Dhibaatada isticmaal xumida dawada
Xidhiidhka ay leeyihiin dhaqaatiirta iyo bukaanka qaba xanuunadu markasta oo uu fiicnaado waxaa sahlanaata xal u helida iyo daawaynta cuduro badan, kolba sida ay isku fahmaan dhaqtarka iyo qofka bukaa ayay ku xidhan tahay wada socodka iyo wada shaqayntoodu, kalsoonida uu qofka bukaa ka qabo dhaqtarkiisa ayaa u horseedi karta inuu lasii joogo ilaa inta uu bogsanayo,falsafada qaabka dhaqtarnimo waxaa la ogyahay inaanay ahayn cilmi oo kaliya balse loo baahan yahay waayo aragnimo buuxda oo uu dhaqtarku kula macaamilo bukaanka u imanaya, kolba sida uu qofka dhaqtarka ahi ula dhaqmayo bukaanka u imanaya ayay ku xidhantahay inuu wax u qaban karo iyo inkale,marka uu qofka bukaa arko inaanu muhiim siinayn dhaqtarkan uu uga cabanayo xanuuka oo taasi ka dareemo sida uu ugu shaqaynayo ee uu ugusoo jeedo waxaa si buuxda u luma rajadii uu qofka bukaa ka qabay inuu dhaqtarkan isaga ah dawo ka helayo,daryeelka caafimaad sharciga u dajisan waxaa kamid ah in dawada ugu horaysa ee uu dhaqtarku u fidiyo dadka buka ay tahay naxariis iyo soo dhawayn iyo ukuurgal qoto dheer oo uu ku sameeyo qofkan isaga ah ee buka.

Xirfada shaqo ee dhaqtarnimo waa mid ka madax banaan inay noqoto wax uu danta koobaad ku qabo dhaqtarku balse waxaa loo baahanyahay inay noqoto wax loogu danaynayo bulshada bukta, waxaa habboon inaanu qofka bukaa dareemin in laga shaqaysanayo, balse loo baahan yahay in uu dhaqtarkiisu dareensiiyo oo uu ficil ku muujiyo in qofkaas buka loo shaqaynayo isaga, sida xun ee aan haboonayn ee qofka bukaa u isticmaalo dawooyinka waxay kusii dhalisaa cudur iyo xanuuno kale, waxaana taariikhdu ay qortay inta qof ee dawo ku dhintay, markasta oo ay faraha ka baxdo nidaamkuna ka lumo dawada uu qaadanayo qofka bukaa waxaa sabab u ah aqoon darada iyo jahliga u wehilya qofka xanuunkiisa, si ay taasi meesha uga baxdo waa in dhaqtarku ku dadaalo inuu sidii uu ukasban lahaa dadkiisa buka isla markaana ugu qancin lahaa habka fiican ee dawada loo qaato, marka uu dareemo qofka bukaa in dawooyin fara badan oo aanu kharash ahaan iibsan Karin loo qorayo waxa ku dhiiranayaa inuu isagu xadido inta uu qaadanayo, taasina waa wax khalad ku ah ka bogsashada xanuunada,sidoo kale waxaa iyadna aad u xun in qofka bukaa uu dawo loo qoray marka uu inyar ka isticmaalo joojiyo isagoo yara dareemay ladnaansho, taasina waa ta keenta in goordhaw dawadu qofka waxba u tari waydo inkastoo waliba xanuunadu kala duwan yihiin,markasta oo dhakhtarku dareemo in qofkan bukaa aanu si fiican dawada u qaadanayn taasina ay khatar u leedahay mustaqbalka waa in dhaqtarku qofkan buka ka dalbo inuu soo kaxaysto cid isaga ka masuul ah,oo kala shaqaysa sidii uu dawada si fiican ugu qaadan lahaa.

Iska iibsashada daawooyinka ama iska iibintoodu waa wax uu khattar ku gali karo qofka sidaas ku isticmaalaa, waayo murti caafimaad oo hal ku dhag ah ayaa tidhaa DAWO AAN DHAQTAR KUU QORIN HA CUNIN, waxaa la arkaa in qof xanuunsanayaa marka uu ka dhex cawdo dad ay goob ku kulmeen oo uu yidhaa madaxaan bastay ka ahay in qof kale oo meesha fadhiyay yidhaa anaa sidaas madaxu ii xanuunayaye hoo galkan aan kiniinka ka dhameeyey ula tag farmasigaas oo kasoo iibso intaas kadibna uu qofkii sidaas aqbalo oo uu fuliyo arrintii, halkaasna laga yaabo inuu ku galo halis ka wayn madax xanuun, ilayn ma jirto hubsiimo lagu ogaaday inta uu madax xanuunku u qaybsamo iyo sida ay ukala xanuun duwanaayeen labada qof.

