Warar, Cilmi, Murti,
Xaliimaa ballaysay 15-06-2007
Eeedadey xaliimaay xiddigtii dhulkeennaay
inta ay xayaatadu xididdada dhaqaajee
ee adi xidhkaagiyo xeradaada yimid baa
waxay kugu xusuustaan martidood xurmaydiyo
qaraabada xiriirkeed.
Maansadan Xaliimaa Ballaysay oo soo baxday 15-06-2007 waxay ku timid markii aan arkay eeddadey Xaliima Axmed Mud Farax Afrx, halkeedana ka sii wad:
Soomaali xeerliyo dooxadaan xamxamtiyo
la xadraysa maanaa ee kii xujoobee
an xajiinta laga rogin iyo beer xagaafiyo
kii xoolo dhaqataa intuu xaaluf haystee
abaaruhu xiraayaan xuurteeda mooyee
markay roobka xiimiyo mahiigaanka xoogga leh
xoortiisa maalaan bay is xaasidaanoo
qof kastaa xaqiisuu xumo uu u diidiye
inta kalese xaaqdiyo xabaalaha qabuurtuu
la rabaa xaggoodee.
Eeddadey xaliimaay xaawaley dhexdeediyo
xasanley ha joogtee xiddigtii dhulkeediyo
xeebihii galbeedaay.
Inan xarafka maansaad xididkiisa aan qoro
waxa igu xambaaroo igu sii xaraadiyey
ummaddaas xujeysane xamar baallihiisiyo
xarardheere joogtoo xasuuqaysa maatida
in yaroo xakiim lahoo faro ay xisaabaan
mooyee xanaaqsanoo xusul duubka ugu jira
xoolo ay lahayn iyo xaaraanta cuniddeed
yaan yaabka xoolkiyo galay xaafaddiisoo
ruux ku xaasidaayoo ubadkaaga ximayoo
xumahaaga sheeegoo ku xamaaya waayee
Eeddadey xaliimaay, xasanaadka khayrikiyo
wanaaggaaga xiiso leh ma xisaabi karayee
aan mid uun xariiree xudduud waxad maraysaa
inay xaawallayduba foosha ay xakaaraan
hadday gabari xaystoo xamdi loogu magac daro
ay ugu xiddeeyaan faan ugu xinneeyaan
xaliimaa Ballaysoo xumaan mayso gabadhani.
Xaaladdaa darteed baan xoolo aan ku siiyaa
gudi karin xaqaagee xakiimkey ilaahay
xayyi waxan ka tuugaa inuu xiiq adduunyiyo
xanuun kaa ilaalshaa oo xuudka jira iyo
belo kaa xijaabaa.
Berritona xisaabtiyo xananlow siraadkiyo
kaa xoreeyo naartoo xariirtii firdawsiyo
ku xashaashto raaxadi ood xabiibka Nabigiyo
xertii meel la joogtiyo xigtadiisa jannadiyo
xuural caynti kugu daro.
AAMMIIN AAMMIIN
| This entry was posted by admin on 26/02/2010 at 13:43, and is filed under KAATAGOR. Follow any responses to this post through RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed. |