1- JUXA & MAQAAYADLIHII:

Juxa ayaa u soo galay meel lagu gado xalwada iyo Suqaarka, kadib ninkii xalwada iibinayey ayuu ku yiri xalwo ayaan rabaa ee iga iibi, Juxa markii xalwadii la siiyey ayuu yiri Xalwadaan way xuntahay, oo ma rabo, mana cunayo ee iigu beddel Suqaar, markaas kadib Juxa intuu suqaarkii cunay oo ka dhergay ayuu isaga oo aan lacagtii bixin iska baxay. Maqaayadlihii ayaa ka daba qayliyey Juxa oo yiri, war Hooy Hooy Hooy kaalay, maxaad u tegeysaa adiga oo aan bixin lacagta Suqaarkii aad cuntay? Juxana wuxuu yiri Suqaarka sow beddelkiisii kuma siin oo Xalwadii xumaatay kuuma celin, maqaayadlihiina wuxuu yiri Xalwada xataa lacagteeda ma aadan bixin, Juxana wuxuu yiri xalwada maxaan lacagteeda u bixinayaa, ma aniga ayaa Xalwo kaa cunay markaan bixinayo, sow kuuma celin iyadii dhammayd markay xumaatay, Maqaayadlihii intuu hadalka Juxa ku wareeray ayuu run u qaatay oo yiri haye orod iska bax.

2- JUXA & DAMEERKII KA LUMAY:

Juxa oo Dameerkiisii ka lumay ayaa ku qayliyey (war yaa dameerkaygii arkay ilaahay baa mahad lehe, war yaa dameerkaygii arkay ilaahey baa mahad lehe, war yaa dameerkaygii arkay ilaahey baa mahad lehe?), dadkii baa Juxa ku yiri oo ma waxaad ilaahay uga mahad celinaysaa dameerka kaa lumay? markaas buu Juxa yiri, haa waan uga mahad celinaa, sababtoo ah markuu Dameerku lumayey haddii aan korkiisa saarnaan lahaa sow saacaddan aniguna lama lumeen ? kkkkkkkkkkkkkkkk

3- JUXA & GABADHIISII YARAYD:

Juxa ayaa Gabar yar oo 3 jir ah oo uu dhalay ku yiri ii soo qabo dhalada weyn ee miiskaas saaran, markay gabadhii xaggii miiska u dhaqaaqday ayuu yiri kaalay kaalay kaalay, markay soo noqotay oo u timid ayuu dharbaaxyo ku dhiftay oo la tuuray, gabadhii oo ooyeysa ayaa niman Juxa la fadhiyey ku yiraahdeen oo maxaad gabadha yarta ah oo saqiirta ah u dishay, markaas buu Juxa yiri, waxan ka baqay inay dhalada iga jebiso, nimankii baa ku yiri oo hadde miyey weli kaa jebisay, markaas buu Juxa yiri, markay iga jebiso kaddib dharbaaxadu waxba iima tarayso oo dhaladii ay iga jebisay ii soo noqon mayso, marka waan ka sii hor maraa intaysan iga jebin.

4- JUXA & DADKII WAALNAA:

juxo ayaa lagu yiri juxow noo tiri dadka waalan ee ku nool tuuladeenna, markaas ayuu Juxa yiri taasi way igu dheeraanaysaaye waxa ii fudud inaan tiriyo dadka fayow, wuxuuna Juxo hadalkaas ka wadaa, in dadka waalan ee tuuladooda joogaahi ka badanyihiin dadka fayow, oo dadka fayow dhawr qof keliya yihiin. kkkkkkkkk

5- JUXA & NAAGTIISII UURKA LAHAYD:

