Xisaabtani waa isku dhuufo, tusaale ahaan, marka 2 lagu dhufto 3 oo noqonaysa 6 waxaa loo dhigaa sidan: 2 X 3 = 6, micnaha ku dhufo waxaa loola jeedaa 2 meel oo tiiba taallo 3 shey, ama guriga cali iyo guriga cabdi oo ah 2 guri, mid kasta waxaa ku nool 3 qof, markaa labadaba guriba waxaa ku nool 3 lagu daray 3 oo ah 6, Halkan hoose lambarrada la isku dhifanayaa waa 1 ilaa 12 oo ku kala yaal laynka u korreeya iyo laynka bidixda u xiga, marka la isku dhiftana waxay noqonayaa lambarka ay isugu yimaadaan ee dhexda ku yaalla, tusaale ahaan, waxan isku dhufanaynaa 4 iyo 8, markaa adoo dul tagan lambarka 4 ee ku yaalla laynka u korreeya, hoos u soo soco ilaa aad ka soo gaarto 20 oo ah halka ay isugu yimaadaan lambarka 5 ee ku yaalla laynka bidix u xiga.