Naas nuujintu waa daawada hooyada & ilmahaba
naas-nuujintu waa arsaaqda koowaad ee binu aadamku dhadhamiyo marka uu ifka usoo baxo, taasoo uu rabbigeen ugu mano sheegtay inuu ku hanuuniyay iyadoo la arko ilmaha oo xataa urinaya caanaha oo sanka la raacraacaya, runtii waa hanuun aad ku arki karto indhahaaga,mida kale waxa uu ilmuhu la qabsadaa oo uu xidhiidh la yeeshaa kanasoo sooci karaa nooca caano ee uu hooyadii ka jaqo caanayawga kale.taasina waa mucjiso iyo hanuun,xataa waxaa iyana jirta oo dhakhaatiirtu sheegaan in ilmuhu kala garto hooyooyinka isagoo yaqaan garaaca wadnaha hooyadii ee khaaska ah,iyadoo taasi wado ugu noqota inuu markaaba caano ka doono,sida tijaabo lagu arkayna hadii ilmo ooyaya oo gaajoonaya ay ruux dumar ah oo irmaani qaado oo ay laabta ku qabato balse aanay hooyadii ahayn ma aamuso,taasna waxaa ka duwan hayadii dhashay oo iyadu markay taabatoba iyadna dararta ilmuhuna aamus xasilo oo uu daayo qaylada,arrintaasina waa shayga kaliya ee aanu wax kale baabiin Karin saacada oo kala kaxaysa mooyaane isagoo rabbigeenu subxaanah inoo sheegay inay mid kastoo naasnuujinaysaa ay tuuri doonto ilmihii jaqayey,mid kastoo uur sidaana ay dhigi doonto uurkeedii, dhibaatada jirta awgeed,waxaana culimada qaar halkaa kasoo qaadeen in ka gudhinta ilmaha naaska iyadoonay wax ka wayni meesha jirin ay tahay arrin aan ku banaanayn shareecada islaamka oo ay tahay ku xad gudub qodob asaasi ah isla markaana lanbarkow ka ah xaqqa ilmaha,iyadoo la xuso hadii uu ilmuhu waayo naasnuujin in maskaxda fayaw ee kaamilka ah uu badh waayo waxaana la sheegaaba in la kala garto isgoo todobaatan sano jir ah qofka caano jaqay laba sano iyo ka aan jaqin iyadoo farqiga ugu wayni noqdo xaga miisaanka maskaxda.

Waxa la ogsoon yahay maanta in caanaha hooyadu ay yihiin dawada xanuunka jooga iyo kasoo socdo ee ilmaha iyo hooyadaba. Waxa la ogsoon yahay maanta in aanay jirin wax kale oo la tartami kara ama losoo garab dhigi karo caanaha hooyada,taasoo loogu doorin karo inuu ilmuhu qaato.khaasatan lixda bilood ee ugu horeeya.waxaana xusid mudan in la sheegona ay tahay in la ogaado inaanu ilmuhu waqtigan lahaynba calool ay gali karaan wax kale xattaa biyo cad sabatoo ah waxa uu kaga maarmay caanaha oo wata wax kasta oo uu u baahan yahay xiligan,waxaana waliba caanahan ugu horeeya ee hooyadu ay dhisaan gidaarka caloosha ee ilmaha taasoo uu ilmuhu ugu adkaysan doono marka uu bilaabo cuntada buurbuuran ilaa intuu noolyahay,hadii uu waqtigan naas nuujin seegana uu goor dhaw kala kulmo dhibaato hor leh oo marka ay ugu yartahay sababta shuban iyo matag ilayn waxa ka maqan culaygii calooshiisa,e. bal is waydii ama cid aqoon kugu dhaanta waydiiyoo maxay haanta caanaha lagu shubo u taraa culaygu?jawaabtu waa adkaysi.iyo cimri dheeri,waxaa iyadna jirta in isticmaalka caanaha hooyada iyo wax kastoo lagu dhex wadaa ay isdiidaan oo ilmuhu uu markaaba bilaabo dibiro iyo diidmo caanaha hooyada,kadib markii ay meesha soo galeen calool qudhun iyo jeermis hor leh oo aanu ilmuhu u adkaysan Karin waqtigan,waxaana hooyooyinka aad ka maqlaysaa waxaa haya { laan ama geed sare} runtiina maahaba cuduradani kuwa jira haba lahaadaan magacyadan inta badan lasoo isticmaalayaye,waxaase lagu tilmaami karaa wax waaqaca ka jira oo saamayn inagu leh,waxaana marxaladaas oo kale ilmaha khattar galin kara in la sanbooriyo oo farta afka laga galiyo,runtiina waa nasiib darro maalin walba dhacda balse yaa inaga karaya ee dumarka u sheega dhibtay gaysan karaan ee ku iman karta ilmaha taasoo ay ugu yartahay khalkhal maskaxeed iyo baqasho uu ku barbaaro ilmuhu isgoo sas iyo hurdo la,aan qaada koriinkiisa firfircoonina ay lunto oo shinbirta la sheegaa ay ka duusho haday jirto anoo markaan baadhay ogaaday inay tahay barako iyo shay uu lahaa ilmuhu oo ay wax iska badaleen.intaa hadaan kaga gudbo ilmaha iyo khasaaraha soo gaadhi kara caano la,aan uu hooyadii kala kulmo bal aan wax ka xusno faa,iidooyinka caanaha naaska hooyada oo kooban inagoo waliba qaar kor kusoo xusnay.

