Micnaha faraha badan ee kelmadda KICID
NoKelmaddaMicnaha
01KacIstaag
02KacKir
03Ka kacHurdada ka toos
04Ka kacSheygan ka kac
05Ka kacBeen baad sheegaysaa
06ka kac baa lugu yirilagaama aqbalin dalabkaas
07Arrintii ka kac bay noqotayfaa'iido way yeelan weysey
08Fartii wuu kacshayWuu aqriyey
09Baabuurkii wuu kacshayWuu shiday baabuurkii ama matoorkii
10Gabadhii way kacaantayGuur bay rabtaa
11Wiilku wuu soo kacayaaKorriino fiican baa ku socota
12Hebel Rag baa u kacayWiilal badan baa u waaweynaaday (oo hiil u ah)
13Agoontii Rag baa u kacaywaa la caawiyey oo wax baa la siiyey
14Dagaalkii Rag baa u kacayWay joojiyeen ama way xalliyeen
15Diyaaraddii way kacdayway duushay
16Baddu way kacsantahayMawjadaheedaa badan
17Baddu way kacsantahayXaaladdu way xuntahay
18Duqu wuu kacsanyahaywuu caraysanyahay
19Sonkortaa ku kacsanCaafimaadkiisa sonkorowgaa (Diabet) liita
20Sicirku wuu kacsanyahaywaa qaali
21Shirkii waa lugu kala kacaywaa lagu heshiin waayey
22R. waa lagu kala kacayraashinkii waa la dhammaystay
23Hebel waa lugu kacsanyahayMucaarad baa lugu yahay
24qiyaamaa ku kacaybalaayaa ku kacday
25Dab baa ku kacayBalaayaa ku kacday
26Dab baa ka kacayGaraa-bidhood baa ka duulay
27Dab baa ka kacayHolac baa ka kacayo way gubaneysaa
28Dukaankii waa kacaywaa musallifay
29Dukaankii waa kacayiib fiican buu yeeshay
30Beertii bay kiciyeenCuneen
31Hebel waa u kala kacdayxaaladdaa u toostay
32Qamiirkii waa kacayindhuu yeeshay
33Dabayl baa kacdayway sufsuf leedahay
34Roobkii waa kacaywuu joogsaday
35Qiyaamuhu wuu kacayaawuu billaabanayaa
36Qiyaamuu ku kacaywax buu khiyaanay
37Xagguu u kacayXagguu aadday
38temperature-kaa kacsanwuu kululyahay
39gaarigoo kacayaaad u ordaya
40fadhiga ka kacdadaal
41doqonu kaama kacdokuuma naxariisato
42ha uga kicinha u naxariisan, bun ha uga dhimin
43KacaanTawrad
44Na kicina keen
45boor uga kiciyeysi xun buu u galay
46ummaddii buu ku kiciyeywuu ku diray
47jiriricaa igu kacdayfiniinixyaa iga soo baxay, ama cabsaday
48waysku kacaycanaanyaa qabatay
49hebel waa lala kacaywaa la xiray
50markiiba waa lala kacaywaa la jebiyey
51waysku kacsanyihiinway dirirsanyihiin
52waysku kacsanyahaywaa wareersanyahay
53wax xun buu ku kacaywax xun buu sameeyey
54rinjigaa ka kacayrinjigaa ka tirmay
55calool kacday waa la dejiyaacalool shubmaysa
56adoon kicin biyaha shubadoon qasin
57lugu kiciyey ( laad,dharbaaxo,..)lugu dhiftay
58lugu kiciyeyriyo lagu tusay
59Cirka kicin baa ku jirawuu di'i rabaa
60Cirka kicin baa ku jiraQof baa dhuusay loo ceeb qarinayo