Juxa oo naagtiisa 3 bil qabey ayey tiri Fool baa i haysee taksi ii keen oo isbitaalka i geey aan soo dhalee, Juxa ayaa naagtiisii ku yiri oo sow 9 bilood naaguhu kuma dhali jirin, Naagtiina waxay tiri haa, markaas ayuu Juxa yiri hadde ma annagaa weli gaarnay 9 bilood, markaas ayey Naagtiisii tiri: aniga iyo adigu sow 3 bilood isma qabin, markaas ayuu Juxa yiri wuxuu yiri haa 3 bilood waan is qabnay, haddana Naagtii waxay tiri, sow adigu 3 bilood Naag ma aadan qabin? Juxa ayaa haddana yiri yiri haa naag waan qabey 3 bilood, haddana Naagtii waxay tiri, sow ilmahan calooshayda 3 bilood kuma jirin?, Juxa wuxuu yiri haa, markaa naagtii waxay tiri hadde oo sidaas 9 bilood kuma ahan? markaas ayuu Juxa yiri haa 3 bilood ayuu calooshaada ku jirey, markaas ayey naagtii tiri, hadde maxaad rabtaa hee, marka la isku daro 3 bilood & 3 bilood & 3 bilood sow 9 bilood iskuma ahan, markaas ayuu Juxa yiri haa sax waaye, raalli iga ahaw isku darka xisaabtaas ayaa maskaxdayda ka maqnayde. kkkkkk

6- JUX & SUBAXDA HORE:

Juxa ayaa la weydiiyey, Juxow markay dadku subaxdii hurdada ka soo kacaan oo ay guryahooda ka baxayaan, maxay 4 ta dhinac u kala aadaan, oo ay hal dhinac u wada aadi waayeen? Markaas buu Juxa wuxuu yiri caqliga miyaad la'dihiin, dadku haddey hal dhinac wada aadi lahaayeen, sow dhulku hal dhinac culaysku kama wada fuuleen oo ma rogmadeen, annaga dhanna ma dhimanneen? kkkkkkkkk

7- JUXA & SHIMBIRTII HALKA LUG:

Juxa ayaa maalin wuxuu Boqorkii magaalada ku yiri, Boqorow, Shimbirta hebla la yiraahdo oo hilibkeedu aad u macaanyahay ayaan kuu soo karinaa, Boqorkiina ku yiri haye ii soo kari, Juxa markuu u soo kariyey ee uu soo qaaday ayey intuu jidka soo socdey gaajo qabatay, kadibna labadii lugood ee shimbirta ayuu hal lug ka cunay oo is yiri boqorku ma fahmi karo. markuu Juxa u keenay hilibkii shimbirta ayuu boqorkii arkay shimbirtii oo ay hal lug ka maqantahay, markaas ayuu yiri Juxa aaway lugtii kale ee shimbirta? Juxana wuxuu yiri boqorow shimbirta noocan ahi ma lahan 2 lugood oo waxay leedahay hal lug keliya, Boqorkii ayaa yiri siday ku dhici kartaa, weligey ma aanan arkin shimbir hal lug keliya lehe. Juxa ayaa boqorkii wuxuu ku yiri anigaa hadda ku tusaye inay runtey tahaye, kaalay fiiri waa kuwa halkaas taagtaagane, markaas ayuu tusiyey shimbirihii oo xeebta badda hal lug ku taagan, sababtoo ah lugta kale marka ay taaganyihiin way laabaan oo waxay ku qariyaan duftooda iyo baalasha hoostooda, boqorkii markii uu arkay ayuu intuu aad u yaabay, askartiisii mid ka mida u diray oo yiri bal waa yaabe orod soo fiiri, askerigii oo ul weyn wata ayaa ku orday shimbirihii xaggoodii, markay shibirihii arkeen askerigan soo ordaya ayey kala carareen oo labadoodii lugood la arkay, markaas ayuu boqorkii yiri, juxow maxaad beenta iigu sheegtay sow kuwaas shimbiruhu 2 lugood leh? Juxa ayaa markaas yiri, boqorow usha weyn ee askerigaagu shimbiraha kula orday, haddii askartaada lugula soo ordo nin kasta wuxuu yeelanayaa 4 lugood. kkkkkkkkkk