1. waxaa caanaha hooyadu ay aad u ilaaliyaan dhaqaalaha qosyka gaar ahaan guud ahaana ka umada waayo danta qoyska ayay ku jirtaa danta umadu,halkaasna waxaa ka baxa kharsh kasta oo ay lahaayeen shayo kale oo uu isticmaali lahaa ilmuhu ku fiican iyo ku xun intaba

2. sirta caafimaad ee ay ku naaloonayaan caruurta ka dhalata qoys sabool ahi waa ta ka duwan had iyo jeer caruuta kasoo jeeda qoysas iska ladan marka la iskugu yimaado goobaha caafimaad taasna waxaa farqiga u sameeyay ku kaaftoonka naasnuujinta iyo ka boodboodka naasnuujinta ama hore uga gudhinta

3. caafimaad qabka hooyada waxa ay naasnuujintu ka qaadataa door wayn iyadoo ay ka hor tagto cuduro badan hadii ay hooyadu waliba si joogta ah oo haboon u siiso ilmaheeda naaska iyadoon ku gabbood falin oo haday doonto intay iska shaqo tagto hadhaw markay soo rawaxdo uun tidhaa ii keena ilmaha wuu beer cadaadee,runtii waa mushkilad wayn oo cawaaqib xumo keenta ay ka kow tahay inuu soo dagdago kala gudh dhaqso ah,hooyada oo hesha markaaba caadada isla markaani qaadi karta ilmo cusub taasoo la arko hooyo xaamilo ah walina sii jaqsiinaysa iyadoo aan cilmi loo lahayn ayaad arkaysaa in dadku iska nool yihiin waxaana dadkeenu baraarugaan markay aafo dhaco,akhristaw miyaanad ogayn in masaladan ugu danbaysa ee aan xusnay keeni karto in ilmaha caloosha ku jiraa soo dhaco,ka naaska jaqayana ay lasoo darsaan cuduro ay kamid tahay suuxdin iyo xanuunada ku dhaca saablayda,iyo dhamaan qanjidhada waawayn ee muhiimka ah iyadoo la arkay in laba ilmood oo laba sano kala wayni iskusoo gaadheen naaska jaqiisa ilayn kan horaa qayrkii ka hadhay oo bukaan ahaaye,sidoo kale waxa uu ilmahaas dhalanayaa kusoo dhashaa marmar isagoon dhamays ahaynba,ama waqtiga foosha ayuu adkaysi u yeelan waayaa oo uu siriraa ilayn waa ilmo nidaam khaldan maraye,taasoo ay dhakhaatiirtu sabab uga dhigaan iyagoo ku tafsiiray in caanaha hooyadu yahay shay joojiya dhiiga caadada inta ay jirto naasnuujin caadi ahi marka ay timaadona ay calaamad u tahay ku tusinaysa in hoormoonada muhiimka ah ee dhaliya caanuhu ay u guureen ka shaqaynta iyo diyaar garawga ilmo cusub, markaas hadii ay taasi timaadana waxaa meesha ka baxaya caanihii iyo faa,iidadii ay ku fadhiyeen.

4. dhibaatooyinka ay hooyadu kala kulanto caanaha oo gaagaxa waxaa kamid ha inay hooyadu qaado mustaqbalka kasnalka naasaha

5. waxay naasnuujinta habbooni si habsami ah doorwayn uga ciyaartaa caafimaadka guud ee hooyada iyo ilmaha

6. marka ay hooyadu ka baxdo afartanka habeen ee u horeeya waqtiga amusha ayaa habboon inay la kulanto xaaskeeda xattaa hadii ay daahirsato labaatan cisho kadib dhalmada,waayo taasi waxay ilaalisaa in macdangta furani damacdo inay ilmo kale qaado,waa arrin maanta la ogaaday balse diintu ina fartay qarniyo ka hor.

7. naasnuujinta oo lagu badalo masaasadnuujin waa cawaaqibka ugu xun ee maanta jira waxaana haboon in ay dumarku usoo baxaan maalin loogu magac daro maalinta masaasad tuurka iyadoo ay hooyooyinku goob munaasabad ah ku ururiyaan masaasado laga taqaluso iyadoo halkaa lagaga tashanayo wixii arrimo ah ee haboon kol ilmaha loogu badalo koob uu wax ku cabo oo dhaama masaasada waxaana daruuri ah in ay ku beegnaato munaasabadan oo kale ee maalmaha naasnuujinta.

8. waxaa daruuri ah inay jirto waxbarsho dhaqan celin iyo baraarujin iskugu jirta oo ay hooyadu kala kulanto goobaha caafimaad khaasatan MCH ka maadaama ay hooyooyinka waqtigani yihiin kuwo da,doodu ka yartay 30 sanno 73%

guntii iyo gabagabadii waxaa daruuri ah in sare loo qaado tacliinta wax barasho ee dumarka yar iyo wayn iyadoo loo baahan yahay siminaaro wax lagu barayo dumarka khaasatan hablaha u diyaar garoobaya inay xaas noqdaan mustaqbalka dhaw taasoo lasii bari karo maamulka iyo maaraynta haboon ee reerka iyo xilka wayn ee kusoo wajahan gabadha iyadoo waliba wax barashada noocan ah lagu bixinayo shahaadado ku tusinaya koorsooyinka ay ruuxan dumar ahi soo qaadatay waana shay hadhaw lagu qiimayn karo gabadha,waxaase nasiib darro ah inaanu jirin school noocaas u shaqeeya oo furani,balse waxaan rajaynayaa inay dumarku furtaan sida ugu dhaqso badana ay ugu darsadaan horumarkooda wax ku oolka ah ee ay waqtigan u heelan yihiin.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.