English I have prepared







































xamdi kediye
hormuud iyo xulkeenniyo waxaad tahay xabiibkeenna
ummad sharaf ka xuub siibataad xalli is leedahaye
duul qabiil xakaarshaad walaal tahay xulkoodiiye
xididkaad ka soo jeeddey waa reer xakama goyse
xariggay jaraan soo xiroo -----------

ha ka xiiqin ------
inad xiiqi xasad uu ku nici lugu xakaaraayo
oo lugu xumaynaayo baan caad iga xirayne
ha ka xiiqin xamdiyey tolkaa xibinta soomaali

haddii ay ku xaal marinnin oy kuna xumeeyaanna
xuud waalan walaalkiis ayaa haya xiskiisiiye
xididkaad ka soo jeeddey waa reer xakama goyse
ha ka xiiqin xamdiyey tolkaa xibinta soomaali

xabaal bay dul yaallaan kuwaad xidid wadaagteene
qabiil ay xurmeeyeen ayaa saa u xaaqaya e
xakaarkiyo dhibkey soo mareen maba xusuustaane
qalbigaa xirmiyo goob kastoo garasho xaalayne
goortay is xaasidi ayuu taam xiskood yahaye
cadawgoodu goortuu xumayn xawda wada goyni
xaabkiyo calooshiyo mijaha kama xaggeeyaane

xuurtaa ku wiirsaysa iyo duul xumaan badane
xaasid bay intaa caawiyaan xuladka ciilaane
ha xakaarin xamdiyey marnaba dhici xuquuqdeenna

xuskay odaga beesha u dhigaan xoolo loo qalayo
hooyoo xuquuq odayga dheer ugana xeel dheerna
xus ha kuu dambeeyee xitaa maba xusuustaane
oo oo ehelkeedi bay xaaqayaan --------------

xamday hooyo uma dhigahayaan kana xuquuq dheere
xabaashay ka soo eegayaan saddex xuquuqleeye
inta ay xaqoodii inkiri oday xiriirayso
ha ka sugin xabaal mooye iyo ---------

xabaalaha gantaalaha ka iman xawdka wada gooye
inay xeel horumarini iyo
xasuuq bay ka doorteen kulyoon qaxa u xaabxaabso

xaaraami xigtiis raadsan oon qaranba xaalaynin
xilmadhibe xil bay dhiba yirey daba xadreeyaane
iyo midan xishoon bay intaa daba xayaadaane

xishoodkiyo xijaabkaan u bogey kugu xariirnayde
xilkii nimanka baad saarsatiyo xoog ka sii badane
xurnimada midduu daayacaad xeel ku raadiniye
ha xakaarin maantiyo berriyo beri la xiiqaayo

xaliimkey xamdaay kuu gargaar oo ku xaal marina
xayaad iyo dalxiisnimo ku dhaaf xiiqda sakaraadka
ha xakaarin beriguu khalqigu xuurta geli doono


Yuusuf xasan ina macallin iyo shukri xariireyba
xulka faarax macallin iyo 

samankuu xabiibkeenni yiri waa xarkaha goyska
oo xishoodka way diidayaan xaawaley badiba
xilligeedi waadiga arkoo xaadir baad tahaye
quruxdaan xijaab lagu helayn xaydo lagu waaye
xuub caaro tii xirata ee xulusta muujaysa
ee tuurta xurmadeeda oo suuqa xarakaysa
mid xalaal karaahsanhayoo jecelna xaaraanta
baa intuu xafuuqsado tufoo xeebta soo dhiga e
xishoodkaa ku dhawrsoo walaal xiro xijaabkaaga





ref