8- JUXA & NAAGTIISII WEERSHADA:

juxo ayaa qabey naag weershe ah oo hal wax kasta u arkaysey 2 wax, markuu qadadii keenay hal weel iyo 2 rooti si ay labadoodu u cunaan, ayey ku tiri oo waxa nugu filnaa hal weel iyo labo rootiye maxaad labada weel iyo 4 ta rooti u keentay? Juxana intuu farxay ayuu yiri maashaa allaah, barwaaqo badanaa, markaas ayuu si uu u cuno u fariistay, laakiin Naagtii oo shaydaan ku kacay oo xanaaqsan ayaa weelkii macal cuntadiisii ku soo tuurtay iyadoo leh ninkan kale ee kula socda ma waxaad guriga iigu keentay inuu i fiirsado, Juxa oo fahmay inay isagana 2 nin ahaan u aragtay ayaa yiri xabiibteydey wax kasta labo-labo u arag aniga maahane! kkkkkkkkkkkkkk

9- JUXA & TUMAALKII:

Maalin maalmaha ka mida ayaa Juxo wuxuu nin Tumaal ah oo birta tuma u keensaday Biro si uu uga sameeyo Faas & Masaar, tumaalkii birtii Juxa intuu isagu isticmaalay ayuu markuu Juxa soo doontay Faaskii & Masaartii loo sameynayey ku yiri Juxow anigu kuuma samaynin Faas iyo Masaar, sababtoo ah, isla markii aad ii keentay birta ayaan birtii oo uu cunay Doolli. makraas Juxo intuu fahmay inuu Tumaalku tuug yahay oo uu birtiisii isagu isticmaalay oo ka samaystay Faas ama wax kale ayuu wuxuu iska dhigay nin hadalka tumaalka rumaystay oo run mooday, wuuna iska baxay, maalin kale ayuu Juxa intuu arkay wiilkii tumaalka oo meel maraya ayuu intuu afduubay uu gurigiisii u watay, tumaalkii markuu wiilkiisii waayey ayuu meel walba ka raadiyey oo dadka dhan wey weydiiyey ayuu markii dambe Juxo weydiiyey oo ku yiri, Juxow wiilkaygii baa iga lumaye ma aragtay, Juxana wuxuu yiri haa, shalay waxan halkaas ku arkay shibir qoolley ah oo wiil sidata, tumaalkii ayaa yiri Juxow been badnidaa, ma shimbir ayaa wiil qaadi karta? Juxana wuxuu yiri haa meesha ay doolliyaashiisu biraha cunaan, Qoolleyduna wiilasha ayey qaadi kartaa, tumaalkii intuu fahmay inuu birtii uu Juxa ka khiyaanay darteed uu Juxo uga aarsaday oo wiilkiisii isagu ka qarsaday ayuu Juxa birtiisii u keenay oo yiri, Juxow birtaadii waa tane adna wiilkaygii i sii, markaas ayuu Juxa u keenay tumaalka wiilkiisii. kkkkkkkkkkkkkkk

10- JUXA & BISHA CUSUB:

Juxa ayaa la weydiiyey oo lugu yiri Juxow marka ay bisha cusub dhalato aaway bishii hore xaggey aadday, markaas ayuu juxa yiri: dadka ayaa jarjara oo xiddigo ka sameeya.

11- JUXA & JAWAANKII SONKORTA:

Juxo oo u safraya magaalo fog ayaa qaaday jawaan sokor ah, markaas ayey dadkii ku yiraahdeen Juxow maxaad jawaankan sonkorta ah ee aad la safrayso ku falee, markaas ayuu Juxa yiri, waxaan ku falaa, Cidladu way qaraartahay ama way xaraartahay oo cidlada ayaan ka weheshanaa. kkkkkkkkkkkkkkkk

12- JUXA & NINKUU ALAABTA LA QAADAY:

