Garashada nooca cudurrada - Q-3aad
Sidaynu soo sheegnay qaybtii labaad wuxuu cudurku u aqaybsamaa afar nooc oo kala ah xanuuno saameeya jidhka oo kaliya iyo kuwa saameeya nafta oo kaliya.

Waxaa iyadna jira laba kale oo ay wadaagaan sida kuwo saameeya jidhka iyo nafta iyo kuwo kale oo naf iyo jidh ah.

Isku noqnoqodka afartan nooc waxaa lagasoo saaraa sida uu cudurku hadba ugu guurguuro xaalada guud ee qofka waxayna iskugusoo minguuraan laba nooc oo kaliya sida xanuun jidh iyo xanuun naf.

Qormadan maanta waxaa kasii amaba qaadaynaa wixii nooc cudur ee nafsaani ama rooxaani ah iyadoo aynu taaganahay qormadii gabagabada,bal waxaan ku dadaali doonaa sidii aan nuxurkoo kaliya u taaban lahaa.

Isku eekaanshaha xanuuno badani maanta waxay ku dhaw yihiin inay sidooda u noqdaan xanuun jira oo gooni ah,waayo hadii qofku uu garan waayo xanuunkiisa miyaanay taasi sideeda dawakh iyo jahwareer u ahayn?hadii jawaabtu tahay haa ogow in qaabka daawayneed ee had iyo jeer dhakhaatiirtu ku kacaan ay tahay dajin iyo qaboojin ay kula dhaqmaan qofka bukaanka ah ee u yimid, iyagoo aad arkayso in habaka qaabilaadu uu yahay had iyo jeer mid dhibirsan,waxaana sidoo kale dhacda iyadna in dhakhtarku qofka buka aanu u cadayn hadii xanuun wayn oo halis ah uu qabo balse uu yidhaa waa sahaalee dawadaas soo dhamayso,waxaana taasi had iyo jeer ay marin habaabisaa qofka buka isagoo ku dhawaaqa horta maxaa la iga helay? Waxaana layaab ku galinaya markaad maqasho in bari dhawayd nin bukay oo reer miyi ahaa loo sheegay inuu hayo xanuun la yidhaa libaax,taasina ay keentay in markii uu qoyskiisii ku noqday la waydiiyay maxaa ku hayabuu dhakhtarkii ku yidhi? Waxaanu ku jawaabay iska daaya anaa yaabane sidayda ha dawakhinee….laba cisho kadib ayuu ilmayar oo uu dhalay ka cunay xabad kiniin ah oo ka mid ah dawadii loosoo qoray isaga,taasi oo keensatay in ninkii yarkiisii kula cararo dhaqtarka oo uu yidhaa… walaal dhakhtaraw yarkan waan kari laanahay habeenkiina ma seexdo maalintiina ma seexdo markaa waa arrin aan garan waynaye bal eeg xaaladiisa,waxaana aan imika kuugu keenay show baryahanba anuu ila cunayay kiniinka libaaxa,waxaanse ku waydiiyay caruurtu ma qaadan kartaa? Ninkii dhaqtarka ahaa intuu yaabay ayuu yidhi u gee dhaqtarkii kiniinkan libaaxa soo qoray.

Akhristaw sheekadani waa mid jirta oo dadkii ay ku dhacday joogaan waxaanse kusoo qaadanay bal in la fahmo sida ay tahay dhaqanka dhakhtarnimo ee dadban iyo wixii aan habboonayn ee iska daynteedu fiican tahay.

Si aanu u majara haabaabin qaabka daawayneed ee qaabilaada fiicani waxaa loo baahan yahay in qof kasta oo dhakhtar ahi ka dheeraado been iyo iska tilmaam aan sax ahayn oo uu ku cabbiro qof xanuunkiis, wixii la maldahayaana aanay sidaasoo kale noqon.

