Indho xanuunka - Q-2aad
Halkii aan ku joojinay qormadii hore waxay ahayd in qofku marka uu dhasho ee uu iftiinka aduunka usoo baxo waxa ugu horeeya ee laga ilaaliyaa ay tahay wixii nal xoog wayn ee si toos ah ugu wajahan indhihiisa isla markaana waxa aan fiicnayn isna sidoo kale in mugdi lagu hayo ilmaha. Qofku markuu dhasho oo aan cadceed loo saarin, taasi waxay keenaysaa in ilmuhu indho beelo oo uu goor dhaw kadiso ku noqdo araga iftiinku, markaas waxaa habbooni waa in la iskugu dhex wado oo sidii uu ilmuhu ku heli lahaa ilays ku habboon xaga araga indhaha loo helo.

Qormadan maanta waxaan kasii amba qaadaynaa sida waqtigan casriga ahi maanta saamanyta wayn ugu leeyahay aafaynta iyo xanuun ku keenida indhaha, waxaana aan tusaale kasoo qaadanaynaa sida ay maanta waxyeelo ugu keentay da,ayarta soo koraysa indhahooda xanuuno badan oo ka haleelay dhinacyo badan.

Nalka laydhka ee waqtigan aynu sida wayn uga faa'iidaysanaa waxa uu wataa waxyeeladiisa kale ee uu u leeyahay bulshada, hadii aan loo nidaamin sida ugu haboon ee qaabka isticmaal, ogow in wax kastoo dhaafa xadkiisu leeyahay dhibaatadiisa, aan sii dhex galee waxay tahay ujeedadu waa in isticmaalka laydhku ahaado mid waqti lagu bakhtiiyo waqtina lagu shido, waayo waxaa taasi ay xadidaad usamaynaysaa waqtiga seexashada ee qofka khaasatan dadka da,adoodu aadka u yartahay, marka la eego farqiga u dhexeeya labada waqti ee kala ah kan lasoo dhaafay iyo kan maanta aan ku jirno waxaad arkaysaa in wixii ka horeeyay qarnigan bilawga ah ee sagaalka sanno aan ka galay marka lagasoo bilaabo horaantii sagaashanaadkii ay muuqato in farqiga la dareemi karaa yahay caruurta oo aan hore useexanayn ilaa waqti danbe mooyee, taasina waxaa sababa badanaa isticmaalka daawasho ee video ga waxaanad aarkaysaa khattarta ay keeni karto taasi oo durba ka muuqata indhaha caruurta joogtaysay si xun udaawashada aaladan maanta inagaga badatay raadiyawga la dhagaysto.

Caruurta oo hurdadu ku yaraato isla markaana waqtiga ay idhahoodu nastaan sidaasi ku yaraato hadana si xad dhaafa u isticmaala daawashada video ga waxaa markaaba lasoo darsa diciif xaga araga ah iyo xasaasiyad iyo cuncun joogto ah oo ka haleela indhaha waxaanad maanta arkaysaa iyadoo muraayad dhakhtarku u qorayo ilmo yar oo aan wali gaadhin taban sano ama shan iyo toban sanno,kadib markii ay dhibaato xaga indhaha ahi lasoo darastay ee uu iskuulkii waxba ka arki waayay sabuurada, waxaana maanta taasi laga dareemi karaa badanaa iskuulada,iyadoo ay jirto dhacdo waaqaca taal oo baraarujin iyo ka gaashaamasho hor leh oo waajib ku ah cid walba loo baahan yahay,waxaana wax laga damqado ah in maanta caruuro badani durtaba waxba aanay kasoo dhigan iskuulada oo waalidka iyo macalimiintuba u haystaan inuu saaqid yahay ardaygu, balse arintu taas ay kamacno duwantahay.

Arrimaha maanta waaqiciga ah waxaa kamid ah in halista ku saabsan waxyeelada ay gaystaan qalabka daawashada sida TVga iyo isticmaalka computer ka ay si xad dhaaf ah usii kordhayso oo laga baqo qabo in fayoobaanta indhaha ee mujtamaca soo korayaa waxyeelowdo horaanta qarnigan bilawga ah,taasina ay tahay aafo qaran oo haleeshay raasamaalka la isku halayn karo mustuqbalka kan ugu qaalisan waayo hadii xooga aragtiyeed ee bulshada mustaqbalku maanta uu dhalinyarada ka waxyeeloobo waxaa imanaysa in diciifka xaga aragtida oo kaliya aanu qofku hadhaw ka shaqayn karin waxyaabo badan.

Waxaa waalid kasta iyo masuul kasta oo wax garad ah looga baahan yahay inuu caruurtiisa ka ilaaliyo inay si xun u isticmaalaan video ga iyo computer ka, waliba caruurta yaryar waa inaanay hoosta kasoo galin TVga ee ay u dhaxayso masaafo habboon oo ay kaga fogaadaan shucaaca muraayada video ga,waxaa kale oo aan waano u jeedinayaa masuuliyiinta wax barashada ee haya caruurta inay u kuur galaan caruurtooda ay gacanta ku hayaan si ilmoba ilmaha uu xaga araga diciif ka yahay ay soo fadhiisiiyaan safka ugu horeeya ee fasalka waxbarshada, kii sidaasi waxba ku arki waayana ay waalidkiisa la kulmaan si dhakhtar loogala kaashado.

Qormadan waxaan kusoo gabagabaynayaa in wacyi galinta bulshada khaasatan dadka yaryar sare loo qaado si ay inoogu dhawrsoonaadaan hanti ka mid ah nimcooyinka allaah inoogu deeqay kuwa ugu qaalisan,isla markaana waa in laga waantoobo wax kastoo dhibaato u gaysan kara indhaheena waqtigan xaadirka ah iyo mustaqbalka soo socdaba

Q-1aad


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.