Markaad Qisadan aadka u yar daawato Xaqa raac ama si cad u diid, maalinta xisaabtaadana iska yar sugo:

Qisadan 3da daqiiqo & dhawrka ilbiriqsi ah, lkn qofkii Alle & Rasuulkiis rumaysan qiimaha weyn ugu fadhisa waxay ku timid, Shir ku saabsanaa Mucjizada Cilmiga oo ay 8 Dal oo Muslim ahi isugu yimaadeen Dalka Indonesia, 8-daas Dal 8 culummo ah baa ka kala socotey oo kala metelaysey, markaa xilligii ka nasashada Shirka (Brake time), ee la iska shaahayey, buu Sheekh ka socday Dal Qaaradda Eeshiya ka mida oo Caalim Suufi ah gaar ahaan Mad-habta Xanafiya & sheekh sucuudiga ka socdey bay sheekadani dhex martay, waxana ka sheekaynaya Sheekhii Sucuudiga ka socdey: Sheekhii Suufiga oo Su'aal ku billaabay Sheekhii kale waa tan: XANAFIGA: adigu Dalkeed ka socotaa? SACUUDI: Sucuudigaan ka socdaa. XANAFI: idinku ma jeclidin Rasuulka csw. SACUUDI: Subxaanallaah! oo sabaabtaad su'aashaas ii weydiisay waa maxay? XANAFI: sababtu waa: Mawliidka Nabiga ma dhigtaan. SACUUDI: Wallaahi waxaan jacaylka nabigeenna ahayn inaynaan dhigista Mawliidka u daynin. XANAFI: oo sidee camal? SACUUDI: Mawliidkan aad dhigtaan ma Daacad & Cibaado alle baa, oo aad Alle ugu dhawaanaysaan, ajarna aad uga rabtaan, mise waa macsi aad ilaahay ku caasinaysaan? XANAFI: waa Cibaado aan Alle ugu dhawaanayno, ajarna uga rabno. SACUUDI: OK, haddaba Cibaadadaas aad Alle ugu dhawaanaysaan, Nabigu csw ma yaqaannay, mise ma aqoon oo ka jaahil buu ahaa, oo idinka ayaa aqooday, wax uu Rasuulkii Alle aqoon waayey? XANAFI: Rasuulku wuu yaqaannay. SACUUDI: OK, haddaba, Rasuulku swc Cibaadadaas uu yaqaannay, ummaddiisa ma soo gaarsiiyey, mise wuu ka qariyey? (waa soo gaarsiiyey hadduu i yiraa, Nas daliil u ah keen baa hortaal, hadduu wuu ka qariyey yiraahdana, wuu ku gaaloobayaa, illeen waa kii rasuulku swc xajkiisii ugu dambeeyey ummadda horteeda ka sheegay inuu Diintii loo soo dhiibay oo dhan wada gaarsiiyey. الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا ۚ فَمَنِ اضْطُرَّ فِي مَخْمَصَةٍ غَيْرَ مُتَجَانِفٍ لِّإِثْمٍ ۙ فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ - markaa xanafigii intuu yar aamusay oo xoogaa fikiray buu yiri, Maya, Daacad ma aha. SACUUDI: ok, yacni waa macsi, idinkuna waxaad mawliidka u dhigtaan, si aad rasuulka csw u caasidaan, sababtoo ah waad jeceshihiin, sidaas miyaa? XANAFI: maya, maya, waa Bidca xasana (Bidco wanaagsan). markaa iyadoo la wada ogyahay inuu rasuulku swc yiri Bidca oo dhami waa baadi, baadi oo dhanna ciddii la timaad naarta lay gashaa: خير الحديث كتاب الله، وخير الهدي هدي محمد ﷺ، وشر الأمور محدثاتها، وكل بدعة ضلالة وكل ضلالة في النار *** إياكم ومحدثات الأمور، فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة *** من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد *** من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد *** ayuu sheekhii sacuudigu yiri: SACUUDIgii: ok, haddaba haddaad mawliidka tiraahdeen waa bidco wanaagsan, berritana sow oran maysiin Kufri wanaagsan, Khamro wanaagsan & munaafaqnimo wanaagsan, iwm. XANAFIgii: baa intuu sacuudigii gacanta u soo taagay yiri, ii dhiib gacanta, ballan ilaahay waxaa igu ah maanta wixii ka dambeeya, cid mawliidka la dirirta oo dhigistiisa joojisa inaan ugu horreeyo. sacuudigiina wuxuu yiri alxamdulillaah, ilaahay baa mahaddaas iska leh dariiqa saxda ah kugu hanuuniyey. kadib 2dii sheekh saaxiibbo lillaahiya bay noqdeen, oo telefoonnadii bay kala qorteen. Alxamdulillaah. ***************************** indonesia mu'tamar icjaazl cilmi, min ayi balad, maa tuxibbuuna nabi 1- ixtifaalkiinnu ma daacad lillaah am macsiya? tataqarrabuuna ilallh tarjuuna ajrahaa 2- haadihii daaca hal calima rasuul scw am jahilahaa? waantuf caraftum daaca warrasuul maa carafahaa? calimahaa 3- hal ballagahaa li ummatihih am katamahaa? waqafa, thumma qaala laysa daaca 4- yacni macsiya, wa antum taxtafiluuna li mawdihi litacsuunallaah li annakum tuxibbuuna, 5- qaala haadaa bidca xasana, qultu bukra tajiibuuna kufrun xasan, khamrun xasan, wa nifaaqun xasan qaal laa naquul fiihaa illaa kshayran, aysh qultum? HALKAN KA DAAWO DOODDA 2DA SHEEKH