Xogaha ku qarsoon xanuunka macaanka (sonkorowga) - Q.3aad
qaybtan sedexaad ee aan ka dhigayno qaybii gabagabada mawduucan xanuunka sonkorowga waxaan ku soo qaadanaynaa bal wixii xal u noqon kara iyo dawo xanuunkan isaga ah.

Waxaynu soo sheegnay in dawada ugu wayn ee xanuunkani tahay iyadoo si fiican uu qofku u maamulo cunistiisa iyo cabistiisa, isagoo iska ilaalinaya wixii cunis iyo cabis ah ee dhibaato u leh, kuna dadaalaya wixii labadaas ku saabsan ee waxtar u leh naftiisa.

Sidoo kale waa inuu qofka xanuunka macaanku hayaa ku dadaalo inuu dhimo miisaankiisa, waxaana taas ka caawin karta iska yaraynta cuntada dheeraadka ah ee uu qaadanayo,khaasatan wixii cunis ama cabis ah ee ay ku jiraan macmacaano iyo fiitamiino ah kuwan jidhka hore u naaxiya,sidoo kale iyadna waa inuu qofku joojiyo wixii cunto ka badan sadexda wakhti ee wax la cuno, waxaana ka reeban qofka inuu barqadii cunto ku noqdo isagoo saaka soo quraacday ama casarkii wax cuno isagoo qadeeyay sidoo kale ma fiicna iyadna inuu qofku cunto aad u culus ku seexdo habeebkii,waana ta ugu khatarsan taasi.

Waxaa iyadna u fiican qofka qaba xanuunka markuu ridayo miisaankiisa saayidka ah,inuu sameeyo jimicsi xaga jidhka ah isagoo adeegsanaya socod joogto ah, waxaana u fiican xiliga subaxda hore intaanu quraacan haduu cabo laba koob oo biyo cad ah kadibna uu lugeeyo ama gucleeyo ama jiir uu ka soo baxo wuxuu lumin karaa sonkor badan oo dhiigiisa taalay ama woxogaa miisaan ah oo jidhkiisa fuushanaa, hadii qofku qalab isboorti oo taas ka furan kara uu helona waa khayr, sida baaskiilka taagan.

Waxaa iyana u fiican qofka macaanku hayo inuu si aad ah uga taxadiro wixii dhaawac ah ee soo gaadhaya jidhkiisa oo aanu had iyo jeer ku dagdagin waajaha arrimaha keeni kara dhaawac sida wixii shaqo ah ee ay ka iman karto nabar soo gaadha jidhkiisa ama wixii muran ah ee uu la galayo dadka kuwaas oo hadii ay cid dagaalamaan oo la feedho ay goordhaw adkaanayso inuu bogsado hadii ciridkiisoo kali ah jugi soo gaadho ama la dakhroba.

Waxyaabaha u fiican qofka macaanku hayo ee nabar jidhkiisa ku yaalaa uu buko isla markaana aanu bogsanayn waxaa ka mid ah cunista basasha oo maalintii dhawr midh uu cuno waqtiyada cuntada xabad dhexdhexaada oo biyo badan ku jiraan marka la diro, sababta oo ah waxaa basasha laga helaa maadada loo yaqaano ( Glucokinine ) taas oo u dhiganta maada insulin sida ay u burburiso ama u xadido walxaha sonkoreed ee dhiiga la socda waxaana maadadan glucokinine ay ka qayb qaadataa joojinta nabarada fidaya ee ku yaala qofka waxaanay soo celisaa unugyada lumay ee nabarka dhexdiisa ku dhintay, isla markaana waxay soo ururisaa nabarka afkiisa iyadoo saarta diirkii sare ee afkiisan kala fogaaday barabixiyay, sidaa darteed basashu waxay u fiican tahay qofkastoo macaan hayo marka laga reebo caruurta aanay wali gaadhin da,doodu todoba sanno iyo qofka da,da wayn ee qaba xanuuno uu ka mid yahay gaastari ama dhaawacyo iyo nabaro ku leh laga bilaabo hunguriga ilaa caloosha hoose ee midhicirada,dadkaasi waxay iyagu basasha u isticmaali karaan inay cabaan biyaheeda oo la tuujiyay oo lagu daray caano si uu waliba qiyaasay dhakhtarkooda waxan aqoonta u leh.