Waxaa iyadna badanka dhacda oo marqaati madoon ah in qof ka cabanaya calool istaag ama dhabar xanuun kadib markii dadku ay cabshadiisa maqleen kula taliyaan miyaad geed hebel isticmaashid ama kaynta noocaas ah cuntid ama ay yidhaahdaan anaa sidaas ahaaye geedkaa walaaqo oo cab, dabadeed marka uu qofkii hawshii fuliyo isna halkaas khattar ku galo waayo tusaale ahaan caloosha oo taagan hadii aad tidhaa mar kaliya ayaan ku weerayaa socodsiin waxaa dhici kara hadii aanay si qiyaas iyo maamul leh ku dhicin hawshaasi in naqas iyo dibiro ku gasho,masalan waxaaba ku taagan oo saxaro qalalani ku jiiftaa midhicirka hoose ee uu dhaw malawadka markaa hadii ay taasi jilci waydo waxaa kugu imanaya kala xidhan iyo qarax aan la mahadin isla markaana khatar ku ah noloshaada.

Si xun u qaadashada dawooyinku iyadaa ka daran cudurada waxaana had iyo jeer halis keenta dawooyinka la isku tilmaamo ee aan dhaqtar kuu qorin, dhamaantood waa in laga tigtoonaado, kuwa ugu khattarsan ee had iyo jeer cawaaqib xumida ku haya bulshada waxaa kamid ah kiniida hurdada oo tankooda la dhaafiyo, qofka taasi bartaana waxaa uu ku danbeeyaa wax aanu goordhaw mahadin oo ay ka kow tahay xanuunada ku dhaca maskaxda,habdhiska taranka iyo maqaarka sare.

Waxaa iyadna caado xun ah in la isticmaalo kiniinada soo rida ilmaha ama ka hor taga uurka, iyadoo waliba xadkooda la dhaafiyo ama si joogto ah loo cunaana kabasii khattarsan, qofka xaaska ah ee dumarka ahi kiniinada ay u isticmaasho kala fogaynta dhasha waa wax aanay si joogto ah u qaadan Karin waligeed mudo iyo waqti uu dhaqtar xadiday mooyaane, sidoo kale dumarka u baahan inay helaan dhiigii caadada iyaguna waa inaanay noqon kuwa mar walba arrintaas u cuskada kiniin balse waa inay ku dadaalaan sidii waxaasi si dabiici ah ugu heli lahaayeen, dhamaan kiniinada loo isticmaalo ka hortaga uurka iyo ladagaalanka ilmaha beermaya waa wax aan sharci ahayn hadii aanay jirin maslaxo kale oo ka wayni waliba waxaa xaaraan ah in lasoo rido ilmo caloosha galay haba ku jiro bilawgiisii ugu horeeyee, sharci iyo sharci darro kuu doono haku calool galee, khattarta cuduro ee ka dhasha si xun u isticmaalka kiniin ee xaga dumarka waxaa kamid ah kansarka naaska iyo makaanka, waxaana dhamaan baaba,a habdhiska taranka ee ah qof kasta mustaqbalkiisii.

Waxaana qormada maanta muhiim ka dhigay ka hadalka arrintaas oo aan u baahanay in laga afgobaadsado waxaana wax ka qaban kara bulshada meelaha laga wacyi galiyo oo dhaqaatiirtu ka hadasho si xog looga siiyo bulshada waxyaabo badan isla markaana sare loogu soo qaado wada shaqaynta muhiimka ah ee ka dhaxaysa dhaqaatiirta iyo bukaanka kala duwan ee bulshada, waxaan kusoo gababaynayaa waa in la helo si ay kusoo noqoto habsami u qaadashii fiicnayd ee dawooyinku nooc kasta ha ahaadeene kuwo kiniin ah ama kuwo dhir ah intaba si looga hortago inay faraha kasii baxdo daawaynta fiicani.


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.