Shaybaadhka cuduradu waxa uu soo galaa kaalinta koobaad ee ka hortaga cudurada iyo dawayntooda,waxaana waajib ah qalbaka shaybaadhka iyo dhakhtarka takhasuska ku ahiba in ay ahaadaan kuwo kalsooni laga qabo.

Waxaana had iyo jeer saaran dadkaas shaybaadhka ka shaqeeyo masuuliyad aad u adag oo lagala xisaabtami doono if iyo aakhiroba ,waxaana looga baahan yahay inay been ka dheeraadaan iyo mala awaal,waxaana had iyo jeer shaqadan ku habboon qof dadnimadiisu fiican tahay oo caqli fayaw iyo cilmi usaaxiib ah.

Ta kale ee iyadna lasoo barbar dhigi karo xaaladan shaybaadhka waxaa kamid ah in aad looga taxadiro in qofku iska rumayso qof ku yidhi waad sixrantahay ama waa lagu cawryay ama jinbaa kugu jira waayo taasina waxay ubaahan tahay shaybaadh kale oo ay fiicantahay inaad aad iyo aad u hubsato.

Xaalada nafsaaniga ah ee dabiiciga ahi waa mid lagu yaqaano baqasho, kalsooni, xanaaq, shaki,dulqaad,hinaase,raali ahaansho,xusuus,

Iyo waxyaabo badan oo kale waxaana cudur lagu tilmaamaa xaaladahan oo xadkoodii dhaafa ama hoos uga dhaca, waxaana had iyo jeer habboon in qofku ka foojignaado wixii sare u qaadi kara daganaanshaha naftiisa ee baqasho ama shaki.

Waxaana maanta la ogyahay in albaabka uu cudur kastaa kasoo galaa yahay shaki khaasatan kuwa nafsaaniga ah ee haleela difaaca xaga kalsoonida ee baawarka hoose ee qofka.

Hadii aan tusaale dhacdo ah ku siiyo waxaa maalin maalmaha kamid ah ciyaal yaryari ay aroor hore hor dhigeen dhagax wayn oo dhuxulna ay ku qorqoreen iyo magacyo,guri uu gali jiray nin markii uu toosay ayuu arkay dhagaxa albaabka hor yaala markaasuu markiiba shakiyay oo sheekh u doontay xaafad jaarkiisa ah waxaanu isagoo gariiraya yidhi bal sheekh ina keen waa tan saaka dhagax laga isaaray wax kastee baryahanba waan is garan la,aaye.

Waxaana halkaas ka dhacday sheeko layaable oo aynaan soo wada qaadan karin balse ujeedadu waxay tahay cida dhagaxaas shaybaadhi kartaa waa ayo? Jawaabtu waxay noqonaysaa inaanad cid walba ula tagin wixii sidaas oo kale ah balse aad eegto qofka kuu shaybaadhayaa sida uu yahay iyo dhaqankiisa,waxaana fiican in aad u cuskato qof allaah ka cabsanaya oo dhaqan iyo dadnimo fiican isla markaana cilmi u leh xaalada noocan oo kale ah.

Tanina waa shaybaadhka labaad ee aan soo barbar dhigi karro ka caadiga ah ee xanuunada lagu baadho.

Cudurada ay sixirka iyo cawridu ka mid yihiin waxa had iyo jeer xaqiijin karaa maaha shaki iyo tilmaamta guud ee dadka balse waxaa weeyi baadhis uu ku sameeyo cid arrintan takhasuskeeda iyo shaqadeeda lihi.

Waxaana had iyo jeer lagu dabiibaa si caadi ah oo qof kasta oo muslim ah ay fiicantahay inuu barto,waxaana diintu usoo dagtay dawo jidh iyo tu nafeed intaba khaasatan kuwan aan sheegnay ee sixir iyo cawri ah.