Xanuunkan macaanka oo loo qaybiyo dhawr nooc wuxuu leeyahay arrimo aan wali la aqoonsan fajac iyo layaabna galiyay dhakhaatiirta aduunka kuwo hore iyo kuwo danbe intaba,waxaana maanta dhakhaatiir badani aaminsan yihiin inuu kamid yahay xanuunada loo aaneeyo inay keento waxyaabaha loo yaqaano xanuunada dadban sida cawri bini aadan ama waxyeelo shaydaani ah,taasi oo markii baadhis in badan la waday la gaadhay natiijoonin wali socda oo aan dhamaystirnayn,hadii taasi suurta gashana uu xanuunkan macaanku safka hore kagasoo biiri doonaa cudurada ay Duradu keento,kuwaas oo ay ugu caansan yihiin isha, waxyeelada jinka,sixirka, iwm.

Sabata aan intaas maanta u raacinayna waxaa weeyi in la ogaado wixii jiraa sida ay yihiin waayo waxaa dhakhaatiir reer masar ah iyo kuwo reer hindi ahi ay dhawaan ogaadeen in xanuunkan macaanku uu leeyahay astaamo fara badan oo soo galin karta kuwan aan sheegayno taasi oo ay kamid tahay waxyaabihii ay qoreen.

In xanuunkan macaanku uu had iyo jeer ku dhaco dabaqada sere ee dadka iska ladan taasi oo had iyo jeer macmacaan iyo raaxo ku nool,waxaana taasi had iyo jeer ay bartilmaameed u tahay in la cawryo wixii dheeraad ah ee ay haystaan awgeed, iyadoo la ogaaday in ishu keeni karto nabar ku yimaada xubnaha hoose ee jidhka sida beerka ama ganaca,taasoo ka takhalusi karta ama cilad galin karta xubin iyo shaqadeedii intaba markaa hadii ay ku dhacdo ganaca wuxuu markaas waayi karaa bay leeyihiin dhakhaatiirtu shaqadeedii ,(walise arrintaas la iskuma waafaqin).

Waxaa kale oo dhakhaatiirtaasi sheegeen in qofka iska ladan ee raaxo ku noolka ah ay ka mid yihiin dad aan had iyo jeer fadhiisan ee soo jeed iyo xamaalasho ku jiraan joogto ah iyagoo aan waxba inay cunaan ama cabaan haleelin isla markaana naftooda qalalani ay ku tusinayso inay yihiin dad raaxo ka dheertahay,ayuunbaa hadana la arkaa iyagoo macaan kii ugu xumaa hayo,markaa taasina waa calaamad ku tusinaysa inuu xanuunkani noocyo iyo sababo badan leeyahay oo waxa uu ku yimaado aan loo aanayn karin oo kaliya shayo xadidan.

Waxaaba la arkay dadkii beeraha qodayay ee had iyo jeer dhididsanaa oo iyaguna xanuunkan u dhimanaya,iyadna runtii waa la yaab ..

Ta kale waxaa la ogyahay in shaydaanku raaco dhiiga isla markaana uu ka mid yahay waxyaabaha ugu wayn ee cadawga u ah inuu qofka ku sababo xanuun muuqda iyo ku aan muuqan intaba,kaasoo hadii qofku cunto iska dharginayo ku dhiiri galiya si uu goordhaw uga caajiso cibaada isla markaana raba inuu bukoodo qofku,sidaa darteedbaa diintu inoo armartay in bisinka loo qabto cunista iyo cabista,si shaydaan dhiiga raaca ama la socday meeshaas uga boos waayo.

Mawduucan aan ku daba lifaaqay qormadeenii xanuunka macaanka waxay inala galaysaa arrimo is furfuraya oo mawduucan ka dhigaya ku aan mudo dhamaan runtiina u baahan in si madax banaan loo qoro,sidaa darteed waxaan halkaas ku joojinaynaa gabagabdii mawdiica,waxaana aan rabbigeen waydiisanaynaa inuu inaga caafiyo xanuun kasta oo aan garanayno iyo ku aynaan garanayn intaba, dhamaanteena uu ina waafajiyo isticmaalka habboon ee ku dhaqanka diinta iyo dhaqanka saxsan ee aan hidaha u leenahay,waxaan allaah ka baryaynaa inuu inoo furo dariiqa cilmi ee waxtarka uleh qofka iyo bulshada,cudurka wayn ee jahligana inaga saaro,qofkastoo bukana uu inoo bogsiiyo allaah,khaasatan waxaan duco iyo dawo allaah uga baryayaa dadka xanuunka macaanku hayo,kuwa aanu hayna inuu allaah ka illaaliyo ayaan baryayaa.

Dhammaad

Qaybta 1aad - Qaybta 2aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.