Warar, Cilmi, Murti,
Hoyataye Allow Hooyadey 18-12-2004
Kariimow hanuun kii lahoon hadimmo gaareynin Keli hodon keligi hayste aan lugula haamboorin hadduu horin u hiishiyo hadduu uunka wada haysto midaad hiiftay baan weligi helin wuxu u haaraaye ma hargalo midaad hoojinood nolol ka haateehe ma harqamo midaad haaban ood huub ka bixinayso! Ma dulmidid hal khayrliyo midan diinta haramayne qof kastana wuxuu halabsadaad hoorso oraneehe welibana in heelaad tirtaa hore u dhaaftaaye. ……… …….. Aniguna halkaas baan ihiyo hebel sidiisaaye ibliis bay hayoon haatan aan la herjedaayaahe inu igu hiluu doonayaa waxay halaajaaye anna sida nin beer haad ka galay maro u haataaya hoyhoyda qayliyo car baan ku hurgufaayaaye. Haddeer baan afeef hiishan oon hoolka sii dhigane allow waxan hilmaamiyo waxaan khalad u soo hoorsho helay inad cafee labada ood hooli ood tiriye halgankaanse shaydaanka baas kula haliilaayo halgaaddaan ku rido een holeen dhagax ku hoobaayo haleeshii wadnaha oo la xoor waan ku haybsadaye Waa hudur ibliis cadow ahoo hooro weyna ahe kama haysto hibo tiisa iyo halo kuwiisaaye ma arkayo halkuu joogo iyo muuqa haraggiise isna haragga kaygiyo bal daa heegadaa sare e himmogolobka dhiigguu hurdaa kuna hoyaadaaye. Waxan hooska kiisiyo arkaa hootadiyo soorka yaan ugu hujuumaa halkaan ugu hagaagaaye amaan hiil u doontaa halkaan uga helaayaaye hortaydaa wax joogoon arkeyn ina huruufaaya maaro looma haayoo allaa lugu halleeyaaye. Yaa haaddi haad loo kacaba hiil adaa gala e oon hibada ruux haybiyaa kugu ahayn hawle sacabbada anoo hoorsanoo sare u haataaya yaan hoorka daadinoon ilmada hibitiqleynaaye oon luqunta hoogaaminoon hebed ahaanaaye. Sida ruux gu’yaal haajiroo waalli ku hadaafay shimbiraha la heesaaya oo awdka ku abaaday oo aan heddiyo kala aqoon waxa u hiillaaya haamaan ka dhaanshaa hawiyo gebiyo haawaahe haarahad arkaysiyo allow haraggan soo duubmay oon dhidid u hooraayo oon una hinraagaayo waxa saa harraad ii gelshiyo heenkan iga muuqda oon arar u soo horay marshiyo ereya hawraara hooyaan galliinkeed ahoon kuuna hoos imide iga yeel waxaan kaa hamoon kaana haybsanayo! Hooyo aaminood uumatood lugugu hayseynin - hambalyiyo carfuudiyo dhulkii heer nageys degayey noloshiyo hiddihi aabbeheed lama huraankiiya dab-ku-dhabe habaaskii jiriyo boor hawada buuxsha higlaygii jaleel beerahay haad ka dhicinaynsey habeen dheelmad himamawgi ay ariga hoobaydey lebimaay hareerteedi iyo hubuqdi xaasweyne haadaanti doloq iyo dhegliyo meelo hagardaamo oo hantaatiqeeyoo fartiyo suulku kala haaday hanfigii warshubo oy darxumo ugu hagoogeysey oo biyaha laga haybsho oo jiro harraad weyni oo fuusto laga hoorsho oo la isku haaraamo omasooro lugu hoobtay ee looga haajirayna hooyadey halkaas bey cidlada keli ku hootowday oo adaa warkeed haaya oon lugu hor boodayne unbuu malaga haadaahi yimid hiifta uga qaaday way ka soo huleeshoo adaa soo hayaamiyaye Hooyo aaminood uumatoon lugugu hayseynin adduunyadi adoo soo hayoo soo habeynahayey baad eebbe soo oofsatood soo hayaamidaye allow soo hijrootoo adduun kala hadaafeene allow kuu hilowdoo adey kuu hanweyntahaye mana hayso ciday hoos tagtiyo hoysimaad kale e hoyataye allow hooyadey hara jannaad seexi oy raaxo huruddaa allow kana haraa daalki! Hanfi bay ka soo haajirtiyo horor adduunyaade hoobaan bislaatiyo alloow hohob cagaar weyn leh! Hawlihii adduunkee allow muuqi harameeyey har qabowleh hodonaan dhammaan hoo dheh idankaaga! Habrihii xantiyo duunyadey shalay ka haareysey hablo xuural caynoo allow sheeko halabsiiya! Anigana ducey ii hurtoy ii huleelidaye inta aan hareeraha adduun joogo hammadayga iyo ubadka aad haaddi’ow hibada ii siiso iyo ehelka kaygee halkiyo aakhiraw hoyaaday nugu hay halkii loo bogee huurka laga dhawray oo nolol hagaagtiyo nasii caafimaad hanada hadhowtana haleeshii naftaan hooyadood gacalo iyo nabigi reer haashimee ina hoggaamaayey.! .!
| This entry was posted by admin on 18/02/2010 at 07:39, and is filed under KAATAGOR. Follow any responses to this post through RSS 2.0. You can leave a response or trackback from your own site. |
about 1 year ago
A/C, waa ilaahay ahaddiye iska warrama, ma la nabad qabaa?