Maalin maalmaha ka mida ayaa Nin sitey alaab culus nin kale ku yiri war ninyohow alaabtan ayaan qaadi waayee kaalay ila qaad, markaas ayuu ninkii yiri haddii aan kula qaado maxaad i siinaysaa, ninkii alaabta lahaa ayaa yiri waxba, markaas ayuu yiri waa yahay oo alaabtii la qaaday, markuu meeshii uu rabey la geeyey ayuu yiri haye i sii xaqayga, ninkii alaabta lahaa ayaa yiri xaqaad igu leedahay muxuu yahay, sow markaad i tiri maxaad i siinaysaa kuma dhihin waxba, xamaaligiina yiri haye i sii dee waxbadii, isna wuxuu ku celiyey war anigu waxba kuma siinayaan ku iri, markii ay isku wareereen ayey isula tageen qaalliga magaalada. Qaalligii markuu dhegeystay dacwaddii labadii nin ayuu ninkii alaabta lahaa ku yiri, waa runtiise maxaad u siin weysay wixii aad u ballan qaadday, ninkii alaabtuna yiri qaalliyow anigu ninkan waxba uma ballan qaadin oo markuu maxaad i siinaysaa i yiri waxan ku iri waxba, qaalligii ayaa intuu u jeestay ninkii dacwoonayey ku yiri waar yaa, sajaayadda meeshaas taalla soo geddi ee waxa ku hoos jira qaado, ninkii xamaaliga ahaana intuu sajaayaddii ku orday oo soo geddiyey ayuu waxba ka waayey markaas ayuu qaalligii ku yiri war ma soo rogtay, markaasuu yiri haa, qaalligii ayaa haddana yiri maxaa ku jira, markaasuu xamaaligii yiri waxba, markaas ayuu qaalligii yiri dee orod qaadoo waxbada oo soco iridda ka bax.

13- JUXA & NAAGTII KA DHIMATAY:

Maalin ayaa Juxa Naagtiisii ka dhimatay mana u ooyin oo xataa uma murugoonnin, maalin dambe ayaa hadda dameerkiisii ka dhintay, markaasuu aad u murugooday oo aad u ooyey, dadkii dhammaa ayaa la yaabay oo ku yiri oo Juxow maalintii Naagtaadu kaa dhimatay ma aadan ooyin oo xataa ma aadan murugoone, waa maxay dameerkan aad u ooyeyso, markaas ayuu Juxo yiri: naagta deriskaa ii yimid oo i yiri ha ka welwelin annagaa naag ka fiican ku siinayna, wayna i siiyeen, dameerkase qofna iima imaan, markaas sow gar maahan inaan aad u murugoodo. kkkkkkkkkkkkk 14 kitaabkuu aqri waayee ninkii yiri xaggee laga keenay buuggan, xalab, yaa ku yiri buugta xalabi buu aqriyaa ? 15 jaarkiisuu digsi ka qaatay umana celin, markey ka soo doonteen ayuu siiyey digsigii iyo digsi yariisa, waa maxay markey dhaheenna wuxuu yiri digsigiinnii ayaa idiin dhalay, way ku farxeen wayna qaateen, ayaan dambe ayuu haddana ka soo qaatay digsi aad u weyn kana qaalisan kii hore, markii ay ka soo doonteen ayuu dhahay allaha u naxariistee dhawr maalmood kahor ayuu dhintay, oo siday ku dhici kartaa ma digsi ayaa dhinta, juxa wuxuu yiri oo dhalidda waad rumaysanaysaan dhimashadana waad beensanaysaan ? 16 Wan uu korsanayuu yiri xus ayaan ku samaysanayaa xilliga jiilaalka, ayey yiraahdeen qiyaamadiiba berri ama saadambey dhacaysaaye keen aan kuu qalnee, markey ku celceliyeen oo uu aqbalay ee la gawracay ayey ciyaad iska aadeen, isna markuu arkay inaysan caawinayn ayuu dharkoodii oo dhan dabka ku shubay, markey hilibkii u soo laabteen oo ay dagaal ku qaadeen wuxuu ku yiri maxaad dhar ku falaysiin marba haddii berri ama saa dambe qiyaamihii dhacayo ? 17 Juxoo dabaqa u sarreeya saaran ayaa nin albaabkii hoose garaacay, daaqadduu ka fiiriyey oo maxaad rabtaa yiri, ninkii wuxuu yiri soo deg aan kuu sheego waxaan kaa rabee markuu u degeyna wuxuu yiri miskiinaan ahay saddaqaan kaa rabaa, juxo wuu xanaaqay wuuna ka qariyey xanaaqiisa, wuxuu yiri na keen, sidii u wadey markuu dabaqii sare geeyey ayuu yiri adeeg alla, oo maxaad hoo siigu dhihi weysey, oo adigu maxaad ii soo dejisey oo aad kor iigu dhihi weysey saddaqaan kaa rabaa ? 18 ari jirihii uu ku yiri waa rabaa dheh gabadha boqorka, ee uu dadkiina ku yiri meel dhowaad ig tuurteene haddaad gudaha igu sii tuuri lahaydeen anoo Lo' iyo geelna wata ayaan imaan lahaa. 19 juxoo meel saxara ah ciidda faagaya oo leh caad ayaan ku calaamadsaday mana arko calaamaddii ? 20 Juxa yiri boqorkaa i yiri ma ii bari kartaa dameerka anna lacag jacaylaa i qaaday oo waxan ku iri i sii muddo 20 sano ah si aan dameerkaaga kuugu baro aqriska iyo qorista, markuu meeshii ka soo baxaa mid ku yiri dobbaalyohow sideed u aqbashay shaqadaas, isna yiri 20 ka sano ama boqorka dhimanaya ama anaa dhimanaya ama dameerkaa dhimanaya, haye hee yaa axmaqsan labadeenna ? 22 waan lugaynayaa waxanna faa'iidayaa hal dameer intaan fuuli lahaa ee aan hal dameer khasaari lahaa. 23 maalin baan aniga oo dameerka saaran oo beerta ka imid is iri tijaabi inuu cawskan qallalan ee beerta ka keentay dab qaban karo, markaan shidayna aad buu u holcay, dameerkiina markuu gubtuu xaggii beerta u orday, waxan ku iri doqonyahow haddaad caqli lahaan leedahay xagga webigaad u ordi lahayd. 24 ma dameeraad rumaysanaysaan aniga oo jaarkiinna ahna waad i beensanaysaan ? 25 waxan u keenay suuqa in la ila arko dhibkaan ku qabo. 26 Dameerka na sii maantay yiraahdeen jaarkeygu anna ku iri i suga aan la soo tashtee, dhex ayaan ka soo baaltay oo ku iri wuu diidoo wuxuu yiri si xun bay ii rarayaan oo waa i garaacayaan sida ay maalin walbaba aniga iyo adigaba noocaayaan. 