Warar, Cilmi, Murti,
Malafsiga adduunkiyo macmacaanku wuu hari!
Masaakiintu madashiyo mawlahoodi bay sugan,
oo muddaa u taalla e, mujrimyohow habaarani
muhdiyohow aroortiyo, miranaaya leylkii
agoon moora duugtaa, oday muudde xoogtaa
ka maroojisaa habar, malafsiga adduunkiyo
macmacaanku wuu tegi, muruqaagan xooggiyo
ismaqiiqu wuu go’i, sakaraadka murugta leh
miyirkaa lagaa tebin,
dabadeed maraaryohow xaaraanta muudsada
maradii caddayd oon mirif kale lahayn baa
inta maraqyo loo jaro luguguna maroojaa
god madow laguu hoyn, maalkaad dhacaysiyo
ehelkii markuu tago, een hal maalin daa bale
laga joogin dhawr mirir, munkar iyo nakiir baa
waxanaad maleyn iyo mucjisooyin kugu dhigi,
welibana maduulyohow maantadan ad nooshahay,
wax ma dheerid maatiye, caqligaa ku maranoo,
dareenkaa ku maqanoo, ibliis baa ku mayracay,
ee haddaad miskiinyohow, weli geeri moogtahee,
intii aanu mawtkiyo, malak uu ku soo ridan,
masakiinta nabad geli.!
| This entry was posted by admin on 25/02/2010 at 23:53, and is filed under KAATAGOR. Follow any responses to this post through RSS 2.0. You can leave a response or trackback from your own site. |
about 1 year ago
Waa run in malafsiga adduunku micno darro yahay
ee sidaas ma loo ogyahay waaye, waa maya oo haddii loo ogyahay luguma lumeen khuraafaadkan.