Xanuunnada ku dhaca Wadnaha - Q-6aad
Yaab maaha in ka hadalka xanuunada ku dhaca wadnuhu inaga qaato ilaa lix qormo sababtoo ah waxaa taas keenaysa in wadnuhu yahay shay aan lagaadhi karin guntiisa, wixii ku qarsoon illaaha raxmaanka ah ee abuuray ayuunbaa kalidii og,balse intii uu ina baray ayaynu ka hadalnay waliba caafimaad ahaan wixii aan soo ururiyay ee yarayd weeyaan.iyadoo dhaqaatiirtu joogto ayaan intaas oo aan islahaa wuxuunbay tari qoray. Qormadan maanta oo ah tii gababo ee taxaneheenii ugu danbaysay waxaan kusoo qaadanayaa ka hadal guud oo aan khatin uga dhigay wadnaha iyo wixii ku saabsan iyadoo ay ku jiraan cilmiyo faro badan oo uu ka mid yahay kan caafimaad oo aan u dhignayn marka aad eegto xaga macnaha sidii aynu usoo wadnay ka hadalka xanuunada la taaban karo ee gaarka ku ahaa wadnaha sida wixii cilad iyo cabasho xubneed ah ee dareenkeedu ku salaysnaa bukaan jidhka laftiisa ah.waxaana qormadani taas kaga duwan tahay waxaynu ka hadlaynaa xanuunada kale ee jira ee saamaynta ku leh wadnaha iyo bal umuuraha ku saabsan wixii cilmi ah ee laga ogyahay inagoo ku dadaali doona inaynaan xad-dhaafin iskana gaabin doona si aan ugu kaaftoomo wixii maskaxda iyo garashada guud ay fahmi karto,waxaana aan ka bilaabayaa "ogow in xanuunada ku dhaca qalbiga loo kala saaro sadex nooc,iyadoo ay jiraan kuwo kale oo aan tiro lahayn oo kasii farcama sadexdaas bal markaas horta ogow inay si toosa isula xidhiidhaan xanuunadani hadana ay yihiin kuwo ka madax banaan waqti ay yimaadaan iyo waqti ay tagaan iyo meel ay ka baxaan iyo meel ay kasoo galaan,sida ay diintu inoo sheegtayna waxaa qalbiga bini aadamku isku yahay qalbi kaliya oo allaah u gedgediyo kolba si,waxaana qaybahaas iyo noocyadaas qalbiga ee sadexda ahi kala yihiin qalbi caafimaad qaba,qalbi buka,iyo qalbi dhintay,intaas kadib hadii aynu isnidhaa arrintaas sharrax ka bixiya ogow waxay qaadanaysaa lix qormo oo kale iyo in ka badan hadiise aan tusaalayaal gaagaaban kaa siiyo waxaa jira wax kastoo la ogyahay wax lagu garto masalan hadii aan aragno qof qufacaya ma waxaynu odhan karaa wuu iska qufucayaa? Jawaabtu waa maya markaa hadii aan qofkaa baadhno wuxuu ku qufacayo waxaynu ogaanaynaa in xanuun jiro khaasatan marka la shaybaadho ee laga helo jeermis sababa in sidan oo kale qufac u yimaado ayaynu baadhi karaa wax dawo ka ah xanuunkiisa,iyadoo qufucuna waliba leeyahay qaybo iyo noocyo,isla markaana maanta la ogyahay waxa sababa, tusaalahaas waxaan ugala jeedaa inaad fahanto in wax kasta oo muuqda ama la dareemayaa uu salka ku hayo wax u aabo u ah oo keenay taasi oo maanta hadii aanu shayba shay kale ina tusinayn ay qarsoomi lahaayeen badankooda shayo muhiim ah,waxaana halkaas ku jira micnaha balaadhan ee illaahay u rikibay caalamka ku muuqda iyo ku qarsoonba iyadoo aad arkayso xattaa in cilmigu yahay shay aan is barbar oolin ee uu yahay shay is daba taxan oo midba lagu gaadho midka ka danbeeya waayo maanta hadii aynu arday bilaabaya wax barasho iskuul qorayno ma fadhiisin karo fasalka shaanaad inagoon soo marin kow,sidaa darteedbaa kala garashada qabliga fayaw iyo ka buka iyo ka dhintay ay leedahay calaamado iyo astaamo lagu garto oo aan maanta muran lahayn.waliba waxaa la ogayahay calaamado iyo shayo cudurka ka hor keeni kara bukaan iyo