27 anigoo suuqa iib ugu sii wadaan arkay santiisoo wasaq leh, intaan jaraan dambiisha ku ritey, markey yiraahdaan aad boo cajabiyey balse ceebtaas buu leeyahay, ayaan ku iri waxba ha ka welwelina taas horta aan lacagta ka heshiinno sayntu waa diyaar oo waa tan dambiishey iigu jirtaaye. 28 Nin aan dameer ka gataa igu sharday inay shaqadiisu noqoto inaan Fajal ka iibiyo cidihii uu ka iibi jirey, markaan ku sii dhawaa guryihii oo aan rabo in aan naadiyo fajalkii ayuu igaba hormaray isagoo qaylo cirka ku daraya, waxan ku iri axmaqyohow maadaa fajalka iibinaya mise aniga? 29 suuqaan u iib geeyey dameer doqona oo caajislow ahaa, markaa baa dallaalkii bilaabay naadin oo uu yiri yaa gadanaya dameer joog weyn, taallo dheer, wax ceebana aan lahayn, markaa baan xoogaa fikirey, aanna iri wallaahi anaa gadanaya, markaabaan lacagtii siyaadiyey oo kii siyaadiyaba anigaa ka sii kordhiyey ilaa aan anigu ku guulaystay, kaddibna lacagtii dallaalkii ayaan siiyey, markaan islaantii u sheegay wixii dhacay ayey tiri allaha ku barakeeyo odaygeygow anna caqli badnidayda ayaan kugu caawinayaa, malab iibiyihii ayaan isaga oo aan ogayn markuu ii miisaamayey ayaan dahabkeygii dul saaray miisaankii malabka si uu u cusleeyo sidaas ayaanna ku soo qaatay, waxan ku iri allaha ku barakeeyo xaaskeygey anna dibedda noo qaabilsanahay adna gudaha, guriguna wuu cammirmayaa. 30 naagteydaan weydiiyey sideen ruuxa maydka ah iyo kan nool ku kala garan karnaa, waxay tiri gacmaha iyo lugahaa qabooba, maalin qabow jiro anoo meel saxaro ah maraya oo dameerkeyga saaran ayaan dareemay qabow gacmaha iyo lugaha markaas ayaan gartay inaan mayd ahay, dameerkii ayaan ka degey dhulkaanna is bilqay, uuley ayaa dameerkii soo weerartay markaas ayaan fiiriyey oo ku iri doqommayohow ma dameerkii ninkii lahaa dhintay oo uusan idinka difaaci karin ayaad cunaysaan, wallaahi haddaan noolaan lahaa maanta waad idin layn lahaa sawirrayohow. 31 isagoo baahanaa biyo kulul loo soo dhigay isagoon iska hubin ayuu qaaddo weyn ku qaatay markuu dareemay holaca afka ilaa caloosha ka baxaya ayuu suuqa dhex orday isagoo qalinaya ha ii soo dhawaanina calooshay dab ayaa ku jiree. 32 kitaabkan dad waaweynaan ku tijaabiyey oo ku dawoobay ee adna carruurta ku tijaabi. 33 digaagad mashwiya isagoo cunayaa nin baahi darani hayso ku yiri cad iga sii, wuxuu yiri wallaahi saaxibow ma lihi, sowdigan cunaya, maxaan sameeyaahe islaanteydaa i siisoo i tiri cun. 34 baddii ay boolanbooladu uga carartuu rotihuu ku daaranayoo yiri haddii ad iyadu ku dhaafto yuu maraqeedu ku dhaafine ku daaro. 35 Sa'ala rajulun juxaa .............. 36 bidixdoo weesadii ka go'duu la boodbooday sidii AWZ-ta yirina ma weeso qabto. 37 Amiirkaa yiri waa immisa ciyaalkaagu, waa 7, wuxuu siiyey kiiba 100 dirham, markuu baxuu jidka ka soo laabtay isaga oo leh, mid baan illoobay amiirow aan sida ciyaalkaad lacagta siisoo kale uga masruufo maalkeyga, amiirkiibaa yiri oo waa kuma kaasu, juxa wuxuu yiri waa aniga amiirow oo u weyn ciyaalkeyga. 38 Mu'addinkii uu yiri maxaan hee kuu qaban karaa awelbaad fuushay geed aan la gaari karine. 39 Inta taqaani ha u sheegto intaan aqoon. 40 isagoo tuulo maraya ayaa mid damcay inuu la kaftamo markaabuu yiri war ninyohow adiga kuma aqaan dameerkaagaan aqaannaa, markaa buu yiri taasi waa shey dabiici ah waayo dameeruhu iyagaa is yaqaan. 