Markastoo qofku ka dheeraado inuu istaago marinka aafooyinka wuxuu u dhawyahay inaanu had iyo jeer bartilmaameed u noqon xanuuno badan oo muuqda iyo kuwo qarsoon khaasatan kuwa durradu keento ee sixir, jin, iyo cawriba leh.

Akhristaw waxaad ogaataa in had iyo jeer dabeecada xun ee duliga iyo wasikhda usaaxiibaka ahi ay soo jiido shayaadiin iyo kooxo qudhun jecel ah oo jin iyo insi intaba leh,markastoo saaxiibkaa noqdo qof xun oo macaasida iyo qudhunka had iyo jeer walaaqda waxaad qudhaadu tahay yool iyo bartilmaameed ay haleelayso judhiiba durro kaga timaada taabasho jin iyo insi waxaanad arkaysaa inay calaamad u tahay dhacdada sixirka iyo cawrida dhex muquurashada xumaanta.

Waxaa taas kasii halis badan xanuunada laga qaado xaaraanta cunisteeda ee shaydaanku qofka marka hore si basiida u galiyo marka danbana la saari waayo cilinkeeda kadib markii ay noqotay waslad xaaraan ah oo jidhkiisa ku taala iyadoo uu shaydaanku goobtaas ka hoy dhigto oo uu qofka dago,waxana la arkaa qofka oo aad moodo inuu waxan ku mamay oo wax wataan had iyo jeer,isagoo inkastoo uu isku canaanto ama lagu waaniyo inuu waxan faraha ka qaado hadana uu is arko isagoo taabanaya,waxaan xalaal u ahayn oo laga yaabo inay xaqa naas yihiin.

Qofkaas oo kale marka dawo loo raadinayo ma waxay noqonaysaa kiniin?jawaabtu hadii ay maya noqoto,ogow in sadaqada badan iyo masaakiinta gaajoonaysa oo la quudiyaa inay tahay dawada ugu wayn ee ka dhigan ka qubasiga xanuunka jira iyo kasoo fool leh,waxaana had iyo jeer aad arkaysaa ninka isku dhex wada labadaas inaanu hore u guban,waxaana dhacda inuu in badan sii shaqeeyo,isla markaana aanay aafadu dhaqso ugasoo daahirin,haba u qoolaado wuxuu galay mustaqbalka dhawe hadana waa qof bogsashada uga dhaw kan isagu kalidii cunaha ah ee qaatan.

Xanuunada nafta ku dhaca ee maanta jiraa maaha kuwo looga warrami karo si guud balse waxaan laga afgobaadsan karin ayaa jira maanta,hadii garshada nooca cudur ee ku haya aad fahmi waydona waxaa halkaas kugu seegan dawadaadii.

Meelaha qofka laga raaco ee uu xanuun kaga yimaado maaha oo kaliya kuwa aad taqaan,balse xanuun kastaa wuxuu leeyahay sababo aan xattaa ku iman karin inay u hogaansamaan qalabka shaybaadhka,waxaana dhacda adigoo buka in lagu yidhaa waxba ma qabtid oo nigitif ayaad tahay,ama adigoo dawada cunaya aad bogsan waydo.

Waxaan allaah ka baryayaa inuu ina garansiiyo sida saxda ah ee lagu ceeshi karo inagana ilaaliyo aafooyinka qarsoon iyo kuwa muuqda intaba inagana dhigo kuwii marka hore dadaala ee aan marka danbe carcararin,waxana allaah aan ugu mahad naqaynaa inoosoo dajiyay dawada xanuun kasta lagu bogsiiyo waa qur,aanka iyo sunaha rasuulka maxamed s.c.w waxana intaas ku gabagabo ah qormooyinkii sadexda ahaa ee ka hadlayay garashada nooca cudurka

Gebagebo


Rugta Caafimaadka isku daaweynta daawada dhirta ee Sh. Jaabir
IHSAN HERBAL CENTER

Kala xiriir:
Tel : 0025224436071
E-Mail: hoosiis@hotmail.com
Hargeysa.