Qabiil waa ragaad - 15 Mar, 2005
Maansadan Qabiil waa ragaad oo soo baxday 15-03-2005, waxa ay soomaalida iyo ciddii aan markaas la hadlayeyba
ku boorrinayey in aanay hantida guud kala yeelan ee wada yeeshaan, oo daa iyagee in ay dadyow kale dunida ka
doontaan oo ay soo dhaweeyaan mar haddii aanay wax u dhimayn, qof kasta oo dembi ka galayna aanay carruurtiisa
u dakanayn, haddaba adiga oo si wanaagsan u fahmi doontid waa tan maansadii Qabiil waa ragaad:-
Somalaay runtaa raaxo lahoo beentu waa ridane
rag allow qabiil waa ragaad raafka kuu gala e
waa ruub jaxiimiyo kulayl raran cadaabeede
waa tii rasuulkeennu yiri raaximahullaahu
nin qabiil u reemee jirkiyo dhiiggu uga rooro
kuwa jannada noo raacayiyo ma aha reerkeenna.
Wuxuu taa ku garan ruuxi raba raataxumadiisa
haddii uu dagaal riiqdo ee laysku wada ruugo
ood sheekh rudduu dhigahayiyo ruum iyo ancaamta
weydiiso sheekh raahibow yaa raqdaan sababay
qasab weeye reerkiisi buu libinta raacshaaye
oo raas kaluu ceebta iyo eed ku rogayaaye
iska reeba raadkiisa naca ruqay qabiiliiste.
Rayfal iyo haddaad qori riddood ruux ku kala goydo
asii aad jihaad raadki iyo khayr u ribaneynin
ee ay u soo aar raggii tahay un reerkiinna
oo aad rijaallo u dishood raas dhan wada ruugto
iska daa Ri' aad faa'iddiyo baasto rubaceede
khasaaraad u sii raabixdood naar ku ragaxleyne
qabiil raadki gooyoo ka taga ruqay ninkiisiiye.
Midnimuu rasaaq caawiyaa una riyaaqaaye
kelinnimo rafaad weeye iyo riibi iyo hooge
haddii aad rafiiq diiddo iyo qolada kuu rayda
oo aad walaalkaa rudiyo ruun la kaliyowdo
idinkays ruqoo rayfal iyo raaf is marisaane
naca raad qabiil oo rillada raaca nabigiinna.
Masiibada middaad raarataa kuu rakaamo ahe
ninka awrku roorkawga dhacay ee raraha jiifa
qoom aan habaar loo riddayn roor ma uu galo e
rixinkioo bestiisay adiga raaxo kuu tahaye
Soomaalidaas raaracdee kala riddoobaysa
iyagays rajeeyoo facood isu rigeeyeene
midka raaskambooniya midkaa reedda kale jooga
rugta ay ka timid hooyadood raaska cidaheeda
abtigood u roon habaryaroo ruuxa carafsayda
dhab haddaad u sii raadiseed jiridda sii raacdo
sida shabaqa caaradu rartee raadarka ad mooddo
riir qura inan wada nahaad riban lahaydeene
haddii aan ku rayneen sidaa raalli ku ahaanno
riixaanya waxan heli lahayn raaxo aakhiro e
balse raacigaan qabaliyee maanka ka rajoobay
abti baad ruqdaa beerki ood dhiiggi ruxataaye
habaryaro adoo ruugi oo una ribaynaaya
ricirahana aad hooyadaa ruugga uga joogto
sidee baad rilladi eebbe iyo roob ku heli heedhe ?
Dadow kaan rasuulkiyo nacayn nabadda ruuggeeda
raaskiinna keenoo ha dego rugaha aad joogto
labo reer ka soo rara rulleyl shiine iyo rooma
qaar kale ribbaad iyo isbayn ruush ka soo bariya
rug caddaagii guudliyo ilaa raydab iyo Jeerin
roombe iyo hadduu riigan dhalay ama rijaal tuuga
mar hadduu ragaad kugu ahayn reero haw tirinin.
Waa taa Ra'daan soo wadooon soo riddaamiyaye
waanada haddaad raariddaan waa sidaan rabaye
balse kii ma rabo taa yiree riixa eraygeyga
dhinac kale ayaan ugu rogaa lagama raystaahe
cid kastoo dagaal ruubatee goysa rimicooda
mar un bay raboodaan heshiis nabadda riixdeede
Ri' kastoy ogow wiilka roon iyo ramiishkaaga
geeridu markey raamsateed raro bannaan joogto
oo labadi reer ay heshiis roob ku wada maasho
oo raage cali wiilashii ramad la maalaayo
oo shaaha reeddiisa iyo biibitada riibi
aabbahood la raaridahayaan sheeko lugu raago
gablan rogatay garabkaana maran ciilna kuu rarane
ninka uu rafaad keli hayaa ruuge waa adiga.
-------------------------------------------------------
Max'ed Cabdi
aamaguul@hotmail.co.uk
|