41 isagoo musqushiisa ku jira oo ay tahay maalin aad u deggen ayuu hees iska qaaday, markaabuu is cajabiyey oo yiri codkaan macaanka badan leh maxaad uga baqaylee walaalahaaga muslimiinta, isla markiiba wuu soo booday oo xaggii masaajidka aaday, aadaankii duhurka waxyar kahor ayey ahayde wuxuu fuulay minaaraddii aadaanka, markaas buu tasbiixdii aqriyey, dadkii jidka marayey ayaa aad uga xanaaqay codkiisa foosha xun, war waxyohow codkaagaan foosha xun ee laga argagaxayo saaxatul qanfuurka nagala aamus, wuxuu yiri haddii mid khayr qabe ahi musqul iiga dul dhisi lahaa minnaaraddan waxan idin maqashiin lahaa cod aad ku illowdaan midka bulbulka. 42 wuxuu ku riyooday isaga oo nin weydiistay 10 shilin, ninkiina 9 siiyey ee uu ku diiday isagoo ku xanaaqay markey isla buuqeen ayuu hurdadii ka kacay, ciil ayuu yiri bal maan sagaalkba iska qaato, intuu orday oo sariirtii isku tuuray oo go'ii isku daboolay ayuu iska dhigay wax hurdaya oo riyoonaya markaa buu gacanta taagoo yiri haye keen sagaalkaba raallina ahaw ha iga xanaaqin. 43 saaxiibkiis ayey ugaarsi isu raaceen, uuley ayey arkeen ugaarsada ayey maageen wuu ka carary markaasuu god galay, saaxiibkiis ayaa godkii fiiri is yiri oo madaxii la galay, uuleydiina madaxiibay ka jartay, juxa ilaa hal saax ayuu meeshii dul taagnaa isaga oo saaxiibkiis sugaya, markii dambe ayuu gadaal u soo jiidey oo arkay inuu bilaa madax yahay, wuxuu ka shakiyey inuu madax watey markuu soo raacayey, xaafaddii buu ku noqday oo naagtiisii weydiiyey saaxiibkay saakay markuu guriga ka soo tegayey madax ma watey ? 44 naagtiisaa aragtay isagoo timirta lafaheeda aan tufayn ee laqaya, wuxuu yiri ninkii iga gaday lafaha wuu ku miisaamay isaguba kama reebine maxaan uga reebayaa, ma lacagtedii aan arkayo ayaan tuurayaa ? 45 tartan fardaha ayuu dibi duq ah u soo kaxaystay wuxuuna yiri anigaa horey u tijaabiyey 10 sano jahor ayaan goob joog u ahaa isaga oo shimbiraha dhulka ku ordaya la boodboodaya, hadda maxaad u malaynaysaan ? 46 aJuxow caalim baad tahaye su'aal baan ku wqeydiinaynaaye, dduunyo waa immisa dhudhun, maydkaas weydiiya isagaa aduunyo dhudhumiyey kana socdaye. 47 nin buu juxo weydiiyey madhabtiisa, isagoo khushuucsan oo is jebiyey ayuu yiri amiir taymuur, nin baa yiri ya sayiddii weydii nabigiisa, juxo wuxuu yiri maxaan ka weydiinayaa, hadduuba amiirkiisu yahay taymuur lugey, dabcan nabigiisuna waa xankiiz dhiibgaya cab. 48 waa runtaa buu yiri juxo laakiin waxan ka baqayaa in tasbiixdiisa iyo tahliisha saqafku ku keento inuu qalbi jilco oo aniga igu dul sujuudo, sujuud dheer. 49 ha la ii soo helo kiiskii iga lumay haddii kale waxan sameeyo waa la ogaan doonaa, dadka oo ogaa inuu nin caana ayahay ayaa aad u baqay siday u raadinayeen ayey soo heleen, maxaad samayn lahaydaa la yiri, wuxuu yiri shamac duq ah ayaan hasytaa oo aan ka samaysan lahaa kiis. 50 waxan qasnadda isugu qariyey waxan ogaa in aadan waxba guriga ka heli doonin, markaa xishood baan kaaga dhuuntay. 51 naatuu ku yiri saddaqaa nugu waajibtay ee aan qalno, waayo haddaadn qamiiskayga xarigga saaran ku dhex jiri lahaa markey dabayshu qaadday haddaan ku jiro waan burburi lahaa. 52 khulafadidi banil cabbaas kulligood naynaasyahoodu waxay ahaayeen ALMAQFIQU BILLAAH, ALMUTAWAKKILU CALALLAAH, WAL MUCTASIMU BILLAAH iwm, haddaan ku jiri lahaa maxaad igu habboonaan lahaa, juxo wuxuu yiri: NACUUDU BILLAAH. 53 qaadiyun finnaar, bal qaadiyaani finnaar, marna waxan qalday in taajirku badal faajir, lafii jaxiim, qaadigii iyo taajirkiiba way isku yaxyaxeen. 54 Maalinbuu aadaamay oo haddana orday, oo maxaa dhacay, waayo waxan rabaa inaan ogaado inta codkaygu gaarayo.
1 - 2 - 3