dhimasho,marka aan rabno inaan taasi sharraxnona masii badin doono inigoo ka gaabsanaya inaan saamayn ku keeno quluubta dad badan,maadaama aynu xanuuno ka hadlaynona waxaa halkaas ku hadhay ka hadalka qalbiga fayaw oo isagu fayaw, balse xanuunada uu qalbiga bukaa qabo iyo calaamadaha uu ku buko aynu kasoo qaadanno tusaale kali ah kaasoo hadii uu qofku been sheegayo ay tahay calaamad ku tusisa bukaan iyo xanuun,marka la baadho wixii keenayna waxaa la ogaan karaa inay tahay shayo u dhigma jeermis ka ugu khattarsan ee jira isla markaana aad arkayso in iyaga laftooda shayyadaasi ay yihiin bukaan iyo cudur meel fadhiya hadana bukaan iyo xanuun cudura ku keenaanaan cidii ay ku dhacaan qof waxaana ka mid ah jahli, hayaabin akhristoow ee runtii jahligu waa cudur laftiis isla markaana sababa inuu qaliba ku keeno cudurro fara badan oo ay ka kow tahay beentu,markaa bal ka warran imisaa qof maanta arrin uu ka jaahil yahay ka warramaya oo markaaba ku dhacaya been?runtii waa badan yahay waxaana dawo looga dhigi karaa laba shay oo ah in uu iska aamuso kol hadii uu jaahil ka yahay arrin ama uu su,aalo cidii cilmi kaga sugan siduu arrin yahay ee isaga markaas ku dhaanta waayo rasuulkeena suubban s.c.w wuxuu inoo sheegay oo uu yidhi "jahliga dawadiisu waa su,aal"markaa hadii kaasi yahay qalbi buka ogow inaanu jirin xanuunkan aan sheegnay oo kaliya ee beenta balse ay jiraan malaayiin xanuun oo aan lasoo koobi Karin,taasi oo ay ugu caan san yihiin beenta,khiyaamada,tuugada,sinada,dhaca,eexda,isku dirka,i.w,m waxaana maanta taasi u buka tiro dad ah oo aan la soo koobi Karin inta wax ee ay keenaan iyo inta meelood ee ay ka yimaadaana iyana waa meelo badan, hadii tusaale guud aan kaa siiyo waxaabay keenaan badan koodu,barako darro ku dhacda nafta maalka diinta sharafta iyo if iyo aakhiroba,iyadoo ay qofka ka guban karaan wax wayn oo badani,hadii aanu dawo helin,waxaanad arkaysaa Markii maanta dadku bukaan u bateen inay inaga guurtay nimco badan dad iyo duunyaba oo aad maqlayso abaaro iyo nabaad guur iyo surmi iyo saxariir hadana waa alxamdulilaah calaa kuli xaal, waxaase loo baahan yahay dawo dhaqso ah ee illaah ha ina siiyo.aan soo gaabshee waxaan isna u galayaa qalbiga dhintay oo aan leeyahay illaah ha inaga nabad galiyo balse ogow in xanuunadan aan soo sheegnay ay yihiin kowo loo dhinto qalbi ahaan,waxaana ay qalbiga dhinta tilmaamihiisu noqonayaan kuwan ay ka midka yihiin gaalnimo iyo noocyadeeda taasi oo sida ay qofka kula xidhiidhi kartaa tahay si aanu filayn allaah ha inaga najjeeyee.markaa akhristaw iyadu uma baahna calaamado aynu sheeg sheegno iyadoo ay jiraan umuuro badan oo aan la xusi Karin.

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay allaah ha inoo sahlo dawadana ha ina siiyo caafimaad sareecan ahna ha inaga siiyo xanuun muuqda iyo ku qarsoon intaba hana inaga shaafiyo daahir iyo baadin intaba allaah ha ina siiyo dawo xagiisa ah hana inaga saaro wixii xanuun halis ah ee aynu ognahay iyo kuwa aynaaan ogayn intaba sida shakiga,beenta,iyo balaayoo dhan aamiin aaamiin aamiin aaamiin

Waxaanu qofka u baqda qalibigiisu inuu buko ama cudur qaado ku dadaali inuu akhristo ducada dhigaalkeedu yahay yaa xayu yaa qayuumu biraxmatika astaqiisu

Gebagebo


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.