana kuu caroodaa,
- qofka Caalimka ah ee cilmigiisa ku camal fala,
- qofka Qur'aan ka xambaarsan ee waxa uu dhigayo ku camal fala,
- Mu'adinka 5 ta waqti alle darti u addima,
- qofka jecel fuqarada, masaakiinta iyo agoonta,
- qofka qalbiga raxiimka ah leh,
- qofka xaqa u jajaban,
- Shaab daacada alle ku barbaaray,
- Xalaal quutaha,
- labo shaab oo alle darti darti isku jeclaaday,
- qofka salaadda jamaca ku ilaaliya,
- qofka tukada habeenkii dadka oo hurdaya,
- qofka naftiisa ka celiya xaaraanta,
- qofka dadka waaniya (ama u duceeya walaalaha) qalbigiisa oo nadiif ah,
- qofka weligiis weeso qaba,
- qofka deeqsiga ah,
- qofka edebta badan,
- kan rumeeyey rabbigiis wixii uu u ballan qaaday,
- kan u samafala dumarka garoobbada ah,
- iyo kan geerida u diyaar garaysan.

208p116

Wahab ibny munabbih wuxuu yiri baa la yiri Tawreed waxa ku qoran:

- Qofka ka sahay qaata adduunyada, maalinta qiyaame ayuu cadaabka alle ka nabad galaa,
- qofka xaasidnimada ka taga, khalqiga hortiisa ayaa maalinta qiyaame looga mahad celiyaa,
- qofka kursi jacaylka ka taga, maalinta qiyaame ayuu alle agtiisa laga sharfaa,
- qofka ka taga qodqodka badan, maalinta qiyaame ayuu noqdaa mid abraarta ka mida,
- qofka muranka iyo shiddada badan ka tagan, maalinta qiyaame ayuu kuwa liibaana ka mid noqdaa,
- qofka bakhaylnimada ka taga, wuxuu noqdaa mid khalqiga maalinta lagahor sheego,
- qofka iska raaxaysiga adduun ka taga, maalinta qiyaame wuxuu noqdaa mid faraxsan,
- qofka xaaaraanta adduunyada ka taga, maalinta qiyaame ayuu ambiyada la dersaa,
- qofka eegmada xaaraanta ka taga adduunyada, maalinta qiyaame ayuu ilaahey ka farxiyaa indhihiisa,
- qofka taajirnimada adduunyada ka taga kana doorta faqriga, awliyada iyo ambiyada ayuu ilaahay la soo bixiyaa,
- qofka u qabta adduunyada baahiyada dadka, ilaahay baa u oofiya baahiyadiisa adduun iyo aakhiro,
- qofkii raba in uu qabrigiisa wehel ku helo, ha istaago mugdiga habeenkii hana tukado,
- qofkii doona in uu hooska carshiga raxmaanka harsado, adduunyada yuu daba raacraacin,
- qofkii raba in xisaabtiisu fudayd noqoto, ha u naseexeeyo naftiisa iyo walaalihiis,
- qofkii raba in ay malaa'iktu booqato, ha noqdo xalaal quute,
- qofkii raba in uu dego halka jannada loo jecelyahay, ha xuso ilaahey habeen iyo maalin,
- qofkii raba in uu jannada galo xisaab la'aan, tawbad nasuuxa ah ha tawbad keeno,
- qofkii raba in uu qani noqdo ha ku raalli noqdo wixii ilaahay u gartay,
- qofkii raba in uu ilaahay si fiican u fahmo ha noqdo mid khushuuca,
- qofkii raba in uu xikmad badane noqdo, ha noqdo caalim,
- qofkii raba in uu dadka ka nabad galo yuusan wax aan khayr ahayn qofna ka sheegin, hana ku cibro qaato wixii dadka laga abuuray iyo wixii loo abuuray,
- qofkii raba sharaf adduun iyo aakhiro, adduunyada aakhiraa ka fiicane ha ka doorto,
- qofkii raba jannatul firdawsa iyo nicmooyinka aan suulin, yuusan cimrigiisa ku dhex dayacin fasaadka adduunyo,
- qofkii raba jannada adduunyo iyo aakhiro deeqsi ha noqdo, waayo deeqsigu jannaduu u dhawyahay naartana ka fogyahay,
- qofkii raba in uu qalbiigiisu nuur taam ah ku nuuro, ha fikfikiro hana cibra qaato,
- qofkii raba in uu yeesho badan saabira, lisaan daakira, qalbi khaashica ha u badiyo istigfaar dalabka muuminiinta, muuminaatka, muslimiinta iyo muslimaatka.

D H A M M A A D