Warar, Cilmi, Murti,
AFAR WAA MAHIIGAAN 21-12-2004
Aabbahay macaanow murtidad maanta ii marisay
maahmaahya afarreeya een seegin marinkeeda
aniguna min guurshoon dabeed maanso ku habeeyey
waxaad tiri adoo maarriyoo weliba miisaamay
AFAR waa mahiigaan mushkilo lugu madoobaado
afar baa u maaraa dadkoo ugana moodaane
afar baa macaan malab lahoo muudsi ku idlaata
afar baase mawdahoy nacdaa madashi loo geeyo.
- MUGDI waa mahiigaan indhuhu muuno tirayaaye
dayax baa u maaraa ilaah nugu mannaystaaye
maalin baa kaa fiicano macaan oon madow jirine
maxay uguse taallaa midkaan arag u muuqaynin ?
- COLKU waa mahiigaan hadduu mooro duug yahaye
waxa maaradiisaa col aad meel ku dhurataaye
nabad baa ka fiicano macaan lana macaashaaye
fuley baase meel la’ oon hubseyn mugusha tiisaaye.
- ABAAR waa mahiigaan naflaha lugu maliilshaaye
burka iyo biyaa maara oo luguna moodaaye
aaran baa macaan iyo rahdoo meel ka dhaada lehe
maxay uguse taallaa midkii xero madow jooga ?
- NAAG XUN waa mahiigaan beliyo good mus kuu galaye
xidid baa u maaraa hadduu kuu miciinayo e
gaari baa ka fiicanoo man iyo miraha doocaana
doqon baase maydoon lahayn meel la mariyaa dheh..
————-0————
| This entry was posted by admin on 23/02/2010 at 20:15, and is filed under KAATAGOR. Follow any responses to this post through RSS 2.0. You can leave a response or trackback from your own site. |