Xanuunka ku dhaca Wadnaha - Q.2aad
Qormadan labaad waxay inoo sii amba qaadi doontaa qodobkii ugu danbeeyay ee aan ka xusnay qormadii hore,inaga oo sheegnay in hawada fiican ee saafiga ahi ay aad iyo aad daruuri ugu tahay caruurta dhalatay gaar ahaan lixda bilood ee ugu horeeya cimrigooda ilaa hal sanno, waxana aynu si adag carrabka ugu dhufanay in guud ahaan laga ilaaliyo caruurta gaar ahaana kuwa yaryar in sigaar lagu ag qiijiyo. Iyada oo markii loo kuur galay la ogaaday in caruurta yaryar sankooda iyo afkoodaba uu ka yimaado dhareer ay soo daayaan qanjidho xidhiidh la leh maskaxda, dhareeradaas oo ah kuwii fikirka iyo garashada buuxda siday, waxaana sababay taas maadaama aanu xiligan ilmuhu isticmaaleyn sanka iyo afka wuxuu dhareerkani uga yimaada bara bixin iyo qashinsaar ahaan, sidaasaana caruurtu badanaa ku garan iska siimi, markase ay weynaadaan laguma arko.

Qofka maskaxda wax uga dhiman yihiina waxaaba loo soo qaataa calaamad lagu garto,iyadoo lagu kala sooci karo dadka sida nidaamkiisa maskaxeed u habaysan yahay oo aanu ilmona ilmo kale lamid ahayn xaga nadaafada, waxaase inagu aan qodobkan uga jeednaa waxa dhareerkaas caruuta ka yimaadaa uu sidaa walxo dhintay oo jidhku ka maarmay isla markaana uu dibada iskaga saarayo kuwaasi oo hadii ay is qabsadaan qiiqa sigaarka oo ilmuhu neefsado markaaba si toosa u raaca dhiiga goor dhawna saamayn ku yeesha in ilmuhu keeno wadno xanuun iyo suuxdin,iyadoo cilmi baadhis lagu ogaaday caruurta yaryar ee dhulka ka cunta haashka sigaarka ee lagu tuurayo meel kasta waana tan aan ku saleynay faah faahinta sare.

Intaas hadii aan ku dhaafno taas waxa ilmaha yari u baahan yahay ilaa halka sanno ee u horreeya inuu maalin walba helo kadib dhalashadiisii 50 habeen cadceed mudo 50 ilbidhiqsi ah ugu yaraan ugu badnaana 2 daqiiqadood waxaana ugu wanaagsan cadeeda cassarkii ilaa shanta galbnimo taasoo la ogaaday inay wax wayn ka tarto xanuunada ku dhaca wadnaha iyo lafaha ee caruurta.

waxa kale oo cadceedaasi galabnimo u fiican tahay xaga indhaha ilmaha yar, waxana had iyo jeer la arkaa hooyooyin ilmahoodo muddo ku haya qol madaw kaddibna markay cadceed usoo saartay ilmaheedii uu waxba arki la’yahay oo sidaa dhakhtar u joogta, arrintaasna dhakhtarku hooyooyin badan ayuu ku canaantaa. sidoo kale waxa ilmaha yar wadnihiisa isna khattar gelin kara iyadoo loogu maydho biyo qabaw ah ama kuwo aad u kulul waxana u fiican kuwo far-diiris ah oo uu ku raaxeysan karo, sababtu waxa weeyi ilmaha yari wuu ka duwan yahay wareega dhiigiisu ka dadka waaweyn mana laha adkeysi foojignaansho oo uu kaga sii war helo in qabaw ama kulayl kusoo fool leeyahay, waxaana dhacda in caruurtu sasto xaaladaas isla markaana uu ilmuhu shoog ka qaado hadhaw saameeya wadnihiisa. sida haboona waxa loo baahan yahay in ilmaha dhashay ilaa sadex sanno marka loo maydhayo marka hore loogu rido biyaha lugaha oo la dhex joojiyo ama la fadhiisiyo ama la jiifiyo hadii weel godan loogu maydhayo si dareenaka guud ee jidhku uu u foojignaan qaato. mana habboona in madaxa lagaga horeysiiyo biyaha iyo saabuunta midnaba, waana in meel dugsoon loogu meydho caruurta,arrintana waxaba ay ku dhisan tahay sida waalidku u kala waayo-aragsan yahay.

taasna hadaan halkaa ku dhaafno marka ay caruurtu gaadho saddex sanno ilaa Kow iyo toban sanno waa marka ay ugu qalqaali badan yihiin waxana caruurta qaarkood soo gaadha jug ka haleesha dushan sare ee ku beegan wadnaha ama meelaha ay ku dhuftaan ama kubaddiba ha kaga dhacdee waxa carruur badan saameeya wadno xanuun kasoo gaadha jug hore taasoo dhawr sanno kadib uu ilmuhu ka cawdo neef tuur sanbabada ah iyo cidhiidhi xaga wadnihiisa ku lug leh waxana hadii aan isla markaaba aan cilada la ogaan ilmahaas lasoo darsi doona mustaqbalka dhow xaalad guud oo caafimaad darro oo wiiqda habdhiska wareega ee dhiigiisa isaga oo u nuglaan doona baro bax dhiig oo hoose iyadoo aan la garanayn waxa luminaya dhiigiisa ee ilmahan jaqaya, koritaanka jidhkiisa oo isna istaaga,difaaca jidhkiisa oo caabiyi kari waaya xanuunada,waxana ugu dambaynta dhaca in maskaxdiisu ay heli waydo dhiigii ku filnaa ee ay rabtay dabadeedna markaas uu yimaado kala go’ yo dhicitaan miyir doorsoon oo shabbaha suuxdinta balse kasii xun,isagoo qofku markuu muddo miyir la,aado soo nafisa markii wareega dhiigiisu hoos u yara dhacay ee la jiifiyay ee uu is gaadhay dhiigiisu,waxana uu qofku markaaba ka cawdaa wadnaha isagoo yidhaa biyo I siiya wadnahaa I dhacsane.

Bal markaa akhristow eeg arrintan marka hore si basiid ah ku timid waxa ay ku danbaysay,miyaanay haboonayan in caruurta yaryar la dhawro oo laga war hayo wixii soo gaadhaya ee jug ah, qormadan maanta intaas aan ku xidhno. Allaah ha ina dhawro inaga iyo ubadkeenaba cUduradana ha inaga kor qaado aamiin waa inoo jimcaha dambe isha Allaah.

Qaybta 1aad - Qaybra 3aad - Qaybra 4aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.